Hargeysa: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha oo Jawaab
Sugan Bixin waayey...
Axmed Ibraahim Suldaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
maamulka Somaliland, oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa [29/3/2008] ayaa
jawaab sugan ka bixin waayey xiriirka ka dhexeeya shirkadda Lundin iyo Africa
Oil, isagoo hore u sheegay haddii xiriirkaasi caddaan noqdo in aysan waxba ku
darsan doonin shirkadda Lundin. Waxana uu u hanjabey wargeysyada Hargeysa ee wax
ka qoray arrimahaas la xiriira batroolka in uu maxkamad hor keeni doono.
Haddaba, waa kuwan waxyaabihii ay warbaahinta Hargeysa ka qoreen
warsaxaafadeedkii iyo jawaabihii uu bixiyey mr. Suldaan.
Ragga Qaarkii Na Rumaysan Maayaan Ilaa Aannu Sheekha Awqaafta Hortiisa Ku
Dhaarano
Sunday, 30 March 2008
- Xigasho: Qoraalkaas waxaa faafiyey Warsidaha Halganews ee
Hargeysa
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha oo ku Guuldarraysatay
inuu jawaab ka bixiso Madmadow Hadheeyey heshiisyo ay la gashay shirkado ajnebi
ah
Hargeysa (Halganews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha,
Axmed Ibraahim Suldaan, ayaa ku guuldarraystay inuu jawaab cad ka bixiyo su’aalo
laga weydiiyey madmadow fara badan oo hadheeyey heshiis la sheegay in
wasaaraddiisu baadhis dhinaca macdanta iyo shidaalka ah kula gashay shirkado
ajnebi ah.
Shir-jaraa’id oo Mr. Suldaan ku qabtay shalay [29/3/2008] xafiiska oo uu ku
daba socday maqaallo si taxane ah ugu soo baxay wargeysyada HAATUF iyo
Somaliland Times oo si kulul loogu naqdiyey heshiisyo Wasaaradda Macdanta iyo
Biyuhu la gashay shirkado ajnebi ah iyo waliba xidhiidhka ka dhexeeya heshiiska
qaar ka mid ah shirkadahaa oo heshiisyadan oo kale la saxeexday
Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku margaday inuu jawaabo waafi ah ka bixiyey
su’aalo darandoori ah oo laga weydiiyey heshiisyada ay Wasaaradda Macdanta
Biyuhu la gashay shirkadaha ajnebiga ah iyo qaddarka qiimaha heshiisyada ay kala
saxeexdeen.
"Lama naadin [baahin] shirkaddaasi markii ay Somaliland imanaysay, maxaa
yeelay waxyaabo la qarinayey ayaa jiray, waxbaana nagu kelifayey. Hawshii
shirkaddaasi qabatay si guul leh ayey ku dhammaatay, diyaaraddii hawsha waday
4000ft ayey ku duulay, qoriga AK ah ee lagu rido ayaa gaadhayey. Waxaan
isleeyahay malaha waxyaabo badan baad ka sheegteen wixii aad ka ogtihiin
meeshan, ragga qaarkii malaha annaga oo sheekha awqaafta u tagna oo hortiisa ku
dhaarana uun bay na rumaysan lahaayeen baan u malaynayaa, waayo wax kale oo
aannu nidhaa ma garanayno. Bini’aadam baanu nahay oo waanu khaldami karnaa,
haddii ay jirto wax khalad ah oo aannu samaynay waxaannu waydiisanaynaa in
nagala cafiyo, waxse badheedh aannu u samaynay anigu ma ogi," ayuu yidhi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta oo ka gows adeygay inuu qayaxo sababta ay
heshiisyadaa u soo hordhigiwaayeen Mudanaasha Golaha Wakiillada, isagoo dhinaca
kalena ku hanjabay inay maxkamad soo joojindoonaan masuuliyiinta wargeysyada
HAATUF iyo Somaliland Times ee maqaalada lagu baahiyey.
"1. Qoraalladii ay website-ka iyo joornaaladaba ku baahiyeen [madaxda HAATUF]
waxay ku xuseen heshiis Somaliland iyo Somalia/Puntland la galeen shirkad la
yidhaahdo Range Resources iyo lacago malaayiin dollar ah oo la kala qaatay.
Haddaba, waxa is-waydiin leh Somaliland iyo Puntland ma dal iyo dawladnimaa
ka dhaxaysa? Waxaan filayaa inta Somaliland aaminsan arrintaa shaki kama gali
kari. Annaga wasaarad ahaan, musuq-maasuqa iyo boobka lagaga warramo ee
joornaaladda lagu qoro nama khusayso xog-ogaalna uma nihin, waxase na khuseeya
ee lanoo igmaday ilaalinta iyo horumarinta khayraadka dalkeena iyo in aanay
faragalin lagu samayn khayraadka ku jira dalkeena. Somaliland iyo Somalia
(Puntland) soohdimaha u dhexeeyaana way sugan yihiin, mana aha wax gorgortan
gali kara, xidhiidh ku saabsan qodis shidaalna namaba dhexmari karo.
2. Boqolaalka kun ee dollar ee madaxda Haatuf yidhi wasiirka iyo wasaaradda
ayaa qaadatay waxa laga rabaa inay caddeeyaan cidii laga qaatay iyo sifihii loo
qaatay marka maxkamadda looga yeedho.
3. Waxa iyana masuulka Haatuf laga rabaa inuu maxkamadda horteeeda ka
caddeeyo waxay ku sheegeen darsinka (dozen) heshiiska ee wasaaraddu saxeexday,
waxaanna hubaal ah in dacwadaas maxkamadda loo gudbin doono.
4. Waxa kaloo looga fadhiyaa lacagta uu ku sheegay halka milyan ee dollar oo
u yidhi waxa laga qaatay Mr. Sood caddaynteeda. Waa run in wasaaradda macdanta
iyo biyuhu heshiis la gashay shirkadda TGS 2004, Haatuf wuxuu had iyo jeer ku
jahawareeriyaa dadweynaha reer Somaliland in aan shirkadda tartan la galin,
haseyeeshee malaha farsamo ahaan uma garan xaaladda dhabta ah (political status)
ee dawladda adduunku ka qabaan qarannimada Somaliland.
Waxaan ummadda reer Somaliland u iftiiminayaa in aannu la xidhiidhnay
shirkaddo caan ku ah hawlaha baadhista khayraadka (survey) shidaalka, shirkadda
kaliya ee codsigayagii dhagysatay waxay noqotay TGS, haddaba arrinta Haatuf
waaqici ma aha ee waa riyo iyo humaag. TGS waa shirkad abaal dhaxalgal ah ku leh
ummadda, fadeexad iyo cambaareyna innagama mudna ee milgaheeda ha la mariyo.
Waxqabadka shirkadda TGS
1. Qodbaddii heshiiska intoodii badnayd way fulisay TGS.
2. 1000km (lines) 2D Seismic waxay fulisay sannadkii 2007-kii xilligaas
Haatuf waxay tidhi sun baa badda lagu qubayaa, khubaradii Haatuf-na waxay
doodeen 14 bari 1000km lama dhammaystiri karo, shaqadiise way fushay suntiina
lama hayo.
3. Sannadkan 2008 horaantiisii waxa laga fuliyey (survey) loo yaqaan Aeromag
dhul baaxadiisu dhan tahay 34500km, iyadoo la adeegsanaayo diyaarad ay leedahay
shirkadda GPX.
4. Waxa iyana gebogebo ku dhow (survey-gii) 2D seismic oo ah intii ka
hadhsanayd badda (off shore) oo dhan 5400km.
Shirkadda TGS waxay si joogta ah uga caawisaa wasaaradda sidii ay uga
qaybgali lahayd bandhigyada waaweyn ee sahanka shidaalka si loo bandhigo wixii
macluumaad laga hayo khayraadka dhulkeena, waanna goobaha ay isku arkaan
dhammaan wixii shidaalka daneeya iyo shirkadaha waaweyn ee maalgalinta sameeya.
Sannadkii 2006 waxaan ka aybgalay AAPG Convention oo lagu qabtay Houston Texas,
2007-dii mid kale oo lagu qabtay Perth Australia, sannadkan aan ku jirno 2008
waxa lagu jiraa qabanqaabadii shirweyne bisha April dhexdeeda lagu qaban doono
Gobolka Texas ee carriga Maraykanka.
Haddaba, su’aasha reer Somaliland u taalaa waa waxay tahay maxaa ilaa hadeer
inoo qabsoomay ma in la qariyaa mise waa arrin lagu farxo oo in la bogaadiyo
mudan?
Bahda warbaahinta gaar ahaan Haatuf waxaan leeyahay ha noqonina waraabihii
yidhi; ‘Baadida waan is leeyahay wadeecada ka dhawr, haseyeeshee marka ay
cararto ayuun baan sidaann soo qabo u leeyahay hadba waaxi ii soo go’daa.’
Waxa ka baxsan damiirka saxaafadda in war been ah oo aan sal iyo raadtoona
lahayn lagu baahiyo beena loo sheego shacbiweynaha reer Somaliland, waxaad
ogaataan in taariikhdu wax qorayso shacbiguna maxkamad yahay.
Waxa kale oo aan dadweynaha ku baraarujinayaa waxaann ku jirnaa qarni loo
tartamayo dalalka shidaalku ku jiro, mawjadaha siyaasadeed ee daafaha adduunka
ka dhacayaana waxay salka ku hayaan shidaal. Somaliland-na aad bay u saamaysay
waxana jira dalal badan oo aan jeclayn in shidaalkeena la soo saaro.
Wasaaradda macdanta iyo biyuhu waxay ku jirtaa sidii arrimahaas oo dhan looga
dabaalan lahaa, waxase nasiib-darro ah in la adeegsado dadka inta in dhow
garadka ah iyo qaar ka mid ah saxaafadda oo ay adeegsanayaan dad dano gaar ah
leh oo neceb horumarka dalka, kuwas wasaaradduna si fiican bay u ogtahay, waxana
qaban doona xaqa dalka iyo shacbigu ku leeyahay goor ay noqotaba." Sidaa waxa uu
Mr. Suldaan ku sheegay qoraal dheer oo uu shirkaa jaraa’id ka akhriyey, ka hor
intii aan su’aalaha uu ku margaday suxufiyiintu la boobin.
Qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyey iyo jawaabihii wayda ahaa ee
Agaasimaha Guudna waxa ka mid ahaa:
Intaa kadib su’aalihii suxufiyiintu waydiiyeen iyo jawaabihii uu Agaasimuhu
ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Waxaad tidhi Puntland iyo Somaliland waa laba dal oo kala gedisan
ayaad tidhaahdeen, wixii Puntland gudahooda ka dhacana nama khusayso. Ma waxaan
inna khusayn markaad Lundum Petroleum aad wada hadal la gashaan oo iyada iyo
Africa Oil shirkad keliyi wada leedahay oo Africa Oil ay samaysay maabka ay
saliida ka qodaan ee soo galaysay ilaa Burco duleedkeeda?
Dhulka ay calaamadiyeen Range iyo Africa Oil
Jawaab: Waxaan si cad u sheegay oo aan madmadaw ku jirin Lundin annaga
way nala soo xidhiidhay, waxaannu caddaynay in xidhiidh na dhexmaray oo ay
warqad noo soo qoreen annaguna warqad u qornay, arrintan aad leedahay shirkadaa
ayey xidhiidh la leeyihiina si cad baanu u waydiinay, laakiin way ka murmeen
annaguna kuma qanacsanin baanu nidhi. Wax dambe oo intaa ka dambeeyey oo annaga
iyo Lundin na dhexmaray, adigaa sheegi oo inoo keeni. Tan aad maabka ee aad
sheegayso, cid waliba way samaysan kartaa, markaasu maabka uu doono sawiran
karaa, inagu xadbaynu leenahay, xadkeenaa maalinta la soo galo ee intay shirkadi
timaad shaqo laga qabto maalintaa ayuu dagaalkeenu bilaabmayaa oo annagu
keligayo gelimaynee Somaliland bay u taalaa. Waanu la soconaa dal inagama
dhexeeyo, wayse sawiran karaan, waxaad sheegaysaa Burco’e ilaa Saylac bay
sawiran karaan, maaha wax waaqici ah, wax dhici karana maaha, haddii aynu
madhano mooye.
S: Haddii aannu madmadow iyo wax la qarinayaa aanay jirin, Wasaaradda
Macdanta iyo Biyaha in badan ayaa Golaha Wakiillada ee shacbiga Somaliland soo
doortay idinka codsadeen in aad keentaan heshiisyada aad la gashaan shirkadaha
caalamiga ah, intaas oo sannadood ayey idin baryayeen, Madaxweynaha ayey warqad
u qoreen, waadse ka dhego adaygteen. Heshiisyadan aad gasheen mid kale oo
shacabka reer Somaliland ogyihiin shuruudihiisa, waqtigiisa iyo waxa lagu
heshiiyey ma jiraa?
J: Dastuur aynu leenahay waxa ku qoran waxba kama qabno annagu, qodobo
badan oo la isku qabsado ayaa jira waad ogtahay, xeer baa qeexi doona badan baa
la isku haystaa, waxaannu aaminsanahay wasaarad ahaan in wax dastuurka ku qoran
oo aan weli caddayn, laakiin u baaxan qeexaad in lagu kala baxo.
S: TGS waxay ururrinaysaa macluumaad (data), goordhaw sidee la odhanayaa
macluumaadkaa, ayaa ka faa’iidaysanaya, shuruudo ma jiraan?
J: TGS waxa lagula heshiiyaa waxa weeye kolba heshiiska ay galaan iyo
shaqada ay qabtaan ayaa la yidhaa lacagta intaan le’eg bay noqonaysaa.
S: Ilaa hadda imisa milyan ayey qabteen, ma shan milyan baa, ma hal milyan
baa, ma toban milyan baa?
J: Maya… Maya… way badan tahay toban iyo waxaa way dhaafaysaa, waxaan
kuu sheegayaa, laakiin waxay bixisay waa dhukumenti, taariikhdayna geli oo wax
qarsoon maaha, waxa jira shirkado kale oo iyaguna wax baadha ayaa jira kuwaasina
waxay bixiyeen waa la ogyahay, waxaan kuu ballanqaadayaa in aanay sir noqon
doonin, waayo iyaguna lacag ayey geliyeen meesha, annaguna lacagta meeshaa
gashay siday tahay ayaanu u sheegi. Waadigii joogi jiraye [Yuusuf Cabdi Gaboobe]
gaaladu lacag bilaash kuma bixiso, waxaan kuu sheegayaa waxay OPHIR iyo qayrkeed
in aad helayso aniga ayaa kuu ballanqaadaya.
S: Agaasime; dalka abaaro iyo biyo la’aan ayaa ka jira Wasaaradda Macdanta
iyo Biyuhuna iyadaa u qaabilsan dhinaca biyaha, markaa wasaarad ahaan ilaa hadda
maxaad ka qabateen xaaladda jirta?
J: Waa su’aal wanaagsan oo kolley waxan kalee huuhaada ah ee aynu ka
sheekaynayno iyagaa ka mudan. Masuuliyiintii wasaaradda qaarkood waxay ku jiraan
shirka Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminayo ee arrintaa lagaga hadlayo. Dalka
dhib ballaadhan ayaa ka jirta, dawladdu wixii ay ku deeqayso way sheegtay oo ah
$170,000 (boqol iyo toddobaatan kun oo doolar), hay’adihii biyaha iyo cidii kale
ee ay khusaysayna waanu isugu yeedhnay, biyo dhaamis baa bilaabmaya isla maanta
meel wanaagsana wuu marayaa, laakiin gacanta Ilaahay uun baa lagu baahi bixi
karaa.
AA.Sheekh, Hargeysa.
Isha: http://www.halganews.com/content/view/4107/1/
Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2008
|