Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Puntland oo Xilkii Laga Qaaday....
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland [DGPL], Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.
Cadde Muuse) ayaa [Khamiis
Maarso 27, 2008] xilkii ka fariisiyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Puntland,
Cabdirashiid Jaamac Warsame (Barkhadle).
Sida laga soo xigtey Xafiiska Madaxtooyada DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa xilkii
wasiirnimo waxa uu ka fariisiyey C/rashiid Jaamac Warsame oo ahaa Wasiirka
Arrimaha Gudaha ee Puntland, waxana uu arrintaas ku dhaqaaqay kaddib markii,
sida la sheegay, uu la tashaday Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Xasan Daahir Maxamuud
(Afqurac).
Gen. Cadde waxa uu sheegay in xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DGPL uu sii hayn doono mid kamid ah labada
wasiir-ku-xigeen ee wasaaraddaas oo ah Axmed Aadan Carab.
Madaxweyanaha DGPL, Gen. Cadde, ma sheegin sababta degdegga ah ee keentay in
shaqada laga fariisiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, laakiin waxa uu magacaabay
guddi la sheegay in uu baaritaan ku sameynayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee
Puntland, guddigaas oo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Caafimaadka Puntland,
Cabdiraxmaan Saciid (Dhagaweyne) - guddigaas oo ka kooban 5 xubnood
waxaa ka mid ah wasiirkaas caafimaadka & wasiir kale (oo aan
wasaaraddiisa la xusin), wasiir-ku-xigeen, agaasimaha guud ee Amiga (DDR) iyo
Guddoomiye-ku-xigeenka
Hanti-dhawrka (Xasan Mire Cismaan oo xilka loo magaacabay
March 08, 2008).
Wasiirka xilka laga fariisiyey,
Barkhadle, waxa uu ka mid ahaa dhawr wasiir oo ku cusub golaha wasiirada
DGPL, kaddib markii uu Gen. Cadde isku shaandheeyey
December 15, 2007.
Wasiirka oo waraysi siiyey Idaacadda Garoowe (28/3/2008):
Waxaa beryahan soo xoogaysayey muran xooggan oo ka jira sharciga Batroolka
Puntland kaas oo ay baarlamaanku ku kala qaysameen, waxayna jirta in
26 xildhibaan ay qoreen qoraal ay ku dalbanayaan in
xeerka shidaalka [ee cod bixintiisii noqotay 21-21] dib loogu soo celiyo
baarlamaanka. Laakiin weli lama oga sababta xilka looga fariisiyey Wasiirka
Arrimaha Gudaha Puntland in ay arrimahaas la xiriirto.
Waxa kale oo dadka siyaasadda Puntland odorosa ay muujiyeen in uu beryahan
dabme jirey qorshe wasaaradda Arrimaha gudaha, booliska iyo sirdoonka Puntland
lagu loo hoos geynayo wasaarada Amniga, arrintaas oo la sheegay in hab
fikirkeeda lahaayeen shirkadaha Batroolka kaddib markii ay wasiirka Amniga kula
kulmeen magaalada London, UK horraantii sannadka 2008.
Lama oga in baaritaanka guddiga uu hoggaaminayo wasiirka Caafimaadku ay ku
sameeyaan Wasaaradada Arrimaha Gudaha iyo waxa baaritaankaasi ku saabsan yahay
in shacabka loo soo bandhigi doono.
Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2008 | pdated: March 28, 2008
Ergeyga
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Qiray Shirkado Batrool oo Been-Abuur ah
in Soomaaliya laga siiyey Xuquuq (Shidaal Baaris)
|