Xeer Madaxweyne Lr. 35/08, March 02, 08, Kuna Saabsan Magacaabid
Guddoomiyaha Gobolka Mudug
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Guddoomiye cusub Gobolka
Mudug
Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa
Wuxuu Xeeriyey:-
1- Daahir C/qaadir Axmed (Daahir Aflow), isu-duwihii hore ee Wasaaradda
Warfaafinta Gobolka Mudug, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka
Mudug.
2- Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Xeer Madaxweyne Lr. 34/08 ee March 01, 2008, kuna saabsan xil
magacaabid Agaasimayaal Guud iyo Ruqsayn Xisaabiye Wasaaradda Arrimaha
Gudaha.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu arkay: Talo soo jeedinta guddiga xallinta khilaafka Wasaaradda
Arrimaha
Gudaha.
Markuu tixgeliyey: Aqoonta iyo waayo aragnimadooda
Wuxuu Xeeriyey:
1- Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Dowladaha Hoose) ee DGPL.
2- Ismaaciil Maxamed Warsame Waxaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee
Rugta Ganacsiga.
3- C/risaaq Nuux Maxamed (Hantiile), waxaa loo magacaabay Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka.
4- Cali Maxamed Ciise (Amxaar), Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Qorshaynta).
5- Waxaa Shaqadii laga joojiyey Cismaan Cali Iglami oo ahaa Xisaabiyaha
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, arrintiisana guddi baa loo saaray.
6- Sucdi Axmed Cali oo horay u ahaan jirtay Xisaabiyaha Wasaaradda
Arrimaha Gudaha ayaa wadaysa shaqadii Xisaabiyaha Wasaarada Arrimaha
Gudaha.
Xeerkani ayaa waxa ku saxeexna
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland