SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dood kulul oo dhex martay Qamar Shariif Haashim, Iyo Maamulaha Guud ee Maraakiibta Faransiiska

Barnaamijka dooda Fool ka Foolka ah ee laga daawado Tv-ga France24 ayaa shalay waxaa ku dooday Qamar Sharif Haashim oo ah Saxafiyad Soomaaliyeed oo madax bannaan ahna Turjume, iyo Maamulaha Guud ee Maraakiibta Fransiiska Anne-sophie AVE.

Doodda waxey ku sabsanayd ciidamada Midowga Yurub oo lagu wado, ka qayb qaadan doonaan ilaalinta badda soomaliyed & soo galbinta Maraakiibta Reer Galbeedka Cinwaana loogu dhigay Amniga Atlantas.

Ciidamada Yurub , Waxaa la sheegay inaay galbinaayan ama ilaalinaya maraakiibta gargaarka wada iyo Maraakiibta yaryar aanan awoodin inay iska dhiciyaan Burcad Badeedka,

Qamar, waxey sheegtay inaay suurto gal aheyn in la afduubo Markab Cunto u sida Shacabka dhiban balse Maraakiibta, lagu Afduubto, Biyaha soomaaliya, waa Maraakiibta Qashinka iyo daadisa biyaheena , taasna waxey ku ku cadeysay doodii tan ka horeysay

Qamar oo hadalkeedi sii wadata waxey tiri : . Maraakiibta, la leeyahay waala Afduubta oo aad rabtaan inaad ilaalo u noqotaan waa Maraakiibta, dhibaato baahsan ku haayo shacabka Soomaaliyeed qaasatan Dumarka iyo Caruurta, Dumarka oo dhala caruur Curyaan ah, taas sabab u ah Qashinka Sunta ah ee maraakiibtaas aay daadiyaan , beryahaan waxaa aad loo hadal hayay Markab sida Shidaal, waayo shidaalkaa waxaa loo waday Mareykanka, cida Markabka leh iyo cida loo waday shidaalka waa labo quwado waaweyn, mid quwad dhaqaale leh iyo midna quwad la wada ogyahay , Wariyaha TV-France24 oo ah TV-aay Dowlada Fransiiska leedahay , ayaa ku yiri Qamar, Quwada dhaqaalaha aad ka hadashay ma waxaad ula jeedaa Saudi arabia, ?? Qamar waxey ku jawaabtay dabcan.

Qamar ayadoo hadalkeeda sii wada bay tiri : Maraakiibta Shidaalka qaada maaha Markab shidaal ugaar ah kaliya , sida aan ognahay Maraakiibta noocaan oo kale ah waxay sidaan haraagii shidaalka oo lagu daadinaayo biyaha Soomaaliya , biyaha Soomaaliya waxey noqotay dooxada qashin qubka ee caalamka.

Wariyaha oo la hadlaya Marwo. Qamar ayaa yiri :, maadaama sannadkaan aay aad usoo korodhay afduubka Maraakiibta, soo looma baahna in marinkaas laga dhigo goob nabdoon?

Qamar waxey ku jawaabtay ciidamadaan la leeyahay amniga bay sugaayaan mida ugu horeysa maaha fikir aay shacabka Soomaaliyed ogolyihiin ama aay soo dhoweynayaan, lama wadaagan mana rabaan in shisheeye kale uu yimaado ciidooda iyo biyahoodaba, waayo dhibaato kale oo hor leh ayaa ka dhalan karaa iyo halis kale oo shacabka dhexdooda ah iyo Ciidamada imaan doona biyaha Soomaaliya,

Dhibaatada maaha mid ka timaada burcad badeedka waayo burcad badeedka ma dhaafaan biyahooda, Wariyaha ayaa hadalka Qamar jaray oo yiri ma waxaad leedahay burcad badeedka Soomaali maaha?, Qamar, waxey ku jawaabtay waan kuu soo badhigayaa arinta sida aay tahay burcad badeedka Soomaalida oo dooman yaryar wata ma awoodaan inay tagaan biyaha fog ee caalamiga ah, balse biyaha caalamiga, waxaa ku sugan dambiilayaal isbaheystay oo Caalami ah, , kuwaa ayaa loo baahan yahay in laga hor tago ama lala dagaalamo oo Maraakiibta sunta wada kusoo leexiya biyaheena, ee ma aha in lala dagalamo Kaluumaysatada danyarta ah , iyo shacabka degen tuulooyinkeena, oo ah dad raadinaaya sidii aay u noolaan lahaayen waayo muddo 20sano dalka dowlad kama jirin, madax furashada aay Burcadbadeedka dalbadaan waa lacag yar, mar walba waxaa la leeyahay 2Milyan oo Dollar ah ama 3Milyan Dollar ah, gorgortan kadib wuxu ku dhamaada Boqol kun Dollar. Wariyaha ayaa yiri 25milyan ayey dalbadeen Serius Astar.

Qamar waxey ku jawaabtay haa waa codsi kaliya balse wuxu ku dhamaada Boqol kun Dollar ama Boqol iyo kontan kun Dollar ah.

Wariyaha wuuu weydiiyay Maamulaha guud ee Maraakiibta Faransiiska, inta aay la egtahay lacagaha madax furashada aay burcada dalbadaan , waxay tiri xisaabta 2008-da waa 45Milyan Dollar ah, Qamar, ayaa markiiba hadalka la wareegtay oo tiri Marwo, waan jeclaan lahaa 45Milyanka inaad ka raadisid Bangiyada Yurubta, waadna ogtahay in biyaha caalamiga ay ku sugan yihiin dambiilayaal caalami ah waadna ogtahay dhaqaalahaa malaayiinta ah ee aay qaataan waadna ogtahay inaay burcad badeedka caalamiga ah qaarna aay yihiin Reer Galbeed

Wariyaha ayaa ku yiri Maamulaha waxba ma ogodiin ama waxbaad naga qariseen, Maamulaha Guud ee Maraakiibta Faransiiska ayaa ku jawaabtay waa marka ugu horeysa aan maqlo warkaan, Qamar ayaa markiiba hadalka dib u qaadatay ku tiri, Marwo, arintaan aan usoo bandhigay shacabka Faransiiska waa arin aay marna ka hadlin Reer Galbeedka laftirkooda ka sokowna waxaa kale ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, in kastoo dowlad shaqeysa aay aheyn oo labo guri kaliya ka joogaan caasimadda, saas ay tahayna wuu ka hadlay arintaan in burcad badeed caalami ah ku sugan yihiin biyaheenna, waxaan kale kuu sheegayaa , Madax Furashada Maraakiibta, laga qaado kuma dhacaan qasnadda Soomaaliya, ee wuxu ku dhacaa Qasnado Yurub ah, ee baaritaano dheeri ah sameeya anagoo Saxafiyiin yaryar ah iyo wax garadkeena Soomaaliyed, waan soo baarnay ee maxaa idiin diiday inaad baartaan in kastoo aad la socotaan.

Wariyaha ayaa Qamar waydiiyay ma xaq baa in Burcadbadeedka Maraakiibta afduubtaan kadibna madax furasho dalbadaan , Qamar,waxey ku jawaabtay haa waa xaq sababtoo ah Kaluumaysatada waa shaqo la'aan howshooda waxaa ka qaatay Marakiibtaa waaweyn oo kheyraadka badooda gurka dhaqaale badana ka hela, maxad furashada laga qaado maraakiibtaas waxaa ka badan dhaqaalaha soo gala kuwa bililiqeysta khayraadkeena inta yar oo laga dalbado waa nolol maalmeedka dadka ku noool Tuulooyinka kaluumaysatada.

Wariyaha ayaa Qamar waydiiyay haddii (ama in) ay wax ka qaban karaan Xoogaga Yurubta, wax ka qaban karaan dhibaatada nabadgelyo la'aanta ka jira biyaha soomaaliya?

Qamar, waxay ku jawaabtay haa way ka qaban karaan balse arinta hada waxey taagan yahay xaga Reer Galbeedka,, hada kahorna waxey soo direen Ciidamo ka timid 36Wadan looguna yeeray ciidanka nabad ilaalinta, waqtigaas wuxuu ahaa waqti uu jiray leysku haaystay kursiga madaxti nimada Jeneraal Ceydiid iyo Cali Mahdi, waqtigaas waxba kama aysan qaban nabadgelyada wayba kasii dareen dalkii iyo dadkii ayaa sii burburay waqtigaas dad badan oo rayid ayaa ku dhinteen ciidankeenii xooga dalka ayaa la kala diray oo la burburiyay taas oo loola jeeday in dalkeena waligii xoog yeelan, waxaa taas sii raaca ciidankii Booliiska burburkiisa aay ka dambeysay UN-ta, oo sii ula kac ah u burburisay oo diidanaa in aay nabadgelyada soo celiyaan , taasna waxey keentay inaay dhibaato baahsan soo gaarto Dumarka iyo Caruurta, oo aay noqdeen xoolo ay leeyihiin Qaqablayaashii oon kufsi iyo dilba kula kacayay dhibaatadaas aay UNta hurmuudka u aheyd , .Marka aniga waxaan soo jeedinaa in laga fiirsado dhibaatada kale ee ka dhalan karta in ciidamadaas aay soo dhaafaan biyaha oo aay xeebta yimaadaan oo aay usii gudbaan beriga ,markaa waxaa nagu soo food lahaanays a dhibaatadii 92kii ilaa 93dii aan wali ka kabsan la’nahay .


qaybta 1aad halkan ka daawo

qaybta 2aad halkan ka dawo 

Q.2aad: Qamar Sharif Hashim oo ka qeyb qaadatay dood ku saabsaneyd Burcad badeedka oo laga daawaday Tv-ga France24

Marwo. Qamar Sharif Hashim ,oo ah Saxafiyad Somaliyeed oo madax banaan ayaa ka qayb qaadatay dood ku saabsaneyd khatarta burcad badeedka, waxaa doodaas ka qayb qaatay sadex mudane u kala dhashay dalalka Fransiiska iyo Beljuumka , oo mid kamid ahaa khabiir ku xeeldheer arrimaha burcad badeedka, iyo nin kale ah qareen aqoon u leh sharciyada baddaha iyo nin ka socdo hay'ada caalimiga ee bad-mareenada .

Qamar, oo sheegtay burcad badeedka inaay halis ku aheyn caalamka balse ay khatar ku yihiin marakiibta shisheeyaha biyaha Soomaliya ku daadiya sun halis u ah nolosha shacabka soomaaliyeed, oo suntaas sababta inaay dhashtaan caruur curyaan iyo dumarka uurka leh aay soo ridaan uurka , waxay kale oo aay sheegtay in maraakiibta si sharci daro ah ugu kaluumeystaan oo uga gurta khayraadka dabiiciga bada somaliyeed,

Qamar waxey cadeysay in Maraakiibta la afduubo laga soo afduubto biyaha Soomaaliya ee maaha biyaha caalamiga sida aay reer galbeedka ku andacoodaan , oo sheega in Maraakiibta laga soo afduubo meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya , waayo burcad badeedka ma haaystaan doomaha dheereeya iyo qalab u suurto gelin kara inaay meel fog wax kasoo afduubaan bey tiri Qamar , waxey kaloo sheegtay inaay iyada xogogaal u tahay arintaas oo ka wareysatay Ciidanka badda (Marines) oo sheegay inaay Maraakiibtaas aay soo galaan biyaha Soomaaliya.

Qamar oo sheegtay in xal uusan noqon Karin in la weeraro badda soomaaliya oo noqatay meel loolan loogu jiro oo ciidan waliba uu rabo inuu loolankaas uu kasoo qeybgalo , waqtigaan xaadirka ah badda Soomaliya waxaa ku sugan quwadaha ugu waaweyn ee reer galbeedka sida Maraykanka, Ruushka, Jarmalka, NATO, Hindiya, iyo qaar hadda olole ugu jira siddii ay ciidan ugu soo diri lahaayen Badda Soomaliya, waxaana ka mid ah Masar, Turkiga , Sacuudiga, , bay tiri waxeyna ku celcelisay inuusan xalku noqon karin ciidan , balse xalka wuxu ku jiraa in dalka uu dowlad lahaado siddii loogu hortagi lahaa khatar walba kusoo fool leh somaliya,

Qamar waxey ka hadashay in haatan reer galbeedka uu diyaarinaayo in aay khandaraas ku siiyaan shirkado oo ciidankoodii howl gabay , sidii ay ugu lacagaysan lahaayen taasna waxay keeni in meesha laga saaro jiritaanka iyo qaranimada soo jireenka ah ee soomaaliya, dowladaha haddii aay doonayaan inaay khatartaas ka hortagaan waa inaay dib usoo abuuraan oo aay maal geliyaan ciidankii badda Soomaaliyeed (Marines) oo ka amar qaadanaya dowlad qaran si uu u ilaaliyo xeebaha Soomaaliyeed

Qamar waxa wax laga waydiiyaay in Islaamiyiinta somalida in aay xiriir la leeyihiin burcad badeedka ama wada shaqeyn ka dhaxeeyo, qamar waxey hoosta ka xariiqday oo aay meesha ka saartay in Islaamiyiinta Soomaalida iyo Burcad badeedka inuusan wax xiriir ah ka dhaxeyn ayey sheegtay ,

waxaa kale oo la waydiiyay dhaqaalaha Burcada soo gala waxa lagu qabto waxay tiri iskuulo iyo isbitaalo ayaa lagu maalgeliyaa sidii degaanada dalka Soomaaliyeed loogu horumarin lahaa waayo ku dhowaad 20sano dowlad dhexe Soomaaliya kama dhalan waxay kaloo dhaqaale siiyaan maamulada dalka gudahiisa ka jira, marka dhaqaalahaa kuma raaxeestaan, dadkoodi ayey wax ugu qabtaan waayo Soomaliya dhibaatada kajirta kama jirto dunida ayey tiri ,

waxaa gabagabadii la weydiiyay maxaa kale oo xal u noqon kara afduubka maraakiibta waxay ku jawaabtay waa in nalaga joojiyaa sunta NUCLEAR-KA lagu daadinaayo xeebaheena , suntaas haliska ah oo u baahan in lagu nadiifiyo 30sano ama ka badan , waxaan dhihi lahaa maraakiibtaas waa inaay ka fogaadaan biyaha Soomaaliyeed oo aay ilaaliyaan qaranimada Soomaaliya.
 


Somali pirates get help from expats in Canada
http://www.thestar.com/article/552023


FIIRO GAAR :
Shacabka Fransiiska wax badan kalama socon dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan burcad badeedka oo aad looga buunbuuniyay warbaahinta Reer Galbeedka, ayaa mar kaliya e-mailo caro iyo dagaal ah usoo diray Warbaahintooda oo xaqiiqada Soomaaliya ka jira iyo burcad badeedkaba si buuxda uga warbixin iyaga oo ogaaday in aay jiraan dambiilayaal dhaqaalahooda usoo dhigtay, fekrada shacabka Faransiiska wax badan ayaa iska badalay iyo guud ahaan shacabka Reer Yurub.

HALKAN KA DAAWO DOODDA (Af-Faransiis)
http://www.france24.com

Isku dubaridikii iyo Tarjumadii: MOHAMED ISMAIL | mismacil@live.co.za

Faafin: Somalitalk.com | Dec 13, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS