SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA

Maareeyihii Guud ee shirkadda Range Resources oo Jagadii ka degey iyo Liibaan Boqor oo Iska Casiley Range...

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | July 22, 2008

Qoraal ay shirkadda Range Resources ay maanta Talaada (July 22, 2008) u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia ayey shaaca kaga qaaday in Liibaan Muuse Boqor uu iska casiley shirkadda Range Resources oo uu ka ahaa agaasime u qaabilsanaa Puntland.

Qoraalku waxa uu sheegay in Liibaan Muuse uu u shaqayn doono Dawlad Goboleedka Puntland, laakiin  ma caddayn shaqada uu u qaban doono DGPL.

Qormadu waxa ay sheegtay in shirkadda Africa Oil ay toos ula macaamili doonto Puntland, marka laga hadlayo Dooxada Nugaal iyo Dharoor. Hadalkaas oo loo qaaday in Range Resources geeska lagu riixey.

Waxaa hore u jirey warar tibaaxayey wakiilka Range u qaabilsanaa Puntland in shirkadda IMC iyo Africa Oil ay u diideen in uu galo xafiiskooda Boosaaso. Khilaafyadaas oo maalmihii ugu dambeeyey sii xoogaysaney.

Dhanka kale waxaa warsaxaafadeedka Range uu sheegay in maareeyihii guud ee shirkadda Range, Mike Povey uu ka degey jagadaas, isla markaasna ay shirkaddu hadda raadineyso Agaasime cusub. Mike Povey oo laga wareejiyey hawlaha shidaal sahaminta ee Puntland waxa uu ku ekaanaya darajo hoose oo uu ka qaban doono hawlaha shirkadda ee Galbeedka Australia.

Qormada laguma caddayn in jagadiisii dib loogu soo celiyey agaasimahii toddobaadkii hore is casiley, Peter Landau.

bosasoWarar laga helayo ilo wargal ah ayaa tibaaxay in ay socdaan qorshe ah in Liibaan Muuse lagu bedelayo Faarax Cabdi Xuseen oo markaas la shaqayn doona shirkadda IMC ee Puntland sahaminta ka wada iyo jaalkeeda Africa Oil oo ah shirkadda heshiiska la gashay Range Resources.

Maamulka Puntland weli war kama soo saarin is bedelladaas.


Agaasimihii Guud ee Range Resources oo is casiley...

"Waxaa raacay Liibaan Muuse Boqor oo wakiil Puntland uga ahaa Range...."

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | July 15, 2008 | Updated: July 18, 08

Wararka ka imanaya dalka Australia ayaa tibaaxay in uu is casiley agaasimihii guud ee shirkadda Range Resources ee macadan iyo batrool baarista ka wadey Puntland.

Is casilaada Peter Landau ayaa dhacday Sabtidii/Axadii (12-13 July 2008) kaddib markii muran xoog leh ka dhacay Hotel ku yaal Dubail oo lagu wada hadal siinayey Peter Landau oo laga soo duuleyey magaalada London iyo Leo Khouri oo laga soo duuliyey magaalada Melbourne iyo madaxa shirkadda Mike Povey.

Sida ay werisey jariidada The Age (July 15, 2008) waxaa hadallo kulul dhex maray Landau iyo  Khouri, ka hor intii uusan is casilin Landau.

Sidoo kale waxaa wararku tibaaxeen in Liibaan Muuse Boqor oo wakiil shirkadda Range Resources uga ahaa Puntland uu isaguna raacay Agaasimaha is casiley, waa sida ay sheegtay jariidadda.

Warkii Jariidadda The Age oo Faahfaahsan hoos ka akhri:

Erayo Kulul oo La isku Weydaarsadey Qolka Shiralka ee Hotel (Dubai)...

Waxaa kala jab ka dhex dhacay shirkadda yar ee batroolka baarta ee Range Resources, waxana is casiley agaasimahii guud ee shirkadda Peter Landau kaddib markii uu gaarey meel aan wax laga qaban Karin xiriirka uu la lahaa maareeyaha guud ee shirkadda Mike Povey iyo ninka saamiga badan ku leh shirkadda ee Leo Khouri.


Leo Khouri (bidix) iyo jaalihiis Steve Dellidis — Boqorka urursada gawaarida "muruqa leh" ee Ford.
Isha sawirka: http://theage.com.au

Landau waxa uu is casiley kaddib markii khilaaf xooggani uu Khouri ku dhex maray hotel ku yaal magaalada Dubai - Landau waxa uu ka soo dhoofay London, halka Khouri uu ka soo duulay Melbourne si ay uga qayb galaan kulanka. “Waxay is weydaarsadeed erayo qaylo ah” sidaas waxaa laga soo xigtey ilo ku dhaw Landau.

Maadaama Range ka diiwaan gashan tahay Suuqa Ganacsiga Australia iyo Qaybta loo yaqaan AIM ee Suuqa London, waxaa loo baahan ahay in lataliyaha AIM uu ansixiyo dallacaada Khouri ee madasha sare ee Range. Waxaa in la xuso mudan sida waqti ka yar toban sano uu  uga soo dalacay farsamo yaqaan (makaanik) gawaarida Toyota iyo feer-yahanka masaaracada oo uu ugu dallacay ganacsade Internet-ka oo uu ugu sii dallacay agaasimaha sahaminta Batroolka Soomaaliya.

Sidoo kale Landau waxaa raacay ninka Range wakiilka uga ah Puntland, Libaan Muuse, oo adeer u ah madaxweynaha Puntland Cadde Muuse, waa sida qoraalka The Age hadalka u dhigay’e.

Khilaafka ka dhacay qolka shirarka ee Hoteelka waxa uu mashruuca shidaal qodista ee Range Resources ka dhigayaa mid cakiran, iyada oo doorasho lagu qabanayo Puntland horraanta sannadka cusub (2009)

Hadalka la isla dhex marayo ayaa ah in Range Resources haysato lix bilood oo ay shidaal ku qodo, kaddib qaabka siyaasadeen ee Puntland uu si weyn isu bedeli doono.

Wax shaki ah kuma jiro in Khouri uu u dhuun daloolo hawlaha Range. Waayo, waxa uu booqday Puntland isagoo qayb ka ahaa wafti shirkadda, laakiin hab-dhaaankiisa ad-adag ayaa u muuqdey mid aysan jeclaysan hoggaamiyaasha qabaa’ilku.

Jariidadda The Age, barnaamijkeeda Daah-Furka, waxa uu xusay laba nin oo ka soo shaqeeyey Booliska Gobolka Victoria ee Australia in ay baaris la xiriirta sida uu yahay ammaanka Puntland ay u soo sameeyeen shirkadda Range Resources.

Leo Khouri ayaa u muuqdey kan isku dubaridey kooxda soo qiimaynta la xiriirta ammaanka Puntland oo loo soo ogaanayey Range – Kooxdaas waxaa ka mid ahaa nin xubin ka ah booliska Victoria oo shaqada kaga maqnaa fasax dheer.

“Waxba halkaas laguma arag, hore haloo socdo,” ayey ahayd warbixintii la qoray kaddib booqashadii soo qiimaynta goobaha shidaalka laga baari doono iyaga oo ay ilaalinayeen qabqalayaasha Puntland.

Taas oo ay tahay in la is weydiiyo sababta ay Dawladda Canada u dareentay in ay saddex maraakiibta dagaalka u dirto xeebta Puntland si ay ula dagaalamaan burcad-badeedka bishii June 2008

Xeebta Geeska Afrika waxaa sannadkan 2008 ka dhacay 24 fal burcad badeed. Steve Paget, oo ah madaxa maraakiibta dagaalka ee Canada ee ku sugan aagga, waxa uu yiri burcaddu waxay ka yimaadaan Puntland. “Raggaasi waxay ka yimaadaan qabaa’ilka Soomaaliyeed waxayna ka hawl galaal xeryo (kaam) ku yaal meelo aysan wax sharci ah ka jirin. Waa kuwo xaalad khatar ah ku jira,” ayaaa taliyahu, Paget, u sheegay warbaahinta Canwest.

Canadian-ka oo keliya ma ah kuwa la dagaalamaya burcadda. Markii burcad badeed saldhig ku leh Puntland ay qafaasheen doon dalxiis ah iyo 30 shaqaale ah oo saarnaa sannadkan 2008, ayaa Faransiisku waxa uu u diray ciidamo wata helicopterro si ay u soo badbaadiyaan dadkaas la qafaashay. Halkaas waxaan kaga gudbeynaatarjumadii qormadii The Age.

Qoraal ay shirkadda Range Resources u dirtay suuqa Ganacsiag Australia (ASX) July 16, 2008 oo uu ku saxiixan yahay maareeyaha shirkadda Mike Povey ayaa lagu caddeeyey in Peter Landau u iska casiley xoghaynimadii shirkadda Range, waxaana lagu bedeley Ms Susan Hunter.

Dhanka kale waxaa liiska agaasimayaasha shirkadda Range ee Suuqa ASX laga masaxey magaca Peter Landau, sida ka muuqata sawirka hoose, laakiin waxaa weli ku qoran Liibaan Boqor oo warar hoose sheegayaan in uu ka xanaaqay shirkadda Range markii uu is casiley ninkii ay isku dhowaayeen Peter Landau.


Isha: ASX, July 16, 2008

Laakiin laba maalmood kabacdi waxaa Peter Landau magaciisa markale lagu qoray shabacada ASX meeshii uu hore ugu qornaan jirey ee ahayd agaasimaha shirkadda Range. Jasiiradda The Age ooarrintaas qoraal ka qortay waxay kutilmaan in magaciisii si layaab leh ugu soo laabtay liiska. (Eegsawirka hoose).


Isha: ASX, July 18, 2008

Markii ay Range shaacisay qoraal (July 22, 2008) ay ku muujisay in Liibaan Boqor is casiley kaddib waxaa magaciisii laga saaray liiska. (Eeg sawirka hoose)


Isha: ASX, Jyly 26, 2008

Markii uu soo baxay warka sheegaya in uu is casiley agaasimhii shirkadda waxaa aad hoos ugu dhacay saamiyadii shirkadda Range Resources ee suuqa Ganacsiga Australia, sida ka muuqata hoose.



[Eeg halkan].

July 18, 2008 waxaa hakad la geliyey saamiyada Range Resources ee suuqa ganacsiga Australia (Trading Halt).

July 9, 2008 ayey Sahamintii Ka Bilaabatay Dharoor....

Qoraal uu faafiyey madaxa shirkadda Africa Oil (Ex-CANMEX) ee heshiiska kula jirta Range Resources ayaa sheegay in sahamintii shidaalka ee nooca loo yaqaan Seismic ay Dooxada Dharoor ka bilaabatay todoobaadkii hore (July 9, 2008).

Rick Schmitt, oo ah madaxa shirkadda Africa Oil, waxa uu warkaas faafiyey July 14, 2008, maalin kaddib markii uu is casiley agaasimihii shirkadda Range Resources.


Isha sawirka: Hotcopper | Aagga Dooxada Dharoor | Uur-Caleed

July 6, 2008 ayey ahayd markii ay soo shaac baxday in la xaraashayo gurigii xafiiska u ahaa shirkadda Range Resources iyo shirkado jaal la ahaa ee Australia. Qoraal uu (July 15, 2008) suuqa ganacsiga u diray maareeyaha shirkadda Range, Mike Povey, ayuu ku sheegay in ay cinwaan cusub yeelatay shirkaddu (Eeg halkan).

Arrimahaas is bedelada ah ee ku soo kordhay shirkada heshiiska kula jirta Puntland, weli wax war ah kama soo saarin DGPL.

Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Siyaasadda Biyaha...

Jyly 15, 2008: Cod bixin ka dhacday kulanka baarlamaanka DGPL ee Garoowe ayaa waxaa lagu ansixiyey xeer loogu magac daray "Siyaasadda Biyaha Puntland." Waxaana xeerkaas baarlamaanka hor keenay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee DGPL. Inkasta oo shacabka aan loo soo bandhigin waxa ku qoran xeerkaas ama siyaasaddaas biyaha ee la sheegay in lagu dhaqayo Puntland.

Kulanka baarlamaanka oo ay joogeen 34 xildhibaan oo keliya ayaa 33 ka mid ah ay ogolaadeen, waxaana ka aamusay hal. Baarlamaanka DGPL waxa uu ka kooban yahay 66 xildhibaan. Wax faahfaahin ah lagama bixin sababta ay u maqnaayeen kala bar xildhibaanada baarlamaanku.

shidaalAkhri: Khilaafka Soo kala Dhex Galay Gen. Cadde, Liibaan, Aloore iyo Shirkadda IMC... Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
Gen. Cadde "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS