Gen. Cadde Muuse o soo saaray Xeer Madaxweyne...Xeer Madaxweyne Lr.
39/08 ee March 08, 2008, kuna saabsan xil magacaabid Guddoomiyaha Hanti-dhawrka
Guud, Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka Guud, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda
Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in wax laga badelo Hab-xisaabeedka
Dowladda
Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.
Wuxuu Xeeriyey:
1- Maxamed Yuusuf Cabdi (Mattaan) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha
Hanti-dhawrka Guud ee DGPL.
2- Xasan Mire Cismaan waxaa loo magacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka Hanti-dhawrka
Guud ee DGPL.
3- Xasan Aaden Maxamed waxaa lagu meeleeyey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
4- Jaamac Maxamed Cismaan waxaa lagu meeleeyey Wasaaradda Shaqada iyo
Shaqaalaha.
5- C/risaaq Xasan Muuse waxaa loo magacaabay Xisaabiyaha Guud ee DGPL.
xeerkan ayaa waxaa ku saxeexnaa
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Faafin: SomaliTalk.com |
Maarso 8, 2008
March 2, 2008:
Gen. Cadde Muuse oo soo saaray Xeerar: Madaxweynaah DGPL, Maxamuud Muuse
Xirsi ayaa soo saaray laba xeer oo kala ah (1)- Xeer Madaxweyne Lr. 35/08, March
02, 08, Kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo uu u magacaabay
Daahir C/qaadir Axmed (Daahir Aflow), oo ahaa isu-duwihii hore ee Wasaaradda
Warfaafinta Gobolka Mudug. (2)- Xeer Madaxweyne Lr. 34/08 ee March 01, 2008,
kuna saabsan xil magacaabid Agaasimayaal Guud iyo Ruqsayn Xisaabiye Wasaaradda
Arrimaha Gudaha. Agaasimayaasha waxa uu u kala magacaabay.. [Eeg
halkan].