SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis Somali community facing dark web of murders
They came to escape civil war, so why are they killing each other in the streets? Read More..


Minneapolis (CITYPAGES): Saeed Osman Fahia, the unofficial historian of Somalis in Minnesota, understands the social factors that have led to violence among Somali youth..  Read here...


'23 Burcad badeed' ah oo lagu qabtay Gacanka-Cadmeed.

Maalintii lasoo dhaafay ee sabtida ahayd (Dec 13, 2008) ayaa ciidamada wadanka India gacanta ku dhigeen 23-qof oo ay ku sheegeen burcad badeed ah oo 12 ka mid ahi yihiin Soomaali, halka kuwa kale u dhasheen wadanka Yemen.

Doon laga leeyahay wadanka Itoobiya magaceedana lagu sheegay MV-Gibe oo maraysay gacanka-Cadmeed ayeey burcadu weerar kusoo qaadeen, balse doonta ayaa si kadis ah ula xidhiidhay ciidamada India oo meelahaas ka ag dhawaa una sheegtay in weerar lagu soo qaaday, ciidamada India waxay iyaguna soo kaxaysteen helikoptero, halka qaar ka mid ahina soo kaxaysteen markabka dagaalka ee India loona yaqaan INS Mysore, markii ay soo gaadheen meeshi ay burcadu joogtay ayaa si dhakhso ah burcadii loo hareereeyay, burcadu waxay isugu jireen Soomaali iyo kuwo u dhashay wadanka Yemen, waxayna ahaayeen 23-qof, (12-Somali, 11-Yemen) meesha lagu qabtay waa gacanka-Cadmeed, waxayna ku gudo jireen sidii ay u afduubi lahaayeen doon maraysay gacanka-Cadmeed lagana lahaa Itobiya, sida warku sheegay.

Burcad badeedu waxay ahaayeen saddex kooxood oo kala saarna saddex doomood oo ku guudo jiray afduub, isla markiiba ciidamada wadanka India ayaa weerar kusoo qaaday burcada, burcada iyo ciidamada waxay isku rideen rasaas, balse burcadu markii ay fahmeen in laga itaal roonaaday ayeey isku dayeen inay baxsdaan, laakinse ciidamada India ee loo yaqaan Commandos ayaa hareereeyay, ka dibna gacmaha ayeey kor u taagen iyagoo isu dhiibaya ciidamada, sida ka muuqata sawirka hoose (doonta), warkuna sheegay.

Burcada doonti ay saarnaayen waxa laga helay sanduuq wayn oo hub iyo qoryo ku dhex jireen, hubkaas oo isugu jiray AK-47, saddex midh oo ah Maxhine-Gun iyo miinoyiinka gacanta, sidoo kale waxa laga helay qalabka is gaadhsiinta casriga ah loona yaqaan GPS receiver iyo qalabyo kale. Ciidamada India ayaa qalabkaas iyo hubkaasba la wareegay, sida laga soo xigtey Hindiya.


Qayb ka mid ah hubkii burcada. Foto: AP

Lama xaqiijin karo waxa lagu samayn doono dadka la qabtay (burcadan), laakin wararka qaar ayaa sheegaya in maxkamad lasoo taagi doono, halka warar kale sheegayaan in wadanka dibadiisa loo qaadi doono.

Ciidamada bada ee wadanka India ayaa (November-28-2008) dajiyay markab laga lahaa wadanka Thailand, balse markii hore la sheegay ama loo maleenayay in burcad badeedu wadatay markabkaas. Ciidamada India ayaa sheegay in markabkaas uu ahaa mid u qafaalan burcad badeed Soomaali ah. Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili Midawga Yurub ay sheegeen in ay bilaabi doonaan hawl galo ka dhan ah burcad badeeda wax ka qafaashta biyaha Somaliya, hawlgalkani wuxuu socon doona muddo dhan hal sano.


Doonta waxaa saarna 23-qof oo "burcad badeed" ah. Foto:AFP

Burcad badeeda Soomaalida ayaa sanadkan soo jiitay indhaha caalamka oo wararka laga sheegayo si xawli ah isu daba socdaan, waxaanad maalin walba la kulmaysaa warar sheegaya in markab ama doon lagu afduubay xeebaha Somaliya, arrintaasna waxay carqalad ku abuuraysa biyaha iyo xeebaha ku yaala Gacanka-Cadmeed.


Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com

Dood kulul oo dhex martay Qamar Shariif Haashim, Iyo Maamulaha Guud ee Maraakiibta Faransiiska - Dec 13

Faafin: Somalitalk.com | Dec 14, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS