SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Daahir Riyaale oo Joojiyey Waraysiyada Marka uu Safrayo ama soo Laabanayo...

  • "Caado uma aha adduunka in madaxda mar kasta la waraysto." Daahir Riyaale

riyaaleMadaxweynaha maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, ayaa Febraayo 16, 2008 sheegay in uu jioojinayo waraysiyada uu siiyo warbaahinta marka uu safar ugu baxayo dibadda iyo marka uu soo laabanayo.

Daahir Riyaale oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri "Caadada noqotay in marka la sii baxayona la sii warramo, marka la soo noqdonayona la warramo maanta (Feb 16, 2008) ayaan ku soo xirayaa. Wixii dambe warsaxaafadeed (press-release) uu afhayeenku keeno ayey noqon doontaa, waayo caado uma aha adduunka in madaxda mar kasta la waraysto."

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya safarka qarsoodiga ah ee Daahir Riyaale uu ku tegey Dubai ayaa tibaaxay in ay la xiriirto in uu qorshaynayo in uu la kulmo shirkado sheegay in batrool baarayaan iyo shirkado kale oo kalluunka jiraafa.

Qoraaladii ay warbaahintu ka qoreen safarka Riyaale ee qarsoodiga ah hoos ka akhri....


Madaxweyne Riyaale oo socdaal Qarsoodi ah ku tegey Imaaraadka Carabta

February 18, 2008

 Abu Dhabi, UAE (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo shalay u ambabaxay socdaal aan ujeeddadiisa la ogeyn ayaa maanta gaadhey magaalada Abu Dhabi ee xarunta Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Riyaale oo shalay gelinkii dambe ka carraabay magaalada Hargeysa, waxa uu saxaafadda u sheegay inuu booqasho shaqo ku tegayo Addis Ababa, dalka Itoobiya iyo waddamo kale oo aanu magacaabin. Waxana uu diidey in wax su’aalo ah la weydiiyo, isaga oo isla markaana sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu joojiyey inuu saxaafadda la hadlo marka uu safar u baxayo iyo marka uu soo noqdo.

Hase yeeshee, waxa lagu warhelay maanta [Feb 18, 2008] in Madaxweyne Riyaale uu ku sii hoydey uun Addis ababa, balse uu toos u tegey Imaaraadka Carabta.

Lama garanayo ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ee Abu Dhabi. Waxaana ka soo baxaya warar kala duwan. Wararka qaarkood waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uu halkaa kula ballansan yahay shirkad Norwegian ah oo uu la gelayo heshiis dhinaca shidaalka ah. Xogo kale oo aan ka durugsanayn wararkaas ayaa sheegaya in Madaxweynuhu kula ballansan yahay halkaa shirkado Masaari ah oo leh Maraakiibta Kalluumaysiga ee xukuumaddu qandaraaska ku siisay inay ka kalluumaystaan xeebta dhinaca Galbeed ee Somaliland, kuwaas oo iyaguna sida la sheegay ka imanaya xaruntooda ah oo ah Qaahira, isla markaana waxay wararkaasi sheegayaan in ay ka wadahadlayaan arrimo ku saabsan lacagta maraakiibtaa kalluumaysi lagaga kireeyey biyaha Somaliland oo la sheegay in waxoogaa is maandhaaf ahi ka taagan yahay.

Wararkan wax kaloo sii xoojinaya iyada oo ay halkaa ku sugan yihiin, Madaxweynahana ay kaga sii horreeyaan Xaaskiisa, Marwo Huda Barkhad iyo ninka Madaxtooyada u qaabilsan xidhiidhka Maraakiibtaas, Mr. Cismaan Aw Cabdi.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uu ku galay Dalka Imaaraadka Carabta “Dal-ku-gal” ama Fiise booqasho oo caadi ah.

Warar kale oo la xidhiidha socdaalka Madaxweyne Riyaale ayaa sheegaya in sidoo kale Madaxweynuhu uu tegayo Dalka Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalkan qarsoodiga ah ee Madaxweynaha ayaa ah mid shaki weyn leh, isla markaana Madaxweynaha ka dhigaya nin aan la aamini karin, marka la eego sida uu isugu dedayo inuu dadkiisa ka qariyo ama uga been sheegay socdaalkiisan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com

Isha Warka: Somaliland.org


“Maantaa Ayaa Ugu Dambaysa In Markaan Baxayo Ama Dalka Dib Ugu Soo Noqdo Ay Warbaahintu I Waraysato” Madaxwayne Rayaale

Sunday, 17 February 2008

Hargeysa (Halganews)- “Maantaa [Feb 16, 2008] ayaa ugu dambaysa in markaan baxayo iyo markaan dalka dib ugu soo noqdaba ay warbaahintu i warraysato, waayo ma aha arrin caado u ah madaxda dunida, sidaas darteed waxaydun ku dhaqmi [saxaafadda] doontaan warsaxaafadeed uu afhayeenku soo saaro,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay shir-jaraa’id oo uu qasriga madaxtooyada ku qabtay ka hor intii aannu dalka ka amba bixin, waxaannu Md. Rayaale isaga oo ka codsanayey wariyeyaasha in aanay su’aal ku waydiin shirkaa jaraa’id, uu intaa ku daray; “Su’aalana maanta kama jawaabayo ee salaamu-calaykum,” sidaa waxa yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey shalay galab u dhoofeen dalka Itoobiya.

Madaxweyne Rayaale, waxa uu markii u horreysay si cad shaaca uga qaaday in xilliyada uu safar ugu baxayo dalka dibaddiisa ama ka soo laabto aannu mar dambe saxaafadda la hadli doonin, sidaa awgeedna caado ka dhigan doono warsaxaafadeedyo uu socdaalladiisa ka soo saaro afhayeenkiisu. Sidaana waxa uu ka sheegay mar uu saxaafadda kula hadlayey qasriga Madaxtooyada wax yar ka hor intii aannu shalay isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayaa dalka ka dhoofin.

Weftiga Md. Rayaale ku weheliya socdaalkiisa oo ku jihaysan dalka Itoobiya iyo waddamo kale oo aan la shaacin, ayaa isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda xisbiga talada haya ee UDUB, xoghayntiisa gaarka ah iyo xubno kale.

Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah oo aan hore loo shaacin, balse laga war-helay uun wax yar ka hor intii aannu u duulin shalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaannu Md. Rayaale shirkiisa jaraa’id ku sheegin ujeeddada safarkiisa xilligan iyo meelaha uu ku jihaysan yahay.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey wasiirradiis arrimaha dibedda, hawlaha guud, madaxtooyada, afar xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda xisbul-xaakimka UDUB, xoghayntiisa gaarka ah iyo Jawaahir Maxamed Cali Sheekh Madar.

Md. Rayaale oo la hadlayey suxufiyiinta uu kulanka u qabtay ka hor intii aannu dalka ka ambabixin, waxa uu ku sheegay in aanay madaxda caalamka caado u ahayn inay saxaafadda shir ugu warramaan markasta oo ay safar u kicitimayaan ama ka soo laabtaan, sidaa darteedna laga bilaabo soo noqodka socdaalkiisa shalay uu soo afjarayo kulamadii uu warbaahinta kula hadli jiray, taas beddelkeedana ka dhigayo warsaxaafadeedyo uu soo saaro afhayeenkiisu.

Madaxweynaha oo ka hadlayey ujeeddada socdaalkiisa iyo dalalka uu ku soo mari doono, waxa uu yidhi;. “Tan ugu weyn ee aan maanta [Feb 16, 2008] rabay in aan idin kala hadlaa waa, haddii Illaahay yidhaahdo marka hore Itoobiya ayaan tagayaa, meelo kalena in aan uga sii gudbo ayaa laga yaabaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay falkii Salaasadii toddobaadkii hore lagu afduubay sarkaal ka tirsan hay’adda GAA, tallaabadaas iyo kuwo kale oo uu sheegay inay ka horreeyeenba wuxuu ku tilmaamay qaar salka ku haya sidi loo carqaladayn lahaa nabadgalyada buuxda ee ay Somaliland haysto iyo aqoonsiga ay ka sugayso beesha caalamka, “Waxaan rabaa in aan ka warramo arrintan argagaxisada ah ee ka dhacday dalkeena ee lagu soo guulaystay, horta marka hore hambalyaan u dirayaa ciidammada qaranka iyo dadweynihii gobolkaa ku noolaa sida geesnimada leh ee ay uga hawlgaleen arrintaa iyada ah.

Waxaanna muuqata wararka ugu horreeyey ee hordhaca ah ee aannu hayno Gugux meel la yidhaahdo oo meeshaa maamulka Boosaaso ka tirsan laga soo abaabulay, laakiin argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada argagaxiso uun, meel kastaba way joogaan, qaar innaga ahna way ku jiraan, taa waxaan u gudbinayaa dadweynaha in laga foojignaado indhahana la furo. Waxaan xasuustaa berigii aan Ingiriiska tegay ee 2004-tii, markaan marayey Addis Ababa ayaa qubuuraha Ingiriiska la jajabiyey, maalintii Baarlamaanka Ingiriiska aan tagayna hay’adda GTZ qoladoodii la afduubay bay ahayd. Shalayna waxa inoo yimi madax kale oo caalamka ah, taas waxay sheegaysaa markasta oo wax wanaagsani inoo soo socdaanba in ay qaar argagaxiso ahi oo uu shaqeeya dad innagu aan aynu garanayn oo danaheenna ka soo horjeeda inay mujtamaceenna ku dhex jiraan baa halkaa ka muuqanaysa, taasna dadweynaha waxaan u sheegayaa horta in ay ka feejignaadaan oo fiiro gaar ah loo yeeshaan,” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale.

Inkasta uu Madaxweynuhu ka gaabsaday in uu carrabaabo dalalka uu uga sii gudbayo Itoobiya, haseyeeshee warar ku dhow weftiga Madaxweynaha ayaa tibaaxday inay booqan doono waddamo ku yaal Imaaraadka Carabta, balse si cad looma oga kuwa ay yihiin.

AA.Sheekh, Hargeysa.

Isha Warka: HalgaNews


Riyale oo khaliijka u tagey heshisyo shidaal

18 Feb 18, 2008 - 6:18:02 AM

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada la magac baxdey Somaliland uu halkaas gaarey iyada oo xoggo ku dhow sheegayaan in damacsan yahay in heshiisyo shidaal iyo macdan baaris ku sixiixo wadan kamid ah Khliijka.

Ma jiraan warar xusaya magacyada shirkadaha uu damacsan yahay in heshiiska la galo balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in aysan ka fogeyn shirkadihii Madaxweynaha DGPL Cadde Muse heshiisyada muranka dhaliyay la galay.

Dad ku sugan Dubai ayaa Garowe Online u sheegey in qaar kamid ah Jaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaradka Carabta ay uga digeen Madaxweyne Riyaale in uu heshiis la galo shirkadaha heshiisyada muranka siyaasdeed ka dhaliyay Puntland kuwaas oo ay ku tilmaameen in maamul goboleedkaas bur-bur qarka u saarey..

Daahir Riyaale Kaahin ayaa la ogeyn sida uu ka yeelo doono talooyinkaas la siiyey inkastoo warar hoose sheegayaan in Madaxweynaha uu baahi weyn u qabo lacagaha hormariska ah ee laga qaato shirkadahaas iyada oo dadku siyaabo kala duwan u fasireen.

Dhinaca kale warar laga helayo dadkii booqdey Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale uu sheegay in uu martiqaad ka helay shirkada la yiraahdo Lundi isla markaana uu heshiis ku sixiixi doono wadan kale oo Khaliijka ah kaas oo aan la magacaabin.

Jariidad wadanka Ethiopia ka soo baxdo oo lagu magacaabo Fortune ayaa asbucii la soo dhaafey shaacisay in shirkada la yiraahdo Lundi ay heshiis shidaal baaris ah la gashay Somaliland halka xoggo kale sheegayaan in shirkad la yiraahdo Africa oil ku lug leedahay heshiiskaas.

Riyaale ayaa waxaa ku soo fool leh doorashooyin la filayo in sanadka dabayaqadiisa ka dhacaan Somaliland kuwaas noqon kara kuwa u baahda misaaniyad culus.

Isha Warka: Garowe Online.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2008

BAARID | SEARCH


READ: CALUB GAS FIELD......

bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

CADDE MUUSE: Xilka Waxaan Heynayaa ilaa 2013ka

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: