SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?

...Waxaa soo baxaya warar tibaaxaya in Itoobiya ay ku lug yeelaneyso shidaalka Puntland soo saaristiisa, Isla markaasna Itoobiyaanka qandaraas lagu siinayo dhismaha xarumaha (kaamamka) la degi doono (marka shidaalka la baarayo).... Wafti Itoobiyaan ah oo arrimahaas u yimid Puntland ayaa joogey Garoowe markii loo codayneyna sharciga batroolka.....

  • Eng. Kaanje: "Dawlad Goboleedku shaqo kuma leh sharciga Batroolka, waayo haddii kale waxaa loo arkayaa dawlad gooni u taagan.... Shirkadahaasi waa shirkado yaryar oo dallaaliin ah.....
  • Aloore: (Hadalka Kaanje) waxay wax yeelaynayaan xiriirka u dhexeeya DGPL iyo DFKMG... "Sharciga ay samaysatay DFKMG ma aha sharci u qalma in loo sameeyo Dawlad Federaal ah....

  • SomaliTalk.com | Maarso 23, 2008 | Qormocusub: Maarso 24, 2008

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Dawladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG) iyo Maamul Goboleedka Puntland (DGPL) ee ku saabsan baarista iyo qodista khayraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya.

kaanjeBaarlamaanka DGPL ayaa cod u qaaday xeerka batroolka kaas oo ay ku kala qaybsameen xildhibaanadu, waxaana sharcigaasi ka caraysiiyey DFKMG. Waxaana arrintaas si xoog leh uga hadlay wasiirka Macdanta iyo tamarta ee DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).

Eng. Kaanje ayaa sheegay in arrinta sharciga batroolka aysan Puntland shaqo ku lahayn oo ay tahay hawsha DFKMG. "Dawlad Goboleedku shaqo kuma leh sharciga Batroolka, waayo haddii kale waxaa loo arkayaa dawlad gooni u taagan, taasina waa khalad." Waxaana uu xusay in ay jireen shirkado hore oo Soomaaliya heshiis kula jirey oo arrimo aysan wax ka qaban karin [force majeure] awgeed uga baxay dalka iyo arrimo kale oo ay tahay in la tixgeliyo. Waxa kale oo uu si qeexan u sheegay in DFKMG ay qadarinayaan heshiisyadii dawladii hore ee Soomaaliya la gashay shirkadii hore.

Eng. Kaanje oo [23/3/2008] u waramayey Idaacadda British Broadcasting Corporation waxa uu sheegay in shirkadaha heshiisyada la galay Puntland ay yihiin shirkado yaryar, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxani ma aha shirkado waaweyn, ee waa shirkado yaryar oo aan awood dhaqaale iyo mid farsamo (Technology) midna aan lahayn oo dullaaliin ah, mana aha dad leh awood ay ku maareeyaan ama ku soo saaraan batrool ama macdan, sidaas awgeed maadaama ay dillaaliin yihiin ayaa mowqif hore ay uga qaadatay DFKMG."

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Kaanje waxa uu si qeexan u sheegay in DFKMG aysan masuul ka ahayn wixii shirkadahaas soo gaara haddii ay yimaadaan Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "wixii dhibaato ah ee ka yimaada annaga (DFKMG) nalooma raaco."

Waxaa hadalkaas si kulul uga jawaabey Wasiirka Batroolka Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo waraysi siiyey Idaacadda British Broadcasting Corporation [Maarso 23, 2008] isagoo sheegay in uu khalad ahaa hadalkii Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) ee ku aadanaa in khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya in uu hoos yimaado DFKMG.

Aloore waxa uu sheegay in arrinta khayraadka dabiiciga ah ay Punland ku tallaabsatay Dawladda Federaalka oo aan la dhisin ka hor iyo in hadda ay (Puntland) samaysatay sharci batrool. Isagoo markaas u jawaabayey Wasiirka Macdanta & Tamarta ee DFKMG waxa uu yiri "Wasiirku (Kaanje) waxaan jeclaan lahayn in uu hadaladiisa sida uu u dhigay uu ka bedelo, maxaa yeelay waxay wax yeelaynayaan xiriirka u dhexeeya DGPL iyo DFKMG." Mar sii horeysey ayey ahayd mar uu Aloore muujiyey in haddii DFKMG kala hadasho arrimaha la xiriira batroolka ay xiriirka u jari doonaan.


  • October 10, 2004: Waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay C/laahi Yuusuf, waxaana la dhaariyey 14/10/2004, sidaas ayaa Nairobi looga soo dhisay DFKMG.
  • January 8, 2005: Waxaa madaxweynaha DGPL loo doortay Gen. Cadde Muuse.
  • February 2005 wafti dhakhaatiir ah oo ka yimid Australia ayaa waxaa soo raacay nin markaas sheegay in uu ka socdey KIDS IN NEED oo carruurta xanaaneeya oo lagu maagacaabo Terry Donnelly- waana ninkan arrinta shidaalku ka bilaabaatay. Terry waxa uu ku laabtay Australian, laakiin durbadiiba dib ayuu ugu laabtay Puntland, waxana uu jaal la noqday madaxweyanaha DGPL.
  • June 10, 2005: Waxaa la arkay Terry oo ka mid ah wafti madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse.
  • August 30, 2005: Hotel Hilton ee Dubai waxaa heshiis ku dhex maray shirkadda Consort iyo DGPL oo ku saabsanaa in shirkadaas la siiyo xuquuda macdan iyo shidaal qodista gebi ahaanba dhulka Puntland. Shirkaddaas oo markii dambe saamiga ka iibisey Range Resources, taas oo iyaduna heshiis la sii gashay CANMEX oo hadda isu rogtey Africa oil..
  • Halkaas waxaa ka cad in DFKMG markii la dhisay kaddib ay Puntland bilowday hawlaha batroolka. [Xusuusnow in Wasiirka Bartoolka Puntland uu hadda idaacadda ka sheegay "in arrinta khayraadka dabiiciga ah ay Punland ku tallaabsatay Dawladda Federaalka oo aan la dhisin ka hor"]

Axmed Kismaayo oo waraysiga la yeeshay Wasiirka Batroolka DGPL, Aloore, ayaa weydiiyey: in DFKMG ay samaysatay sharci batrool oo ka duwan kan Puntland, sidaas daraadeed miyeysan ahayn in sharciga Puntland dib loogu celiyo kan Dawladda Federaalka?

Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey "Sharciga ay samaysatay DFKMG ma aha sharci u qalma in loo sameeyo Dawlad Federaal ah, wuxuuna wax u dhimayaa State-yada [Dawlad Goboleedyada] kale oo dhalan doona, hadda State (Dawlad Goboleed) jira ayaan nahay, waana diidney, mana yeeleyno haddii sharcigaas la ansixiyo ama la isku dayo in lagu dhaqo Dawladda Federaalka ah dhammaan Soomaaliya-na, markaas State-kayagu gaar ayuu ka yahay, sharci gaar ah ayaanu leenahay, isla markaana marar badan ayaan ka wadahadallay annaga iyo dawladda Federalka ah, waxaan haysnaaa "memorandum" [qoraal qoran/wareegto] oo dhehaya Puntland waa u madax bannaan tahay in ay shirkadaha heshiis la gasho, soona saarto khayraadka dhulkeeda ku jira, waxaa la isaga imaan doonaa wax qaybsiga, waana haynaa qoraalkaan [memorandum] heshiiska ah."


Saalim Caliyow Ibrow

Waxaa kale oo wasiirka Batroolka ee Puntland la weydiiyey: Yaa awooddaas idin siiyey oo idiin qoray warqaddaas."?

Aloore waxa uu ku jawaabey: "Dhawr jeer ayaa saxiixyo dhaceen, mar waxaa ku saxiixnaa ra'iisul wasaarihii hore, mr. Geeddi, markii ugu dambeeyana waxaa ku saxiixnaa Saalim [Caliyow Ibrow] oo ahaa ra'iisul wasaare ku xigeen, markaas oo ra'iisul wasaaruhu uu jirey Nairobi."


  • October 6, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa soo saaray wareegto/qoraal uu ku diidan yahay heshiiska ay Puntland la gashay shirkadda Range Resources... Waxana uu xusay qodobada uu ku diidan yahay ee ku xusan dastuurka DFKMG loo sameeyey Sept 15, 2003.
  • May 18, 2006: Ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, Geeddi, waxa uu warqad kale oo uu ku diidan yahay heshiisyada Puntland iyo Range Resources uu u diray madaxweyanaha DGPL, Gen. Cadde Muuse..
  • Waxaa muuqata in wasiirka Batroolka Puntland uusan xusin waraaqaha uu Geeddi ku diidanaa heshiisyadaas, sidoo kale in Geeddi oo Qiray in Arrimaha Batroolku ay sabab u ahaayeen Khilaafka keenay in uu is casilo.
  • Waxaa taas ka dambaysay in wasiirka hadda [March 2008] ee DFKMG, Eng. Kaanje, uu wareegto kusoo saaray 19/3/2008 uu ku diidan yahay heshiiska Puntland iyo shirkadaha batroolka...

Mar la weydiiyey Aloore waxa ay ku diidan yihiin oo ku cillaynayaan sharciga Batroolka ee DFKMG waxa uu sheegay in sababta ay ku diidan yihiin in ay tahay "in khayraadka laga hadlayo uu kujiro [dhulka] Dawlad Goboleedkan (Puntland), dadka degaanka haddii dhulkooda la qodo oo qashinka looga tago oo la yiraahdo hantidana meel kale ayaa lagu maamulayaa, sida Nayjeeriya ka dhacday, ummaddii wax kuma qaybsan kareyso, marka ummaddi in khayraadkeeda la rarto meel kale lagu maamusho waa sharci wax u dhimaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Dawlad Goboleedyada (State) dhalanaya, maxaa yeelay dad ayaa ku danaystay, sida shirkado dibadda Soomaalida ka ah, sida shirkad Indonesian ah iyo shirkad Kuwait ka dhisan ayaa sameeyey (Sharciga DFKMG) iyaga ayaana ku dhex jira in ay wax ku yeelanayaan shidaallada kasoo bixi doona carriga Soomaaliya, waxyaabo tiro badan oo aan la qaadan karina waxaa ka mid ah marka dawladda dhexe ay qaadato boqolkiiba 85% oo markaas State-kii (Gobolkii) laga soo saarayeyna loo reebo boqolkiiba 15% taasna ma dhacayso in dadka Gobolkaas deggan ay ogolaadaan in laga shaqeeyo dhulkaas. Markaas wixii oo dhan waxay noqonayaan wax aan soconayn mustaqbalka."

"Seven Sisters" waxaa loo aqoon jirey 7-dii shirkadood ee batroolka Adduunka ugu weynaa Qarnigii 20aad, kuwaas oo xakumey Batroolka Dunida Saddexaad. Waxaa awoodii ay u lahaayeen qiimaynta Batroolka ay soo yaraatey markii dalalka Carabtu ay bilaabeen in ay xakumaan batroolkooda, oo la sameeyey ururka OPEC bilowgii 1960-kii. Markii la soo gaarey 1970-naadkii waxaa soo yaraatay awooddii 7-dii shirkadood ee 'Seven Sisters' eay ku lahaayeen Batroolka. Shirkadahaasi 7-da waxay ahaayeen:
  1. Shell [Royal Dutch Shell]
  2. Mobil: [oo loo aqoon jirey "Standard Oil Co. - New York" (Socony)]
  3. ExxonMobil [oo loo aqoon jirey Standard Oil - New Jersey (Esso)]
  4. BP: [Waxaa markii hore loo aqoon jirey "Anglo-Persian Oil", markii dambena noqotay "British Petroleum", kaddibna ku biirtay Amoco oo noqotay "BP Amoco", haddana loo yaqaan BP.]
  5. Chevron: [oo loo aqoon jirey "Standard Oil - California" (Socal), waxayna isu rogtey Chevron markii ay ku biirtay Texaco.]
  6. Texaco: [Waa ka hor intii aysan ku biirin Chevron 2001]
  7. Gulf Oil: [ waa ka hor 1985 markaas oo ay u kala baxday qayb Chevron, iyo qayb BP.]

Markii la soo gaarey 2005, waxaa 7-dii shirkadood ee ugu tunka roonaa qarnigii hore ka badbaadey: ExxonMobil, Chevron, Shell, iyo BP.
Isha: wikipedia.org


  • Waa run in sharcigii Geeddi ee lagu soo sameeyey Malindi Kenya [June 12, 2006,] ay wax ka soo sameeyeen shidkaha jaalka la ahaa Geeddi ee MedcoEnergi, reer Indonesia iyo Kuwait Energy, reer Kuwait, waaan sababta ay aqoon yahanka Soomaaliyeed ku diideen in sharcigaasi ak dhaqan galo Soomaaliya. Waxaana muuqata in hadda uu Wasiirka Batroolka DFKMG  uu sheegay in sharcigaas lagu noqonayo oo laga saxayo khaldaadka - waana la arki doonaa waxa laga soo bedelo marka mar kale la keeno Baarlamaanka Baydhabo. Sidaa oo kale ayaa loo diidan yahay shirkado aan la hubin waxa ay qabanayaan....

Weriyuhu waxa kale oo uu Xasan Aloore weydiiyey su'aal la xiriirtey in wasiirka Tamarta iyo macdanta ee DFKMG [Eng. Kaanje] waxyaabaha uu ku eedeynayo Puntland ay ka mid tahay in shirkadaha ay keenayaan ay yihiin shirkado yaryar oo aan awood lahayn oo Puntland ku danaysanaya?

lundinafricaafricaoilXasan Cusmaan Maxamuud waxa uu ku jawaabey: "MAYA, ma aha sidaas, shirkadda hadda la baxday Africa Oil Company waa Lundin Company. Lundin waa shirkad weyn billioneer ah oo ah shirkadaha waaweyn oo u dhigma [Seven Sisters] (toddobada shirkadood ee shidaalka), meelo badan oo dunida ka mid ah sida Kenya oo deris nala ah ay siiyeen baaxad dhulka aan siinay ka weyn oo ay hadda baarayaan, waxay goobo (fields) ay hadda wax ka soo baxaan ku leeyihiin Maraykanka, Yurub, iyo Canada. Marka shirkadda Africa Oil waa shirkad weyn, ee ma aha shirkad yar."


  • Hadalkaasi muujinaya xiriirka Africa Oil iyo Lundin waxa uu ka hor imanayaa war [February 9, 2008] laga soo xigtey shirkadda Lundin oo aad isaga fogeysey shirkadda Africa Oil. Arrintaas oo dhacday mar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Maamulka Somaliland, Axmed Ibraahim Suldaan uu xaqiijiyey in wasaaraddiisa ay la soo xireertay shirkadda Lundin Petroleum, waxana uu Suldaan yiri "Lundin waxa ay si qeexan noogu sheegeen in aysan wax xiriir ah la lahayn haba yaraatee shirkadahaas la xusay (Range & Africa Oil). Haddii ay caddaato in shirkadda Lundin ay wax xiriir ah la leedahay Range/Africa Oil ama saamileyda danaha ka leh Puntland, wasaaradda (Macdanta iyo Biyaha) wax ay ku darsan doonto ma jirto shirkaddaas Lundin." Hadda sida ay Puntland sheegtay waxaa labadaas shirkadood ka dhexeeya xiriir, haddaba Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland maka dhabayn doontaa hadalkii Axmed Ibraahim Suldaan.
  • Waxa halkaas ka muuqata in shirkadda Lundin aysan rabin in lagu xiriiriyo Africa Oil, balse arrintaas uu shaaca ka qaaday wasiirkii batroolka ee Puntland, taasna intii shakigu kaga jiray u bayaamisay xiriirkaas....

adduunka
Goobaha ay ka hawl gasho Lundin: Europe, Africa, Russia iyo Bariga Fog

kenya


  • Khariidada sare waxaa calaamadisay shirkadda Lundin oo muujineysey meelaha ay heshiisyada la gashay ama ku lug leedahay ama wax ka baarto. Sida ka muuqata khariidadaas, goobahaas kama mid aha dalalka  Maraykanka iyo Canada. Waxaa arrintaas shaaca ka sii qaaday qoraal ka soo baxay madaxweynaha shirkadda Lundin, Ashley Heppenstall [Oct 5, 2007] oo tibaaxay meelaha ay shirkaddaasi ka hawl gasho in ay ka mid yihiin Europe, Africa, Russia iyo Bariga Fog [Far East]. Qoraalkaasi ma xusin Canada iyo Maraykanka in ay ka hawl galaan.

  • October 4, 2007 ayey ahayd markii heshiiska wax soosaar wadaagga u dhex maray Kenya iyo shirkadda Lundin, heshiiskaas oo ku saabsanaa meesha lagu magacaabo "Anza Basin" ee aagga loo bixiyey "Block 10A" oo ah dhul ku fadhiya 14,748 Km2 oo ku yaal Woqooyi-Galbeed ee Kenya. Isha Sawirada: Lundin.
  • Wasiirka Puntland ee Batroolku waxa uu sheegay in Kenya ay Lundin siiyeen baaxad dhulka ay Puntland siiday ka weyn? - Xusuusnow in shirkada Range la siiyey gebi ahaanba dhulka Puntland in ay baari karo baaxad dhul ka badan 212,000 Km2... Haddiise uu hadalkiisa ula jeedey Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor oo keliya [80% Africa Oil, 20% Range], waa dhul bedkiisu dhan yahay 81,000 Km2 [cabbirkaas waxaa sheegtay shidkadda Africa Oil qoraal ay soo saartay March 26, 2008], sida muuqata xitaa cabbirka Nugaal & Dharoor aad ayuu uga baaxad weyn dhulka shirkadda Lundin laga siiyey Kenya.

Waxa kale wasiirka Puntland u qaabilsan Batroolka la xususiyey in ay jireen shirkado hore oo heshiis hore ula galay dawladdii hore ee Soomaaliya oo kharash badani ka galay baaritaanka dhulka Soomaaliya. "Marka maxay Puntland ka yeeli doontaa shirkadahaasi haddii ay soo dhex galaan maadaama ay yihiin shirkado la socda waxa ay Puntland samayneyso?" ayaa la weydiiyey.

aloore Hassan Osman MahamudWasiirka Batroolka DGPL waxa uu muujiyey in arrintu ay u dhexayso shirkadaha hadda wax baaraya iyo shirkadihii hore, isagoo arrintaas ka hadlayeyna wax uu yiri: "Shirkadahaasi waxay maqan yihiin 17 sano iyo ka badan, dib dambe warbixin uma ay soo dhiibin, dhulkuna ma aha dhul inta la iska qoto la iskaga tago, hadddeer annagaa ilaalina melihii ay qodeen godad ayaa ka qodan, xeerar badan ayaa dunida jira, Gobolladan nabadgelyo ayey ahaayeen, illaa haddana waa nabad gelyo, xiriiro haddii aan la samaynayna way ka cago jiideen, sidaas daraadeed dhulkayaga oogadiisa annagu kuma baahnaaneyno, haddii markaas ay sharci aadaanna waxaan qabnaa annaga in aan marna khasaare nooga imaaneyn oo waxay sharciga isku qabsanayaan ciddii qodatay, haddii ay wax isu celinayaan iyagu wax ha isu celiyeen, laakiin markasta dhulkayaga annaga leh, waagii horena Soomaaliya heshiisyadii ay la galeen in uu ahaa 17-kaa sano wax ka yar."

Axmed Kismaayo,weriyaha Idaacadda British Broadcasting Corporation, waxa uu Xasan Aloore weydiiyey: Waayadan dambe waxaa soo baxayey in dawladda Itoobiya ay ku lug yeelaneyso shidaalka Puntland soo saaristiisa, maxay tahay marka kaalinta ay arrintaas ku yeesheen Itoobiyaanku."

Xasan Aloore diidmo qayaxan kama bixin in Itoobiyaanku aysan ku lug lahayn baaritaanka shidaalka Puntland, laakiin waxa uu si cad u muujiyey in ay qandaraasyada ka qayb qaadan karaan isagoo yiri: "Shidaalka ka soo baxaya Puntland waxaa iska leh Puntland iyo dhammaan Soomaalida, wixii shaqo ah uun mooyaane oo markaas ku saabsan..., mararka qaarkood waxaa dhici kara marka la bixinayo qandaraasyada (sub-contract) in ay dadka degaanku [maxalliga (local)] ay shuruudaha buuxin waayaan, markaasna waxaa la aadi doona dawladaha jaarka ah ama Jabuuti ama Itoobiya ama Kenya. Arrimo kale oo hadda Itoobiyaanka ka khuseeya Batroolka oo aniga aan ogahay anigoo wasiirkii ah ma jidho"

"Xasan wararka qaar waxay sheegayaan in Itoobiyaanka Qandaraas (kunturaado) lagu siiyey dhismaha Xarumaha [Kaamamka] Cusub ama Xarumaha Cusub ee laga dhisayo goobaha Shidaalka laga baarayo, iyo in ay sugaan xagga nabad gelyada goobaha shidaalka laga baarayo, taas maxaa ka jira? ayaa la weydiiyey.

Wasiirka Batroolku markale si cad uma beenin arrintaas, laakiin waxa uu yiri "Dhismaha Kaamamka la degi doono Qaandaraasyadaas (Kunturaadahaas) waxaa qeexaya xeerka hadda aan gudbiney ee Batroolka, waxaana siin doonaa [petition-ka] (Tartanka qandaraaska) dadka reer Puntland, wixii markaas dadka reer Puntland ka geddisana Soomaalida kale ayaan u bandhigi doonaa, intaas wax ka geddisan aniga hadda aan ogahay ma jidho." Kamana uu hadlin in ay ammaanka kaamamkaas [la dhisayo] ay Itoobiyaanku ilaalin doonaan iyo in kale.

Axmed Kismaayo dib ayuu su'aal Itoobiyaanka ku saabsan ugu celiyey Aloore isagoo weydiiyey "Waftiga hadda dhawrkii maalmood joogey Garoowe oo Itoobiyaanka ah oo arrimahaasna la ii sheegay in ay ka hadlayeen miyaadan wax kala socon."


Aagga Block 2 & Block 6: Eeg Sawirka oo weyn..  (pdf)

Markaas ayuu Xasan Cusmaan Maxamuud qiray in waftigaas Itoobiyaanka ah ay yimaadeen Garoowe, kuwaas oo uu xaqiijiyey in ay xiriir la leeyihiin shirkaddaha batroolka baara. Wasiirka Batroolka DGPL oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Waftigaas waan ogahay, LAAKIIN waa wafti shirkadda weyn macaamil iyagu ka haysta, laakiin ma aha Qandaraasyada maxalliga ah (local) waxaan siin doonaa oo [petition-kaasna] u bandhigi doonaa dadka [local-ka] (degaanka) ah."


  • November 7, 2006 ayey ahayd markii heshiis ka dhacay magaalada Addis-ababa ay kala saxiixday wasiirka Ethiopia u qaabilsan tamarta iyo macdan qodista, Alemayehu Tegenu iyo madaxa ka tirsan shirkadda Lundin, Ian H. Lundin iyo James Phillips. Heshiiskaasi waxa uu ku saabsanaa in shirkaddaasi ay baarto aaggaga loo yaqaan Block 2 & 6 oo ah dhul baaxadiisu dhan tahay 24,420 Km2  oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku gumeysto. Waxaana heshiiskaas digniin ka soo saaray [Nov 16, 2006] Jabhadda JWXO.

Wasiirka Batroolka DGPL, Xasan Aloore, mar haddii uu qiray in marka la bixinayo qandaraasyada la xiriira shidaal baarista la aadi karo dalalka Deriska ah sida Itoobiya, isla markaasna uu qiray in xiriir ka dhexeeyo Itoobiya iyo shirkadaha shidaalka ka baaraya dhulka Soomaaliyeed ee Puntland, isla mar ahaantaasna uusan beenin in Itoobiyaanku ilaalin doonaan ammaanka xarumahaas [kaamamka], sow markaas taas macneheedu ma aha "Itoobiyaanka oo Ilaalinaya Meelaha Shidaalka laga baarayo ee Dhulka Puntland, isla markaasna qandaraas lagu siinayo dhismaha xarumaha (kaamamka) la degi doono, ayna Itoobiya Lug Ku Leedahay Shidaal Qodista Puntland"?....

Sida uu qiray Safiirkii Soomaalida u fadhiyey Itoobiya xilligii ay kusoo duuleysey Soomaaliya, Cabdikariim Faarax "Laqanyo" oo Maarso 14, 2008 ka hadlayey TV reer Minneapolis, "Itoobiya shan boqol oo sano (500) oo taariikh ah oo dhibaato ah oo aan laga heshiin oo colaad ah ayaa naga dhexaysa, Itoobiya in ay Soomaaliya timaado marnaba ma aha, mana la ogolaan karo, mana la yeelayo..." - mar haddii arrintu sidaas tahay Itoobiyaanku sidee ugu qalmaan in qandaraas lagu siiyo dhul Soomaaliyeed? Waxay jawaabtu u taal shacabka Soomaaliyeed.

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2008 | updated: March 26, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: