"NSG" Waa
Shirkad Caynkee ah
(Northbridge Services Group,
Ltd)
Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 14, 2006
_________________
_______
NSG (Northbridge Services
Group, Ltd) waa shirkada uu wasiirka arrimaha dibada
Soomaaliya u saxiixay lahaanshaha xuquuqda bixinta shatiyada
shidaalka Soomaaliya [Eeg halkan].
Haddaba si aad wax uga ogaatid NSG waxa ay tahay akhri
qormada hoose oo aan ka soo tarjumney qoraalo NSG laga qoray.
Shabakada SourceWatch
(www.sourcewatch.org) ayaa qoraal ka qortay "Northbridge
Services Group, Ltd" ku bilowday sidan:
"Annagu ma nihin calooshood
u shaqaystayaal. Northbridge waa shirkad militari oo gaar
loo leeyahay (private) taas oo waxa keliya oo ay u
shaqaysaa ay yihiin dowaladaha sida dimoqraadiga ah loo soo
doortay ama hay'adaha muctarifka ah." sidaas waxaa yiri
Andrew Williams oo ah madaxa Northbridge Services Group.
Guud-mar
Northbridge Services Group,
Ltd., waxa ay ka diiwaan gashan tahay dalka Dominican
Republic (laakiin laga leeyahay Britain), waxaa asaasay
askar shaqada ka fariistay oo ah Britain iyo USA, waxaana
lagu xiriiriyaa
EO (Executive Outcomes) oo sanadihii 90-naadkii
ka hawl gelijirey Afrika sida Angola, Sierra Leone, Burundi,
iyo Congo. Sababaha qolyahaas loogu xiriiriyey waxaa ka mid
ah in wakiilka Northbridge ee USA oo magaciisa la yiraahdo
Pasquale DiPofi ahna waardiyaha (bodygruard) in shirkadiisii
hore ee ku taal Michigan loogu yeeri jirey Executive
Outcomes, Inc., iyo sababtoo ah in uu sheegtay deyn dalka
Sierra Leone ee ay leedahay EO.
- EO asalkoodi waxaa
xarun u ahayd Konfur Afrika waxana ay ka hawl galeen
Angola iyo Sierra Leone. Hawl-galladoodii Dalka Angola,
EO waxa ay shaqaalaysiiyeen askar Koonfur Afrika ah
waxaana lacagta bixinayey shirkada shiidaalka ee
Sonangol oo ah shirkad ay lahayd dowlada Angola, waxa ay
Angola ku gacan siinayeen sidii ay dib ugu qabsan
lahaayd meesha lagu magacaabo Soyo oo ay ceegaato
saliida ceeriin. Waxaana la sheegay in EO la siiyey
lacag dhan $40 million si ay hawshaas u fuliyaan. EO
waxa ay markii dambe gacan siiyeen dowladda Sierra Leone
isku daygeedii in ay ka itaal roonaato mucaaradka.
Arrintaas waxaa qoraal cinwaankiisu ahaa "Calooshood u
shaqaystayaasha iska hor-imaadka Afrika" ka qortay
British Broadcasting Corporation.
Charles Taylor |
Hawl-galladii Afrika:
Sannadkii 2003, xilligaas
oo dalka Liberia uu ka socdey dagaal ahli ah, isla mar
ahaantaasna uu madaxweyne Charles Taylor uu ka dhuumanayey
in la qabto, ayaa Northbridge waxa ay isu soo qadimeen in ay
soo qabtaan Charles Taylor isla markana ay soo qabashadaas
ku rabaan in ay ku qaataan $4 million oo doolar. Dowladda
Ingriisku arrintaas ganafka ayey ku dhufatay, arrintaasina
ma hirgelin.
Bishii April ee sannadkii
2003 ayaa Baarlamaanka Britain
laga sheegay in walaac aad u weyn laga muujiyey
warbixinada sheegayey in Northbridge Services Group, oo ah
shirkad laga leeyahay UK, ay abaabuleysey in ay isku
dubarido in ay qorato askar hore u ahaan jirey militari oo
ay ka qorayanso dalalka Britan, South Africa iyo France si
ay uga hawl galaan Cote d'Ivoire (Ivory Coast), arrintaas oo
baarlamaanka laga sheegay in ay curyaamin ku tahay isku
dayga uu dalka Britain iyo beesha caalamku isku deyayeen
nabad kusoo dabaalida Cote d'Ivoire.
-
Qoraal
ay
April 2, 2003 daabacday shabakadda British
Broadcasting Corporation ayaa sheegay in dowladda
Ingriisku ay u digtey shirkad reer UK in aysan qoran
shaqaale calaashood u shaqaystayaal ah oo hawl ka
fulinaya dalka Ivory Cost. Xoghayaha arrimaha
dibada ee dalka Britain ayaa shirkadahaas ku tilmaamay
kuwo curyaaminaya habsami u socodka nabadda. Waxana uu
sheegay in uu si aad uweyn uga welwelsan yahay
warbixinta ah in Northbridge Service Group ay
qoranayaan kuwo hawshaas fulinaya.
May 2003 ayaa laba kooxood
oo ka socdey Northbridge waxa ay bilaabeen in ay u duulaan
dalka Nigeria, markaas oo dad mudaharaadayey ay madax
furasho laba toddobaad dad ugu qabsadeen meesha badda ku
taal ee laga qodo shidaalka. Kuwii madaxfurashada wax u
haystey waxa ay bilaabeen wada hadal markii ay maqleen waxaa
soo socda koox kumaandoos ah oo ah Northbridge.
Qoraal ay jariidada
Financial Times daabacday August 7, 2006 ayaa sheegay in
Maraykanka iyo Britain ay baaritaan ku wadeen Northbridge in
ay ku xad gudubtey iyo in kale cunaqabataynta hubka ee ay
soo rogtey hay'adda Qaramada Midoobey, waxaa kale oo
baaritaan lagu wadey qorshaha ay Northbridge ku raadineyaan
in xukunka laga tuuro madaxweyne Taylor. Waxaana muuqatay in
Northbridge aysan ku guulaysan in ay maalgelin ka helaan
Sierra Leone si ay usoo qabtaan Taylor, sidaas waxaa yiri
qoraalka SourceWatch oo warka inoo soo wadey.
Sababta aysan arrintaas ugu
bedelan heshiis macdaneed, waxa uu DiPofi ka yiri "ma rabno
taas in aan samayno. Heshiisyada ganacisu waxa ay sameeyeen
magac xumo."
September 6, 2004 ayaa
garoonka diyaaradaha ee magaalada Detroit waxaa laga xiray
DiPofi, isagoo markaas ka soo laabtay dalka Ciraaq halkaas
oo uu waardiye ahaan ugu shaqaynayey gawaari kolonyo ah oo
militari (waxana uu Ciraaq ku maqnaa laab bilood iyo bar).
Waxaa lagu soo oogey xadgudub ah in uu ka masuugey bixinta
cashuurta iyo dhawr khiyaamo (foojari) iyo cabsi-gelin uu
sameeyey. Waxa uu dhiibey baasaboorkiisii waxaana lagu
siidaayey damaanad ah.
Markii ay EO (Executive
Outcomes) ay kasoo bexeen wadanka uu ka socdey dagalka
ahliga ah ee Sierra Leone, waxaa jirtey lacag dhan $23
million oo aan weli la siin (1995-97). Hadaba si ay deynkaas
u sheegtaan ayaa shirkada reer Britain, waxa ay bishii
Febraayo ee 2002 soo qaabileen shirkad leh isla magacaas ee
ku taal Michigan si ay ugu raadiso deynka kaga maqan Sierra
Leone. Markaas ayaa DiPofi iyo jaalkiis waxa ay sameeyeen
waraaqo macmal ah oo ay dowladda Sierra Leone ku
sheeganayaan lacag dhan $23 million ayagoo sii maraya magaca
shirkaddii Britain.
Waxaa kale oo DiPofi lagu
eedeeyey in ay la xiriireen shirkada kale (EO-Panama) si ay
deynka usoo ururiyaan, kaddib DiPofi (oo is qarinaya) ayaa
shirkadaas u diray fax-yo, telefoono iyo sawiro cabsi gelin
ah. Markii dambe waxaa dabagal la sameeyey lagu ogaadey in
Fax-yada laga soo diray xafiiska DiPofi.
SourceWatch waxa ay
qoraalka kusoo gabagabeeyey shaqaalaha NSG in ay yihiin:
Robert Kovacic (Madaxweynaha), Andrew Williams (Agaasimaha
UK), Pasquale DiPofi (Wakiilka US).
June 12, 2006 ayey ahayd
markii NSG websitekooda ku soo bandhigeen warqad uu ku saxiixan
yahay wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil,
taas oo ay ku cadahay in NSG la siiyey awooda ilaalinta
xeebaha iyo badda Soomaaliya iyo abaabulidda ciidanka
difaaca badda ee DFKMG. [Eeg halkan...].
Ilaa hadda DFKMG war kama soo saarin warqaddauu saxiixay
wasiirka arrimaha dibada iyo sida ay u waafaqeyso xeerka
cusub ee shidaalka.
June 13, 2006 ayaa magalada
dalxiiska loo tago ee Malindi waxaa lagu soo gabagabeeyey
kulan lagu soo agaasimay sharci loo sameeyey shidaalka
Soomaaliya, sharcigas oo lagu wareejiyey Ra'iisul wasaaraha
Soomaliya Cali Maxamed Geeddi si uu u hor geeyo Golaha
Wasiirada DFKMG iyo baarlamaanka si loo ansixiyo. Qodob ka
mid ah xeerka cusub ayaa dhigaya "Shirkado ku haboon oo
leh xirfado waa in lagu casumo baaritaanka, iyo soo
saarida shidaalka Soomaaliya." [Eeg
halkan...]
Waxaa xusid
mudan in bishii December ee 2005 ay ahayd markii ay soo
shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay heshiis-badeed
la gashay TOPCAT, laakiin heshiiskaas
hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka dib markii saxaafaddu
si xeel dheer uga faalootay arrimaha la xiriirey heshiiskaas.
Taas oo ay ka sii horeysey in Febraayo 2005 uu soo shaac
baxay heshiiskii saddex geesoodka ah (Puntland/DFKMG/HAFZA)
ee Xaafuun muddo 99 sannadood ah lagu siinayey
HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la waayey.
Waxa sidoo kale hadal hayntiisa DFKMG laga waayey heshiiskii
bishii May ee 2005 magaalada Nairobi ku dhex maray Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo ninka lagu magacaabo
mr.
Meier oo reer Norway ah oo uu la socdey C/raxmaan
Liibaan oo ah Soomaali deggan Norway. C/raxmaan waxaa
markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya
Norway, ninkii reer Norwayna waxaa laga dhigay lataliyaha
gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha
arrimaha soo saarida Shiidaalka. Sidoo kale waxay ahayd
bishii Febraayo ee 2005 markiiuu Puntland yimdi Terry oo u
socdey samafal carruurta, markii dambena isaga iyo wasiiro
reer Puntland ah ayaa shirkad lagu magacaabo "Consort ltd"
waxa ay kusoo dhiseen jasiirada Maldives, taas oo markaas la
siiyey xuquuqda gebi ahaanba baaritaanka khayraadka
dabiiciga ee ku jira Puntland. [Eeg
halkan..].
- Ma rabtaa arrimaha
shirkadaas in aad su'aalo ka weydiisid DFKMG, gaar ahaan
ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, waxaad toos ugala
xiriiri kartaa email:
premiersom@wananchi.com.
AKHRI: Sharcigii loo Sameeyey
Shidaal Qodista Soomaaliya oo lagu soo wareejiyey Cali Maxamed Geeddi
si uu u horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka DFKMG....GUJI
AKHRI: Shirkad Sheegatay
in ay Dowladda Federaalku u ansixisay lahaanshada Xuquuqda Gorgortanka iyo
bixinta yeelashada shatiyada (laysanka) ee heshiisyada
shiidaalka, baaritaanka iyo qodista ee dalka Soomaaliya...
Guji...
Tarjumadii: SomaliTalk.com |
June 14, 2006
Tixraac:
DFKMG
oo Xuquuqda Shidaalka Soomaaliya u Ansixisay 'NSG' oo
ah.....
Qoraal uu ku saxiixan yahay
wasiirka Arrimaha dibadda ee DFKMG ayaa waxaa ku cad in
xuquuqda shidaalka..
GUJI
Jun 13
|