SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Gen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde - Waa Batroolka iyo markale...

Cadde Muuse oo doonaya in uu si degdeg ah ku ogaado mowqifka uu ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG ka qaadanayo heshiisyada Puntland ee Batroolka iyo shirkasdaha uu wato Cadde Muuse oo muran cusub ka dhaliyey Gobolka bari.....


Nov 22, 2007 oo ah markii la magcaabay Nuur Cadde waxaa Cadde Muuse Garoowe ku booqday wafti ka socda shidaal baarista


Madaxtooyada DGPL ee Garoowe.... Sawirka: GoogleEarth

  • SomaliTalk.com | Garoowe | Nov 22, 2007

    Faallada SomaliTalk.com: .....waxaa aad muhiim ah in Col. Nur Cadde uu fahmo in arrinta batroolka Soomaaliya iyo mowqifka uu ka qaadanayo uu ku xirnaan doono inta uu sii ahaan karo ra'iisul wasaare DFKMG. Sidoo kale waxaa muhiim ah in uu fahmo taageero uu ka helo shacabka Soomaaliya in ay ku xiran tahay mowqifka uu ka qaato ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Haddii col. Nuur Cadde uu ku guul daraysto labadaas qodob (Batroolka iyo Itoobiyaanka jooga Soomaaliya) markaas waxa uu mari doonaa wadadii Prof. Geeddi....


Magaalada Garoowe waxaa Khamiistii Nov 22, 2007 soo gaarey wafti ka socdey shirkadda Africa Oil Corp (AOC) oo loo aqoon jirey Canmex Minerals Corporation. Waftigaas oo uu hoggaaminayey madaxa shirkadaas, Richard (Rick) Schmitt.


Rick Schmitt | Isha sawirka

Waftigaasi oo ka soo degey Boosaaso ayaa si halhaleen ah gawaari loogu soo qaaday Garoowe si ay isla maanta ula kulmaan madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse.

Waxaana wararku sheegeen in waftigaasi markii ay ku soo dhowaayeen Garoowe in qaar loo leexiyey xagga ceelka Conoco, qaarna toos loo geeyey Garoowe si ay ula kulmaan Gen. Cadde Muuse. Kulankaas oo waqti kooban qaatay kaddib waxaa waftigii shirkadaasi ay isla maanta (Khamiistii Nov 22) loo qaaday Garoonka Conoco, halkaas oo ay ka dhoofeen.

Dadka siyaasadda u dhuun daloola ayaa kulanka Gen. Cadde iyo waftiga shirkada AOC waxay ku tilmaameen mid lagu soo beegay magcaabista ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, Col. Nuur Cadde, maadaama la ogyahay in ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG uu jagadaas ku waayey khilaaf la xiriira xagga Batroolka, gaar ahaan heshiisyadii Puntland (sida uu Cali Maxamed Geeddi ka qiray waraysi uu siiyey Raadiyaha Codka Maraykanka).

Sidaas dareed. kulanakan Garoowe ee Gen. Cadde iyo shirkadaha sheegaya in ay batrool baarayaan ayaa loo arkaa mid ra'iisul wasaaraha cusub, Col. Nuur Cadde, ay Puntland ku xusuusineyso in arrintii keentay khilaafkii Prof. Geeddi iyo Col. Yuusuf, (iyo Prof. Geeddi iyo Col. Cadde) ee la xiriirtey batroolka ay tahay in uu go'aan cad ka qaato, si loo ogaado mowqifkiisa ku aadan heshiisyaad Batroolka ee Puntland la gashay shirkadahaas..

Arrinta kale ee meesha ku jirta ee waftiga shirkaddaasi ay ula kulmeen gen. Cadde ayaa lagu macnayn karaa maadaama shirkadda RANGE Resources (ee ay jaalka yihiin AOC) ay saamiyadeedii suuqa Australia aad hoos ugu dhacayaan tan iyo markii uu Gen. Cadde Muuse uu kalfadhigii 19aad ee baarlamaanka DGPL (Oct 31, 2007) ku yiri hadalkii ahaa "Wax badan ayaan ka hadlay kaabayaal dhaqaale iyo... waxaasi waa dhammaadeen, ma jirto.. cirka ayaan soo dumineynaa oo waxaas ayaan keeneynaa, wax aan idiin hayo ma leh...." hadalkaas o loo qaatay in uu ak haray shirkadaha Batroolka.. Markaas ayaa saamiga shirkadaas hoos u dhac weyni ku yimid.. Kulankan cusub ayaa markaas lagu macnayn karaa in Puntland ay weli dooneyso jiritaanka heshiisyadii shirkadahaas.

Arrintaas waxaa muujinaya qoraalo la isku weydaarsadey shabakadda (hotcopper.com.au) oo ah meesha ay xogta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh RANGE Resources, qoraaladaas oo muujinaya warar laga soo xigtey madaxtooyada DGPL oo ku qoran AfSoomaali iyo Af Ingriis oo u muuqda kuwo kala duwan (Warka Af Ingriiska waxaa loogu talo galay in ay akhristaan dadka saamiyada ku leh Range iyo AOC..... Wararkaas ka akhri halkan].

Muranka Cusub ee Shirkadahu ka dhaliyen G/Bari....

Waxaa maalmahan Puntland ka socdey, gaar ahaan Gobolka bari, is abaabul beeleedyo oo ku aadan shirkadda Range iyo AOC.

Abaabulka ayaa soo shaac baxay kaddib markii koox ka socda shirkadahaasi ay isku dayeen inay macdan ka baartaan aagga meesha lagu magcaabo HANTAARA iyo BACAAD oo dhanka bari ka xigta magaalada Boosaaso. [HANTAARA waa meeshii baaritaan lagu sameeyey 1954 lagu ogaadey in ay ku jirto macdanta Yuraaniyuumka (Uranium)].

Markii ay arrinta cusub ee shirkadahaasi ku tegayaan aaggaas ay ka war heleenbeesha Disiishe ee degta meesha lagu bagcaabo Bacaad, ayey soo abaabuleen ciidan beeleed ka hor taga dadka ka socda shirkaas ee isu deyeyey macdan qodashada.

Arrintan ayaa reer Puntland soo xusuusineysa murankii ay shirkadahaasi ka dhaliyeen aagga magaalada Majayahan (oo ah meel lagu hubo macdanta qaalig aah ee TIIN-KA), halkaas oo iska hor imaad ka dhacay ay dad Soomaaliyeed ku dhinteen.

Saamiyada RANGE ee suuqa ganacsiga Australia oo maalmahan aad hoos ugu dhacay...

Xoghayntii Shirkadda Range oo is Casishey:

Qoraal ay maanta khamiis(Nov 22, 2007) shirkadda Range Resources u dirtay suuqa ganacsiga Australia ayey ku cadaysaty in xoghayntii shirkadaasi, Ms Joanna Kiernan, ay jagadaasi iska casishey. Shirkaddu ma faahfaahin sababta keentay is casilaadaas.. Waxaana booskaas xoghaynta shirkada la wareegey madaxa shirkaddaas Range, Mr Peter Landau.

Col. Nuur Cadde Maxaa Hor yaal:

nur addeHaddii arrintu tahay sida hadalada dadku ay isla dhexmarayaan Baydhabo oo ah in Dowlada Ethiopia iyo Maxamed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} ay heleen Fursadii labaad, sababtoo ah Dowlada Ethobia ayaa waxay xiriir hoose la soo sameysay Max’ed Dheere, islamarkaana ka dhaadhicisay in col. Nuur Cadde ay la shirtagaan, taasoo la sheegay markii uu la kulmaayey Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf uu in u sheegey Beelaha Mudulood in Beesha Caalamka ay wataan Nuur Cadde.. Haddii xaalku sidaas yahay markaas arrinku waa JUGJUG MEESHAADA JOOG...

Markaas marka laga hadlayo Batroolka Soomaaliya, waa arrin siyaasad ahaan aan si fudud loo turxaan bixin karin haddii aan lala iman mowqif sugan oo u cuntami kara shacabka Soomaaliyeed.

Haddiise arrintu aysan sidaas ahayn, oo Col. Cadde uu muujiyo in uu awoodi karo in uu Itoobiya ka saaro Soomaaliya, caddeeyo in Soomaalida dhul ka maqan yahay, isla markaasna uu Batroolka Soomaaliya u xilsaaro dad aqoon u leh, oo uu dalka ka saaro shirkadaha beenta ku soo geliya Soomaaliya oo inta ay sheegaan in ay shidaal baarayaan dalka kala baxa macdanta, oo uu heshiisyada shirkadaha lala gelayo ay noqdaan kuwo aan qarsoodi ahayn, markaas waxaa dhici karta in uu xal ka keeno soo saarista Batroolka iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya...

Waxaa kale oo muhiim ah in ra'iisul wasaaraha cusubi uu ku baraarugsanaado in tartan xoog leh oo xagga khayraadka Afrika ah uu ka dhex socdo Galbeedka iyo Bariga adduunka.

Photo:<!--###IMAGE_BRIEF###-->
Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao oo madaxweyanaha DFKMG Abdullahi Yusuf Ahmed kula kulmay magaalada  Beijing ee caasimada Shiinaha  Nov. 7, 2006. C/Laahi Yusuf waxa uu ka qayb galay kulankii loogu magac daray Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC) oo qabsoomay Nov. 4-5, 2006.

Col. Nuur Cadde sidee ka yeelayaa heshiiska Shiinaha

Madaxweynaha DFKMG, Col. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu mar sii horeysey heshiis xagga Batroolka ah la galay shirkad lagu magcaabo CNOOC oo ay leedahay dawladda Shiinaha.

Waxaase jira warar sheegaya in markii uu aad u sii xoogaystey murankii Batroolka ee u dhexeeyey C/Laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi in madaxweynaha DFKMG lagu qanciyey in uu ka haro heshiiska uu la galay shirkadda Shiinaha, Puntland-na ku qanciyo in ay faraha ka qaadaan shirkadaha reer Australia iyo Sweden, oo markaas soo celiyo shirkadihii heshiiska la galay Dawladii Maxamed Siyaad Barre, ka hor 1991. Sidaasna lagu saaro Cali Maxamed Geeddi oo watey shirkado yaryar (Kuwait Energy iyo Medco ee reer Indoniisiya)..

Lama oga fikirka hadda ee col. Yuusuf ee arrimaha Shiinaha iyo Galbeedka oo ku loo-lamaya Afrika. Waxaase jirta fikir oranaya haddii Cabdullaahi Yuusuf sii wado xiriirka sokeeye ee uu la leeyahay shirkadaha Shiinaha, markaas maaulkiisu meel ma gaari doono.

Sidaas oo kale weli lama oga fikirka col. Nuur Cadde ee ku aadan shirkadaha Shiinaha.

Isku soo wada duub-oo, waxaa aad muhiim ah in Col. Nur Cadde uu fahmo in arrinta batroolka Soomaaliya iyo mowqifka uu ka qaadanayo uu ku xirnaan doono inta uu sii ahaan karo ra'iisul wasaare DFKMG. Sidoo kale waxaa muhiim ah in uu fahmo taageero uu ka helo shacabka Soomaaliya in ay ku xiran tahay mowqifka uu ka qaato ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Haddii col. Nuur Cadde uu ku guul daraysto labadaas qodob (Batroolka iyo Itoobiyaanka jooga Soomaaliya) markaas waxa uu mari doonaa wadadii Prof. Geeddi.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH