Puntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha
Batroolka
"....sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah..."
- Tarjumadii iyo Faalladii SomaliTalk.com | Aug 22, 2008
Qoraal uu soo
saaray wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee DGPL, uuna faafiyey Xafiiska Gen. Cadde
Muuse, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiis ay dhawaan DFKMF la gashay
shirkado ajnebi ah, kaas oo ku saabsanaa cidda maamuleysa Batroolak Soomaaliya.
Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) qoraalkiisa waxa uu ku sheegay qodobbo ay
kamid yihiin:
- DGPL waxay cadayneysaa in aysan la socon wax heshiis oo dhex maray
Soomaaliya iyo ajaaniib.
- Maaraynta iyo sharci u samaynta Khayraadka Dabiiciga ee Puntland waxaa
la keli ah DGPL oo uu hoos yimaaado.
- Puntland waxaa si buuxda uga go'an heshiiska Africa Oil iyo Range
Resources, heshiiskaas waxaa soo hoos gelaya Dooxada Dharoor iyo Dooxada
Nugaal
- Inta laga helayo dastuur federaal ah..... taageerada Dawladda Puntland u
hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG
ah.
Erayadaasi
waxay si toos jawaab ugu yihiin heshiiskii Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee
DFKMH, Eng. Kaanje uu la galay shirkadaha Kuwait Energy iyo Medco Indonesia.
Heshiiskaas, sida ay sheegtay jariidadda Al Watan, waxa uu DFKMG siinayey
51% saamiga hay'adda Batroolka Soomaaliya, halka ay labada shirkadood helayaan
samiga 49%. Heshiiskaas oo ah in batroolka Soomaaliya ay shirkadahaasi
maamulaan.
Qoraalka Wasiirka Tamarta & Macdanta Puntland, Xasan Aloore, oo ku
taariikhaysnaa August 20, 2008, (Laakiin xafiiska Gen. Cadde Muuse
faafiyey Aug 21, 2008), kuna astaysan lambarka (Mem/os/Garowe/808),
waxa uu ku qornaa Af-ka Ingriisiga. Haddaba qormadii aan Af-Soomaali ku soo
tarjumney waatan:
Dawladda Puntland ee Soomaaliya, Xafiiska Wasiirka:
War-saxaafadeed
Waxaa jirta warbixin ay warbaahintu (faafisay) oo sheegaya in heshiis batrool ay kala
saxiixdeen Dawladda Federaalka Kumeelgaarka (DFKMG) ee Soomaaliya iyo laba
shirkadood oo shisheeye ah, kaas oo u gogol dhigaya in la asaaso shirkad wadaag
ah oo sahamisa khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Warbixintaasi waxa kale oo
ay shaaca ka qaaday in Shirkadda Batroolka Soomaaliya ay maamuleyso dalka
batroolkiisa, gaaskiisa iyo khayraadka macdanta.
(Anagoo) jawaab ka bixineyna akhbarta warka sare, Dawlad Goboleedka Puntland
waxay halkan ku cadayneysaa in aysan la socon wax heshiis oo dhex maray
Soomaaliya iyo ajaaniib. Khayraadka dabiiciga ah ee ku jira Puntland
waxa uu gebi ahaanba hoos yimaadaa maamulka Dawladda Puntland, waxaana dawladani
la keli tahay lahaanshada xuquuqda in ay maareyso, islamarkaana shirci u samayso
(khayraadka dabiiciga). Sidaas daraadeed heshiiskaas lagu soo waramay
waxba kama khuseeyo Dawlad Goboleedka Puntland.
Dawladda Puntland waxaa si buuxda uga go'an heshiiska hadda jira ee ay la
leedahay Shirkadad Africa Oil iyo Range Resources, heshiiskaas waxaa soo hoos
gelaya Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal ee Puntland. Heshiiska ku saabsan
dhulkaas waa mid jira, waxaana si buuxda u taageersan sharciga Puntland.
Inkasta oo aysan cadayn sharci ahaanta heshiiska lagu soo waramay,
(hadana) warsaxaafadeedkan degdega ah ee ay soo saartay Dawladda Puntland waxaa loola jeedaa
in lagu-weeciyo (lagu-buriyo) arrinta aan la hubin (mugdiga ku jira) ee ku
xeeran cidda leh awoodda xukumidda khayraadka dabiiciga ah ee Puntland. Dawladda
Puntland waxay si adag ugu difaaceysaa xuquuqda lahaanshada khayraadkeeda
dabiiciga ah ee dadkeeda Puntland.
Qoraalkii Tub-raaca Siyaasadda Dawladda Puntland (Eeg
halkan) ee 19-kii Maarso 2008 waxaa si qayaxan ugu qeexan in: "Inta laga
helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku
qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso
DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah -
Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda."
Mahadsanidin.
Waxaa ku saxiixnaa:
Mr. Xasan Cusmaan Maxamuud
Wasiirka Tamarta iyo Macaadanta
Garoowe, Puntland
DFKMG weli jawaab kama bixin hadallada kulul ee ka soo yeeray Puntland
wasiirkeeda Batroolka.
Ma aha markii ugu
horeysey ee DGPL ay ganafka ku dhufato hadallada iyo qoraalada Wasiirka
Tamarta ee DFKMG, Eng. Kaanje. Hore ayay DGPL waxba kama jiraan ugu tilmaantay
hadallada Wasiirka.
Su'aasha hadda taagan waxay tahay, madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf cidda uu
markaan gacanta siin doono.
Waxa arrinta sii cakiraya waxaa kamid ah, in wasiirka Tamarta ee DFKMG uu
heshiis la saxiixday shirkadihii (KEC iyo Medco) sharciga batroolka Malindi ugu
dhiibey Ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, Geeddi, sharcigaas oo markii hore uu
diidanaa madaxweynaha DFKMG. Laakiin waxaa hadda lagu soo waramay in C/laahi
Yuusuf uu August 7, 2008 ansixiyey sharcigaas uu hore u diidanaa iyo in
wasiirkiisa batroolku uu saxiixay heshiiska cusub.
Haddaba
mar haddii wasiirka Batroolka Puntland, Aloore, uu ganafka ku dhuftay heshiiska
uu ansixiyey C/laahi Yuusuf, waa maxay jawaabta uu ka bixin doono?. Jawaabta
kale oo laga sugayo Yuusuf waxay tahay in uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan
midnimada Soomaaliya, kana jawaabo hadalka ay soo celcelisey Puntland oo ah "sina
looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah".
Ethiopian FM blasts Somalia’s leaders
Financial Times- August 21 2008
Ethiopia has blasted Somalia’s political leaders for getting bogged
down in ”internal squabbles” while millions of Somalis live on the brink
of a humanitarian disaster in a country that remains violent and
ungoverned.
Seyoum Mesfin, Ethiopia’s foreign minister, told the Financial Times
that a rift between the president and prime minister Nur Hassan Hussein,
appointed eight months ago after his predecessor fell out with Mr Yusuf,
was the biggest obstacle to peace...
“The main challenge now is not what they call the enemy.
It’s an intra-government crisis that is preventing them from focusing on
the tasks they need to get done,” said Mr Mesfin. “There has been a lack
of vigour and, if I may say so, a lack of commitment.”
Read More: Ethiopian FM blasts Somalia’s leaders. |
Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo August 21, 2008 waraysi siiyey Idaacadda
Codka Maraykanka, isagoo joogey Addis Ababa, ayaa sheegay in ay waajib
muqaddas ah ku tahay in uu ilaaliyo sharciga Dastuurka ee u yaal dalka (Dhegsyo-mp3).
Haddaba qodobo ka mid ah Dastuurta Federaalka ayaa dhigaya in DFKMG ay masuul ka
tahay khayraadka dabiiciga ee dalka. Sharcigaas oo laga filayo DFKMG in ay
ilaaliso. C/Laahi Yuusuf waxa uu Itoobiya u tegey dhex-dhexaadin isaga iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo isuguna halkaas tegey, oo uu dhaxeeyo
khilaaf lagu sheegay in uu la xiriiro Dastuurka.
DFKMG weli si rasmi ah uma soo bandhigin qodobada ay kula heshiisyeen
shirkadaha Reer Kuwait iyo reer Indonesiya. Lamana oga xaqiiqo ahaan waxa ku
qoran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Canaan Dusha uga Tuuray Yuusuf iyo
Nuur Cadde:
Seyoum Mesfin oo waraysi siiyey jariidadda Financial Times (Aug 21, 2008)
ayaa sheegay madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf iyo ra'iisul wasaaraha Nuur Cadde
khilaafka u dhexeeya uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan nabadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxa uu intaas ku daray "Caqabadda
hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu yeeraan cadowga. Waa dhibaatada ka
dhex jirta dawladda taas oo ka hor taagan in ay jaaha saaraan hawsha ay u baahan
yihiin in ay qabtaan" waxana uu taas raaciyey "arrimahaasi waa ballan qaad
la'aan." Itoobiyaanku canaantaas waji-gabaxa ku ah DFKMG waxay jeediyeen xilli
ay Yuusuf iyo Nuur Cadde ku sugan yihiin Addis Ababa si Itoobiyaanku u dhex
dhexaadiyaan.
Jariidaddu waxay sheegtay in ay jirto xurguf DFKMG dhexdeeda xilli ay
malaayiin Soomaali ah qarka u saaran yihiin masiibo bini'aadamino, waddan
rabshado ka jiraaan oo aan la xakumin.
Waxaa aad u cajaa'ib badan in wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya uu madaxda
DFKMG u adeegsadey oraahda "Caqabadda hadda ugu weyni ma aha waxa ay ugu
yeeraan cadowga". (Eeg
http://www.ft.com).
Kooxo Taageersan Maxaakiimta Islaamiga oo La Wareegey Gacan ku haynta
Kismaayo:
Magaalada dekeda ah ee Kismaayo ayaa (Jimce August 22, 2008) waxaa la
wareegey kooxo ka mid ah ama taabacsan maxaakiimta Islaamiga, kaddib markii uu
magaaladaas dagaal ka socdey muddo saddex maalmood ah (Wararkii
Dagaalka Kismaayo).
Akhri:
DFKMG
oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco
Energi...: Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in
la soo celinayo Geeddi Akhri
READ: Kuwait’s KEC signs illegitimate agreement with Somali Warlord
Faalladii iyo Tarjumadii SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2008
|