SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Gen. Cadde Muuse oo Markale u Dhoofay Itoobiya....

  • Gen. Cadde: "[Itoobiyaanka] meesha aan geysaneyno ama waxa aan warsaneyno in ay nala qabtaan, annaga ayey na jirtaa, danta Puntland annaga ayaa ka mas'uul ah, taasi annaga ayey na jirtaa....."
  • "...in ay noo yimaadaan [Itoobiyaanku] oo ciidamadayada noo tababaraanna waa Heshiiska aan anigu ka BARYEY dawladda Itoobiya in ay tababar noo siiso..."
  • "...nin ayaa ii sheegay, aniga si rasmi ah naloo-kuma sheegain, shariikada Africa Oil adduunka oo dhan shirkad ka shaqaysa weeye, rag badan oo shaqaale ah oo u shaqeeya oo Itoobiyaan ah waa jiraan..."
  • "...[Wasiirka Macdanta DFKMG] isaga oo waxba ka ogeyn, ayaa dad Puntland burburiyaa dhegta wax ugu sheegay oo yiri adeer sidaas u hadal.... wasiirku isaga ayaa iska hadlay, oo weliba shariikadihii iyo dadkii u diray oo yiri gobolkaasu waxba ma aha..."
  • "...Annagu midnimada Soomaaliya waa noo muqaddas, LAAKIIN mid waa qabnaa, waa FEDERAAL, qolo la arkoba waxeeda ayey leedahay..."

SomaliTalk.com | March 30, 2008

Gen Cadde Muuse  PuntlandWafti uu u hoggaaminayo madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa maanta [Axad, Maarso 30, 2008] waxa uu ka dhoofay garoonka Conoco ee magaalada Garoowe iyaga oo ku sii jeeda dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Safarkan Itoobiya ayaa ku soo beegmay xilli ay soo shaac baxeen xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo shirkadaha sheegay in ay Batrool iyo Macdan ka baarayaan degaannada hoos yimaada maamulka Puntland iyo in Puntland la keenayo ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaaliya ammaanka mashruuca Macdanta/shidaalka lagu baarayo. Waxaana dhowaan Garoowe booqday koox Itoobiyaan ah oo uu Wasiirka Batroolka Puntland ku macneeyey in ay yihiin wafti macaamiil ka haysta shirkadda Shidaalka Baareysa.

Waftiga Gen. Cadde Muuse u raacay Itoobiya waxaa ka mid ah: Wasiirka Ammniga Puntland S/G Cabdullaahi Saciid Samatar, Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka Cabdullaahi Cali Xirsi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGPL G/sare Cabdirisaaq Sheikh Cismaan (Cali Baadiye), Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Cismaan Cabdullaahi Diyaana, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf, iyo Agaasimaha hay’ada loogu yeero Astaynta maamulka Wanaagsan Saciid Faarax Yare. Waxaana xafiiska Gen. Cadde laga soo xigtey in uu safarkani qaadan doono 7 cisho.

Waxay ahayd February 5, 2008 markii Gen. Cadde Muuse u safray Addis Ababa, waxaana markaas safarka ku weheliyey hal wasiir oo ahaa S/Guuto Cabdullaahi Saciid Samatar, wasiirka Amniga Puntland. Safarkaas waxa uu Cadde Muuse ka soo laabtay February 22, 2008.

Xaqiiqo ahaan looma oga waxa uu ku saabsan yahay safarka uu waftiga Cadde Muuse ku aadey Itoobiya.

Waxaase jira Waraysi uu Weriyaha Idaacada British Broadcasting Corporation ee Garoowe, Axmed Kismaayo, la yeeshay Gen. Cadde Muuse ka hor intii aanu [Axad 30/3/2008] ka dhoofin magaalada Garoowe, waxana uu ugu horrayn weydiiyey waxa ay isaga iyo waftigiisu ka doonayaan dalka Itoobiya.?


laqanyo"Itoobiya shan boqol oo sano (500) oo taariikh ah oo dhibaato ah oo aan laga heshiin oo colaad ah ayaa naga dhexaysa, Itoobiya in ay Soomaaliya timaado marnaba ma aha, mana la ogolaan karo, mana la yeelayo..." Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyijirey Itoobiya, Laqanyo


Gen. Cadde waxa uu ku jawaabey: "Waxaan ugu socdaa (Itoobiya), sidaad u ogtihiin annaga iyo dawladda Itoobiya calaaqaad dheer ayaa naga dhexeeya, dhaqaale xoog leh oo Kililka 5aad [waa dhulka Itoobiya ka gumeyseto Soomaalida] ayaa isku xiran, waxaanna ka soo shaqayneynaa sidii dhaqaalaha iyo amniga loo xoojin lahaa labada xuduudood ayaan usocdaa."

Markii la weydiiyey in uu dhawaan ka soo laabtay Itoobiya, oo uu xilligaas sheegay  in uu kala soo hadleyey xagga dhaqaalaha iyo nabad gelyada, imminka maxaa soo kordhay oo cusub?

Waxa uu ku jawaabey: "Haddee markii hore wixii oo dhan ayaan soo "plan-garaynay" [oo uu ula jeedo soo qorshaynay], marka waxay noqotay in aan annaguna kusoo noqono Puntland oo aanu wixii aan dalabnay diyaarino, waxaanna ugu socdaa si aannu u dhamaystirno wixii aan markii hore ka soo wada hadallay."

Waxaa markaas Gen. Cadde la weydiiyey in waftigii Itoobiyaanka ahaa ee beryahan ku sugnaa magaalada Garoowe ay u socdeen arrimo la mid ah kuwa aad hadda ka hadleysid, mase waxyaalo kale ayey u yimaadeen?

Gen. Cadde Muuse waxa uu ku jawaabey: "WAXBA ISKAGAMA JIRAAN... "Delegation" [oo uu ula jeedo Wafti] Itoobiyaan ah oo noo yimid oo dhaqaale ama dawladeed ama siyaasadeed ma jiro." Waxase uu qiray in Itoobiyaan yimaadeen Garoowe, isagoo yiri "Niman dad kale u shaqeeya, shariikado kale u shaqeeya ayaa yimid, shaqaale caadi ah weeye." Isaga oo qirsan in Itoobiyaan joogaan, ayuu haddana Madaxweynaha DGPL waxa uu been ku tilmaamay waxyaabaha ay wargeysyadu arrintaas ka sheegeen isagoo yiri: "LAAKIIN, Joornaalada iyo Internet-yada ayaa been iyo wax aan jirin qora." Gen. Cadde oo ku tiig-tiigsanaya in uu hadda Itoobiyaanka la soo hadli doono, waxana uu yiri: "HADDA ayaan  kala soo hadlayaa SIYAASADDA, waxaan kala soo hadlayaa AMNIGA ee labada meelood u dhaxaysa, kulli wax qarsoodi ah ma leh, annaga iyo dawladda Itoobiya waa wada hadleynaa, wixii danahayaga ah labada gobol iyo Federaalka oo dhan ayaan ka wada hadleynaa, "Interest"-ka [oo uu ula jeedo danaheeda ama maslaxadeeda] Puntland iyadaa og, danteeda ayeyna kaga hadleysaa, kuna dhaqaaqeysaa shaqadeeda si ay u qabsato."

Markii la weydiiyey Itoobiya ma waxay ka wada shaqaynayaan xuduudaha, mase Itoobiya waxay gacan idinka siineysaa ammaanka gudaha Puntland?

Madaxweynaha DGPL waxa uu ku jawaabey: "Haddaba sidaad u ogtihiin ilaa dagaalladii, dawladda Itoobiya xiriir ayaan la lahayn, "FRONT" [oo uu ula jeedo Jiidaha hore] sida gaalkacyo, meelo badan ayaanu kala lahayn, meeshii aannu dan u moodno in ay nagala shaqeeyaan Dawladda Puntland ayey jirtaa iyo Federaalka [DFKMG] annagoo kala tashaneyna, laakiin meesha aan geysaneyno ama waxa aan warsaneyno in ay nala qabtaan annaga ayey na jirtaa, danta Puntland annaga ayaa ka mas'uul ah, taasi annaga ayey na jirtaa"

Axmed Kismaayo waxa uu Gen. Cadde Muuse weydiiyey in maalmahan dadweynaha Puntland ay isla dhex marayeen in ciidamo Itoobiya ay leedahay ay imanayaan Puntland oo ujeedadoodu ay tahay in ay ka qayb galaan sugidda ammaanka Mashruuca ku saabsan soo saarista shidaalka iyo macdanaha Puntland, taas maxaa ka jira?

Waxa uu ku jawaabey: "Taas waxba kama jiraan, LAAKIIN annaga ayaaba BARINAY Itoobiya, waxaanna warsannay in aannu "cooperation" [oo uu ula jeedo wada-shaqayn] dawladda Itoobiya la yeelanno, wasaaradaha dhan oo Puntland ay noo soo diraan dad "expert" ah [oo uu ula jeedo khubaro ah] oo wax nala toosiya oo nala hagaajiya, annaga aayaa u yeeranay, waxaa la leeyahay Puntland ciidan ayey keensaneysaa, ciidan nagu filan waa haysanaa, wax waa naga maqan yihiin, oo dhaliilo ayaannu leenahay, 'training'-na [oo uu ula jeedo tababar-na] waa warsanaa in ay noo yimaadaan oo ciidamadayada noo tababaraanna. Waa Heshiiska aan anigu ka BARYEY dawladda Itoobiya in ay "training" [oo uu ula jeedo tababar] noo siiso, ciidamada Puntland-na dad badan ayaa "training-gareeya" [oo uu ula jeedo tababar-siiya], waa la og yahay gobol kasta ama meel kasta dadka jooga oo meelo fog laga keenay, annaga qoladii '"neighbour"-kayaga ah [oo uu ula jeedo deriskayaga ah] haddii ay nala shaqaynayaan waa ka codsaneynaa, laakiin Puntland waa isugu filan tahay difaaca dhexdeeda, shidaalka iyo waxa la soo saarayo annaga ayaa daafacan karna".

Waxaa markaas la weydiiyey in ay jiraan shirkado Itoobiyaan ah oo heshiis la galay shirkadda shidaalka ka baareysa Puntland, xag farsamo iyo xag nabad gelyo.?

Maxamuud Muuse Xirsi waxa uu ku jawaabey: "Waxaan maqlay, nin ayaa ii sheegay, aniga si "official" [oo uu ula jeedo rasmi ah] naloo-kuma sheegain, shariikada Africa Oil adduunka oo dhan shirkad ka shaqaysa weeye, rag badan oo shaqaale ah oo u shaqeeya oo Itoobiyaan ah waa jiraan, annaga nooma iman laakiin rag "expert" ah [oo uu ula jeedo khubaro ah] oo ay shirkaddu wadato oo shaqaale shirkadda ah waa yimaadaan sida qolooyin Yemen ah u yimaadaan, dad kale u yimaadaan, shariikad weyn weeye dad badan ayaa u shaqeeya, hadba ninkii waxaan "specialist" ah [oo uu ula jeedo takhasus u leh] ayaa u yimaada. LAALKIIN waan raadin lahayn wasaaradooda macaadiinta in ay gacanba naga siiso maxaa jira wax badan oo khayraad ah ayaa waddanka ku jira, 'expert' [oo uu ula jeedo khabiiriin] ayey ku yihiin, waxbey nagala qaban karaan."

Waxaa la weydiiyey arrimahaas ilaa intee leeg ayay isku waafaqsan yihiin Puntland iyo DFKMG, maadaama uu dhawaan wasiirka Macdanta ee DFKMG [Eng. Kaanje] uu dhowaan aad ugu diidey arrimahaas?

DFKMG 20/3/08
eng kaanje
Eng. Kaanje 20/3/08
 English |
Somali

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waxa uu ku jawaabey: "Horta waxaan ka xumahay wasiirka macaadiintu weli Puntland ma tegin, dawladda Federaalka uma tegin, isaga oo waxba ka ogeyn dad in ay Puntland burburiyaan ayaa dhegta wax ugu sheegay oo yiri adeer sidaas u hadal. Annaga iyo Dawlada Federaalka, "Prime Minister-ka" [oo uu ula jeedo Ra'iisul Wasaaraha], Nuur Cadde, madaxweynaha, dadka kale oo dhan waa wada shaqaynaa, waxa aannu ku dhaqaaqnay oo dhan way la socdaan, waxa hadda la samayn doonaa oo u weyni waxaa weeye shaqooyinkii in la qabto, marka wax la baarayo ama la qaybsanyo Soomaali oo dhan ayaa isugu imaneysa taasina waqtigeeda, madaxweynuhuna [DFKMG] waftiyo iyo rag ayuu u saaray, waxayagu waa "regular" [oo ula jeedo caadi], wasiirku [Eng. Kaanje] isaga ayaa iska hadlay, oo weliba shariikadihii iyo dadkii u diray oo yiri gobolkaasu waxba ma aha, dawladdana waa u sheegnay, annaga iyo federaalka isku si ayaan u shaqayneynaa."


  • Arrintaas uu ka hadlay Gen. Cadde, ee ahaa Eng. Kaanje in uu iska hadlay, weli wax jawaab ah kama ay bixin madaxda sare ee DFKMG, sida ra'iisul wasaaraha DFKMG col. Nuur Cadde iyo madaxweynaha DFKMG col. C/laahi Yuusuf, mana ay cadayn mowqifka ay ka taagan yihiin heshiisyada shirkadaha shidaalku la galeen Puntland, in la mowqif yihiin wasiirkooda ay u xil saarteen macdanta iyo Batroolka Soomaaliya [Eng. Kaanje] ama/iyo in kale...


"Laakiin madaxweyne qoraal ka soo baxay xafiiskaaga, wuxuu canaan kulul u soo jeediyey DFKMG ee Soomaaliya, dadka qaarkiisna waxay u qaateen ama ka dhadhansadeen in aad ka goosaneysaan DFKMG ee Soomaaliya oo aad tihiin maamul goboleed siyaasaddiisa iyo dhaqaalihiisa iyo shidaalkiisa aan waxba ka weydiinaynin DFKMG" ayaa la weydiiyey Gen. Cadde Muuse?

Waxana uu ku jawaabey: "Annagu midnimada Soomaaliya waa noo muqaddas, LAAKIIN mid waa qabnaa, waa FEDERAAL, qolo la arkoba waxeeda ayey leedahay, Dawladda Federaalka shuruucdii lagu dhisay baannu annagu ku soconeynaa, taasuna waxaa weeye waxyaalo badana waa wada wadaagnaa annaga iyo Dawlada Federaalka, laakiin waxyaalo badan oo annaga noo gaar ah ayaa jirta, marka annaga iyo Federaalku waa mid."

  • Dadka siyaasadda Puntland odorosa ayaa muujiyey marka Gen. Cadde hadalka ku adkaynayo kelmedda "annaga" in loo qaadan karo in uu ula jeedo in maamulkiisu aysan dhegeysaneyn fikrad aan tooda ahayn, oo aysan talo weydiisaneyn shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, oo ogolayn in haba yaraatee la saxo ama wax loo tilmaamo, oo arrintiisu hadda u muuqato sidii maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd "Nin ani yiri dad iska sooc." Waxaa waji gabax ku ah qowmiyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka loo yaqaan Puntland madaxweynohoodu yiraahdo "Waxaan baryayaa Itoobiyaan" oo xitaa aan loo sheegi karin "maxaad u isticmaali weydey kelmed kale..."
  • "Itoobiya shan boqol oo sano (500) oo taariikh ah oo dhibaato ah oo aan laga heshiin oo colaad ah ayaa naga dhexaysa, Itoobiya in ay Soomaaliya timaado marnaba ma aha, mana la ogolaan karo, mana la yeelayo..." Safiir Laqanyo...
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


Waraysigii Axmed Kismaayo oo Idaacadda British Broadcasting Corporation u fadhiya magaalada Garoowe uu la yeeshay madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse, ka hor intii uusan u dhoofin Addis Ababa, 30/3/2008:

Arrinta muranka weyn ka dhalisay Puntland ayaa ah kaddib markii ay Baarlamaanka DGPL cod u qaadeen sharciga batroolka Puntland, kaas oo markii ugu horeysey la isku mari wayey 21-21, markaasna halkii laga rabey in cod bixinta mar labaad iyo mar saddexaad lagu celiyo, sida uu qabo xeer hoosaaska DGPL, in guddoomiyaha Baarlamaanku uu cod dheeri ah durbadiiba ku ansixiyey. Arrintaas oo xildhibaano ka kooban 26 ay qoraal ka soo saareen in ay sharci darro tahay, iyagoo dalbanaya in sharcigaas dib loogu soo celiyo Baarlamaanka. Arrimahaas Gen. Cadde Muuse kama hadlin.

Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: