Caasha Axmed Cabdala “Cadde Muuse ayaa
heshiis la soo galay Shirkado Maafiyo ah.
SomaliTalk.com | April 5, 2006
Xildhibaanad Caasha Axmed
Cabdla ayaa si aad ah uga hadashay dagaalkii dhawaan ka
dhacay deegaanka Majiyahan ee Gobalka Sanaag kaasoo u
dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada maamul Gobaleedka
Puntland kaddib markii dadka deegaanku ay diideen in halkaas
wax shidaal ah laga qodo ama macaadin lag abaaro, waxa ayna
sheegtay Caasha Axmed Cabdala in tii wixii ka dhacay
deegaankasi uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Maamul
Gobaleedka Puntland Cadde Muuse, waxay kalloo sheegtay in
Cadde Muuse uu heshiis la soo galay shirkad si aad ah looga
yaqaano oo ay ku tilmaantay in ay tahay Maafiyo kuna
shaqeysata Musuq maasuq iyo wax is daba marin.
“Shirkaddu ma ahan
Australian ee waa mid ku gabaneysa magacaasi, ee waa shirkad
laga leeyahy wadanka Lubnaan oo soo xaalufisay dhamaan
qaaradda Afrika iyo Qaaradda Aasiya” ayay tiri Caasha Axmed
Cabdala oo u soo jeediysay shacabka reer Majayahan in ay
iska difaacaan kooxahaas burcadda ah oo doonaya in ay
dhacaan hantidooda ma guurtada ah.
Caasha waxay kalloo
sheegtay in Cadde Muuse uu yahay ninka dhibaatada ku haya
shacabka Puntland, waxayna u soo jeedisay Cadde Muuse in uu
faraha kala baxo arrimahaasi oo ah arrimo ay lahayd Dowladda
Soomaaliyeed.
Sidoo kale Cawad Axmed
Cashara ayaa isna waxa uu sheegay in wixii dhibaato ah oo ka
dhacay deegaanka Majayahan uu mas’uuliyadeeda leeyahay
Cadde Muuse waxa uuna u soo jeediyay inuu deg deg
shirkaddaasi uga saaro Gobalada Puntland. Cawad waxa uu
sheegay in caalamka ay ku jiraan shirkado aan sharciyeysan
oo heshiisyo qarsoodi ah la gala shaqsiyaad aan aqoon
sharciga lagu heshiiyo shirkadaha, isoo sheegay in loo
baahan yahay mar kasta in la feejignaado shirkadahaasi
burcadda ah oo caalamka sida weyn looga yaqaano doonayana in
ay ka faa’iideystaan dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Xaaladda deeganka Majiyahan oo shalay
Degeneyd...
SomaliTalk.com | April 5, 2006
Wararka ka
imaanaya Gobalka Bari waxay sheegayaan in deegaanka
Majiyahan oo doraad ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay dadka
deegaanka iyo ciidamo ka socday Maamul Gobaleedka Puntland
uuna dagaalkaasi ka dhashay kaddib markii shirkad sheegata
Australian halkaas ka bilwoday in ay ka baarto shidaal iyo
macaadin, taasoo ay si aad ah uga caroodeen dadka deegaanka
oo sheegay in aan waxba lagala socodsiin.
Deegaankaas ayaa shalay ku baxay Odoyaal ka kala yimid
gobalada Bari iyo Sanaag ayaa waxay lagu guuleystay in marka
hore la joojiyo baarista macdanta, isla markaana laga wada
hadlo waxa dagaalka dhaliyay iyo dadkii ku geeryoodya.
Dadka
deegaanka ayaa waxay codsadeen in marka hore halkaasi laga
saaro dhamaan ciidamada Puntland dibna loogu celiyo goobihii
ay ka yimaadeen, hase yeeshee maamul gobaleedka Puntland
waxa uu sheegay in halkaasi ciidamada loogu diray si ay u
ilaaliyaan shaqaalaha shirkadda oo iyagu wada baaritaan
dhinaca shidaalka ah ama macdanta, waxa uuna maamulku
sheegay in baaritaanku marka uu dhamaado ay heshiis la gali
doonaan dadka deegaanka si loo soo saaro macdanta (ama
shidaalka).
Deegaanka Majayahan oo uu ka
Dhacay dagaal u Dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo…
SomaliTalk.com | April 4, 2006
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Majayaan ee Gobalka Bari
ee Maamul gobaleedka Puntland ayaa waxay sheegayaan in
halkaasi ay ka dhaceen iska hor imaad dhex maray ciidamo ka
socday maamul Gobaleedka Puntland iyo dad ku sugnaa
deegaankasi.
Iska hor imaadkaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan labo
katirsan ciidamada maamulka Puntland, iyo ugu yaraan shan
dhaawac ah, waxaana la sheegay in maamulka laga gubey hal
gaari, waxa uuna iska hor imaadkaani ka dhashay markii
maamul Gobaleedka Puntland uu halkaasi ka bilaabay macdan
baaris oo uu u xilsaaray shirkad la sheegay in ay tahay
Australian.
Xiisadda halkaasi ka taagan ayaa dhacday ayadoo maalmahan la
wadey waanwaan, waxaase la sheegay in ay arrinta sii
cakirtey markii halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka socda
Maamul Gobaleedka Puntland si ay gacan u siiyaan ciidamada
kale ee halkaasi horey ugu sugnaa.
Amiin Yuusuf
| Muqdisho
Axmed Cawed Casharo |
Jeneral Cadde muuse
xirsi |
Boosaaso:
Waxaa Arbacadii dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL,
Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee
magalada Boosaaso.
Lama
faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo
Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira
Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis,
laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay
Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe
iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan
Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.
Idaacad
ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii
arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala
yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.
Waraysigaas waxa
uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay
Australia, laakiin ka diiwaan Gashan
Jasiirada Maldavis, taas oo uu
ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.
Cawed Casharo waxa
uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan
maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u
garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah
geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu
dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan
Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in
shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad
jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u
dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey
shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.
Xildhiban Casharo
waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga
Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga
qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe
ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada
iyo arrimaha ka jira Puntland.
"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada)
ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene
ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo
Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku
joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo
xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan
Casharo.
Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa (Australia SBS)
Halkan dhegeyso
Idaacad Australia oo Wasiiro ka
Tirsan Puntland ka Waraysatay Muranka ka Taagan Macdanta
Majayahan
Wasiir Axmed
Cabdi Xaabsade iyo wasiir Cali Buureed oo ka hadlay arimaha
Majayahan... Halkan ka Dhegeyso...