SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

  • Kulan Nairobi ku Dhex maray Cadde Muuse iyo Geeddi
  • C/laahi Yuusuf oo 15-ka April 2008 ku sii jeeda New York, USA...
  • Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka DGPL
  • Taliyaha Ciidaanka Booliska DGPL oo ka badbaadey Qarax

Sawirro Muujinaya Diyaarad Faransiis ah oo Burcad ka taxaabeysa Puntland....

  • Sawirro Muujinaya Soomaali burcad lagu sheegay oo laga qabtay dhulka Soomaalida oo la saarayo diyaarad Faransiis ah...

Sawirro ay 13-kii April 2008 faafiyeen Faransiisku ayaa muujiyey diyaaradaha dagaalka Faransiiska oo fadhiya dhulka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, oo xiraya Soomaali ay kusheegeen Burcaddii Afduubka u geystey Markabkii dalxiiska ahaa ee Faransiiska ee lagu afduubay xeebaha Soomaaliya. Sawirka oo ay qaybisay ama laga soo xigtey Wasaaradda Difaaca Faransiiska, waxaa la qaaday April 11, 2008, waxaana faafiyey YAHOO News, waxaana warku sheegay in markaas la qabtay lix burcad badeed ah oo Soomaali ah.


Diyaarad Faransiis ah oo Fadhida ciida Soomaaliya oo taxaabeysa qof Soomaali ah - Isha: Yahoo News


Diyaarad Faransiis ah oo Fadhida ciida Soomaaliya oo taxaabeysa qof Soomaali ah - Isha: Yahoo News

:::by: Dr. SHAMSADDIN:::
shamsa4000 Years of Illustrious History of Somalia and a Somali Renegade
By: Dr. Muhammad Shamsaddin
....  More...

Ancient Egyptian descriptions of Punt highlight the 4 millennia long History of Somalia.. Read...

Dadweynaha oo Su'aalo Weydiiyey Wasiirka Batroolka ee DGPL...

April 13, 2008: Idaacada Codka Maraykanka ayaa  dadweynuhu su'aalo ku saabsan ammaanka iyo batrool baarista Puntland waxay si toos ah uga weydiiyeen wasiirka DGPL u qaabilsan batroolka Xasan Cusmaan Maxamuud 'Aloore', Jawaabihii uu bixiyey:


Waa maxay ujeedada Kulanka Gen. Cadde Muuse iyo Prof. Geeddi ee Nairobi...

  • SomaliTalk.com | April 12, 2008 | Qormo cusub: April 13, 2008

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa booqasho aan hore loo sii sheegin ku tegey madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) oo loo malaynayo in uu ka soo duulay Addis Ababa - [Itoobiya waxa uu tegey Maarso 30, 2008].

cadde muuseGen. Cadde Muuse markii uu tegey Nairobi, waxaa uu habeenkii Sabtidu soo geleysey (April 12, 2008) la kulmay ra'iisul wasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah (DFKMG) ee lagu soo dhisay Nairobi, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Xaqiiqo ahaan waxa kulankaas ka soo baxay saxaafadda looma sheegin.

Laakiin, waxaa beryahan soo baxayey warar laga soo xigtey ilo wargal ah oo sheegay in Gen. Cadde Muuse ku mashquulsanaa sidii uu heshiis ula geli lahaa shirkadihii sahaminta shidaalka ee reer Indonesiya iyo Kuwait ee uu hore heshiiska ula galay Prof. Geeddi.

Waxaana wararku tibaaxeen in Gen. Cadde Muuse markii uu tegey Addis Ababa uu si qarsoodi ah uga sii dhoofay Dubai - Warka uu xafiiskii u sheegay reer Puntland waxa uu ahaa in uu Itoobiya ku sugnaan doono 7 cisho. Safarkaas Dubai ee qarsoodiga ahaa waxaa loo malaynayaa in uu la xiriirey arrimaha shirkadaha shidaalka.

Geeddi oo Qiray in Arrimaha Batroolku ay asaas u ahaayeen Khilaafka isaga iyo C/Laahi Yuusuf "waxa kale oo dhan waxay ahaayeen arrimo yaryar oo ku soo biiray".. Dhegeyso waraysigii Codka Maraykanka

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Shirkadaha reer Indonesiya iyo Kuwait waxay ahaayeen kuwii sharciga Batroolka Soomaaliya kusoo sameeyey magaalada Malindi, waxana shirkadahaasi yeelan lahaayeen saami ka mid ah Hay'adda Batroolka Soomaaliya (HBS) haddii xeerkaasi sidii uu ahaa lagu ansixin lahaa. Arrimahaasi waxay keeneen in si xoog leh looga horyimaado Cali Maxamed Geeddi.

  • Sababahii keenay khilaafkii Yuusuf iyo Geeddi, ilaa uu Geeddi xilka iska casilo, waxaa asaas u ahaa shirkadaha shidaalka heshiiska lala gelayo (sida uu Prof. Geeddi qiray). Xilligaas Geeddi waxa uu heshiis kula jirey shirado ah reer Indonesiya iyo Kuwait, halka Yuusuf heshiiska la galay shirkad ay leedahay dawladda Shiinaha (CNOOC).

Puntland markii hore si xoog leh ayey uga hor timid sharcigaas Batroolka ee Geeddi gar-wadeenka ka ahaa. Markii uu jagada ka degey ayaa xeerkaas waxaa la sheegay in wax laga bedeley, in kasta oo xeerka cusub oo dhamaystiran aan nuqul-kiisa oo dhan la baahin. Haddana Baarlamaanka DFKMG waxay 9-kii April 2008 ansixiyeen in Soomaaliya loo sameeyo sharci batrool.

Fadhigii shaarcigaas Batroolka DFKMG codka loogu qaaday waxaa ka soo qayb galay ilaa 143 xildhibaan: Waxaana codkii noqday 119 ogolaansho, 22 diidmo iyo 2 aamusnaan. Sharcigaas cusub ee batroolka ee loo sameeyey DFKMG, weli Puntland wax hadal ah kama soo saarin.

Yuusuf oo kusii jeeda New York oo la kulmaya Gen. Cadde....

Abdullaahi Yusuf AhmedDhanka kale, Sabtidii (April 12, 2008) waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya tegey madaxweynaha DFKMG, col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana ilo ku dhow xafiiska C/laahi Yuusuf sheegeen in kulan magaalada Nairobi ku dhex mari doono Yuusuf iyo Cadde Muuse. Halka ay warbaahinta ay maamulaan Wasiirada Puntland sheegeen in Gen. Cadde Muuse uu garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi kaga hor tegey madaxweynaha DFKMG Yuusuf si uu oo dhaweeyo.

C/laahi Yuusuf waxa uu ku sii jeedaa magaalada New York ee xarunta Qaraamada Midoobey ee dalka Maraykanka oo la filayo in uu tegi doono maalinta Talaadada 15-ka April 2008. Halkaas oo la filayo in Qaramaad Midoobey ay Yuusuf weydiiyaan su'aalo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf oo weli diidan heshiiskii Puntland ee....

Madaxweynaha DFKMG markii ay sannadkii 2006 magaalada Garoowe kula kulmeen xubno ka socdey shirkadda heshiiska sahaminta la gashay Puntland, waxa uu weydiiyey in ay iyagu shidaalka sahamiyaan ama qodaan, markii ay ugu jawaabeen maya ee waxaan raadineynaa shirkado kale oo qoda, waxa uu xilligaas ugu jawaabey annaguba waa raadsan karaa dallaaliin. Xilligaas wixii ka dambeeyey dadka u dhow waxay sheegaan in uusan ku qanacsanayn heshiiska ay Puntland la gashay shirkadahaas.

Yaa Leh COSNORT ltd....

Caqabadda kale ee Puntland hor taal ayaa ah shirkadda lagu magacaabo CONSORT ltd, taas oo ka diiwaan gashan jasiiradaha Maldives, shirkaddaas oo la sheego in ay wax ku leeyihiin madaxda sare ee DGPL. Waxaa shirkaddaasi saami gaaraaya 15% ku leedahay saamiyada shirkadda heshiiska kula jirta Puntland ee RANGE. Halkaas waxaaa ka soo baxaya arrin aan madaxda Puntland daacad ka noqon karin, si mashruuca tartan loola geliyo oo loo helo shirkado kale oo wax soo saari kara.

Arrimahaas marka farta lagu fiiqo, xafiiska Gen. Cadde waxa uu ku jawaabaa hanjabaad iyo nin-tooxsi, halkii uu shacabka qancin lahaa, wax-qabadna muujin lahaa. Xusuusnow shirkadaha batroolka hadalkoodu wuxuu soo bilowday 2005, waa intii uu xilka hayey Jeneraalku oo waqtigii xilka loo doortay ku eg yahay Janaayo 2009 oo bilo ka harsan yihiin - maxaa dalka u qabsoomay, aan ka ahayn saxiixa heshiisyada?. [Yaa Leh COSNORT ltd, jawaabta waxaa laga sugayaa xafiiska Gen. Cadde Muuse.]

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2008


Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka DGPL

Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" oo ah madaxweyne ku xigeenka DGPL ayaa soo saaray wareegto (APril 13, 2008) ku saabsan "In la qab-qabto dhammaan Bucad-badeeda". Waxaana wareegtadu u qornayd sidan:

Wareegto No-01/ April 13, 2008 , kuna saabsan burcad-badeedda iyo Tahriibiyeyaasha.

  • Ku: Wasiirka Wasaarada Amniga iyo DDR-ka
  • Ku: Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha
  • Ku: Taliyeyaalka hay’ada Amniga
  • Ku: Gudoomiyeyaalka Gobolada DGPL
  • Ku: Gudoomiyeyaalka Degmooyinka DGPL

Uj: QAB-QABASHADA BURCAD-BADDEEDKA IYO TAHRIIBEYEYAASHA

Waxaa muddooyinkan danbe si isdabajoog ah ugu soo badanaya DGPL Burcad-badeedka Baddaha iyo Tahriibeyeyaasha dadka oo imminka caadeytey ku noq-noqoshada falalkaas foosha xun-xun.

Dhibaatada ka dhalatay arrimahaas oo maraysa in ay Amni daro iyo khalkhal hadda geliyaan Berriga DGPL markii ay ku nabad galeen falalkoodii hore.

Hadaba, waxaa dhammaan hay’adaha kor ku xusan la farayaa in la fuliyo qodobadan hoos ku qoran:

1- In la qab-qabto dhammaan Bucad-badeeda meel kastoo ay joogaan.

2- In la qabto sidoo kale, cid kasta oo gacan siisa Burcad-badeedda.

3- In wixii Hanti ah ee loo aqoonsado in burcad-badeed leedahay lala wareego.

4- In Liis lagu soo saaro cidkasta oo ku tilmaaman Burcad-badeed meel kasta oo ay joogaan.

5- Sidii horeba loogu soo saaray Xeer Madaxweyne lr 47, ee 27 March 2008, mamnuucida Hub ku qaadashada Magaalooyinka in la fuliyo

6- Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan ha’adaha ku shaqada leh in ay wareegtadan sida ay tahay u fuliyaan.

Xasan Daahir Maxamuud
K/S Madaxweynaha Dawladda Puntland


Taliyaha Ciidaanka Booliska DGPL oo ka badbaadey Qarax

Boosaaso: Taliyha Ciidanka Booliska Puntland, Sareeye Guuto Cabdicasiis Saciid Maxamuud (Gacamey) ayaa Axad (April 13, 2008) ka badbaadey qarax la sheegay in isaga lala beegsaday.

Wararka ugu horeeyey ee ka soo baxay Qaraxaas oo ka dhacay aagga loo yaqaan Panorama ayaa tibaaxay in aan wax dhaawac ah soo gaarin Taliyaha Booliska DGPL. Qaraxan ayaa wararku tibaaxeen in uu ahaa bam nooca gacanta laga hago.

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2008


Waraaqaha Laga Sameeyo Lacagaha Faalsada oo ka degey Dekedda Magaalada Boosaaso...Akhri...
 

BAARID | SEARCH


batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland...
Range Resources Xiriirka ay La Leedahay Shirkadda "Opes Prime"ee Burburka Dhaqaale ku dhacay...
Akhri..
 

Black Gold of PuntlandWarbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka...
Akhri
 

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG...
Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: