SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Prof. Muhyadin Ali Yusuf 

Taariikhda Musharaxa 1aad ee Puntland 

  • Ku dhashay Beyra, Gaalkacyo, March 1959
  • Ku soo koray yaraantiisii Gaalkacyo iyo Boocame.
  • Dugsi Hoose Gaalkacyo 1970
  • Fasal 5aad ilaa 8aad Dugsiga Dhexe komershaale Xamar 1975
  • Ka qayb galay Ololaha Horumarinta Reer Miyiga 1974-75
  • 1976 ka qalin jabiyay tababarka Macamlimiinta Xalane
  • 1976-1979 macalin iyo maamule ku xigeen Dugige Dhexe Raage Ugaas, Xamar
  • January 1982 ka soo qalin jabiyay Lafoole
  • January-July 1982 Macalin Dugsiga sareBenadir.
  • Sep.1982-July 1984 Maamule Dugsiga sare ee Bartamaha Xamar.
  • Sep.1984-July 1986 Maamule Dug. Sare Cusmaan Geedi Raage.
  • Sep.1986-July 1987 Maamule Dug.Sare Xamar.
  • Sep.1987-88 Maamule Dugsiga sare Wadajir
  • 1986-1990 Macalin Jaamcadda Lafoole
  • 1991-1997 Lataliye waxbarasho Somalida ee Toronto iyo ganacsade.
  • 1997-1999 ka qalin jabiyay Humber College, Toronto(English academics and Computer programming)
  • 1999-2001 Tababare waxbrashada iyo Computerada.Columbus, Ohio
  • 2001-2003 Macalin iyo La taliyaha arrimaha Soomaalida iyo adeegyada dawladda Minnesota
  • 2002 Shahaadada sare Education, Hamline University, St. paul
  • 2003 Master of Education, University of Minnesota
  • PhD Candiate Bircham International Univrsity, Idaho USA

Puntland 

  • 2004 Maareeye Guud, shirkadda Hilaac Real Estate company
  • 2005 Wuxuu asaasay Kulliyadda waxnarashada ee Jaamacadda bariga Afrika
  • 2005 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxarashada Jaamacadaha Afrika, Nairobi
  • 2006 wuxuu wax ka dejiyay manhajka waxbarashada macalimiinta Puntland
  • 2006 Wuxuu diyaariyay siyaasadda waxbarashada macalimiinta ee dawladda Puntland oo baarlamaanka laga ansixiyay
  • 2006 wuxuu ka qayb galay ansixinitii sharciga teknolijiyada cusub ee Somalia Nairobi
  • 2006 wuxuu ka qayb galay diyaarintii waxbarashada aqoondirsiga iyo onlineka Somalia oo lagu qabtay Kenya, Tanzania iyo South Afrika
  • 2006 Wuxuu asaasay xiriirka ururka tacliinta sare ee Puntland oo uu guddoomiye ka yahay (Puntland Tertiary education Commission)
  • 2006 Wuxuu wax ka asaasay Bosaso College of Computer Engineering and training.
  • 2007 wuxuu ka mid noqday aqoonyahanadii Djibouti ku asaasay ururka aqoonyahanada Geeska Afrika,
  • 2007 Wuxuu la taliye ka ahaa eraybixinta eryada Sayniska ah ee maadooyinka dugsiyada lagu barto.
  • 2007 wuxuu diyaariyay siyaasadda qorshaha horumarinta waxbarashada haweenka Puntland
  • Wuxuu xubin ka yahay ururka qorayaasha Soomaaliyeed.

Wuxuuna qoray buugaag iyo maqaalo ay ka mid yihiin 

Buugaag

  • 1. Labadii dagaal weyne ee dunida
  • 2. Difficulties facing Somali students in America
  • 3. Understanding of Somali Diaspora
  • 4. Habka koriimada wanaagsan ee ilmaha 

Maqaalo 

  • Parenting in America
  • Somali students in America
  • Children of bilingual education.
  • Philosophy and modern education
  • African view toward history subjects.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso



Ciise Dhollawaa

Waraysiyo iyo Warbixin:

Waraysiyadan waxaa qaaday Ciise Dhollawaa oo ka tirsan Idaacadda Australia ee SBS.


Mushaxa Prof Muxiyiin Cali Yuusuf ayaa booqday Gooba badan oo Muhiim ah kuwaasi oo ku yaala Gudaha Magaalada Basaaso

Bosaaso:- Musharaxa koowaad ee u taagan Jagada Madaxtinimada Maamulka Puntland Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa maanta booqday goobo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku yaala isla gudaha Magaalada Bosaaso, Musharaxa ayaa dhulkaasi oo qoobka galiyay waxa uu kula kulmay dad aad u fara badan kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay Prof-ka uga waramay dhamaan Baahidooda.

Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa waxa uu booqday gooba ay ka mid yihiin xarunta Cafimaadka ee dadka Bukaanka ah lagu daaweeyo, iyo goob kale oo ay leeyihiin dad Naafo ah iyo waliba dugsi caruurta wax lagu baro kaasi oo lagu magcaabo Daaru Imaan.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay nooceeda oo uu sameeyo qof musharrax ah ee isu soo taaga xilka madaxtinimada Puntland ayaa ahayd mid aad u muhiimsan isla markaana ay si weyn ugu farxeen dadkii ku sugnaa goobihii uu booqday musharrax Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf, dhamaan dadkii uu goobahaasi kula kulmay ayaa waxay Prof uga wara meen xaladooda sida ay tahay iyaga oo sheegay inay waajib tahay in la doorto qof noocaas oo kale ah maadaama bay dhaheen uu dhex marayo dadka oo qof qof u waraysano.

Prof Muxiyadiin ayaa dadkii la kulmay waxa uu u sheegay inay kaalin lixaadle ka qaadanayo hadii la doorto Jagada Madaxtinimada Maamulka Puntland oo uu dabooli doono baahidooda ay qabaan iyaga oo sacab iyo niyad furan ku soo dhaweeyay markii uu hadalkaasi shaaca ka qaaday.

Prof Muxiyadiin ayaa goobta caafimaad uu booqday waxa uu kula kulmay gudoomisada Ururka goobtaasi gacanta ku haya AID- Mss Mahada Muusa iyada oo warbixin dheer ka siyay Musharax hawlaha goobtaasi lagu qabto.

Haweenaydaasi waxay shaaca ka qaaday inay aad u soo dhawaynayaan Musharxaasi oo ay sheegtay inuu yahay muwaadin Reer Puntland ah isla markaan Musharaxiinta kale dheer dhex marka iyo kawar hanta Bulshada.
Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa waxa uu farta ku fiiqay inay waajib tahay in dadkaasi waxa loo qabto isla markaan qof kasta oo ku guulaysta Madaxtinimada Puntland looga baahan yahay inuu shacakiisa gacan siiyo e maha buu yiri in Caasimada uun ay Dawladu Degto.

Isku soo wada duuboo dhamaan Shacabka Reer Puntland ayaa waxay aad u saadaalinayaan Mushaxaasi Muxiyadiin Cali Yuusuf inuu noqonayo kan kaliya ee ku guulaysanayan Jagada Madaxtinimada Puntland markay arkeen qaabka ay u socoto Hawshiiso.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso


Muxuu ku tartamayaa Musharrax Muxyiddiin Cali Yuusuf?

Iyadoo ay aad u soo badanayaan musharrixiinta isu soo taageysa tartanka doorashada madaxtinimada Puntland ee 2009-ka ayaa haddana ku tartamaya barnaamijyo ay is leeyihiin taageero waad ku heli kartaan.

Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf oo ah musharrixii ugu horreeyay ee ku dhowaaqa inuu u tartami doono xilka madaxtinimada Puntland ee 2009-ka ayaa ololihiisa u wada si deggan.

Prof. Muxyidiin waxa uu mar xaflad uu sameeyay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay odayaasha iyo haweenka oo uu barnaamijkiisa wax qabad ugu bandhigay isagoo sheegay in la joogo xilligii loo baahnaa in la hirgeliyo isbedel dhinacyo badan si dalka iyo dadka Puntland u horumaraan.

Musharrax Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo isbedel dhinaca ammaanka, dhaqaalaha iyo hab maamulka dalka.

Isagoo sheegay haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland in uu dhinacyadaasi xoogga ku saari doono.

Musharraxu wuxuu kaloo sheegay inuu wax u qaban doono dadka saboolka ah wuxuuna ku soo bandhigay mar uu booqasho ku tagay goobo lagu daaweeyo dadka saboolka ah, xarrumo waxbarasho iyo xarun ay degan yihiin dadka naafada ah ee magaaladan Boosaaso.

Booqashooyinkaasi uu sameeyay waxa uu ka bilaabay xarun lagu daweeyo dhallaanka laguna umuliyo hooyooyinka gaar ahaan dadka soo barakacay oo uu gacanta ku hayo urur waddani ah oo lagu magacaabo AID ayuu Prof. Muxyidiin uu ballan qaaday in uu wax weyn ka sameyn doono dadka saboolka ah ee ku nool Puntland sidii ay noloshoodu u horumari lahayd.

Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf markii uu xarunta daaweynta booqanayay waxa uu tilmaamay inuu aad uga naxay nolol xumada haysata dadka soo barakacay ee ku dhaqan deegaannada Puntland isagoo sheegay in uu u saari doono hay’ad gaar ah oo qiimeyn ku sameysa sidii dadkan nolosha looga horumarin lahaa.

Wuxuu kaloo Prof. Muxyiddiin Cali Yuusuf booqday dugsi ay wax ku bartaan caruur yar yar.

Dugsigaasi oo lagu magacaabo Daarul-Iimaan ayaa lagu baraa caruurta xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Isagoo caruurta ku booriyay inay waxbarashada ku dadaalaan si ay mustaqbalka u noqdaan jiil aqoon leh oo dalka hogaan u noqda.

Wuxuuna tilmaamay in barnaamijka uu ku tartamayo ay ku jirto horumarinta waxbarashada.

Sidoo kale Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf wuxuu xarunta ay ka degan yihiin magaaladan Boosaaso ku booqday dadka Naafada ah, halkaasoo uu ugu sameeyay ballan-qaadyo dhow iyo kuwo uu u sameyn doono marka uu ku guuleysto doorashada.

Waxa uu isla goobta curyaamiinta kaga dhowaaqay inuu u keenayo Computer iyo macalim bara sida loogu shaqeeyo.

Maxaa yeelay ayuu yiri curyaamiinta qaarkood waa kuwo gacmaha ku shaqeysan kara haddii aqoontooda la dhiso.

Waxa uu sheegay haddii uu ku soo baxo tartanka doorashada madaxtinimada Puntland iyo in uu hirgelin doono xarun dadka naafada ah wax lagu baro si ay u shaqeystaan.

Wuxuuna sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii ahmiyad loo siin lahaa dadka naafada ah marka shaqaale la qorayo.

Si kastaba ha ahaatee Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf waa aqoon yahan muddo deganaa dalka Maraykanka wuxuuna dalka dib ugu soo laabtay muddo hadda saddex sano ku siman si uu uga qeyb qaato horumarinta waxbarashada Puntland gaar ahaan magaaladan Boosaaso.

Waxa uu qeyb ka qaatay horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika ee magaaladan Boosaaso iyo hirgelinta kulliyadda lagu magacaabo Boosaaso College.

Wuxuu ka qeyb qaatay diyaarinta manhajka cusub ee dugsiga hoose ee dhowaan la soo saaray.

Lama soo koobi karo taariikhda uu dhinaca aqoonta kaga jiro Prof. Muxyidiin Cali Yuusuf oo isu soo taagay madaxtinimada Puntland.

bashiir cumar cali/bosaaso
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 6, 2008 | Updated: March 10, 2008

Maqaal: Macdanta & Batroolka Puntland Ma-Reer Indhoole Hoggaansho Baa???... Akhri...

Sunta ku duugan Soomaaliya.. Akhri qoraallo xiriir ah...

africaAFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com