SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...

3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland oo Xoriyadoodi helay……

  • SomaliTalk.com | Feb 9, 2008

Wararka nagasoo garay ehelada 3 dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawishta ee Dawlad Goboleedka Puntland ee ku xirnaa Xabsi ku yaal dalka Thailand ayaa xoriyadoodi dib uhelay:

Dhallinyaradaas oo kala ah:

  • Yuusuf Aaden Seed.
  • Maxamuud Cabdullahi Jaamac.
  • iyo Xuseen Cabdullahi Aaden.

Ciidamada daraawiishta ee ilaalada xeebaha Puntland ee ay ka tirsanaayeen 3da dhallinyarada  ee laga soo daayey xabsiga Thailand....

Dhallinyaradaan ayaa katirsanaa Darawaawiishta Puntland qaybteeda Ilaalada Xeebaha Puntland.

3 sano kahor ayeey aheed markii si sharcidarro ah looga kaxeestay xeebaha Puntland ayagoo ku guda jiray shaqadii eey u xilsartay Dowlad Goboleedka Puntland, kadibna loo taxaabtay xabsi kuyaal magaalada Bangkok ee wadanka Thailand.

Maalintii Isniinta ahayd ee February 4, 2008 ay saddexda dhallinyarada ahi kadageen Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaaso eey kusoo dhaweyeen qaar kamid ah ehaladii 3-da dhallinyarada ah.

Wareysi gaaban oo aan layelanay ayey noo sheegeen in cafimaadkooda hada aad uwanagsan yahay, kuna faraxsanyihiin ineey dib uheleen xariyadoodii, waxeeyna kucelceliyeen ineey oga mahadcelinayaan dhammaan dadkii kaqeeb qaatay sodeentooda meelkastoo eey joogaan gudaha iyo dibadaba, dadkaaso aan halkaan lagusoo koobi Karin, hadana eey daallan yihiin oo eeysan warbadan sheegikarin balse eey markeey nastaan haddii Allah idmo wareysi bixin doonaan, kusaabsan xaladooda.

Saddex dhallinyarada-Soomaaliyeed ah oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Puntland waxaa bishii Maarso 2005 laga kaxaysatay markab reer Thailand ah oo ay ilaalo ahaan u saarnaayeen, kaddib markii uu Markabkaasi ku xadgudey qaabkii kalluumaysiga ee loo qoondeeyey, oo ay dhalliyaradaasi ka biyo diideen (maadaama ay ahaayeen ilaalada xeebaha Soomaaliyeed) kaddibna sidaas ayaa lagu xiray. 40 Cisho ayaa lagu hayey meelo u dhow Soomaaliya, kaddibna waxaa Xabsiga Thailand la geeyey April 2005. Markii Xabsiga lagu hayey muddo hal sano ah ayaa markey taariikhdu ahayd Isniin April 24, 2006  waxaa la soo taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand, waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) xarig mid kasta, sidaas ayaana xabsigii loogu sii hayey. Waxay hadda xorriyadooda helaan (February 2008) oo ah saddex sano ka bacdi markii ay ku xirnaayeen si xaqdarro ah.

Qofka muwaadinka ah dalalka adduunka waxa uu u leeyahay muhiimad weyn iyo tixgelin, taasi waxay u muuqatay in aysan ka jirin Soomaaliya, gaar ahaan xukuumada Federaalka iyo DGPL. Muddadii saddexda sano ah ee ay dhalliyaradaasi (ka tirsanaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed) ku xirnaayeen Xabsiga Thailand waxay DGPL iyo DFKMG ku ahayd waji gabax weyn oo ciidankii ay shaqada u xilsaartay dal kale iska xirto.

Bahda SomaliTalk.com waxay aad ugu faraxsan yihiin in dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta xor yihiin kana soo bexeen xabsiga Thailand.

Akhri Qoraaladii mudada 3-da sano ahayd laga qoray Xariga Dhallinyaradaas:
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 |

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com