Madaxewynaha oo ay socdaan
Garbahiisa qaar ka mida Ganacsatada Puntland
Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport
Boosaaso
Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin
Austaralian ah_oo Doonaya in uu maalgashi ku
sameeyo Puntland
Madaxweynaha oo_u waramaya Tv Caalamiya
Diyaarada Albaabkeeda |
Madaxweynaha DGPL iyo
Wafdi uu hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo
Kenya...
Madaxweynaha DGPL Gen.
Maxamud Muuse Xirsi (Cade) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo
uu ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka
Caalamigaa Dr. C/raxman Faroole ayaa maanta safar ugu
Ambabaxay Dalalka Emaradka iyo Kenya, sida uu Saxaafada
u sheegay Madaxweynaha ayaa waxa uu marka ugu horeysa ku
hormari doonaan Dalka Emaaraatka oo ay hore wafdi uga
yimaadeen Gobolda Puntland kuwaas oo ahaa Ganacsato iyo
khuboro kale oo ay ka mid yihiin Injineero cabiraayay
Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso oo ay Mandaqada
Sharja hore ugu balanqaaday sidii loo balaarin lahaa,
Madaxweynaha oo ka hadlaaya Safarka ay u tagayaan Dalka
Kenya ayaa sheegay in ay Casumaad ka heleen Madaxweynaha
DFKGS Col. Cabdulaahi Yuusuf si ay uga qayb galaan
Xaflada soo guurista DFKGS oo lagu wado in ay dhacdo
maalmaha nagu soo aadan.
Madaxweynaha DGPL ayaa
intuu uusan ka amba bixin Garoonka booqday Dhismaha
Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Madaxweynah oo ka
hadlaayey Nabadgalyada isagoo ka faa,iidaysanaya Fursada
Saxaafada sii say si uu u gaarsiiyo Dadweynaha ayuu
faray in la adkeeyo nabadgalyada.
Iyadoo ay jireen Dilal
kala duwan oo ka dhacay magaalooyin ka mida Puntland oo
ay ugu weynthay Dilkii ka dhacay Xabsiga Garoowe oo aan
wali gacanta lagu soo dhigin Nimankii gaystay Dilkaa
lakiin uu sheegay Madaxweynuhu mar uu la hadlayay
saxaafada maanta ka hor in ay balan qadeen in ay soo
qabtaan Beelihii ay ka dhasheen nimankaa.
Dhanka kale warar aan
ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay wada
hadal u socdo labdii Beelood (ee Garoowe).
Madaxweynaha DGPL ayaa
waxaa Garoonka diyaaradaha ku sii dhaweyay Xubno ka mida
wasiirada DGPL iyo DFKGS iyo Xubno kale oo ka mida
maamulka Gobolka Bari.
Wasiirka qorsheynta DGPL Dr.
CAbdiraxmaan Faoole |
Wasiiro, xildhibaano iyo Odayaal
sii dhaweynaya MDGPL |
Muuqaalka
Guud ee Dhismaha oo ka socda Airport Boosaaso
|