SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


 Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe.

  • Mucaawinadii uu soo diray "Father Brian Morrison" ee uu Maxamed Siciid Maxamuud isku deyey in uu Reer Puntland ku qanciyo in Terry......


Bishii June 14keedii sannadkan 2005 ayey ahayd markii uu qoraal dheer SomaliTalk.com soo gaarsiiyey ninka magaciisa ku sheegay Maxamed Siciid Maxamuud, isaga oo sheeganaya in uu yahay Agaasimaha xafiiska uu Terry ku leeyahay magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya. Waxana uu qoraalkiisa ku bilaabay "Terry waa Gudoomiyaha urur caalami ah oo Western Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan. Ururkaan waxaa la yiraahdaa KIDS IN NEED (KIN). Terry wuxuu safarkiisii ugu horeeyey Puntland (February) waday deeq ururkiisa (KIN) ugu soo deeqday Tsunami-da. Balse Terry wuxuu ka calool xumaaday baahida haysata caruurta reer Puntland gaar ahaan, iyo dhamaan danyarta reer Puntland oo ay ka midyihiin reer-miyigii abaaraha iyo duufaamuhu xoolihii ka dhameeyeen, kaluumaysada Tsunami-du noloshoodii burburisay iyo dadka ka soo barakacay goboloda koonfureed ee kusugan xeryaha qaxootiga ee Puntland." Waxana uu sheegay in uu Terry la shaqaynayey laga soo bilaabo bishii April ee 2005. Waxana uu intaas ku daray "Terry waa nin ay aad u danqisay baahida Puntland taala iyo sida aan aduunku waxba uga qaban. Terry xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas. Wuxuuna xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya.... ". Waxana uu markaas Maxamed Siciid Maxamuud qoray "Mashaariicda uu Terry iyo ururkiisa KIN Somalia u qabteen ilaa bishii February" in ay kamid ahaayeen "Wheelchair supplies, Puntland Ambulances Project , waa sida uu qoraalka u dhigay'e", iyo waxyaalo kale oo laga akhrisan karo qoraalkiisa. (Terry hadda waa ninka "shidaalka ka soo saaraya Puntland").

Haddaba maanta (Sept 15, 2005) oo ay saddex bilood ka soo wareegtey qoraalkii Maxamed Siciid Maxamuud ayaan akhiristayaasha u soo bandhigeynaa inta laga ogyahay arintaas wixii xaqiiqo ah ee kusoo kordhay:

Markii ay tariikhdu ahayd December 26, 2004 maalin Axad ah, waxaa dunida ka dhacay arrin aad u argagax badnayd, taas oo ahayd bad gariir ka soo bilowdey Aasiya, soona gaarey Soomaaliya, dad badan oo Soomaali ku jirto ayaa ku barakacay, in badana wey ku dhinteen. Markiiba dunidu waxay bilowday in loo gurmado dadkii ku tabaaloobey aafadaas.


Father Brian Morrison

Father Brain's Crisis Centre

Maalintii xigtey (December 27, 2004) dadkii/urardii gurmadka bilaabay waxaa kamid ah ururka lagu magacaabo "Father Brian's Crisis Centre" oo uu madaxda ka yahay Baadariga lagu magacaabo Father Brian Morrison oo reer Perth, Australia ah. Waxa uu ururkaasi ugu horayn sameeyey kormeeray (survey) si uu ugu kuur galo inta ay le'egtahay dhibaatada ay duufaanta baddu garsiisey dalalka kala ah: Thailand, Maldives, Sri Lanka, Bangladesh iyo Somalia.

January 20, 2005 ururkaasi waxa uu 7 diyaaradood oo ah shixnad deeqihii loogu deeqay Bad-gariirka (Tsunami) u direen Thailand, Maldives, Sri Lanka. January 24, 2005 waxay bilaabeen in ay shixnado deeq ah oo kujirta "Container-ro" u raraan dalalka Thailand, Maldives, Bangladesh iyo Somalia. 

Waxaa taas ku xigtey in January 29, 2005 Maldives loo raro 'Container' dhererkiisu yahay 40ft oo ah nooca qoboojiyaha leh. Sidoo kale waxaa Feruary 5, 2005 Bangladesh loo raray 'Container' nooca qaboojiyaha leh oo dhererkiiso yahay 40ft. Waxaa taas ku xigtey in afar (4) "Container' oo dhererkoodu yahay  20ft loo raray Somalia, Sri Lanka, Thailand iyo Bangladesh.

Warqad uu ku saxiixan yahay Father Brian Morrison ayaa lagu caddeeyey in (laga soo bilaabo aafadii Tsunami) ilaa January 20, 2005 ay ururkaas heleen deeq qiyaastii gaareysa 160 tonnes, taas oo ah mucaawino ay reer Australia ugu deeqeen dadkii dhibaataru ka soo gaartey aafadii badgariirka. Deeqdaas waxaa isku dubaridey Agaasime Xigeenka Father Brian Crisis Care Centre, oo magaciisa la yiraahdo Mr. Robert Clancy.

Markii uu ururkaasi ka hadlayey xagga ammaanka mucaawinadaas marka la gaarsiiyo meelaha ay ku socotey, gaar ahaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay jirtey "In madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray cadayn huwan shaabada Madaxweynaha (Presidential Seal) oo kafaale qaadeysa ammaanka dhammaan mucaawinada bini'aadamino marka ay gaarto dalka (Somalia)."

Warbixin kale dambe ee uu ururkaasi soo saaray waxaa lagu caddeeyey in mucaawinada ay ku deeqeen dadweynaha deggan Galbeedka Australia in la gaarsiiyey dalalka ay kamid yihiin: Thailand, Maldives, Sri Lanka, Somalia, Burma, Malaysia iyo Indonesia.

Waxana warku intaas ku daray in markii ay aafada badgariirku dhacday ilaa May 9, 2005 mucaawinada la bixiyey loo adeegsadey in lagu qaado:

  • 17 diyaaradood
  • 6 Markab (2 kamid ah ay yihiin nooca qaboojiyha leh)
  • 1 Train oo loo diray World Vision, Melbourne, si looga sii saaro markab.

Isku darka mucaawinada ee si ammaan ah loo gaarsiiyey dalalka kor ku xusan waxay dhan tahay 295 tones. Mucaawinadaas lagu deeqay waxa lagu qiimeeyey AUD$6.4 million oo ah qiimaha Suuqa (Waa doolarka Australia).

Waxa kale oo ururkaasi sheegay in lacagta caddaanka iyo jeegaga lagu deeqay ay ahayd $159,000. Waxaa kale oo warku intaas ku daray in hal qof oo deggan galbeedka Australia uu ku deeqay qalabka Ciyaaraha (Sport) oo loogu talo galay carruurta ku tabaalowdey bad-gariirka, waxaana qiimaheedu dhan yahay AUD$1.6 million.

Ururkaasi markii uu ka hadlayey mashaariicda laga hir geliyey ama ka bilowday meelihii aafada badgariirku saamaysay, gaar ahaan markii uu ka hadlayey Soomaaliya waxa uu qoran sidan:

  • Mashruuc lagu magcaabo "Kids in Need ayaa ka bilowday Soomaaliya kaas oo loo iibiyey gaari ah nooca Ambalaaska iyo baaskiilada curyaamiinta. Qaybtaas oo af-Ingiriisi ah sidan ayey u qornayd: "A project called Kids in Ned has begun in Somalia with the purchase of an ambulance and wheelchairs."

Qoraalkan meeshii aan uga soo soconey waa qodobkaas - ambulance & wheelchairs - Maxamed Siciid Maxamuud ("Wakiilka Terry ee Garoowe") markii uu doodiisa qadimaney, isagoo waxa uu isku deyey in uu reer Puntland ka dhaadhiciyo in Terry yahay ninka u keenaya Baskiilada curtyaamiinta iyo Gawaarida "ambulance" lagana hir gelin doono adeegaas magaalooyinka Bosasso, Qardho, Garowe, Laascaano iyo Galkacyo.

Waxaa kale oo aad u cajaa'ib badnaa in qoraalka Maxamed Siciid Maxamuud oo ku qornaa Af-Soomaali in laakiin qaybta mashaaricda uu Puntland ka hirgeliyey Terry ay ku qornay Afka Ingiriisiga - miyaan markaas la oran karin arrintaas sidaas ayaa loogu yeeriyey, markii xafiiska uu sheegtay loo furay. Arrintan oo aad ugu eg tii Meier uu Xafiis magaalada Oslo, Norway uga furay C/raxmaan Liibaan. Mase la oran karaa Maxamed Siciid Maxamuud waxa uu madaxweynaha Puntland u magcabi doonaa wasiir marka uu dhowaanisku shaandheeyo golahiisa wasiirada oo uu booska ka saaro wasiirada diidan Terry, sidii uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Qunsulka ugu magcaabay C/Raxmaan Liibaan.

Akhirtayaasha ayaan u deyney xukunka arrintaas. Qoraalkii Maxamed Siciid Maxamuud oo dhamayriran waxaa laga heli karaa halkan. Qoraalka Xafiiskii loo furay C/Raxmaan Liibaan waxaa laga heli karaa halkan.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2005


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD