Puntland oo Wada Hirgelinta "Dastuur Cusub" oo Xasaasi ah....
- Faalladii SomaliTalk.com | Sabti, Maarso 1, 2008
"Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu
meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan."
"Dawladda puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo
ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka
dabiiciga ah."
"Calanka Puntland Waa (tartan furan)"
"Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano waa
muwaaddin puntland..."
"Iibinta hanti dawladeed oo lagu qiimeeyay Sh.So. shan boqol oo malyan
wax ka yar waa inuu oggolaado Madaxweynaha ama wasiirka qaabilsan...."
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda
Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo
sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida,
gaar ahaan xagga Muwaadin-nimada, haddii uu dhaqan galo, kaas oo ujeedada ugu
weyn ee lagu salaynayo ay tahay sidii Dawlad FKMG aysan Puntland ugala hadlin
shirkadaha Shidaalka ee ay heshiiska la gelayaan ama la galaan (madaxda
Puntland).
Dastuurka Cusub ee Puntland waxa uu u gogol dhigayaa in jinsiyad ama
muwaadinnimo cusub loo sameeyo dadka dega dhulka Soomaaliyeed ee xiga dhanka
Woqooyi Bari ee loo bixiyey Puntland, lagana faquuqo 'Soomaalida' inteeda kale.
Taas oo ay madaxda Puntland is tusiyeen in ay u sahleyso in khayraadka
ku jira dhulkaas ay shirkaddii ay doonaan heshiis kula geli karaan.
Inta aynaan sharraxaad dheeraad ah ka bixin arrimahaas, aan eegno qodobka
asaaska u ah arrimaha ay damacsan yihiin madaxda Puntland - waa qodobka
48aad ee Dastuurka Cusub ee Puntland (2008) oo si cad u sheegaya in "Dawladda Puntland
heshiis la geli karto shirkado ajnabi ah." Arrintaas oo ahayd tii hore isaga hor
keentay Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) iyo Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka
ah (DFKMG).
Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?
QODOBKA 48aad (ee Dastuurka Puntland 2008) oo ku saabsan KHAYRAADKA DABIICIGA AH:
- 1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka puntland
waxaana looga faa,iideysan karaa si sharciga waafaqsan.
- 2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka
faai’iidaysiga kayraadka dabiiciga ah.
- 3. Dawladda puntland waxay heshiis la geli kartaa shirkado
waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta
khayraadka dabiiciga ah.
- 4. Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khayraadka
dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney
ka badnaan 25 sano.
Arrinta la xiriirta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaalida cidda
maamuleysa ayey ahay markii hore tan muranka xoogga weyn ka dhex
dhalisay DFKMG iyo DGPL. Hadda qodobkaasi waxa uu hor seedi karaa
arrin tii hore ka qoto dheer.
QODOBKA 48aad ee Dastuurka Puntland (2008)
Waxaa muhiim ah in si hoose loo eego qodobka cusub ee
Dastuurka Puntland ee ku saabsan khayraadka dabiciiga ah. Waa
qodobka 48aad iyo farqadihiisa uu ka kooban yahay oo aan qodob-qodob u kala qaadayno:
Q.48aad. Farqadda 1aad:- Marka dastuurka lagu qorey "khayraadka
Puntland" waxaa leh "dadka Puntland" === taasi waa khaas ahaansho dad gooni ah,
oo meel gooni ah deggan la lahaysiinayo wixii eey aheyd in dadka Soomaaliyeed oo
dhan uu ka dhaxeeyo. Hagaag taasi waxaa ka ratibmeeysa in "shacabka" Puntland
eeysan waxba ku lahayn kheyraadka Gobolada kale ee Soomaaliya,
maadaama ay koodii xermo/ceshiimo
kusameeyeen.
Q.48aad. Farqadda 2aad:- Dowlada Puntland ayaa ka mas'uul ah ilaalinta
iyo ka faa'iideysiga khayradka Dabiiciga ah === Halkani waa laba qodob oo isku
hoos jira, kan hore ee ka mas'uul ahaanshaha ilaalinta kheyraadka waa arrin
fiican oo loo baahan yahay in cidkasta eey mas'uuliyad iska saarto khayraadka
dalka, balse waxaa is weeydiin leh kheyraadka Puntland ma shidaalka kaliyabaa?,
aawey khayraadka badda ku jirra ee kalluunka uu ka midka yahay?. Kumaa
ilaalintiisa u xilsaaran?. Puntland waxay dhowr jeer oo hore u sheegtay in
eeysan awood u lahayn ilaalinta badda oo si xad dhaaf ah oo sharci darro ah
looga kalluumeysto si dhac ah, Puntland waxay dowlada KMG ah ka codsatay ama oga fadhidaa
ilaalinta kheyraadka badda. Marka qodobkan ilaalinta waxaa muuqata in uu ku
kooban yahay shidaalka. Qodobka ka faa'iideysiga ah waa halka eey sartu ka
quruntey. U-fiirso waa laga taxadaray marka qodobkaasi la qorayay, weedhani waa
mid haddii la sharciyeeyo halis culus galin karta khayraadka, waa qorshe gacanta
loogu galinayo dad khaas ah wixii eey aheyd in dadka oo dhan uu ka dhaxeeyo.
Dabcan kalmada Puntland ah, iyaduna waa halka eey sartu ka quruntey. U-fiirso
Puntland waxa eey ka mid tahay DKMG, marka dowlada meesha laga saarey tani waa
astaantii ugu horeysey ee muujineysa in Puntland eey jiraan qorsheyaal u
qarsoon, oo xitaa ka xeel dheer kheyraadka, taasoo micnaheedu yahay in xitaa
laga fakari karayo qorsheyaal gooni ugoosadnimo, sida Somaliland oo kale -
Taasina waqtiga ayaa cadayn doona.
Q.48aad. Farqadda 3aad:- Dowlada Puntland waxay heshiis la gali kartaa
shirkado waddani ah iyo ajnabi ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ah ka
faa'iideysiga Kheyraadka dabiiciga ah === Jumladdani ayaa qof kasta kaga filan
in uu fahmo qorshayaasha mardabaysan ee Puntland eey leedahay. La soco horta ma
jirto shirkad ajnabi ah (oo caalami ah) oo heshiis la galaysa gobol, ilaa
Wasaarad Arrimo Dibadeed oo adduunku aqoonsan yahay heshiiska lala saxiixdo oo
ogolaansho dalka lagu soo galo laga helo. Laakiin marka la eego qaabka qodobkan
loo qoray micnaheedu waxay tahay in
wasaaradda arrimaha dibada DKMG ah eey marna Puntland si khaas ah u matali
karto, marna Soomaaliya, marka eey Puntland matalaysana waxa soo baxa eey
Puntland khaas u yihiin, oo Soomaaliya inteeda kale eeysan la wadaagin, taasi
waxaa ka ratibmaya in magaca dowladda iyo dhammaan waxa jira oo dhanba ey yihiin
marin habaabin cad.
Q.48aad. Farqadda 4aad:- Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta
khyraadka dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney ka
badnaan 25 sano === Waa qodobka muujinaya in si maqaar saar ah loo adeegsado
kelmedaha "Golaha Wakiillada" ayaa ansixinaya. Laakiin maxay ansixinayaan - in
Rubuc Qarni shirkad dad gaar ah heshiis kula jirta ay sidii ay doonto u daldalan
karto khayraadka dalka (Puntland).
Aragtida Shacabka Puntland ee Qodobka 48aad ee Dastuurka Puntland (2008)
Hordhaca Dastuurka Cusub ee la damacsan yahay in laga dhaqan geliyo Puntland
(2008)
waxaa ku qoran qoraal hordhac ah oo u qoran sidan:
(Dastuurka Cusub 2008 ee Puntland ee Qabyada ah): Qoralkani waa natiijadi wajigi koowaad ee dib u eegista Dastuurka Dawlad
Goboleedka Puntland, waana qoraal qabya ah oo aan sina loogu qaadan Karin inuu
rasmi yahay. Qoralkan waxaa loogu tala galay in wajiga labaad ee dib u eegista
dastuurka lagu biiriyo talada dadweynaha markaas ka dibna la horgeeyo xukuumadda
dawlad Goboleedka si ay ayaguna u go’aamiyan nuqulka kama dambaysta ah ee la
horgeynayo Golaha wakiillada Puntland inta aan loo banhdigin afti dadweyne.
Haddaba, shacabka Puntland oo qaar ka mid ah aan wax ka weydiiney a
Dastuurkaas ayaa hadalladoodii waxaa ka mid ahaa:
"Waxay Ila Tahay Dasuurka Cusub ee Puntland ay haatan waddo inaanu
waxba ku soo Kordhinayn Maamulka Puntland, dhammaan shacabka oo dhan ayaa hadal
haya Dasduurkaasi, waxa ugu badan oo ay dadku is waydiinayaan ayaa ah Maxuu kaga
Duwan Yahay Kii Hore????"
Dad badan oo aan wada Joogno Magaalada Bosaaso ayaan Mikirifoonka la xedh qaadnay
oo qof walba su'aalay bal waxay ka qabaan Cida Maamulaysa Khayraadka
Dalka Soomaaliya?. Dadku waxay sheegayaan in ay Xaq u leedahay inay
Khaydraadkaasi Maamusho Dawlada Dhexe ee DFKMG. Isla markaana Miisaaniyada ka soo
Baxday loo qaybsho sidan:
- 1- DFKMG, Inay Barkeeda qaadato.
- 2- Muumuladuna ay qaataan Qaybtooda.
Waxa kale oo shacabka deggan Puntland ay aaminsan yihiin
inay jiraan arrimo
muujinaya Culays badan oo dhanka DFKMG kaga
imanaya Puntland, iyada oo Puntland dhawr jeer looga digay inay faraha kala
baxdo Khayraadka Dalka isla markaana ay Hawshaasi la wareegto Dawlada dhexe ee
Soomaaliya.
Balse inta aynaan u gudbin arrimahaas waxa uu ka qabo Dastuurka DFKMG (2003)
iyo waxa la gudboon Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, waxaan jalleeci doonaa qodobbada
kale ee aan kusoo xusnay bilowga Faalladan.
Gogol-Dhigga in Puntland laga Gooyo Soomaaliya....
Ilaa hadda waxaan si gaar ah uga soo hadallay qodobka la xiriira Khayraadka
Dabiiciga ah ee Puntland, waxaana qaybtaan kusoo bandhigeynaa qodobada muujinaya
gogol dhig ay madaxda DGPL u samaynayaan sidii Puntland looga goyn lahaa
Soomaaliya (Taas oo dadka siyaasadda Puntland la socda ay ku tilmaamaan in ay
tahay arrin ay madaxda Puntland ku doonayaan in aan khayraadka dabiiciga ah lagala
hadlin, haddiise lagala hadlo waxay qorshaynayaan in ay hirgelinayaan dastuurka cusub.)
Qodobbo kamid ah Dastuurka Loo Samayanyo Puntland 2008:
QODOBKA 1aad oo ku saabsan MAGACA IYO HIMILADA.
- Farqaddiisa 2aad: Himilada Dawlad Goboleedka Puntland waa taabbagelinta nidaam
dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho
una horseedi Kara dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinacwalba
ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaaddiniinta
Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka
Soomaaliyeed.
QODOBKA 3aad oo ku saabsan HANNAANKA XUKUNKA.
- 1. Dawlad Goboleedka Puntland waa qayb ka mid Somaaliya, xil ayaana ka
saaran hirgelinta dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
- 2. Awoodaha Dawlad Goboleedka Puntland ay ku wareejin doonto dawladda
Federaalka ah ee Soomaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland waxa ay ku
imaanayaan wada xaajood dhexmara dawladda federaalka ah iyo Dawlad
Goboleedka Puntland.
- 3. Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu
meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan.
- 6. Hannaanka siyaasadeed ee dawladda waxaa gundhig u ah mabaadi’da:
(a) Shareecada islaamka.
(b) Dimuqraaddiyadda.
(c) Maamul-wanaagga.
(d) Wada-tashiga.
(e) Danta guud oo laga horumariyo danta gaarka ah.
(f) tartanka xisbiyada badan, iyo
(g) xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan.
QODOBKA 4aad oo ku saabsan DADKA:
- 1. Dadka Dawlad Goboleedka Puntland waa dadka leh jinsiyadda Puntland.
- 2. Qof kasta oo u dhashay ama ku dhashay Puntland waxaa loo aqoonsanayaa
inuu leeyahay jinsiyadda Puntland.
- 3. Jinsiyadda waafaqsan faqradda labaad ee qodobkan waxaa dammaanad
qaadaya sharciga.
- 4. Sharci gaar ah ayaa qeexaya sida lagu heli karo ama lagu waayi karo
jinsiyadda Puntland.
QODOBKA 10aad oo ku saabsan CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA DAWLAD GOBOLEEDKA
PUNTLAND
- 1. Calanka Puntland Waa (tartan furan)
- 2. Astaanta Dawlad Goboleedka Puntland waa (tartan furan)
- 3. Heesta Calanka waa (tartan furan)
QODOBKA 37aad oo ku saabsan MUWAADINNIMADA
- 1. Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano
waa muwaaddin puntland.
- 2. Muwaadinka Puntland luminmaayo muwaddinnimidiisa haddii uu qaato
jinsiyad dal kale.
QODOBKA 48aad oo ku saabsan KHAYRAADKA DABIICIGA AH:
- 1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka puntland
waxaana looga faa,iideysan karaa si sharciga waafaqsan.
- 2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka
faai’iidaysiga kayraadka dabiiciga ah.
- 3. Dawladda puntland waxay heshiis la geli karta shirkado
waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta
khayraadka dabiiciga ah.
- 4. Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khyraadka
dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney
ka badnaan 25 sano.
QODOBKA 51aad oo ku saabsan SHIRKADAHA WADAAGGA AH
- 1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa
shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal
waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
- 2. Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya
wasaaradda hawlaheedu la xariiraan iyo saamileyda gaarka ah.
QODOBKA 52aad oo ku saabsan GADIDDA HANTIDA UMMADDA
- 1. Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la
mariyo habraac sharciga waafaqsan.
- 2. Lama iibin karo hanti ummadeed haddii aanay dawladdu
dhinac ka ahayn.
- 3. Iibinta hanti dawladeed oo lagu qiimeeyay Sh.So. shan
boqol oo malyan wax ka yar waa inuu oggolaado Madaxweynaha
ama wasiirka qaabilsan. Iibinta hanti kasta oo qiimeheedu
gaarayo Sh.So.Hal bilyan ansax ma aha haddii aanu oggolaan
Golaha Xukuumaddu. Hanti kasta oo qiimeheedu ka badanyahay
Sh.So.Hal bilyan iibinteedu waxay u baahanaysaa
oggolaanshaha Golaha wakiillada.
FG: 500,000,000 Somali Shilling = 350,000 US Dollar [Eeg
www.somalitalk.com/sarif/]
QODOBKA 58aad oo ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA
- 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan sano (5) laga
bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.
Xildhibaanka golaha wakiillada dib ayaa loo dooran kara
QODOBKA 78aad oo ku saabsan MUDDADA XILKA
- Muddada xil haynta Madaxweynaha iyo Madaxweye
Ku-Xigeenku waa shan sano (5) labo jeer oo kaliya
ayaana la soo dooran karaa.
Qodobaddaasi waxay muujinayaan sida xeeladaysan
ee loo kala faquuqayo shacabka Soomaaliyeed, isla
markaasna ay u caddahay arrinta loo gogol
dhigayo. Waxaanna arrimahaas wax ka weydiiney qaar
ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxaana mid
ka mid ah uu ku jawaabey sidan:
"Runtii waa la yaab waxa meesha ka socdaa !!
Laakiin Soomaalida ayaa horay u tiri " ishiisa laga
arke ayaa ushiisa lagu tumaa ", shacabka ayaa
laga arkay...."
"Isha ayaan mariyay Dastuurka lagu sheeggay. Arrimaha boobka ee la
sharciyeynayo, waxaa igalaba sii daran kan muwaaddinnimada. Bal u fiirso
qodobada muwaaddimada. Qofka Puntlandays-ka ah ayaa muwaadin ah, ogow
Soomaalinnimo waa ku deysaye. Kaba sii darane, reer Puntland oo dhan ma loo
oggolyahay muwaaddinnimo? Sida Dastuurkaasi sheegayo waa maya !!. Waxaan
muwaadin noqonayn qofka da'diisu ka yar tahay 18
sano [Eeg: Qodobka 37aad, Farqadiisa 1aad oo
dhigaya: Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland
da’diisuna gaartay 18 sano waa muwaaddin
puntland.]..." Malaha halkaas waxay ku khaldeen
in ay maqleen dalalka adduunka qaarkood waxaan codayn karin carruurta da'doodu
ka yar tahay 18-sano. Balse xitaa haddii sidaas loo qaato, waxay ka hor
imaneysaa Qodobka 30aad ee "Dastuurka Cusub ee Puntland 2008" oo ku saabsan
XAQUUQDA CARRUURTA, oo dhigaya sidan: [1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta
oo toban iyo shan (15) sano ka yar.]"
"La yaab. Su'aashu markaa waxay noqoneysaa: Yaa ah
muwaaddin. Jawaabtu ma dhib-badna, sidey madaxda
Puntland ee hadda damacsanyihiin... waa inta rabta
inay khayraadkeenna boobaan iyo intii ay ku
adeegtaan..."
"Waxaan fikraddeydii ku soo koobayaa in dastuurkaas Puntland ee 2008
ay ka muuqato labo arrimood:
- 1. In la rabo in Puntland laga gooyo Soomaalida
koofureed, sidii shalayba Soomaaliland loo gooyay,
lana yiraahdo dowlad ayaad tihiin, laakiin waa in
ay idiin taliyaan Itoobiya iyo burcadda khayraadka
boobta. Ogow hilib weyn ninkii liqaa wuu ku
mergedaa, markaa waa in la googooyo si sahal loogu
liqo..
- 2. In shacabka Puntland la rabo in laga xalaaleysto oo laga saxiixdo iney
ogolaadeen in khayraadkooda la boobo, madaxdoodana xoogaa dufan doqomeed ah
afka loo mariyo. Iyaguna (Shacabku) sidaas miyey ku faraxsanyihiin?."
Qodobka sida cad uga Hadlaya Muwaadinnida....
Akhristayaasha haddii inyar mugdi kaga jiro qodobka ka hadlaya muwaaddinimada,
waxaa xusuusin mudan in la is barbar dhigo Dastuurka Putland (2001) iyo
Dastuurka Cusub ee Puntland (2008), gaar ahaan qodobka ku saabsan cidda
noqoneysa madaxweynaha Puntland.
Dastuurkii 2001 ee Puntland QODOBKA 53aad oo ku saabsan Shuruudaha lagu dooranayo
Madaxweynaha Dawladda iyo Ku-xigeenkiisa, waxaa ka mid ah:
- 1. Waa in uu yahay Somali (Labadiisa waalid), muslin ah kuna dhaqma
Diinta Islaamka, isla markaasna ah muwaaadin Puntland, miyirkiisu taam
yahay, dadiisuna aan ka yarayn 40 sano marka uu xilka qabanayo.
- 2. Waa in uu aqoon maamul, waayo-aragnimo hogaamineed iyo tacliin sare
leeyahay, waana in uusan qabin xaas ajnabi ah, guursana karin inta uu xilka
hayo.
Waxaa qodobkaas lagu bedeley sida hoos ka muuqata:
Dastuurka cusub ee Puntland 2008 QODOBKIISA 77aad waxa uu dhigayaa: Qofka
Madaxweynaha noqonaya:
- (a) Waa inuu yahay muwaaddin reer Puntland, muslim ah ku dhaqma diinta
Islaamka, miyirkiisu dhanyahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40)
sano, isla wakhtigaasna aanu qabin xaas ajnebi ah inta uu xilka hayana
guursan karin.
- (b) Waa inuu leeyahay tacliin sare, waaya-aragnimo hoggaamineed, iyo
aqoon la xariirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Xukun Dheeraysiga Madaxda Puntland...
Arrinta kale ee shacabka Puntland is weydiinayaan waxaa ka mid ah sababta
keentay in mar kasta ay madaxda Puntland isugu dayaan in ay waqtiga xukunka dheeraystaan.
Arrintaas oo laga dheehan karo marka la is barbardhigo labada dastuur ee
Puntland (2001 & 2008)
Dastuurkii hore ee Puntland ee dhaqan galay 1da Luulyo 2001 waxa uu dhigayaa
in waqtiga Golaha Wakiiladu uu yahay 4 sano, sida ku cad qodobka QODOBKA 43aad (2001) oo
ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA oo u qorna sidan:
- 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa afar sanno (4) laga bilaabo maalinta
natiijada doorashada lagu dhawaaqo.
Dastuurka Cusub ee Puntland (2008) QODOBKA 58aad oo ku saabsan GOLAHA WAKIILLADA
waxa uu dhigayaa in muddada golah awakiiladu ay tahay 5
sano:
- 3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan sano (5) laga
bilaabo maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo.
Xildhibaanka golaha wakiillada dib ayaa loo dooran kara
Arrintii hore muranka uga dhalisay Puntland, ayaa ahayd in markii hore
waqtiga xukunka madaxda Puntland oo ahaa 3-da
sano ay waqti ku kororsadeen oo kana dhigteen 4 sano. Arrinta muranak weyn
dhalisay ayaa ahayd LIFAAQA KOWAAD ee Dastuurka Puntland (2001) kaas oo dhigayey in:
- 2. Golaha wakiilladu wuxuu bedelay Qodobada 8.4 iyo 12.1 ee axdiga
waxaana loo
bedelay sidan:-
- B) Mudada xilka Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland,
Madaxweynaha iyo K/xigeenkiisa waxaa la dheereeyey xilligoodii shaqo lagana
dhigay 3 Sano oo ku meel gaar ah iyada oo markii hore uu xilkoodu ku
dhamaanayey 30/06/2001...
Hadda afartii (4) sano ee xukuumadda ee hore loo diidanaa waa la sii
kordhinayaa oo waxaa laga dhigayaa shan (5) sano.
Sida aan qaybaha hore ku soo xusnay, arrimaha xukun dheeraynta iyo
muwaadinnimada la kala faquuqayo iyo madaxbannani la raadinayo waxaa sal u ah
khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyo sidii DFKMG looga dhigi lahaa mid aan
wax shaqo ah ku lahayn khayraadkaas, taas oo loo gogol dhigayo in Puntland oo
keliya ay geli karto heshiisyada caalamiga ah ee khayraadka iyo sidii cid gaar
ah oo maamusha loo siin lahaa khayraadka dabiiciga ah.
Dib u jalleec QODOBKA 3aad oo ku saabsan HANNAANKA XUKUNKA, waxa uu
dhigayaa in:
- 3. Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu
meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan.
Halkaas waxaa ku cad in Puntland noqoneyso "dawlad madaxbannaan" ilaa "laga
dhammaystirayo dastuur federaal" iyo weliba in ay tahay shardi in dastuurka
Federaalka "afti dadweyne lagu meelmariyey". Taas oo aan la ogeyn xilliga DFKMG
ay awood u yeelan doonto in ay arrimaha la xiriira dastuur iyo afti dhaqan
geliso.
Waxaa halkaas la socda in khayraadka dabiiciga ee Puntland ay gebi ahaanba
maamuleyso DGPL.
Dastuurka DFKMG iyo Khayraadka Dabiiciga ah:
Waxaa muhiim ah in la ogaado halka eey DFKMG ka taagantahay arrimahani, maankana ku hay in khilaafkii uu Cali
Geedi xilka oga dagay eey arrimahani salka ku hayeen, meeshana haka saarin
suurtogalnimada in haddii mustaqbalka dhow eey DKMG ah wax u kala socon waayaan
Puntland eey mari karto waddadii Somaliland, waxa hadda socdana waa usii gogol
xaaridii arrintaasi. Waligaana ha filin in qorshe kasta oo Puntland ka hergalo
uusan ka warheynin C/laahi Yusuf oo ah madaxweynaha DFKMG, waxaana lagu garan doonaa haddii uu arrimahan
aamus kaga jawaabo. Waxaan filayaa in arrimihu kala cadyihiin oo aanan la'isku
khaldi doonin.
Arrimahaas, gaar ahaan khayraadka Dabiiciga ah waxa uu ka qabo Dastuurka DFKMG (2003
DRAFT) waxay ku
cad yihiin qodobadan:
QODOBKA 66aad: SIYAASADDA DHULKA
- Dhulka waa kheyraadka Soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhigga nolosha
ee dadka waana in lagu hayaa isticmaalaa loona maareeyaa si caddaalad ah,
wax soo saar leh oo joogtayn karo.
- Dowladda waa inay caddeysaa sameysana siyaasadda qaran ee dhulka, isla
markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Loona sameeyaa
diiwaangelin, ku dhaqan, lahaanshaha, degidda, maareynta xuquuqda
nabadgelyada, dooda iyo milkiyadda dhulka.
QODOBKA 67aad: KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA
- Kheyraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo
xayawaanka waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya qaabka ugu wanaagsan oo
loogu manaafacaadsanayo.
- Dowladda waa inay siisaa mudnaan ilaalinta, keydinta, dhowrista
deegaanka wax kasta oo waxyeelayn kara
- Qof kasta oo ku sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku waajib ah inuu
dhowro hagaajiyana deegaanka
- Dowladda waa inay dhiirigelisaa sahashaana ka qeyb galka caam ah dhinaca
horumarinta, fulinta, maareynta, keydinta iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga
ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
- Dowladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu nadiifinayo haraaga wasakhda
lagu soo qubo xeebaha Soomaaliya. Waa in la weysiistaa magdhow kuwa lagu
helo inay ka dembeeyaan dembiyadaas.
QODOBKA 69aad: XIRIIRKA CAALAMIGA IYO LABO GEESOODKA IYO SHURUUCDA
CAALAMIGA
- Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay
oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada caalamiga ee
Soomaaliya ka socon kara...
Qodobbadaasi waxay ahaayeen kuwii iska hor keenay DGPL iyo DFKMG,
kaddib markii ay Puntland sheegtay in ay heshiisyo caalami ah la geli
karto shirkado shisheeye, laakiin taas ay xukuumadii hore ee DFKMG ay
ganafka ku dhufatay...
Nuur Cadde iyo Dastuurka Cusub ee Puntland
Ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, ilaa hadda war sugan kama
bixin arrimahan xeeladaysan ee ka soo ifbaxaya Puntland.
Dad badan ayaa aaminsan haddii col. Nuur Cadde uusan meel cad iska taagin
arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah iyo qadiyada midnimada Soomaaliya,
in noqon doono ra'iisul wasaarihii ugu horreeyey ee ay yeelato Soomaalidu oo
sharciyeeya in khayraadka Soomaaliya awgeed dhulka la kala googooyo.
Col. Nuur Cadde..
Xukuummada col. Nuur Cadde waxaa wasaaradeheeda ka mid ah wasaarad qaabilsan
Macdanta & Tamarta oo uu wasiir ka yahay Ing. Maxamuud Cali Saalax
(Kaanje), oo markii jagadaas loo magacaabay sheegay in hawlaha wasaaradiisa iyo
waxa ay qabanayaan ay wax badan kaga xiran yihiin ansixinta sharciga batroolka
ee horyaal baarlamaanka Baydhabo. Ilaa hadda sharcigaas batroolka lagama ansixin
Baarlamaanka Baydhabo.
Muddo kooban markii ay ka soo wareegtey magacaabistii col. Nuur Cadde loo
magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG (oo ku beegnayd Nov 22, 2007), ayaa Gen.
Cadde Muuse waxa uu (Dec 17, 2007) Puntland u sameeyey Wasaarad cusub oo
qaabilsan 'Batroolka iyo Macdanta' oo uu u magacaabay wasiir aan
wasiir-ku-xigeen lahayn.
"Intaad raadineysaan Baarista Shidaal Sharcidarro dadkiina ha Sumeynina"
Inta badan Dowladaha ay ka jiraan xasaradaha waxaa inta badan ka faa'iideysta
shirkado lagu tilmaamey in ay yihiin Maafiyo kuwaas oo doonaya in ay si Qaldan
uga faa'iideystaan khayraadka wadankaas leeyahay gaar ahaan Macdanta iyo shidaalka.
Ing Maxamed Cabdi waa aqoonyahan inta badan wax ka yaqaan shirkadahaas muddo ku
soo dhex jirey waxaana wax ka weydiiney sida uu u arko shirkadaha sida sharci
darada ku soo gala Dal markaas aysan ka jirin wax kala dambeyn ah ama Maamulo
gaar ah wuxuuna sheegey Ingineerka:
Congo | Isha: Sawirka Afrika: wikipedea |
"Marka hore waxaan baaq u dirayaa shacabka ku
nool Soomaaliya gaar ahaan kuwa reer Puntland waxaana leeyahay iska jira
shirkadaha sida sharcidarada ku soo galaya deegaanadiina waayo waxaan xasuustey
dhacdo mar aan joogey wadan Kongada Dimoqaraadiga waxaa mar kaliya ku soo yaacay
Shirkado fara badan maadaama dalkaas ay ka dheceen Dagaalo sokeeye, isla
markaana waxaa dalkaas lagu tilmaamaa in uu yahay dal aad u ballaran oo aan la
Koontarooli karin Xuduudihiisa ayaa waxaa dhacay in Shirkado reer Yurub ay
heshiisyo la galeen Hogaamiye kooxeedyo haysta qaybo mid ah wadaankaa kuwaas oo
wadanka ku soo galey markii hore in ay Shidaal ka baarayaan waxayna dageen dhul
ballaaran iyagoo markaas kharash fara badan siiyey cid kasta oo ay is leeyihiin
waa idiin fahmi kartaan waxa ay wadaan, markii ay muddo halkaas ku sugnaayeen
ayaa waxaa soo ifbaxday in deegaan uu dagaal ka dhaco taasoo keentey in
shirkadihiii la bililiqeysto goobtiina lagala wareego waxaa dhacay in mar dambe
la ogaadey in halkii ay dagenaayeen shirkaddahaas lagu aasey SUN IYO QASHINKA
NUYUKLEERKA dhibataadaas baaxada leh waxay saameysey wadankaas iyadoo dhul
balaaran laga qaxo waana arrin ku timid heshiisyo aysan ka warqabin Dowladda
dhexe oo ay lagalaan Maamul Goboleedyo marka waxaan leeyahay reer Puntland inta
aad goobeysaan Shidaal sharci daro ah dadkiina ha sumeynina" wax weliba waxay ku
wanaagsan yihiin in loo hogaasamo sharuucda wadanka u degsan waayo wixii
sharcidarro lagu raadiyaa waxay keenaan dhibaatooyin aan laga soo waaqsan
waxaana u soo jeedinayaa mar labaad reer Puntland in aad sugtaan inta
Baarlamaanka uu ka ansaxinayo sharciga Shidaalka iyo macdanta oo aan filayo in
goor dhow loo fariisto
Soomaalida waxay tiraahdaa Hubsiimo hal baa la siistaa "waxaana arintaan ku
keeney in Maamulka Pundland u wado qorshe uu ku doonayayo in uu bixiyo Ruqsada
Baarista shidaalka degaanada Pundland iyadoo aysan ka warqabin Dowlada Dhexe
waana arin la doonayo in lagu dhaco khayraadkii Deegaanada Pundland waxaana wada
shaqsiyaad aan ka naxayn waxa ka imaan kara Bixinta ruqsadaa " ayuu yiri
Ismaaciil xaaji Gurxan oo ku nool magaalada Muqdisho kana soo jeeda Deegaanada
Pundland, wuxuu u soo jeediyey Masuuliyiinta Pundland in aysan ku deg degin
arrintaa waayo waxaa jira shirkaado horey loo siiyey Ruqsada Baarista qodista
Shidaalka oo ay bixisey Dowladdii hore kuwaas oo doonaya in Dowlada Federaalka
ay u fasaxdo in ay sii wataan baarista Shidaalkooda ee dalka Soomaaliya isagoo
uga digey Xubnaha baarlamaanka ee wada qorshahaas in ay ka waantoobaan, wuxuu kaloo sheegey in loo baahan yahay in tartan la geliyo shirkadaha shisheeye si
looga helo Shirkada faa'iidadu ugu jirta dadka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu uga
digey xubnaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka ee u ololeynayaa sharci si
gaar ah faa'iido ugu jirta maamulka Pundland oo doonaya in ay si gaar ah ula soo
baxaan Shidaalka isagoo sheegey in arintaas ay cawaaqib xumo keeni karto.
Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay Xubnaha baarlamaanka ay si taxadar
leh ay uga fiirsan doonaan sharciga Batroolka isagoo sheegey in sharciga
batroolka uu noqon doono mid si siman Gobolada Soomaaliya uga faa'iideysan
doonaan balse uu noqo doonin mid si gaar ah loogu faa'iideynayo Goboladda
Pundland, wuxuu beeniyey in xubnaha baarlamaan ay si fudud ku ansixin doonaan
sharcigaas [Batroolka] iyagoo fiirsanaya lacago maalmahan lala dhex wareegayo Xubnaha
baarlamaanka kuwaas ay wadaan masuuliyiin ka yimid Maamul Goboleedka Pundland.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa wada qorshe lagu baabiinayo heshiisyadii hore
ee ay Dowladii hore la gashey shirkado dalka soo galey xiligii ay jirtey
dowladaas iyagoo daliil uga dhigaya in heshiisyadaas ay noqdeen kuwo xilligoodii
dhamaadey hase yeeshee kuwa kale ayaa qaba in heshiisyadaas ay yihiin kuwo aan
waqtigoodii dhammaan iyagoo sabab uga dhigey dagaallada sokeeye ee dalka ka jira, marka waxay
soo jeediyeen in si gaar ah loo tixgeliyo heshiisyadii hore loola galey waayo
caaalamka waxaa uu qabaa in uusan buri kari heshiis ay dowlad saxiixdey uuna
sidiisii uu u taagan yahay.
Shacabka Soomaaliyeeyd ayaa u dhegtaagay waxa uu baarlamaanka DFKMG ee Soomaliyeed uu ka
yeelo sharciga Batroolka iyagoo ku booriyey in ay ogolaadan sharci u
faa'iideynayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan, iskana jiraan
kuwa doonaya sharci iyaga faa'iido gaar ah ugu jirto. Sidoo kale Raiisul wasaaraha
DFKMG
Nuur Cadde waxaan u soo jeedineynaa in uu ka digtoonaado in uu saxiixo heshiis u
daneynayo qolo gaar ah balse uu ogolaado heshiis ay ummadda Soomaaliyeed
dhammaanteed ay faa'iido ugu jirto. Waxaa xusid mudan in arrimaha la xiriira
shirkadaha iyo heshiisyada u daneynaya qolo gaar ah ay ka mid ahaayeen arrimihii
ka qayb qaadatay in ay
isku dhacaan Madaxweynaha DFKMG Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.
Gabagabo:
Marka la eego qaabka ay wax ku wadaan madaxda Puntland, waxay si xoog leh u
doonayaan in ay shirkado shisheeye heshiisyo la galaan iyada oo DFKMG aysan wax
shaqo ah ku lahayn. Waxay arrintaas u soo marayaan in ay Dastuurka ku daraan.
Haddii DFKMG ay arrintaas ka hadasho meeshii markii hore ay madaxda Puntland ku
hanjabi jireen 'xiriirka ayaan u jareeynaa", waxay hadda qorshaynayaan in ay
yiraahdaan "Puntland waa Dawlad madax bannaan."
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa
sidoodaba walaac ka muujiyey inaanay madaxda Soomaalidu ku dhaqmayn dastuurkasta
oo la dhigto, ayna suura-gal tahay in lagu gees maro mudo yar, taasna waxay sal
uga dhigayaan Maamulada iyo Dowladaha Kumeelgaar ah ee Soomaaliya loo sameeyey
iyo waxa kala haysta iyaga iyo Dastuurkay qorteen. Hadaba su'aashu waxay tahay
haddii arrinku sidaa yahay maxaa laga rabaa Dastuurkay doonayaanba ha
samaysteen-e maadaama aan la dhaqan galinayn?. Arrinta la diidan yahay ma'ahan
Dastuur in la sameeyo ama khayraadka wadanka laga faa'iidaysto ama heshiis lala
galo Dowlad ama hay'ad ajnabi ah, ee waxa la diidan yahay loona baahanyahay
inaan dhuuxno waa laba arrimood:
- Sida lasoo xusay, waddan markuu bur
buro waxaa ka faa'idaysta qowlaysato badan una gaysta hagar daamo aan laga soo
kaban karin jiilal. Tusaale; hadii loo ogolaado shirkadahaan yar yar ee yaacaya
wadanka gaar ahaan Puntland, 25 sanadood inay shidaal baaraan, hay'adee
aqoonteedii leh oo dhibaatadeeda fahmi karta, ama qalabkee ayaa wadanka yaal oo
la isaga ilaalin karaa cabsiyaha laqabo ee ah in Sun nalagu aaso? Su'aal kale
ayaa oranaysa xilligan hadda ah ma waxaan ka fakeraa sidii Dowlad Rasmi ah lagu
heli lahaa, kaddibna horumar iyo khayraad ka faa'iidaysi, mise khayraad lasoo bixid
aan loo dhamayn iyadoo aan dawladi jirin?
- Madaxda ka talisa Maamul Goboleedka
Puntland oo aan kalsooni lagu qabin, xilligan hadda aan joognana ugaystay
Deegaanka Puntland khasaare dhaqaale oo lixaad leh iyo sicirbarar ay adagtahay
sida looga soo kabto. Sidoo kale waxaa la dhaliil sanyahay sida ay hadda
umaamulayaan hantida dadwaynaha ee gacantooda kujirta. Waxaa kaloo intaa raaca
iyagoo tuhun laga qabo inay ku lug leeyihiin khayraadka Puntland ee haddaba
boobka lagu hayo amaba doonaya inay saamiyo (sheerar) ku yeeshaan shirkadahaan. Waxaa la
is waydiin karaa haddii ay dhacdoba oo Shidaal la helo yaa arkaya wixii kasoo
baxa inta ay talada hayaan Madaxda hadda haysa?.
Maxaa kala gudboon Baarlamaanka Puntland
Dastuurkaan cusub? Waxaa su'aashaas ka jawaabaya Mid ka mida dadka aadka isha
ugu haya shirkadaha doonaya inay Soomaaliya heshiis lagalaan. "Baarlamaanka
Puntland waxaa la gudboon inay Dastuurkan kafara buuxsadaan una daneeyaan Guud
ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland. Inay u kala qaadaan laba qaybood
1) wixii kusaabsan Puntland dhexdeeda inay ku dadaalaan sidii ummaddu midnimo
ugaari lahaayeen cadaaladna loo heli lahaa Soomaaliyana aan loo kala goyn lahayn.
2) Wixii kusaabsan Khayraadka Puntland iyo Heshiis lala galo Shirkado, waxaa
haboon inay marka hore ay sameeyaan guddi aqoon u leh ama xiriir lasamayn kara
cid kale oo ka caawisa sidii loo xaqiijin lahaa Jiritaanka shirkadaha iyo inay
haystaan sharciga qodidda Shidaalka. Sidoo kale inuu guddigaas xiriir lasameeyo
Hayadaha Deegaanka ee adduunka, si looga digtoonaado inay SUN aasaan. Intaa
kaddib inay ka fakaraan Sidii loo waafiqi lahaa Dowladda Jamhuuriyda Soomaaliyeed
Sharciyada ay khayraadka wadanka u dejiso".
Shacabka reer Puntland maxaa la gudboon;
Arrintaana waxaa ka jawaabaya qof reer Puntland ah "Waxaa la gudboon shacabka
reer Puntland intaan hurdi karay waan hurudnay, waa inaan kacnaa oo kaalinteena
ku lahaanaa masiirka Maamul Goboleedka Puntland. Waxaa caado noo ahayd hadaan
nabad iyo ganacsi haysano, cidii na maamulaysa ha na maamusho wixii ay rabaana
ha qaateen. Arrintaas miraheediina waan haynaa maanta oo labadiiba fara nooguma
jiraan. Hadda: waa in aan marna la ogolaan in dalka lakala gooyo, waa in aan la
ogolaan in Puntland loo sameeyo calan gaar ah, waa in aan la ogolaan in la
dhaqan geliyo dastuur aan u cuntamayn Soomaalida oo dhan".
Arrintaas maxaa kala gudboon col. Nuur Cadde? Waxaan su'aashaas weydiiney qaar
ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo ku jawaabey: "Nuur Cadde waa in uu
arrinta midnimada Soomaaliya iyo khayraadka Soomaalida iska taago mowqif cad,
xitaa haddii uu ku waayayo xilkiisa."
Qormadan waxaa ka qayb qaatay: C/nasir saxansoxo (K/Africa), Amiin Yuusuf
(Muqdisho), Jaamac Ayaanle (Bosaso), Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo kala jooga
Afrika, Australia, Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.
Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan intii ka qayb qaadatay
qormadan | Faafin: Maarso 1, 2008
March 2, 2008: Gen. Cadde Muuse oo
soo saaray Xeerar: Madaxweynaah DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa soo saaray
laba xeer oo kala ah (1)- Xeer Madaxweyne Lr. 35/08, March 02, 08, Kuna Saabsan
Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo uu u magacaabay Daahir C/qaadir Axmed
(Daahir Aflow), oo ahaa isu-duwihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Gobolka
Mudug. (2)- Xeer Madaxweyne Lr. 34/08 ee March 01, 2008, kuna saabsan xil
magacaabid Agaasimayaal Guud iyo Ruqsayn Xisaabiye Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Agaasimayaasha waxa uu u kala magacaabay.. [Eeg
halkan].
March 2, 2008: Ciidamada DFKMG ayaa bililiqaystay suuqa Bakaaraha ee
magaalada Muqdisho (Mar 2, 2008). Ra'iisul wasaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde ayaa
Qiray in Askarta DFKMG ay Bililiqaysteen Suuqa Bakaaraha. Sidaas waxa uu ku qiray waraysi uu siiyeye Idaacada British Broadcasting
Corporation...
Dhegeyso..
Golaha Wasiirrada DGPL oo Ansixiyey Sharciga Macdanta iyo Batroolka...
March 3, 2008: Shir ay madaxtooyada magaalada Boosaaso ku yeesheen
golaha xukuumadda DGPL oo uu goob joog ka ahaa Gen. Cadde Muuse ayaa
golaha wasiirrada Puntland waxay ku ansixiyeen "sharciga Macdanta iyo Shidaalka
Dowlad Goboleedka Puntland". Waxayna isku raaceen in sharcigaas "Macdanta
iyo Shidaalka" loo gudbiyo
Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland si ay u ansixiyaan, waxaana la
sheegay in maalmo gudohood loo gudbin doono. Sharcigaas waxa ku qoran dadweynaha looma soo
bandhigin.
Shirkii golaha wasiirada DGPL ay sharcigaas baarista macdanta ku ansixiyeen,
oo lagu macneeyey shir aan caadi ahayn, kaddib waxaa warsaxaafadeed soo saaray Wasiirka
dhowaan loo magacaabay Macdanta iyo shidaalka Puntland, Xasan Cusmaan Maxamuud "Alloore",
warsaxaafadeedkiisa waxa uu u qornaa sidan:
"Ka dib markaan ka baaraan degnay dastuurka DGPL oo waafaqsan dowlad Federaal
ah oo Soomaaliyeed, waxaa maanta (Maarso 3, 2008) ay xukuumadda DGPL ansixisay sharciga
horumarinta khayraadka, Macdanta iyo shidaalka PL state (DGPL), isla markaas
waxaan aqoonsanahay wadaaga mas’uuliyada ilaalinta iyo jihaynta ka faa’iidaysiga
khayraadka dabiiciga ah ee ku jira geyiga Puntland. Maadaama aan nahay State leh golihiisa shacabka, golihiisa xukuumad iyo
garsoor, waxaa lagama maarmaan ah in aan yeelano sharci meelaynaya mas’uuliyada
iyo xuquuqda ku lammaan ka faa’iidaysiga khayraadka."
Weli ma jiro war sugan oo ka soo baxay golaha xukuummada col. Nuur Cadde iyo
wasaarradda Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG ee ku aadan sharciga cusub ee ay
ansixiyeen golaha xukuumadda ee DGPL.
March 3, 2008 (Isniin): Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa
duqeeyey magaalada Dhoobley oo 220km koonfur ka xigta magaalada Kismaayo ee
dalka Soomaaliya. Sida ay sheegtay hay'adda wararka ee Reuters laba gantaal ayaa
ku dhacay guri ku yaal magaalada Dhoobley oo u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya [Tixraac
halkan].
March
5, 2008: Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah musharraxa madaxweynannimada Dowlad
Goboleedka Puntland oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS ayaa yiri waa
"In si caddaalad ah loo wadaago Khayraadka dalka, oo gobollada dalka la hor
mariyo." [Tixraac halkan]
March
6, 2008: Taliyaha Ciidanka Booliska Maamul
Goboleedka Puntland, Sareeye Guuto Cabdicasiis
Saciid Maxamuud (Gacamay) ayaa amar ku bixiyey in
cidii ay Boliisku u arkaan in Dambiile yahay ay
toogtaan. Arrintan ayaa lagu macneeyey ammaan xumada
ku siyaadey magaalada Boosaaso ee Gobolka bari in
wax looga qabanayo.
March 6, 2008: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde ayaa wax laga
weydiiyey waxa ay (DFKMG) kala socdeen weerarkii (March 3, 2008) ee diyaaradaha
dagaalka ee Maraykanku ay ku qaadeen magaalada Dhoobley, waxa uu ku jawaabey "Arrintaas
iyada ah wixii laga dhehi lahaa waa laga yiri, waana laga yimid waqtigeedii"..
Weriyaha idaacadda Codka
Maraykanka, Cabdisalaan, ayaa markaas weydiiyey su'aal ahayd, "laakiin dadka
faraha badan ee mudaharaadka ka dhigay magaalada Dhoobley ee weerarkaas ka soo
horjeedey iyo kuwa leh bakaaraha ayaa dhibaato naga soo gaartey, haddaad
dawladdii tihiin maxaad idinku ku oraneysaan." Col. Nuur Cadde waxa uu ku
jawaabey "Waxaan filayaa Maraykanka iyagu in ay ka hadleen wixii halkaas ka
dhacay, annagana haddee wixii... haddii... dad dembiilayaal ah baadigoob-koodii
difaacooda kolley horaa looga hadlay...." [Dhegeyso].
Nabaddoon Cabdi Faarax oo Lagu Xiray Boosaaso, markii dambena la sii
daayey....
Cabdi Faarax Cilmi |
March 7, 2008: Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa subaxnimadii
Jimcadii (Maarso 7, 2008) waxay xabsiga u taxaabeen nabaddoon Cabdi Faarax Cilmi oo ah
nabaddoon caan ka ah Gobolka Bari. Waxaana wararku tibaaxeen in nabaddoonka laga
kaxaystay gurigiisa. [Waxaa nabaddoonka xabsiga laga soo daayey Maarso 8, 2008].
Nabaddoon Cabdi Faarax Cilmi waxa uu sheegay, markii la soo daayey kaddib, in
loo caga-juglaynayey muddo saddex sano ah intii uu xilka qabtay Gen. Cadde
Muuse, waxa uu sidaas u sheegay Radio Dhahar..
Dhegeyso
ama halkan (mp3).
Odayaal dhaqameed ayaa isku deyey sidii nabaddoonka xabsiga looga soo deyn
lahaa, waxayna la sheegay in ay la kulmeen Wasiirka Amniga ee DGPL, Cabdullaahi
Saciid Samatar, oo sheegay in nabaddoonka lagu soo xiray amarka madaxweynaha
DGPL, Gen. Cadde Muuse. Waxana wasiirka laga soo xigtey in sababta loo xiray
nabaddoonka ay la xiriirto eedayno ah in uu ka qayb qaatay abaabulkii dhacdadii
Majayahan iyo in hadda looga shakiyey in uu wado abaabul la mid ah kii Majayahan
oo looga soo hor jeedo macdan iyo shidaal soo saaridda, waa sida laga soo xigtey
wasiirka'e.
Waxaa wararku tibaaxeen in markaas odayaal-dhaqameedkii ay u tageen Gen.
Cadde Muuse, iyagoo kala hadlay arrinta nabaddoonka la xiray, sidaasna xabsigii
looga sii daayey nabaddoon Cabdi Faarax.
Maxamuud Xasan |
Nabadoonada Gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadalay Xadhigii loo gaystay
nabadoon Cabdi Faarax Cilmi oo ay xidheen Booliska Maamulka Puntland,
Nabadoonada ayaa xadhigaasi ku til maamay mid sharciga Gees marsan. Nabadanada
ka hadlay arrintaas waxaa ka mid ah Maxamuud Xasan Maxamed oo arrintaas
ka hadlay March 10, 2008, waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland ku gafeen
xadhiga ay Nabadoonkaasi Xidheen, waxa uu sheegay Nabadoonkaasi in si Sharci
daro ah Gurigiisa looga kaxeeyay isaga oo aan waxba la Su'aalin la geeyay Jeelka
[Tixraac Halkan]-
in kasta oo markii dambe la soo daayey.
Dhacdadii Majayahan waxay dhacday horraantii bishii April 2006, halkaas oo uu
ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey dadka degaanka Majayahan iyo ciidamo
ilaalinayey shirkad sheegtay in ay macdan halkaas ka baarayaan. Dadka degaanku
waxay xilligaas diidanaayeen in halkaas ay tagaan shirkado shisheeye iyada oo
aan arrintaas lagala tashan shacabka degaanka.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku saabsan xariga
nabaddoonka.
"Reer Galbeedku Waxay Maslaxayaan Kuwii Dhibaatada ka Geystey Soomaaliya"
Qaramada Midoobey
C/lahi Yuusuf Axmed |
Ahmedou Ould-Abdallah |
March 7, 2008: Maadaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed oo waraysi
siiyey Mark Doyle oo ka tirsan TV-ga iyo Raadiyaha British Broadcasting
Corporation, ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay joogaan argaggaxiso lagu soo
tababaray Afganistaan. Weriha oo weydiiyey "ma buunbuuneyso miyaa argaggaxisada
si aad taageero uga heshid Maraykanka." Waxa uu C/laahi Yuusuf ku jawaabey
"Arrintaasi run ma aha ee Argaggaxiso ayaa joogta Soomaaliya". Waxa kale oo uu
weriyuhu la kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan
Soomaaliya,
Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa muujiyey in ay beesha caalamku khalad weyn ka galeyso Soomaaliya iyagoo
oo abaal marin siineya dadkii dambiyada ka galey shacabka Soomaaliyeed. Isaga oo
arrimahaas ka hadlaayey Ahmedou waxa uu yiri "Waxa ka
socda Soomaaliya waxaan ugu yeeri karaa maslaxaad (madax salaaxid), beesha
caalamku waxay maslaxayaan dadka dhibka ka geystey Soomaaliya" eedayntaas oo ah
mid aad u kulul ayuu yiri weriyuhu oo ah "Reer Galbeedku waxay maslaxayaan kuwii dhibaatada
geystey, kuwaas oo ka mas'uul ah in ay geystaan arrin ka baxsan
bini'aadaminimada tan ugu daran adduunka.." [Dhegeyso
(English)
ama (Somali)] ama
[Video].
Mar 7, 2008: Guddoomiya degmada Dhoobley ee G/Jubbada Hoose, Cali
Xuseen Nuur (Cali-Dheere) ayaa sheegay in magaalada (Dhoobley) ay khasaaro weyn
ka soo gaareen duqayntii ay u geysteen diyaaradaha Maraykanku, oo lagu laayey
dad masaakiin ah oo aan waxba geysan. Mar ay idaacadda British Broadcasting
Corporation guddoomiyaha weydiisey in ay cid ka tirsan DFKMG la soo xiriirtay,
waxa uu sheegay in cid ka tirsan DFKMG aysan la soo xiriirin, waxana uu intaas
ku daray maadaama ay ahayd dawladdii xukuntey dalka oo laga rabey in ay la soo
xiriirto oo weydiiso sida wax u soo gaareen, laakiin cidi kala ma soo xiriirin,
waxana uu tilmaamay malaha in arrintu iyaga (DFKMG) la qumman tahay. [Dhegeyso].
March 8, 2008: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa soo saaray
Xeer Madaxweyne Lr. 39/08 ee March 08, 2008, kuna saabsan xil magacaabid
Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud, Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud,
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland.. [Akhri halkan...].
March 12, 2008: Askar Boolis ah oo ka tirsanaanjirey ilaalada
Kantoroolka magaalada Boosaaso ayaa habeenimadii March 12, 08 waxay rasaas ku
fureen askar Boolis ah oo xilligaas ilaalo ka ahayd Kantoroorka Boosaaso,
waxaana halkaas ka dhacay is rasaasayn xoog leh. Waxaa rasaastaas la is
weydaarsaneyey ku dhintay labo askari oo ka tirsan Booliska ilaalada ka ahaa
kantoroolka. Wasiirka Aminaga DGPL, C/laahi Siciid Samatar, ayaa warbaahinta
maxalliga ah waxa uu u sheegay in dilka ay geysteen askar boolis ah oo tababar
loogu diray Kuliyadda Ciidamada Booliiska ee magaalada Carmo, waxana uu sheegay
in askartii dilka geystey la qabtay. Lama sheegin sababta keentay in askarta
boolisku ay rasaasta ugu fureen askarta kale ee ilaalada ahaa.
March 12, 2008: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa soo gaarey
magaalada Garoowe, kaddib markii uu ka soo kicitimay magaalada Boosaaso oo uu
muddo ku sugnaa. Intii uusan soo gaarin Garoowe, waxa uu muddo saacado ku soo
hakaday magaalada Qardho.
Faafin: SomaliTalk.com | Updated: March 12, 2008 |