200 Maalmood oo u Buuxsantey inta Ciidamada Gumeysiga Kenya ku jiraan Gudaha
Soomaaliya
Iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ayaguna ku jira Soomaaliya in ka badan
124-maalmood
- Faallada SomaliTalk.com | May 2, 2012
Ciidamada gumeysiga Kenya waxay ka gudbeen xad beenaadka NFD bishii October 16,
2011, ayagoo intii ka dambeysey deggaanada goboladda Jubooyinka iyo kuwa
laolloga ahba ka geystey duqayn isugu jirta madaafiicda noocyadeeda kala duwan
iyo duqayn hawada oo ay ku waxyeeleeyeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba
galabsan.
Dagaalka Kenya ayaa salka ku haya khayraadka xeebta la ollogga ah
Raaskambooni oo ay muddo dheer Kenya ku taameysey sidii ay Soomaalida uga durkin
lahayd aaggaas, ayadoo hore isugu dayday in ay arrintaas ka sharciyaysato
xukuumadda Sheikh Shariif, laakiin ay shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada
Baarlamaanku ay gaashaanka u daruureen. Kaddibna ay markaas Kenya adeegsatey
cudud militari oo ay kaga gudubtey xad-beenaadka NFD.
In ka badan 200 maalmood kaddib ayaysan muuqan in ciidamada gumeysiga Kenya
ay ka baxayaan ciidda Soomaaliyeed, maadaama aysan jirin xukuumada Soomaaliyeed
oo u danayneysa shacabkeeda oo la xisaabtami karta Kenya.
Dhanka kale, ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa sidaas oo kale waxay xuduud
beenaadka Soomaali galebeed ka soo gudbeen December 31, 2011 ayagoo xoog ku
qabsaday magaalooyin Soomaaliyeed, kana geystey tacadiyo ka dhan ah
bini'aadaminaida.
Kenya iyo Itoobiya waa laba dal oo heshiis u ah sidii ay Soomaaliya dhulkeedu
gumeysi ugu jiri lahaa. Waxay ahayd 1964 markii heshiis is gaashaan-buuraysi
dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda
Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed).
Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen
1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen August 28, 1987.

Xarriiqda u dhaxaysa xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waa Xariiq ku qotonka
xeebta (90 derejo) oo u socota jihada Koonfur-Bari.
Eeg
Halkan

Weriye Kenyan ah oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad
beenaadka"
si uu u caddeyo in ciidankoodu halkaas ka gudbey xilli madaxda Soomaaliyeed
arrintaas ankirayen
In badan oo odorosa, una kuur gala siyaasadda geeska Afrika ayaa hore uga hadlay
sababaha duullaanka Kenya iyo Itoobiya ay ugu qaadeen Soomaaliya in ay tahay in
shacabka Soomaaliyeed lagu sandulleeyo rabitaanka labadaas dal ee gumaystaha
qarnigan, si ay markaas u adeegsadaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed. Laakiin su'aasha ay tahay in dhab la isu weydiiyo
waa: yaa leh eedda
dhibaatada hadda ka taagan Soomaaliya?
***
Yaa masuul ka ah dhibaatada ka tagaan Soomaaliya?
Soomaaliya waxaa dagaal ahli ah ka qarxay 21 sano ka hor, kaddib markii uu
dhacay xukun dalka ka jirey 21 sano, xukunkaas ugu yeer diktatoori, shuuci, culimo laaye,
kacaan. Soomaalidu kama faa'iidaysan dhicitaankii xukunkii kelitaliska, balse
waxay ku bedeleen dagaal ahli ah oo maatadii lagu xasuuqay.
Waxaa taas garab socday in dalalkii cadowga soo jireenka u ahaa Soomaaliya ay
arkeen in halkaas fursad uga soo baxday. Si ay dantooda u gaaraan waxay
hubeeyeen qab-qablayaan dagaal oo u hamuumay dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo
xilligaas abaaro iyo colaadda sokeeyey wiiqeen. Erayada in loo fiirsado mudan
waa "Qab-qabalayaal Soomaaliyeed".
Waxaa markaas Soomaalida loo qabtay shirar ay ka soo xushaan madax aragti
gaaban oo iska indha saabaxaya xaqiiqada juqraafiyeed iyo mid dhaqan-dhaqaale ee
ka jirta geeska Afrika. Madax magac ahaan ka ah Soomaali, balse aan haba
yaraatee ku shaqaynayn aragti Soomaaliyeed, oo loo yeeriyo siyaasadda cusub ee
laga damacsan yahay juqraafiga cirifka bari ee qaaradda.
Dhibaatada ay madaxda maqaar-saarka ah kuwoodii ugu horeeyey geysteen waxaa
ka mid ah in ay dalka u horseedeen in lagu duugo sunta halista ah iyo haraadiga
qashinka nukliyeerka, oo cawaaqib xun kureebaya degaanka Soomaaliyeed, naf iyo
maalba, iyo dad, duunyo iyo degaanba.
Waxa lagu xejiyey kuwo dalka kusoo hoggaamiya ciidamadii ay Soomaalidu iska
caabinayeen qarniyaal. Ciidamo hore gumaysi ugu haytey dhul Soomaaliyeed. Waxay
"madaxdaas Soomaaliyeed" isku dayeen in qaar kamid ah dhul-badeedka Soomaaliya
la dhaxal wareejiyo. Iyo kuwo dhaca hantida qaranka, ama lacagahii lagu soo
siiyey mucaawinada dadka tabaalaysan jeebka ku shubta, dalkiina ka dhigay mid
iib ah.
Waxaa dalka loo kala qoqobay gobollo loogu talagalay in ay ayagu isku
mashquulaan, colaad cusubna loo abuuro shacab Soomaaliyeed oo walaalo u ah meel
kasta oo laga eego, laguna jajuubo xadad cusub oo gobolaysi iyo qabaliya ku
salaysan. Waxaa caburintii ugu weyneyd la saaray saxaafadda, taas oo la isugu
daray dil, xarig, hanjabaad, caga-juglayn.
Waxaa soo baxay kuwo sheegta "aqoonyahay Soomaaliyeed", oo samaystay ururro
iyo golayaal badan oo marka loo dhaba galo aan wax nuxur ah kuwada hadlayn, ugu
yeer qurba-joog, fadhi-kudirir, qaad-cunayaal, iwm. Waxaa taas garab socda
maadax cusub oo waxa keliya oo ay jecel yihiin ay tahay in la ammaano, balse aan
loo tilmaami karin waxay ku khaldan yihiin, kuwaas oo hami gaaban, aana meel
durugsan wax ka eegin. Waxayna kuwaasi soo dhaweytaan oo keliya dadka loogu
yeero YES MEN (ama aan madaxdooda runta u sheegi karin).
Waxaa khilaaf dhexdooda ah ka dhammaan waayey xukuumadihii soo maray
Soomaaliya 21 kii sano, waxaana is bedeley TNG-DKMG, TFG-DFKMG, Technocrat Gov,
Cash Kleptocracy (oo meel marsaday hantidii qaranka iyo mucaawinadii loogu
deeqay dadka tabaalaysan).
Waxaa soo baxay xarakooyin iyo kooxo ku doodaya magac Soomaaliyeed oo sii
farcamaya maalin kasta, ugu yeer Aala Shiikh, Al-Shariifeyt, Al-Shabaab, Suufiyah Ahlu-Sunna,
Al-Ictisaam, Al-Islaax, iwm. Kuwaas oo xilligan waxa keliya oo ay ku mashquulsan
yihiin ay tahay sidii mid kasta ay tan kale u burburin lahayd.
Waxaa la isku mashquuliyey Soomaalida dhexdeeda, ayadoo shacabkii tabaalaysan
yahay, qaxootina ku abaadeen. Ma jiraan cid ka hadlaysa xadgudubyada ciidamada
shisheeye ku hayaan dhulka Soomaaliyeed. Koox kasta ay fiirsaneyso sidii ay uga
takhalusi lahayd kooxda kale. Urur kasta ka soo hor jeedo urur kale. Madaxdii ay
isugu biyo shubteen inay ka qayb galaal shirar aysan lahayn ajanadayaashooda.
Ayadoo aysan jirin qaab ama hab caqligu talinayo.
Halkaas ayaa markaas dalkii oo dhan uu ku noqday baylah, oo aysan jirin cid
ka hadasha xad gudubyada ciidamada soo duuley ay ka geysanayaan Beledweyne,
baydhabo, iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa sidaas ku dhammaaday 21 sano. Ma jiro cid arrimahaas isku xiriirsan
21-ka sano ee colaadda masuuliyadeeda loo maxkamadeeyey.
Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in Zenawi iyo Kibaki ay ayagu gudanayaan
hawshii ay u qaadeen shacabkooda (Kenyan iyo Itoobiyaan), in la sandulleeyo
madaxda Soomaaliyeed si ay markaas shacabka Soomaaliyeed u badaan saxariirka
hadda haysta, dawlad la'aanta iyo dhibaatada 21 sano jirsatey.
Markaas su'aashu waxay tahay, yaa leh eedda dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
Jawaabta waxaan u dhaafnay akhristaha.
***
Waa Maxay Xalku?
Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin.
Xalku wuxuu ku jiraa kitaabka quraanka. Ugu horayn in mujtamaca Soomaaliyeed
ay gebi ahaanba u laabtaan Allah, kana baryaan toobad keen caama ah. Joojiyaana
xad gudubyada. Guud ahaana ummadda Soomaaliyeed is cafiyaan.
Waxaa markaas la heli karaa, Allah idankiis, in shacabkan masiirkiisa ay hooggaamiyaan madax
daacad ah, caadil ah, fikir dheer, ummaddana u horseeda barwaaqo, soo celiya
magacii Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed mideeya, soona celiya walaaltinimadii
ka dhaxaysey shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Madax yoolkoodu yahay horumarinta
shacabka. Madax danta shacabka ka dhiga tan koowaad, shacabkoodana u naxariista,
adduunkana si caqli ah ula xisaabtama.
Suuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: "Allah
ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan"
{Qur'aan 13:11}.

Indeed, Allah will not change the condition of a people until
they change what is in themselves. {13:11}
Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2012
|