Puntland iyo Terry oo Kala
Saxiixday Heshiis Ku Saabsan in uu Baaran karo Khayraadka
Dabiiciga ah ee Puntland:::
Dubai, Hilton
Hotel |
... Baarlamaanka/XeerBeegta
Puntland oo aan ka doodin Heshiis lala galo shirkado aan
caymis kooda la oqoon... hadana heshiiskaas la galay...
(SomaliTalk.com | DUBAI,
UAE, Aug 31, 2005): Warar caawa oo Arbaco soo geleyso
SomaliTalk.com kasoo gaarey magaalada Dubai ayaa sheegay in
halkaas ay dawlada Goboleedka Puntland heshiis ugu saxiixday
ninka reer Australia ee Puntland looga yaqaan Terry.
Heshiiskaas oo ku saabsan arrimihii maalmahan laga hadal
hayey Soomaaliya ee la xiriira baaritaanka khayradka
dabiiciga ah ee Puntland gebi ahaanteeda in lagu wareejiyo
ninkaas reer Australia.
Dr.Gaagaab
|
Gen.Cade
|
Mr. Terry
|
Wararka ugu horeeya waxay
tilmaameen in Hotel ku yaal Dubai lagu qabtay xaflad loo
dhigay heshiiskaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha
DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse). Waxaana
halkaas joogey dilaaliin Soomaali ah oo la socdey ninka
Puntland looga yaqaan Terry oo ah kan heshiiska loo saxiixay,
ninkaas oo aan la aqoon shirkada uu sheegano meesha ay
deggan tahay.
Ilaa hadda (caawa) ma
jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku
saabsn hiiskaasi waxa ku qoran, mudada loo saxiixay ninkaas
in uu qaadan karo khayradka dabiiciga ah (Macdan iwm),
immisa boqolkiiba ayuu qaadan doonaa, iwm. Sidoo kale lama
oga in arrintan ay DFKMG la socoto iyo in ay DGPL keligeed
heshiiska ku dhiiratey.
Wararka ugu horeeya ee
heshiis kaas Dubai lagu gaarey ka soo baxaya ayaa muujinaya
in sababta loo dedejiyey ay tahay si ninka reer Australia uu
shirkado/shakhsiyaad kale ugu bandhigo in uu haysto heshiis
uu la galay dawlad, heshiiskaas oo u baahan maal gashi,
sidaasna ay ku iibsadaan saamiyo si uu halkaas uga helo
lacag, maadama aan la ogeyn shirkada uu sheeganayo meel ay
ka diiwana gashan tahay, miisaaniyadeeda, dakhrigeeda iyo
cida qabta caymiskeeda.
Heshiiskan waxa uu
Madaxweynuhu la galay Terry ayadoo aan faa'iidado, khasaaro
iyo in maslaxada ugu jirto reer puntland iyo in kale toona
aysan ka doodin baarlamaanka iyo xeer beegta Puntland.
Waxaana reer Puntland
sugaya in ay dawladoodu u soo bandhigto waxa uu yahay
heshiiska dal saddexaad lagula galay shirkad aan la aqoon
saldhigeeda iyo in heshiiskaasi dan u yahay reer Puntland.
Arrinta xagga sharciga ee
la xiriirta in ay Puntland heshiis caalami ah geli karto
ayadoo aan soo marin DFKMG, waa mid jawaabteeda mar labaad
sugayo DFKMG.
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 31, 2005
Dalwad Gobleedka Puntland oo ka Jawaabtey Hadalkii
Ra'suul wasaraha DFKMG....
- ...DGPL oo ra'iisul
wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ka dalbatay in uu si deg-deg ah raalli gelin uga
bixiyo hadalkisii ku aafdanaa Puntland....
(SomaliTalk.com | Boosaaso | Isniin, Aug 29,2005): Kulan
degdeg ah oo ay saakay isugu yimaadeen golalaha Dawlad
Gobleedka Puntland oo lagu qabtay madaxtooyada Boosaaso ayaa
looga dooday sidii looga jawaabi lahaa hadalkii ra'iisul wasaaraha DFKMG uu
shalay (Aug 28) ka soo saaray magaalada Nairobi, hadalkaa oo
ahaa in dawlad goboleedka Puntaland aysan wax heshiis
caalami ah la geli karin shirkado shisheeye.
Kulanka mas'uuliyiinta Puntland ka dib waxaa la soo saaray
war saxaafadeed loogu jawaabayo Cali Maxamed Geedi.
Warsaxaadeedkaasi waxa lagu sheegay: kaddib markii ay shir
degdeg ah isugu yimadeen golaha xukuumadda DGPL oo
guddoominayey madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, in lagu
go’aamiyey qodobbada ah:.
1. In Dawlad Goboleedka Puntland la dhisay sannadkii 1998 ayna leedahay dastuur u gaar ah, gole shacab iyo gole
xukuumadeed.
2. In dastuurkaasi uu awood u siinayo in madaxweynaha DGPL
uu la gali karo heshiisyo caalami ah cid kasta oo ay dani
ugu jirto DGPL, taas oo waafaqsan shuruucda u dhigan adduun
weynaha.
3. in aan wasiirka koowaad (ee DFKMG, Cali Maxamed Geeddi) uusan
hoos u eegin axdiga lagu magacaabay ee uu dhigan DFKMG ee
Soomaaliya.
Waxaaana war saxaafadeedku xusay qododban:
Qaybta 4-aad, qod. 19-aad, farqaddiisa 4-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga:
www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi4.html)
Qaybta 13-aad qod. 88-aad, farqaddiisa 3-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga:
www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi11.html]
Qaybta 12-aad qod. 89-aad, farqaddiisa 14-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga:
www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi11.html]
"Dowladda Federaalka
Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay
oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo
heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara... "
Dastuurka Federaalka Kumelgaarka ah...
|
Waxaana war saxaafadeedku
ku daray in qodobadaas "ay intuba
qeexayaan in laba sano iyo bar (21/2) gudahood lagu soo
dhiso dawlad goboleedyada dhiman, iyadoo markaas kadib, la
qeexi doono habka wax wada qaybsiga iyo awoodaha ka dhexayn
doona DFKMG ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada dhismi
doona."
War saxaafadeedku waxa uu
sheegay in "Dawlad G/Puntland ay caalamka u caddayneyso in
aysan cidna marti ugu ahayn horumarinta dadkeeda iyo
dalkeeda." iyo in "DGPL ay ka dalbayso wasiirka koowaad ee DFKMG ee Soomaaliya in uu si deg-deg ah raalli gelin uga
bixiyo eedayntii meel ka dhicii warsaxaafadeedkii aan ka
fiirsiga lahayn" waa sida war saxaafadeedku u dhigaye.
Waxaa warsaxaafadeedka la
faafiyey ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland.
Shirkaas kaddib waxa uu
madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse ka dhoofay Boosaaso asagoo la
sheegay in uu kusii jeedo Dalka Imaaraadka Carabta, warara
kalena ay shegayaan in uu kasii aadi doono dalka Jarmalka oo
uu u tegayo arrin la xiriirta caafimaad ahaan.
Su'aasha ay shacabka reer
Puntland hadda is weydiinayaan waxay tahay: dawlad
Goboleedku waa tan durbadii u jawaabtey DFKMG ah'e goormey
reer Puntland si faah-faah-san ugu soo bandhigi doontaa
heshiisyada qarsoodiga ah ee ay la geleyso shirkadaha aan la
aqoon ee uu wato ninka markii hore Puntland kusoo galay
sidii hay'ad Carruurta caawisa (Kids In Need), markii
dambena u xuub siibtey in uu keeno shirkado waaweyn,
safarada caalamiga ahna u raco madaxda maanta
warsaxaafadeedka kasoo saartay Boosaaso.
Waxaa kale oo xusid mudan
in markii madaxweynaha DGPL iyo xubno ka tirsan dawladiisu
ay dhowaan Boosaaso tageen kaddib markii ay kaso olaabteen
DUbai, in shir la isugu yeeray golaha wasaarada ee DGPL, waxaana
loo soo bandhigay arrinta ku saabsan heshiiska khayradka
dabiiciga ah ee la rabo in lala galo shirkad aan la aqoon. Markaas
golaha wasiirada DGPL waxay ku taliyeen in arrinta loo xil
saaro dad khibrad u leh maadaama ayey yiraahdeen aysan war u
ahayn shirkadaha ninkani uu sheeganayo in ay dalka
khayraadkiisa baari doonaan. Waana golaha maanta war
saxaafadeedka soo saaray.
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 29, 2005.
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo
Waxba kama Jiraan kasoo Qaaday Heshiiskii Puntland La Gashay
Shirkado Shisheeye ee Kusaabsanaa Baaritanka Khayraadka
Dabiiciga ah.
Haydariij-Kaarboon
(Hydrocarbon):::
waa kelmed laga soo gaabiyey isku dhafka labada
curiye ee Carbon (C) iyo Hydrogen (H), kuwaas oo ah
curiyaasha ubucda u ah samaysanka saliida ceeriin
iyo gaaska dabiiciga ah oo ah khayradka dabiiciga ah
ee ku jira dhulka hoostiisa. Isku dhafka labadaas
curiye waxaa looga qiyaas qaataa tayada iyo baxada
inta shiidaal/gaas ah ee dhulka hoostiisa ku jira.
Waana labada curiye ee uu ka hadlayo ra'iisul
wasaaruhu in loo sameeyo xeer ama sharci inta aan
wax heshiis ah lala gelin shirkado shisheeye.
Si aad wax uga ogatid
qaab dhismeedka, iyo dabarkaisku xira labadaas
curiye, akhri linkigan (english).
http://en.wikipedia.org/wiki/Hydrocarbon
Si aad wax uga
ogaatid Batroolka iyo khayradka dabiiciga ah ee
kujira Soomaaliya,
akhri
waraysigii SomaliTalk.com Sep 28, 2000 la yeelatay
Dr. Cusmaan
http://www.somalitalk.com/drosman/ |
- Heshiiska shirkada
Australia iyo Puntland waa "Sharci darro, aan la aqabali
karayn" Geeddi ayaa sidaas yiri.
Tarjumadii:
SomaliTalk.com
NAIROBI, Axad, Aug 28,
2005 - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalada Nairobi ayaa waxa uu shirkadaha shisheeyaha
uga digey heshiis ku saabsan baaritaanka saliida ceeriin in
ay la galaan maamulada maxalliga ah, asagoo sheegay in
heshiis yadaasi ay yihiin waxba kama jiraan, sharci darro
ah.
Cali Maxamed Geedi waxa uu
sheegay in heshiis yadaas aysan aqoonsan doonin Dawlada
Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG), waxana uu sheegay
maamulada maxalliga ah ee is magacaabay in aysan sharciyan
geli karin qandaraasyo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.
Geeddi waxa uu yiri:
Ilaa ay dawladda (FKMG) soo agaasinto sharci ku saabsan
maaraynta khayradka dabiiciga ah, sida sharciga
Haydariij-Kaarboonka (hydrocarbon law), haba-yaraatee
suurta gal ma noqon karto in la galo wada xaajood (Heshiis
xagga khayradka dabiciga ah). Sharcigaas oo uu sheegay in
diyaarintiisa iyo dhaqan gelintiisu ay qaadan karto dhawr
bilood.
"Sidaas daraadeed waa in
shirkadaha shisheeyuhu ay ka fogaadaan heshiis yada ay la
gelayaan maamulada maxalliga ah, ayagoo aan qoraal rasmi ah
ka haysan Dawlada FKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya" ayuu
yiri Geeddi.
"Xad gudub kasta oo
arintaas ku saabsan wuxuu sababi doonaa cawaaqib xun,
waxaana mas'uuliyada qaadi doona kuwa ku xad gudbey." ayuu
digniin ku bixiyey Cali Maxamed Geeddi, asagoo intaas ku
daray in dawladiisu ay qaadeyso tallaabooyin ay ku
difaaceyso khayradka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Waxaa war ay werisey
hay'adda AFP uu intaas ku daray in hadalka Ras'iisul
wasaaruhu uu soo baxay kaddib markii toddobaadkii hore ay
qandaraas lagu barayo saliidda ceyriin kala saxiixdeen
shirkad reer Australia ah iyo dawlad goboleedka Puntland.
Geedi waxa uu sheegay in
heshiiskaasi uu yahay "Sharci darro, aan la aqabali karayn".
Hay'adda wararka ee Reuters
waxa ay sheegtay in ra'iisul wasaare Geeddi uu xusay in
shirkad aan la magcaabin oo reer Australia ah ay sheegatay
in ay ogolaansho ka haysato dawlad goboleedka Puntland si ay
shirkadaasi u baarto batrool (oil) iyo Gaaska dabiiciga ah.
Waxana uu yiri "Shirkadaha/maalgashadayaasha ajnebiga ah waa
in ay joojiyaan isku daygooda heshiiska ay la gelayaan
maamulada maxalliga ah sida Puntland ayagoo aan ogolaansho
ka haysan Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah."
Geeddi waxa uu yiri: "Waxaan
ugu baaqeynaa dalalka aan saaxiibka nahay ee adduunka iyo
beesha caalamka in ay Soomaaliya kacaawiyaan xafidada
khayraadka dabiiciga ah si aysan ugu xad gudbin kuwa sharci
darada wada."
Soomaaliya waxay ku taal
dhulka u dhexeeya gacanka cadmeed (Gulf of Aden) ee
jasiirada carabta iyo dhulka loo yaqaan Ogaden ee Soomaalidu
leedahay ee ay hadda xoogga ku haysato Itoobiya, kuwaas oo
lagu cadeyey gaaska dabiiciga ah.
Waxaa jira shirkado ila
muddo hore (ilaa 1980-tamaadkii) xiisaynayey baaritaanka
shidaalka Soomaaliya, sida Total, Amoco, Chevron iyo Conoco
& Phillips (ConocoPhillips).
Geeddi waxa uu xusay in
DFKMG ay si 'xiriir' ah u helaysey codsiyo ku saabsan
baaritanka khayradka dabiiciga ah ee Soomalaiya, asagoo
sheegay ilaa la dejiyo xeer ku saabsan khayraadka dabiiciga
ah, sida xeerka Haydarojiin-Kaarboon aan wax heshiis la geli
karin oo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.
Dhowaan ayey ahayd markii
madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland uu sheegay in uu
heshiis ku saabsan baaritanka khayraadka dabiiciga ah la soo
galay shirkado shisheeye. Warka arrintaas ku saabsan hoos ka
akhri.
ISHA WARKA::
AFP |
Reuters | Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 28, 2005
Puntland oo Mar Labaad
Loo Iibsanayo Si Qarsoodi ah....
SomaliTalk.com | August 25,
2005
- Reer Puntland oo inta ay
Xagaabaxa Ku Maqan Yihiin Larabo in Lagato Khayraadka
Dabiiciga ee Dhulkooda...
(SomaliTalk.com
Aug 25, 2005): Warar cusub oo SomaliTalk.com soo gaarey ayaa
shaaca ka qaaday in uu beryahan socdey qorshe aad u
ballaaran oo la rabo in lagu iibsado khayraadka dabiiciga ah
ee dhulka hoostiisa kujira ee gobolada hadda la isku
yiraahdo Puntland, laguna wareejinayo shirkado aan haybtooda
la aqoon. Arintaas oo xaqiiqadeeda rasmiga ah aan shacabka
Puntland waxba kala socon, dawlad goboleedka Puntland aysan
shacabka ku nool geyigaas iyo ummada Soomaaliyeed midna u
sharxin heshiiskaas qarsoodiga ah ee wada hadalkiisu mudda
sida hoose ugu socdeen madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Puntland iyo shirkadahaas aan la aqoon.
Wararka SomaliTalk soo
gaarey waxaa kamid in ninka magaciisa Puntland looga yaqaan
Terry iyo dillaaliin Soomaaliyeed ay wada hadal qoto dheer
la yeesheen madaxda ugu saraysa DGPL. Khayraadka dabiiciga
ah ee laga hadlayo waa macdanta, gaaska dabiiciga ah iyo
batroolka ama shiidaalka, waa gebi ahaan waxa khayraad ah ee
kujira carrada (Sub-soul natural resources). Wadahadalkaas
waxaa sal u ah mr. Terry oo doonaya in shirkado aan la aqoon
ay qaataan qandaraaska dhammaan Khayraadka dabiiciga ah ee
kujira dhulka hoostiisa ee gebi ahaan gobolada hadda loo
yaqaan Puntland. Waxa uu rabaa in dhulka Puntland ay
shirkadaha uu sheeganayo in ay baaritaan (Exploration) ku
sameeyaan muddo toban (10) sano ah, waqtigaas ay baaritaanka
samaynayaana ay qaadan karaan dhammaan wixii khayraad ah ee
ay helaan ugu yaraan 80%. Mudadaasna (ama ugu yaraan 20 sano)
aan cid kale tartan kula geli karin dhulkaas in ay baaraan,
wixii mudadaas ka dambeeyana ay baaritanka sii wadi doonaan
muddo aan la cayimin, taas oo loo qaatay weligeed.
Wararka aan helay waxay
tibaaxeen in markii uu ninkaasi uu arintaas u soo bandhigay
madaxda sare ee DGPL, sida madaxweynaha, wasiirka Maaliyadda
a iyo wasiirka qorsheynta, in markiiba arrintaas loo
bandhigay qareeno Talyaani ah si ay arrinta talo uga keenaan,
qareenadaas oo sida la sheegay ah kuwo khibrad u leh
shirkadaha sida degdega ah ku taga dalalka ay ka dhacaan
dagaalada qabaliga, oo inta ay dadkii dhulka lahaa is
laynayaan ay si degdeg ah ugala baxaan wixii macdan ama
khayraad ah sidaasna hadhow u dhuuntaan. Qareenadii waxay
DGPL madaxdeeda sare kula taliyeen in aysan haba yaraatee
wax heshiis ah la gelin ninkan waayo ayey yiraahdeen
shirkadaha uu sheeganayo ma ahan kuwo meel loo raaco leh,
mana ahan shirkado haddii lala xisaabtamo dal lagala xiriiri
karo leh, suurta galna ma ahan in heshiis noocaan oo kale ah
lala galo shirkad aan la aqoon, waayo ayey yiraahdeen waa in
mark ahore shirkada wax baareysa ay tahay mid khibrad u leh
arrimaha baaritaanka, ogna cawaaqibka xagga degaanka dhibka
ka iman kara baaritaankooda, isla mar ahaantaasna leh meel
loo raaco haddii ay ku dhaqaaqaan arrin xad gudub ku ah
deegaanka ay baarayaan iyo dadka deegaanka degganba.
Kaddib
waxaa wararku sheegenin qareeno kale oo aan Talyaani ahayn
in arrinta ay DGPL madaxdeedu kala tashadeen, sidii oo kale
ayaa qareenadan oo aan jawaabtii qareenada hore ogey waxay
talo ku siiyeen in DGPL madaxdeda sare ay san heshiis la
saxiixan ninkaas iyo shirkadaha uu sheegano maadaama aanba
la aqoon meesha ay deggan yihiin shirkadahaasi.
Warar kale ayaa tibaaxay in
ninkan markii cadaadis lagu saaray in uu sheego meesha
xarunta u ah shirkadaha uu sheegay in ay baaritaanka ku
samaynayaan Puntland, ayuu sheegay in ay deggan yihiin
Jasiiradaha Maldives ee ku yaal badweynta Hindiya ee bariga
kaga aadan dalka Soomaaliya, kana hooseeya dalka Hindiya (eeg
khariidada midigta).
Dr.Faroole
|
Dr.Gaagaab
|
Gen.Cade
|
Mr. Terry
|
Waxaa warku tibaxay in
heshiiskaas ay si dheer uga wada munaaqashoodeen madaxda
sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha
DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse), Wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) iyo
Wasiirka Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Dr. Faroole", wada hadalkaas
oo ka dhacay magaalada Dubai. Waxaana warku sheegay in Dr.
Faroole yiri waa in laga fiirsado oo aan heshiiskaas lagu
degdegin ama la saxiixin gebi ahaantiisaba. Arrintaas si
loogu qanqiyo wasiirka Qorshaynta waxay madaxdii joogtey
Dubai u safreen Boosaaso.
Markii ay Boosaaso tageen
waxaa shir la isugu yeeray golaha wasaarada ee DGPL, waxaana
loo soo bandhigay arrinta ku saabsan heshiiskaas. Markaas
golaha wasiirada DGPL waxay ku taliyeen in arrinta loo xil
saaro dad khibrad u leh maadaama ayey yiraahdeen aysan war u
ahayn shirkadaha ninkani uu sheeganayo in ay dalka
khayraadkiisa baari doonaan.
Madaxweynaah DGPL, gen.
Cadde Muuse oo markii uu dhowaan ka soo laabtay Jarmalka la
hadlayey warbaahinta Puntland waxa uu sheegay in uu heshiis
la soo galay shirkado uu ku sheegay reer Galbeed iyo reer
Bari (bariga fog) kuwaas oo uu ku sheegay in ay Macdan iyo
Saliid ceeriin ama shidaal ka baari doonaan Puntland. Waxana
yiri ma ahan in aan khayraadka dhulkeena ku jira ka
gaajaysnaano. Waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay ka
buuxdo khayraad dabiici ah oo farabadan uuna sheegay in laga
heli doono shaqooyin iyo barwaaqo. Asagoo intaas kusii daray
in heshiiskaas uu shirkadaha la soo galay uu socon doono
muddo afar sano ah, waxana uu sheegay in la baari doono
laba-iyo-toban nooc oo macdano ah. Laakiin madaxweynuha DGPL
ma cadayn khayraadka ay soo saaraan inta boqolkiiba ay
shirkadahaasi qaadan doonan. Sidoo kale ma uu cadayn in
arrinta heshiiskaas ay ansaxiyeen golaha wasiirada iyo
baarlamaanka Puntland iyo in kale.
Ma ahan markii ugu horeysey ee Madaxweyne reer Puntland ah
uu heshiis la galo shirkado aan la aqoon ayadoo aan weliba
arrimahaas shacabka loo sheegin ilaa heshiiskaas uu soo
shaac baxay mooyee. Waxay ahayd dawlad goboleedkii uu
hogaaminayey Maxamed Cabdi Xaashi oo heshiis hal qarni ah la
saxiixday shirkad lagu magcaabo HAFZA si ay mudadaas u
qaataan Xaafuun. Heshiiskaas oo sida markii dambe soo
shaacbaxday socon waayey markii ay shacabku ku baraarugeen.
Arrinta aan weli shacabku
ku baraarugin waa shirkadahan cusub oo aan la aqoon ee uu
wato Terry. Terry taariikh ahaan waxaa la ogyahay in uu
gobolada Puntland kusoo galay asagoo la socdey dhakhaatiir
reer Australia ah. Wax yar kaddib waxaaba la arkay asagoo
kamid ah waftiga madaxweynha DGPL, sheegtayn ain uu yahay
ganacsade. Arrintaas markii ay SomaliTalk.com daabacday
bishii June ee sannadkan waxaa durbadiiba lasoo xiriiray nin
magaciisa layiraahdo Maxamed Saciid Maxamuud oo sheegay in
uu wakiil u yahay urur uu sheegay in uu samafal yahay oo la
yiraahdo "Kids in Need", kaas oo uu sheegay in uu madax ka
yahay Terry. Asagoo arrintas ka hadlaayana waxa uu yiri:
"Terry waa Gudoomiyaha (Chairman of Executive Officers
(CEO)) urur caalami ah oo Western Australia (Perth),
Australia ka rejis-gareesan. Ururkaan waxaa la yiraahdaa
KIDS IN NEED (KIN). Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii
reer Australian-ka ahaa ee Bosasso Hospital timid February
2005 ka dib markuu barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga)
ABC ee Australia."
Waxaase muuqata in ninkani
uu u xuubsiibtey in uu soo waarido shirkado aan weli
haybtooda la aqoon.
Terry hadda waxa uu ku
sugan yahay Dubai oo la sheegay in ay la joogan dilaaliin
Soomaaliyeed oo ka war sugaya hadalada rasmiga ah ee DGPL.
Ninkan meel xafiis ku leeyahay lama yaqaan, aan ka ahayn
xafiiska la sheegay in uu ku leeyahay Garoowe.
Waxaa muhiim ah in marka
shirkad lala gelayo heshiis in marka hore daraasad madax
bannaan lagu sameeyo meesha shirkadaas qandaraaska lagula
gelayo, si loo ogaado waxa khayrad ah ee kujira, iyo
cawaaqibka xagga degaanka ah ee ka imanaya marka la bilaabo
in meeshaas la qodo. Tusaale waxaa int abadan loo soo qaata
labada dal ee Nigeria iyo Ecaudor oo ay dhibaatooyin ad u
farabadan soo gaareen shacabka dalalkaas markii la bilaabay
qodida saliida, ayagoo weliba shirkadaha qodayey ay ahaayeen
shirkado la yaqaan, hadaan xagga caafimaadka waxaa la
sheegaa dadkii ku dhaqnaa aagga shidaalka laga qodayo, gaar
ahaan dalka Ecaudor, ay soo food saartay caafimaad darro.
Waxyaabah ka dahsooon
mujtamaca Soomaaliyeed waxaa kamid ah: in aysan ka war hayn
halista ka iman karta shirkado aan wax khibrad ah
habayaratee u lahayn baaritaanka khayraadka dabiiciga ah in
ay sababi karaan arrimo halis ku ah deegaanka Soomaaliya.
Xagga caafimaadka iyo
dikhowga deegaanka marka laga soo gudbo, waxaa mudan in la
is weydiiyo marka heshiis caalami ah lala gelayo shirkado
shisheeye yaa xaq u leh in uu u saxiixo Soomaaliya: ma
Dawlad Goboleed, mase Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Arrintaas si jawaab loogu helo waxaan eegi doonaa dhawr
qodob oo ah Axdiga Federaalka kumeelgaarka ah oo ka hadlaya
khayraadka dabiiciga ah iyo qodobo ka mid ah axdiga DGPL.
Balse inta aynaan taas u gudbin aan in yar ka xusno
warbaahinta caalamka oo beryahan ka hadlay arimaha
khayraadka dabiiciga ee Soomaaliya.
Waxaa beryahayn dambe soo
shaac baxayey hadalo ku aadan shirkadihii heshiiska la galay
dawladii Soomaaliya, kahor burburkii dagaalka ahliga ah,
waxaana la xusay in Maxamed Siyaad Barre uu heshiis ku
saabsan baaritanka saliida ceeriin la galay shirkadaha Conoco,
Chevron, Phillips, iyo Amoco.
Dhowaan (Aug 21, 2005) mar
ay hay'adda wararka ee Reuters arimaha baaritaanka saliida
wax ka weydiisey madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf waxa uu
sheegay in uu soo dhoweynayo shirkadaha Saliida baara ,
asagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri: "Shirkada kasta
oo xiisayneysa khayradka daabiciga ee Soomaaliya way imaan
karaan si ay dawlada Soomaaliya ula hadlaan, wadankii
doonaan haka yimaadeene." waxa uu intaas ku daray "Waxaan
fiirsaneynaa wixii dani noogu jirto, ha-tartameen
shirkadahaasi waxaana guulaysan doona tan ugu wanaagsan".
Madaxweynaha Dawlada
Federaalka Soomaaliya markii la weydiiyey waxa uu ka yeelayo
heshiisyadii ama qadaraasyadii hore ee ku saabsanaa
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee lala galay dawladii
hore waxa uu ku jawaabey: "Weligay ma akhrin qandaraasyadaas,
mana ogi in ay jiraan qandaraasyo horay loola galay dawladii
hore iyo in kale, waa in aan arko dukumiinti. Haddii ay
shirkadahaasi hayaan dukumiinti, waa in ay na tusaan".
Waxana uu isla waraysigaas madaxweyna DFKMG uu beeniyey
hadal kusaabsanaa wadahadal la sheegay in uu socdo shiinaha
iyo soomaaliy asi saliid looga baaro Soomaaliya, taas oo uu
madaxweynuhu yiri waxba kama jiraan.
Waxaa xusid mudan in
dhibaatada ugu weyn ee dawlada Soomaaliya soo food saari
doonta ay kamid tahay in ay hesho nuquladii hesiisyadii
caalamiga ahaa ee dawladihii hore ee Soomaaliya ay la galeen
shirkadaha caalamig ah iyo dawladaha shisheeye waayo gebi
ahaanba Soomaalidu waxay gubeen ama burburiyeen diiwaankii
dawladahii soo maray Soomaaliya iyo gebi ahaanba taariikhdii
tiil matxafyada iyo kaydka diiwaanka Soomaaliyeed. Waxaana
adkaan doonta in la rumeysto shirkad kasta oo keensata
dukumiinti muujinaya qandaraas oo tiraahda waxaa heshiis
nala galay Siyaad Barre ama Aaden Cadde ama C/Rashiid Cali
Sharmaarke, ileyn nuqulkeenii waa gubneye.
Aan usoo laabano Axdiyada
DGPL iyo DFKG dhawr qodob oo kamid ah:
Axdiga kumeelgaarka ah ee
DFKMG ma ka hadlay dhawrista khayraadka dabiiciga ah?
Jawaabtu waa haa, waxana uu ka yiri: Waxaa Waajibadka
Muwaadinka kamid ah Ilaalinta deegaanka iyo khayraadka
dabiiciga ah. Axdiga Soomaalida loogu soo qoray Kenya ee
KMG inkasta oo uu yahay mid aan si fudud loo heli karin
waayo DFKMG xil iskama saarin in ay shacabka u sahasho sidii
ay ku heli lahayeen axdigaas si loo tixraaco la iskuna
xisaabtamo. Laakiin Draftigii hore ee Axdiga lagu qoray
Eldoret anagoo tixraaceyna ayaan helay qodobada hoose oo ka
hadlaya Khayraadka dabiiciga ah iyo cidda leh saxiixa
heshiisyada caalamiga ah:
QODONKA 66aad:
SIYAASADDA DHULKA
- Dhulka waa kheyraadka
Soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhigga nolosha ee
dadka waana in lagu hayaa isticmaalaa loona maareeyaa si
caddaalad ah, wax .. , wax soo saar leh oo joogtayn karo.
- Dowladda waa inay
caddeysaa sameysana siyaasadda qaran ee dhulka, isla
markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Loona
sameeyaa diiwaangelin, ku dhaqan, lahaanshaha, isku …,
degidda, maareynta xuquuqda nabadgelyada, dooda iyo
milkiyadda dhulka.
QODOBKA 67aad:
KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA
- Kheyraadka dabiiciga
ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo xayawaanka
waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya qaabka ugu
wanaagsan oo loogu manaafacaadsanayo.
- Dowladda waa inay
siisaa mudnaan ilaalinta, keydinta, dhowrista deegaanka
wax kasta oo waxyeelayn kara
- Qof kasta oo ku sugan
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku waajib ah inuu dhowro
hagaajiyana deegaanka
- Dowladda waa inay
dhiirigelisaa sahashaana ka qeyb galka caam ah dhinaca
horumarinta, fulinta, maareynta, keydinta iyo ilaalinta
kheyraadka dabiiciga ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
- Dowladda waa inay
qaadaa tallaabooyin lagu nadiifinayo haraaga wasakhda
lagu soo qubo xeebaha Soomaaliya. Waa in la weysiistaa
magdhow kuwa lagu helo inay ka dembeeyaan dembiyadaas.
QODOBKA 69aad: XIRIIRKA
CAALAMIGA IYO LABO GEESOODKA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA
- Dowladda Federaalka
Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay
oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo
heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara...
Halkaas waxaa ka cad dadkii
qorayey Axdiga FKMG in ay ka fekereen khayraadka dabiiciga
dhawritaankiisa, su'aashu waxay haddaba tahay DGPL oo ka mid
ah Dawlada dhexe diyaar ma u tahay in ay shacabka gobolada
Puntland iyo gebi ahaanba Soomaalida u cadeyso waxa uu yahay
heshiiska uu wado ninkan markiisii hore dalka kusoo galay
hay'ad samafal, markii dambena u xuubsiibtey in uu sheegto
in uu khayraadka Puntland baari doono, waa mr. Terry.
In yar haddii aan jalleecno
Axdiga DGPL, waxaa kamid ah:
Qodobka: 10aad: Qaybtiisa
koowaad oo dhigaya: Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa
Dalwad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan.
Su'aal: Maxay hadda dawlad GPL u garab mareysaa qododbkaas,
una geleysaa heshiis caalami ah oo aysan ansaxin Dawlada
Federaalka.
Qodobka 10aad: Qaybtiisa
labaad oo dhigaya: Waxyaalaha dawlad-goboleedka Puntland ay
ku wareejin doonto dawlada Federaalka ah waxaa kamid ah:
Arrimaha socdaalka, difaaca, arrimaha siyaasada dibada,
istaambada boostada, lacagta, habka cabbiraadda.
Su'aal: Arrimaha Siyaasada dibadda sow kamid ma ahn
heshiisyada caalamiga ah?
Qodobka 11aad: qaybtiisa
labaad oo dhigaysa: Dawlad goboleedka Puntland waxay
dhawreysaa heshiisyadii ay dawladihii hore ee Soomaaliya la
galeen shirkad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiisyadaas
aysan ka hor imaamayn danaha iyo maslaxadaha Puntland?
Su'aal: Heshiiska cusub ee lala gelayo shirkada aan la aqoon
maslaxadi ma ugu jirtaa dawlada iyo shacabka.
Isku soo xoorinta labadaas
Axdi waxaa ka muuqda in dawlada Federaalka Soomaaliya ay
leedahay saxiixida heshiisyada caalamiga ah.
Qaybtan waxaan kusoo
gabagabeyneynaa xusuusin reer Puntland (Xukuumad & Shacab)
in axdiga Puntland qodobka 25aad uu dhigayo: (1) Qof kasta
xor buu u yahay figraddiisa iyo soo bandhigideeda. (2) Qofku
waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed,
qoraal, baahineed, muuqaal, suugaan iyo hab kale oo xeerka
waafaqsan faragelin la'aan.
Haddab waxaa la gudboon
xukuumada in ay dhawrto qaanuunka xorriyada, isla mar
ahaantaasn ay shacabka si xor ah ugu soo bandhigto wixii ay
u aragto in dani ugu jirto si waadax ah oo aan qarsoodi
lahayna looga doodo. Shacabkana waxaa waajib ku ah in ay
xuquuqdooda gartaan, ogaadaana in laga gudbey xilligii
dhawrka madaxda ah oo keliya ay ku amar ku taaglayn jireen
malaayiinka shicibka ah. Saxaafada Puntland waxaa la gudboon
in aysan goroda hoos uga rogan sheegida wixii maslaxad u ah
shacabka.
Gobolada hadda loo yaqaan
Puntland oo keliya ma ahan meelaha ay saxaafadu cabursan
tahay, xagga koonfureed waxaa si bareer ah ay in yar oo
dadka xoog ku muquuninaya ay ugu beeraan daroogo xaaraam ku
ah Diinta Islaamka, daroogadaas oo halligtey dhallaanka
da'da yar ee soo koraya, balse ay dad yari lacag xaaraan ah
ka ururusadaan, taas oo ay warbaahinta goobah joogaa ay
indhaha ka rogtaan ilayn si xor ah uma hadli karaane. Waxaa
taas dheer sida loo xaalufiyey degaanka.
Ugu dambayn; Waxaan ugu
baqeynaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo xog ka haya
heshiisyada qarsoodiga ah ee laga yaabo in ay halis gelin
doonaan ammaanka iyo caafimaadka shicibka, dhibaato garsiin
karaan deegaanka, in ay noo soo tebiyaan si aan shacabka ugu
baahino. Waxaad SomaliTalk.com kala soo xiriir kartaa halkan:
www.somalitalk.com/feedback/
Haddii aad rabtid in aad
wax k aogaatid khayradka kujira Soomaaliya akhri
Halkan.... GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com | August 25, 2005
WARARKII HORE EE TERRY HOOS
KA AKHRI::::
Waa Kuma Terry, Muxuuse
Puntland u Joogaa?
- Xog soo gaartey
SomaliTalk | June 12, 2005
Terry
| Reer Australia aan la garanayn sababta uu u jooga
Puntland
|
Tan iyo markii ay
SomaliTalk daabacday sawir nin u dhashay dalka Australia oo
kamid ahaa waftigii madaxweynaha DGPL ee
June 10-keedii u ambabaxay UAE iyo Kenya,
waxaa SomaliTalk ka soo gaarey dalka Soomaaliya guduhiisa
warar ku saabsan ninkaas.
Waxaa wararkaasi tibaaxeen
in ninkaas oo Puntland looga yaqaan magaca Terry in gobolka
lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana
uu sheegtaa in uu maalgashi ku samaynayo Soomaaliya. Taas oo
sida wararku sheegeen uu ninkaasi u muuqdo nin aan ganacsade
ahayn marka la eego qaab socodkiisa uu ku joogo Puntland.
Mid kamid ah dadka la soo
xiriiray SomaliTalk ayaa yiri: "Ninka reer Australia ee
mudadan ku wareegayey Puntland uma muuqdo ganacsade, balse
waxa uu u muuqdaa nin dano kale u jooga gobolka, waa nin
xiriir aad u dhow la leh madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waa
nin dawlad Goboleedka Pubtland aad ugu dhex jira si shaki
gelin karta shacabka, DGPL ilaa hadda ma ay cadayn waxa
ninkani gobolka u joogo, waa nin Soomaalida aad u soo dhex
galaya, gaar ahaan wuxuu aad u dhex galay dhallinyarada, uma
eka nin maal qabeen ah oo gobolka u jooga maal gashi, muddo
ayuuna gobolka ku gaaf wareegayey mana jiraan wax mashruuc
muuqda oo uu qabtay. DGPuntland shacabku waxay ka qabanaan
shaki wixii ka dambeeyey ilaa markii uu soo shaac baxay
heshiiskii halka qarni loogu saxiixaday Xaafuun in lagu
wareejiyo shirkad reer Australia ah, taas oo ilaa hadda aan
xaqiqadeeda dawlada Dhexe iyo dawlad goboleedka toona aysan
war cad ka soo saarin.. haddaba tolow ninkani muxuu
Puntland u yimid.." ayuu akhristahaasi ku soo gabagabeeyey
hadalkiisa.
Wararkaasi markii ay
akhristayaasha ka soo gaareen SomaliTalk ayaa waxaan
baaritaan ku samaynay arinta la xiriirta ninkan, waxaana
ilaa hadda SomaliTalk u suurta gashay in ay ogaato arimahan:
Ninkan (Terry) waa reer
Australia, waxana uu Boosaaso yimid bishii Febraayo ee
sannadkan 2005, xilligaas waxa uu la socdey dhakhaatiir reer
Australian ah oo Puntland u yimid in ay caawinaad
gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka
(Tsunami). Markaas waxa uu Terry sheeganayey in uu ka socdey
hay'ad samafal ah oo magaceeda la yiraahdo "Kids in Need"
(taas oo marka la macneeyo ah: carruurta caawinaada u baahan
-
ilaa
hadana funaanada uu wato sidaaas ayaa ugu qoran). Kaddib
waxa uu Terry ku laabtay Australia, laakiin durbadiiba waxa
uu Puntland kusoo laabtay asagoo aysan la socon hay'adihii
samafalka ee markii hore uu la socdey. Waxana uu hadda ka
mid yahay waftiga DGPL, sida ka muuqata sawirka midigta xiga,
oo ah sawirka ay akhristayaashu jawaabaha naga soo
gaarsiiyeen kaddib markii aan daabacnay.
Waxaa kale oo SomaliTalk u
suurta gashay in ay ogaato in haya'adihii samafalka ee uu
Terry la socdey in dadkii la socdey uu kamid ahaa Ciise
Dhoolawaa, markiiba SomaliTalk waxay la xiriirtay Dhoolwaa
si wax looga weydiiyo waxa uu kala socdo arimaha ninkaas,
waxana uu Dhoolwaa ku jawaabey : "Ninkaas Boosaaso markii
aan tagnay asagoo aan u malaynayo in uu ka socdey hay'ad
samafal ayaa iigu war dambeysey, waxaana arimhiisa wax laga
weydiin karaa Dawlad Goboleedka Puntland".
Isku soo duuboo waxaa dad
badani is weydiinayaan sida uu nin dalka ku yimid magac
hay'ad samafal ah uu durbadiiba ugu xuub siibtey ganacsade
dalka maal gashanaya, ayado aysan muuqaan maalgashigaasi,.
Waxa kale oo la is weydiinayaa sida xiriirka degdeg ah uu
ula ayeeshay DGPL, iyo sida uu dhallinyarada u dhexgalay.
Warar kale oo dhowaan
SomaliTalk soo gaarey ayaa sheegaya in uu jiro dadaal la
isku deyayo in arinta ninkaas lagu war geliyo wasaarada
arimaha dibadda ee Austarlia iyo booliiska dalka Australia.
Ugu dambayntii SomaliTalk
waxay ku casumeysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer
Puntland, in qofkii xog ka haya ninkaas uu nasoo gaarsiiyaan
si aan shacabka ugu soo bandhigno.
SomaliTalk waxa lagala soo
xiriiri karaa halkan:
www.somalitalk.com/feedback
Faafin: SomaliTalk.com | June
12, 2005
Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay
waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay
ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...
XAAFUUN:::
00
| 01
| 02
| 03
| 04
| 05
| 06
| 07
| 08
JAWAABIHII HORE EE
AKHRISTAASHA HOOS KA AKHRI:::
June
17, 05
Salaan ka dib waxaan
doonayay inaan idiin soo diro qoraal ku saabsan arinta
ninka la yiraahdo Terry oo ayaamahanba jahwareer ka
jiray. Runtii aad ayaad ugu mahadsantihiin inaad u soo
gudbisaan arintan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka
degan gobolada Puntland si loo ogaado xaqiiqada runta ah
oo aan la qarin wixii xun iyo wixii wanaagsanba oo
saameyn ku lahaan kara shacabkeena.
Sida uu Maxamed Saciid
ninka la yiraahdo idinku soo qorayba warqadiisii
jawaabta aheyd waa qeyb ka mid ah runta. Maxamed Saciid
ma wada dhameystirin sheekada intii kale ee ka harsaneyd.
Midi waa run in uu Terry ku yimid gobolada Puntland
isagoo sheeganaya magaca urur NGO ah (urur samafal) si
uu u caawiyo dadkii waxyeelada ka soo gaartay Tsunami -
hadalkaas gadaal ayaan u eegi doonaa. Sida uu Maxamed
Saciid sheegayba waxaa cad sababaha U.N iyo Puntland isu
dirireen inuu ka danbeeyay Terry ka dib markii uu Terry
yiri "mucaawinada U.N waxaa lagu iibiyaa suuqyada
Boosaaso" oo xitaa sawiro laga soo qaaday la keenay
casuumadii cashada ee Gen. Cade uu sameeyay. Waxaa jiro
siyaabo badan oo ay dowlada Puntland kagala hadli karto
U.N wixii dhib ah ee jiro ee laga sheeganayo shaqaalaheeda,
ee ma ahan in koox dana gaar ah wadata ay isku dirto
dowlada Puntland iyo madaxda U.N.
Maxay tahay sababta
keentay Terry inuu sii raaco Madaxweenaha Puntland oo ka
qeybgalayey xafladii Nairobi ee loo suubiyay dowlada
Federaalka? Sida wararka nagu soo gaarayaan waxa ay
tahay in Terry iyo kooxdiisii ay ka dhaadhiciyeen
Madaxweenaha Puntland in Terry keeni karo gobolada
Puntland company ka qodo shiidaalka goboladaas. Sidaad
ogtihiinba shidaal laqodayo waxaa ku baxo dhowr Bilyan
oo doolar oo ma ahan wax fudud oo cid waliba iska sameyn
karta.
Dr.Faroole
|
Gen.Cade
|
Col.C/lahi
|
Prof.Gedi
|
Sida wararku sheegayaan
waxaa la isku dayay in Madaxweenaha iyo Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya laga saxiixo contract la siinayo
kooxda Terry wato. Taasina ma aysan suura gelin waxaana
halkaasi ku kala xanaaqay Gen. Cade Muuse iyo Madaxweene
Cabdulaahi Yusuf. Sida la sheegayo waxaa halkaasi
fadhiyay Wasiirka Qorshayn ee Puntland oo xitaa
aflagaadeeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya markay
arintu noqon weysay sida uu rabay.
Sida dad lagu kalsoon
yahay sheegayaan kooxdan aan kor ku sheegay waa koox u
horkacayo Wasiirka Qorshaynta ee Puntland Mudane
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole".
Maxamed Saciid Maxamuud oo ah ninka qoraalka soo
qoray oo deganaan jireyAustralia waxa uu qoraalkiisa ku
cadeeyeyna in Terry ka yimid Western Australia (Perth). Warar
aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Terry loo
adeegsadey arimaha ah Xumaan ka dhex abuurida
Madaxweynaha dowlada Puntland iyo U.N ayadoo la
adeegsanayo Terry. Hadana mar labaad xumaan ka dhex
abuurida Madaxweenaha Soomaaliya iyo Madaxweenaha
Dowlada Puntland ayadoo la adeegsanayo Terry.
Haddaan gadaal u eegno
hadalkii Maxamed Saciid Maxamuud, waxa uu qoray sidan
"Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii reer Australian-ka
ahaa ee Bosasso Hospital timid February 2005 ka dib
markuu barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC
ee Australia. Terry wuxuu safarkiisii ugu horeeyey
Puntland (February) waday deeq ururkiisa (KIN) ugu soo
deeqday Tsunami-da." - bal hadaba arintan hoose eega.
Waxaa Internetka lagu
soo qoray bishii January 2005 in dhakhaatiir ka kooban
afar qof ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan
bisha Febraury (waxaad interka ka baartaa "Medical
team ready to assist Somalia"). Dhakhaatiirtii
Boosaaso wey yimaadeen. Afarta dhakhtar magacyadoodu
waxay kala yihiin: Graham Forward (orthopaedic
surgeon), Wayne Pennington iyo Mark Salib
(A & E physician & anaesthetist) and Debbie Wilson
(Nurse) (Waxaad eegtaan
www.wocuk.org). Sida ku cad websiteka
www.wocuk.org dhakhaatiirtaas waftigooda si rasmi ah
ugama mid aha magac layiraahdo Terry, wuu soo raaci
karaa asagoo kasocda NGO, laakiin waxaa been cad ah in
uu Terry ahaa kan keenay dhakhaatiirtaas, su'aashaas
hada waxay tahay goorma ayuu ganacsade dhulka maal
gashanaya noqday ninkani oo maalgelinaya arimaha uu
taxay Maxamed Saciid Maxamuud, haddii ay jiraanse maxay
dawladu u cadayn weydey wixii faa'iido shacabka u ah.
Sida ay ku qoran
websiteka
www.wocuk.org, Kooxda dhakhaatiirta ah waxaa
hogaaminayey Dr. Graham Forward kaas oo sawiradii uu
website kale
www.sjog.org.au ka qaaday ay ka muuqdaan hoos (Qofkii
raba wuxuu Dr. Graham Forward kala xiriiri karaa
emailkan: gforward@iinet.net.au emailkaas
oo ku qoran website
www.wocuk.org).
Dr. Graham Forward oo jooga cisbitaalka Boosaso Feb
2005. Sawirka:
www.sjog.org.au
"....
(Terry) Wuxuuna xoogsaday ka dib markii
Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo
sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka socday
oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta
UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii
buu habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya
waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN
hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya. Wuxuu Terry ka
waramay in gaajo danyarta reer Puntland wada
haysato raashinkii UNtu keentayna (hay'ada WFP)
ay bakhaaro iib-uga buuxaan magaalada Bosasso....
- oo ay qaarkood leeyihiin shaqaalaha UNta u
shaqeeya." Qore: Mohamed Said Mohamud, Acting Country Director,
KIDS IN NEED, Garoowe
Waraysi
dheer oo uu Telefishanka ETN Boosaaso la yeeshay
madaxweynaha DGPL, Jeneral Cadde Muuse, ayuu
wuxuu shaaca kaga qaaday in hay'adaha ajnabiga
ah ay rabaan uun in ay dalka maamulaan, waxana
uu intaas ku daray hay'adahaasi aysan dadka wax
u qaban.
Daawo.... |
Arinta kale oo dadka ka
yaabisay waxay tahay kaddib markii uu Maxamed Saciid
Maxamuud yiri "Terry xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo
dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas. Wuxuuna
xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay casho
sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka
socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta
Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii
ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo
musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka
shaqeeya....". Taas waxaa jawaab u ah erayadii hore.
Qore:
Nuur Geedi |
ngeedi@yahoo.com
& G.L.
Terry ma basaas baa?
ascww
Waxaan marka hore idinku
amaanayaa inaad tihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee
soomaali ah ee isku shuqliya khabaar helida ajnebiga
wadankeena u yimaada inay ka fuliyaan arimo khatar ku ah
diinteena, dadkeena iyo dalkeena. waxaana idinku
baraarujinayaa inaad ilgaar ah ku eegtaan arimaha noocan
oo kale ah.
Hadaan mowduuca usoo
laabto ninkaan anigu aqoon uma lihi waxaanse rabaa inaan
fikirkayga ka dhiibto anoo adeegsanaya aqoonta aan u
leeyahay arimahan. ninkani ururka uu magaciisa wato
waxaa xaruntiisu ku taal magaalada Chicago ee wadanka
Maraykanka cinwaanka ururkuna waa:
www.kidsinneed.org. Waxaad aragtaan in Mohamed Said
Mohamud oo sheegtay "Acting Country Director - Kids in
need" garoowe, uu yiri "Terry waa Gudoomiyaha (Chairman
of Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo Western
Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan."
Laakiin haba yaraatee ma uu qorin cinwaanka hay'addaas
ee Australia iyo lambarka diiwaankeeda.
Ururkan (www.kidsinneed.org)
ma aha mid ay diiwaanadiisa ku qoran yihiin inay ka
hawlgalaan Puntland, hadaba waxaa caado noqotay in laga
soo bilaabo 1980kii inay Soomaaliya ka hawl geli jireen
hay'ado ku magacaaban bani'aadanimo laakiin ahaa kuwo
hoos taga sirdoonka qarbiga waxaana ka mid ahaa hay'adii
tooska u hubaysay kacdoonkii usc ee Muqdisho ka bilowday
1990-naadkii.... (Isla hay'addaas mudo qiyaastii laga
joogo bil iyo bar ilaa laba bilood ka hor ayay tageen
puntland waxaana hogaaminayey qof dumar ah sababta ay u
tageena waxay ahayd inay xafiisyo Bosaso ka furtaan
Puntland mase la socdo meesha arimohoodu ku dameeyeen)...
Sida aad la socotaan
waayadan dame waxaa aad ugu adkaaday sirdoonka qarbiga
inay si toos u tagaan wadamada Islaamka siiba meelaha
dhaqanka Islaamka laga dareemayo Soomaaliyana ay ka mid
tahay, marka masiibooyin dhacaana fursada ugu horaysa ee
reer galbeedku ka faa'iideysteen waa siday informer
meeshaas u geyn lahaayeen.
Ninkaan hadda Puntland
ku meeraysanaya shaki igagama jiro inuu ka socdo
hay'adaha sirdoonka, hadaad u fiirsataan ookiyaalaha uu
sito waa nooca ay qaataan dadka shiishyahanka ah laguna
rakibo qalabkaan: spy wireless ccd color camera, 3,4
ghz. Qalabkan habeen iyo maalinba isku si ayaa loo
isticmaali karaa, wuxuuna khabaarta u gudbin karaa
dayaxgacmeedyada meeraysanaya hawada sare sida nooca loo
yaqaan titan 4b ee fadhiya hawada dhexe.
Waxaana
aaminsanahay inay ninkaan hawlgalkiisa ay qaybweyn kasoo
qaateen hay'adda sirdoonka dalka uu ka yimid. Sida la
sheegay ninkani maleh qaab ganacsade waxaana cadayn
idiinku filan mudada yar ee uu Puntland joogey iyo inuu
marna sheegtay inuu ka socdo hay'ad bani aadanimo marna
uu yahay ganacsade. dadka da'diisa oo kale ah uma ogola
wadamada reer galbeedku inuu maalgelin ku sameeyo wadan
aan wadankiisa ahayn arimo sireed waa u sameeyaan.
ninkaan qaabkiisu veteran soldier, sida caadada ah dadka
kasocda hay'adaha kaalmada waa laga yaabaa inay qaataan
koofiyad calaamadoodu ku qoran markay wadan imaanayaan,
laakiin markay ka baxayaan ma qaataan, hadaba ninkaan
funaanada uu sito waa mid uu ku jeedinayo attentionka
dadka waxaase u qarsoon hawlo rabigeen ogyahay.
Waxaan idin
xasuusinayaa in sanadkii 2002dii uu nin ingiriis ahi uu
ku tegey wadanka Lubnaan inuu UN u shaqeeyo ka bacdina
uu dhexgalay dhalinyaradii reer Lubnaan wuxuuna ku
guuleystey inuu soo ogaado halka ay ku sugan yihiin rag
badan oo maanta ku xirxiran wadamada reer galbeedka.
Weriyayaal
isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo
Booqday Boosaaso iyo Shimbiraale. Kuma arag wax
urur argagixiso oo xarun ku leh Shimbiraale..
Xataa kuma arag raad shimbireed..
Akhri warbixintii Ingiriisi / Sept 2002
|
Sida aad losotaan
waqtigii dagaalka sokeeye ka socdey Puntland dhowr jeer
ayuu C/lahi Yuusuf ku sheegay inay joogaan ururka
alqaaciida, waana meel reer galbeedka u calaamadsan,
dhowr sheekhna waa lagu diley Bosaso dilkaas oo la
sheegay inay ka dameeyeen hay'adda PIS oo ah sirdoonka
Puntland ayna maalgeliyaan hay'adaha sirdoonka qarbiga.
Waxaan ka codsanayaa
dhalinyarada reer Puntland inay ka feejignaadan dadka
ajnebiga ah ee usoo suxulo duubtay baabi'inta diintiina,
dadkiina iyo dalkiina isla markaana ay la shaqeeyaan
booliska deegaanka lana socodsiiyaan khabaaraha ajnebiga.
waxaan kaloo ka codsanayaa culimada reer Puntland inay
aad u feejignaadaan wixii ay ka shakiyaana ay report ka
qoraan lana socodsiiyaan saldhiga booliska ee ugu dhow.
1997
/ 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga
oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa
daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u
faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu
duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday
labada shirkadood ee kala ah Achair Partners
(Swiss), Progresso (Italian).
Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in
European Green Party ay warbaahinta u soo
bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka
Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay
kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin
matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi
Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu
duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan
yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey
$80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka
dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu
arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka
Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku
cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi
wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi
Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii
Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu
ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun
miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.
Guji...
"Heshiis Saddex Geesoole ah oo
Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA
oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun
muddo 99 sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday
waraaqo ay ku saxiixanyihiin Madaxweynaha DFKMG,
madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii Hawlaha
Guud ee PL..
Guji..
|
Ogaadana jaajuus keliya
haka fekerina ee xataa xusuusta sidii sunta loogu duugey
dalka in ay shirkado magac qarbi wata ay heshiis la
galeen dad sheegta Soomaali laakiin aad dalkooda wax dan
ah ka lahayn si ay sun ugu aasaan wadanka Soomaaliya,
taasna yaan loo dayma la'aan.
Qore: X.H.
FEEDBACK (Waa Kuma
Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?)
Asalaamu Alaykum,
Waxaan akhriyey qoraalkii
cinwaankiisu ahaa Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u
Joogaa?
Marka hore waxaan idinkaga
mahadcelinayaa howsha wanaagsan aad qabateen, sida aan
aamin sanahay waa howl muhiim ah oo u baahan in la helo
dad u istaaga mushtamaca reer Puntland.
Haddii ninkani uu dan uu
isugu uu leeyahay u joogo Puntland ama uu jiro dad reer
Puntland oo dano ayaga ugaar ah u ah uu ninkani u joogo
wadanka waa arin muhiim ah oo u baahan in la ogaado,
looga digo mushtamaca.
Waxaa nasiib xumo ah in
maamulka uu dhaqmayo sidii maqaayad oo kale, taasoo
aaysan mudnayn in meeshu ay noqota meel ay dadku iska
soo dhexgalaan ayadoo qofkasta uu ku andacoonayo inuu
katirsan yahay urur wax caawiya ama uu yahay nin wax
maalgashan kara.
Qore: H.S.
Haa aniga ayaa Terry
la kulmay::
Haa aniga ayaa Terry la
kulmay oo u kuur galay arinta dhambta ah ee uu meesha u
joogo waxbaana idinkaga sheegi karaa hadii alle idmo.
Qore: F. C.
Mahad Celin::
asalaamu caleykum
Waxan hal kaan ooga mahad celinayaa SomaliTalk sida ay
oogu dadaalaan diinta islamka iyo soo ban dhigideeda wax
ala wixii khayr ah oo ay qabteen dadka diinta jecel ama
ka shaqeeya, waxan idin kula talinayaa in iina ka
caajisin diinta islamka soo ban dhigeeda ayada aya ina
an facaysa aakhiro iyo aduunba.
Qore: A. C.
Bogaadin iyo
dhiirri galin::
as.wr: War aan
idiinkaga hayo haatan ninkaas xaaladdiisu shakiga xoogga
badan abuuri karto balse waxaan idinku bogaadinyaa
tahniyadna hawada idiinkugu soo dirayaa iyo salaan sida
aad isaga xilsaaraysaan , ilaalinta qaranimada ummadda
idinka oo bulshada u bandhigaya si hufan khataraha jira
waana inaad u yeelataan sabir dadka in badani ma oggola
in xaqiiqda la sheego, taariikhda ayaana dadka kala
saaraysa tii ilaahna way dhimmantahay , ilaahay ha idin
barakeeye.
Qore: M.O.
Afeef: Dhammaan
aragtiyada ku qoran boggan waa aragtida dadweynaha kana
tarjumi maayaan aragtida SomaliTalk
Afeef: Qaar kamid ah
qorayaasha maqaaladan waxay codsadeen in aan la qorin
magacooda oo buuxa arimoxagga nabadgelyadooda la
xiriirta
Faafin: SomaliTalk.com | June
16, 2005 | Updated: June 17, 05
Qoraalkii Mohamed Said Mohamud:
Waa Kuma Terry? Muxuuse Puntland u joogaa?
CILMI
BAARIS MA KA SAMAYNEYSAA DHIBAATADA AY YEELAN KARTO SALIIDA
DABIICIGA AH OO BAARITAANKEEDA SI KHALDAN LOO ISTICMAALO,
IYO TAARIIKH GUUD OO KUSAABSAN SALIIDA CEERIIN: eeg linkiga
hoose:
|