Wakiilo kasocda Terry oo
Yimid Boosaaso Si ay Ganacsatada Puntland ugu Qanciyaan in
ay Saamiyo ku Darsadaan "Shirkada Terry ee Consort"....
- Wasiirka Maaliyadda
DGPL oo ay la socdaan Qaar kamid ah Raggii Terry oo Soo
Gaarey Boosaaso
(Boosaaso | Sept 9,
2005): Wararka ka imanaya magaalada ganacsiga ee dawlad
goboleedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegay in Khamiistii
ay halkaas soo gaareen Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali
Yuusuf (Dr. Gaagaab) oo ay la socdeen dad lagu sheegay
dulaaliin Soomaali ah iyo nin magaciisa lagu sheegay Anthony
Black oo kamid ah raggii goob joog ka ahaa, waxna ka
saxiixay, heshiiskii uu Terry la galay DGPL, heshiiskaas oo
lagu macneeyey in ay shidaal iyo macdan ka baari doonaan
dhammaan Puntland.
Waxaa wararku intaas ku
dareen in raggaas wakiilka u ah Terry la geeyey guriga
madaxtooyada Puntland halkaas oo ay waardiye ka qabteen
ciidamo xooggan. Taas oo warar hoose ay sheegeen in ay isla
xalay raggaas wakiilka u ah Terry ay radinayeen hub
baayacaad ah oo lagu macneeyey in lagu difaaci doono
baaritanka macdanta/shidaalka.
Dhanka kale qorshaha ugu
weyn ee ay Puntland u yimaadeen ayaa ilo wargal ah waxa ay
sheegeen in ay tahay in ganacsatada reer Puntland lagu
qanciyo in ay saami ku darsadaan shirkada lagu sheegay "Consort
Private Limited" oo ay ku andacoonayaan in ay tahay
shirkad Australian ah. Qorshahaas oo ilo wargal ah ay ku
sheegeen in maadama aysan shirkadani ahayn mid la yaqaan,
aana haysan miisaaniyad, ay rabto in saamiyada (shares) laga
ururiyo ganacsadata reer Puntland si ay shirkadaas daneheeda
u fushato.
Waxaa warku intaas ku daray
in heshiiskii Dubai lagu saxiixay Agoosto 31, 2005 ee
Puntland la gashay Terry Donnelly waxa uu ku saabsan yahay
aan ilaa iyo hadda loo sharraxin ama la tusin golaha
wasiirada iyo golaha Baarlamaanka Puntland (xeer beegta
Puntland), shacabka reer Puntlandna aan loo sheegin waxa ay
ka fa'iidayaan baaritaanka la sheegay iyo raadka ay ku reebi
doonto deegaanka.
Dr.Gaagaab
|
Gen.Cade
|
Mr. Terry
|
Warar kale oo ka imanaya
Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse
Xirsi (Gen. Cadde Muuse) uu Boosaaso ku soo laaban doono
maalinta Isniinta ee soo socota, lamana oga in uu markaas
shacabka reer Puntland u sharxi doono arrintan ilaa hadda ku
kooban Terry iyo int aku xeeran.
Qof reer Puntland ah oo
akhriyey wararka shirkada reer Australia & Puntland ayaa
yiri: "Shacabka reer Puntland waxay xaq u leeyihiin in ay si
aan mugdi ku jirin u helaan magaca rasmiga ah ee shirkada
reer Australia ee dhulka Puntland macdanta/shidaalka ka soo
saareysa, meesha ay shirkadaasi ka diiwaan gashan tahay,
shatiga ama sharciga ay shirkaddaasi ku leedahay Australia,
nooca heshiiska lala galay, inta sano iyo xeerarka &
qawaanuunka caalamig ah ee ay shirkadaasi u hogaansameyso ee
loo cuskaday si mustaqbalka loogula xisaabtamo" ayuu yiri. "Dabcan
Dawlad Goboleedka Puntland waa waajib saaran in ay u
jawaabto muwaadiniinteeda."
Wixii arrintaas ku soo
kordha kala soco SomaliTalk.com. Shacabka Soomaaliyeedna
waxaan ku soo dhoweyneynaa in ay arrintaas si xor ah
fikradooda uga dhiibtaan ayagoo kusoo hagaajinaya emailka
laga heli karo halkan:
http://www.somalitalk.com/feedback/.
SomaliTalk.com | Sept 9,
2005:
$100 Million
oo Reer Yurub u Qorsheeyeen Dib-u Dhiska Soomaaliya...
oo u Xanibay Heshiis La'aanta Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed,
sidaas waxaa caddeeyey...
Guji...
Aug 31
Puntland iyo Terry oo Kala
Saxiixday Heshiis Ku Saabsan in uu Baaran karo Khayraadka
Dabiiciga ah ee Puntland:::
Dubai, Hilton
Hotel |
... Baarlamaanka/XeerBeegta
Puntland oo aan ka doodin Heshiis lala galo shirkado aan
caymis kooda la oqoon... hadana heshiiskaas la galay...
(SomaliTalk.com | DUBAI,
UAE, Aug 31, 2005): Warar caawa oo Arbaco soo geleyso
SomaliTalk.com kasoo gaarey magaalada Dubai ayaa sheegay in
halkaas ay dawlada Goboleedka Puntland heshiis ugu saxiixday
ninka reer Australia ee Puntland looga yaqaan Terry.
Heshiiskaas oo ku saabsan arrimihii maalmahan laga hadal
hayey Soomaaliya ee la xiriira baaritaanka khayradka
dabiiciga ah ee Puntland gebi ahaanteeda in lagu wareejiyo
ninkaas reer Australia.
Wararka ugu horeeya waxay
tilmaameen in Hotel ku yaal Dubai lagu qabtay xaflad loo
dhigay heshiiskaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha
DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse). Waxaana
halkaas joogey dilaaliin Soomaali ah oo la socdey ninka
Puntland looga yaqaan Terry oo ah kan heshiiska loo saxiixay,
ninkaas oo aan la aqoon shirkada uu sheegano meesha ay
deggan tahay.
Ilaa hadda (caawa) ma
jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku
saabsn hiiskaasi waxa ku qoran, mudada loo saxiixay ninkaas
in uu qaadan karo khayradka dabiiciga ah (Macdan iwm),
immisa boqolkiiba ayuu qaadan doonaa, iwm. Sidoo kale lama
oga in arrintan ay DFKMG la socoto iyo in ay DGPL keligeed
heshiiska ku dhiiratey. Warka oo
dhan.... GUJI...
|