Soomaali Argaggaxiso ahi ma jirto- Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u Fadhiyi jirey Itoobiya
Xilligii ay Weerartay Soomaaliya...
Safiirkii
hore DFKMG ugu fadhiyi jirey Addis Ababa xilligii ay Itoobiya ku duushey
Soomaaliya, Cabdikariim Faarax "Laqanyo" oo Maarso 14, 2008 laga waraystay TV
reer Minneapolis ayaa yiri hadalladan:
"Itoobiya shan boqol oo
sano (500) oo taariikh ah oo dhibaato ah oo aan laga heshiin oo colaad
ah ayaa naga dhexaysa, Itoobiya in ay Soomaaliya timaado marnaba ma aha, mana la
ogolaan karo, mana la yeelayo..."
"YAA AH ARGAGGAXISO", ma dhehi karno waa dad Soomaaliyeed, xataa kuwa ka
soo horjeeda Itoobiyaanka ee mabda'oodu ku salaysan yahay in ay Itoobiya la
dagaalamayaan ma dhehi karo Argaggaxiso, kuwa ka soo hor jeeda Dawladda
Federaalka ee mabda'oodu keliya ka soo horjeedo in ay annaga nala dagaalamaan
lama dhehi karo argaggaxiso..."
"Qof Soomaali ah, oo dhalashadiisu Soomaali tahay, oo diintiisu ay Soomaali
tahay, oo dhaqankiisu Soomaali tahay, oo caadadiisu
ay Soomaali tahay, laguma nisbayn karo in uu yahay qof Terrorist (Argaggaxiso)
ah...."
"...annagu iyo anigu iyo intii igu fikirka ah ee Dawladda Federaalka ah ka
shaqaysa, ma qabno in qof Soomaali ah uu yahay terrorist, ma qabno.. ee waxaan
qabnaa in uu yahay dad xaqooda u dagaalamaya ee aaminsan...."
"...waxaa loo baahan yahay shakhsiga Soomaaliga ah in aan marnaba loo nisbayn karin Argaggaxiso
ayaan ka wadey...."
"Itoobiya iyo Ereteriya wax ay Soomaaliya isu dhaamaan ma jirto, laba
dawladood oo danahooda fiirsanaya weeye, waxaa markaas loo baahan yahay in
Soomaaliya danteeda eegato.."
Maarso 15, 2008: Telefishanka "Somali Media" ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa
waraysi la yeeshay safiirkii hore ee DFKMG u fadhiyi jirey Itoobiya, haddana loo
bedeley dalka Koonfur Afrika in uu DFKMG safiir uga noqdo, Cabdikariim Faarax
"Laqanyo". Waxaana dadweynuhu si toos ah u weydiinayeen Su'aalo isagoo joogey
Istuudiyaha TV-ga ee Minneapolis.
Waxaa wax laga weydiiyey Argaggaxisada iyo Soomaaliya (in ay joogto
argaggaxiso).
Cabdikariim Faarax "Laqanyo" waxa uu ku jawaabey: "Erayga terrorist
(Argaggaxiso) waxa uu soo baxay dhawrkii sano ee u dambeysey, iyadoo dadka
reer-galbeedka ah ama wadankan Maraykanku uu aad u isticmaalayey, isagoo ku
salaynayey Idolojigiisa [ideology], oo uu kula dagaalayey wixii ka soo hor jeeda
Idiyadiisa (idea) ama argaggaxisa ka soo horjeeda dawladda Maraykanka, hase
ahaatee waxaa inta badan dawladda Soomaaliyeed iyo mas'uuliyaynteduba ama inta
badan aanu dhehnaa haddaanu dawlada Soomaaliyeed aannu nahay "Terorist Somalia",
arrintaasi nasiib darro waxaa dhacday in loo qaatay ama la yiri waxa allaale iyo
wixii Soomaaliya joogaba waa terrorist, marka arrintaas ayaan jeclaan lahaa
su'aasha aad isiisay in aan ka bixiyo jawaab waafi ah."
Isagoo jawaabtaas faahfaahinayey waxa uu yiri: "Waxa aan leenahay annagu Qof Soomaali ah, oo dhalashadiisu Soomaali tahay, oo diintiisu ay Soomaali
tahay (Waa siduu hadalka u yiri'e), oo dhaqankiisu Soomaali tahay, oo caadadiisu
ay Soomaali tahay, laguma nisbayn karo in uu yahay qof Terrorist (Argaggaxiso)
ah, waayo Soomaalidu dhaqan iyo ehel iyo caado uma lahan in ay argaggaxiso
(terrorist) noqdaan, taasi marka waxay keeneysaa marka aan leenahay terrorist
ama aanu leenahay dalkii Soomaaliya Argaggaxiso (terrorist) ayaa joogta ama
terrorist (arggagxiso) ayaa dawladii la dagaaleysa, waa nasiib darro qof
Soomaali ah ama mas'uul Soomaali ah haddii markaas dad Soomaaliyeed u
nisbaynayo, waa nasiib darro weeye, laakiin eraygu sidii ku yimid waxay ahaydey
waxaa jira dad aan Soomaali ahayn oo Soomaaliya jooga oo ajnebi ah oo ka
dhuumanaya dawladahan maraykanka ama reer galbeedka, ama dhibaato ka geystey
Kenya dawladda Maraykanka safaaradeedii, ama dawladda Maraykanka safaaradeedii
ku tiiley Tanzaniya, kuwaas oo ku dhuumaalaysanaya Soomaaliya, iyo dad kale oo
kayimid Aasiya oo runtii Soomaalida tababar ku haya waad garaneysaan dad
farabadan oo Soomaali ah maalin walba in la laayo, gabdho Soomaaliyeed in la
diley iyagoo jaad raadsanaya in bas lagu qarxiyey, dad is qarxinaya waa jiraan
waxaas dhaqan iyo caado uma lihin, waxaa kale oo jirta dad kale oo ajnabi ah
oo nagu dhax jira, waa kii sigtay madaxweynaha naftarkiisu waad garaneysaan,
marka waxyaabahaasi waa dhaqan kale oo aanaan annaga caado u lahayn, marka
waxaas nagula dhex jira ee na baraya ama dadka caalamiga ah ee adduunka ka
imanaya ee Soomaaliya ku dhex jira ayaanu inta badan u nisbaynaa oo dhehnaa waa
dad ajnabigaas terroristiga ah, laakiin qof Soomaali ah xitaa kuwa naga soo
horjeeda ee......."
Halkaas markii uu hadalka marinayey ayaa waxaa weriyaha TV-ga ee hadalka
qaybinayey, Cabdimaalik Askar, waxa uu Cabdikariim Faarax "Laqanyo" weydiiyey: Safiir waxaa jirey in qabqablayaashii dagaalka ee hore ay
sameeyeen barnaamij la dhehi jirey 'la dagaalanka Argaggaxisada', oo ay xamar ku
sameeyeen, markaas iyagu inta ay qabtaan ayey dhoofin jireen, idinkuse laakiin
xamar ayaad kula dhex dagaalamaysaan markaa miyeydaan istaraatijidii uun bedelin
oo wax badan aydin dhaamin dawladiinu?
Laqanyo waxa uu ku jawaabey: "Horta laba arrin ayaa Soomaaliya ka jira,
erayga terrorist ayaan hadda qeexayey, laakiin cidda is haysaa waa kala gooni,
waayo waad garaneysaan oo Soomaaliya waxay isku hayaan waa siyaasad, nimankan
xitaa la yiraahdo Islamic Courts (Maxkamadaha Islaamiga ah), haddey yihiin
Dawladda Federaalka, iyo kuwo kale oo aan la ogeyn oo mararka qaarkaad
isticmaala Civil Society, inta oo dhammi waa politician (siyaasiyiin), marka ka
hadli maayo ee... qofku xaq ayuu u leeyahay in uu siyaasadda Soomaaliya uu
qaabka uu doono u isticmaalo oo ka qayb galo, laakiin waxaan micnaynayey erayga
ah 'terrorist' , annagu iyo anigu iyo intii igu fikirka ah ee Dawladda
Federaalka ah ka shaqaysa, ma qabno in qof Soomaali ah uu yahay terrorist, ma
qabno, ee waxaan qabnaa in uu yahay dad xaqooda u dagaalamaya ee aaminsan...
Taas macneheedu sow ma aha in aad leedahay Soomaaliya terrorist ma joogaan,
ayaa werihu weydiiyey.
Laqanyo waxa uu ku jawaabey "Maya Soomaaliya terrorist waa joogaa anaa ku
dhahaaya,".... Haddana Soomaali kuma tilmaami karo (miyaad leedahay) ayaa
markaas werihii weydiiyey, wuxuuna ku jawaabey: HAA (Soomaali lagum atilmaami
karo), laakiin ajnebi kale oo
farabadan oo dadkayagii dhaqan rogaya oo ajnebi ah oo terroirst ah ayaa jooga
kuwaas ayaa loo nisbaynayaa, in ay yihiin terrorist, loona baahan yahay dadka
Soomaaliyeed in ay iska qabtaan oo la dagaalaan dhaqankan la rogayo, diintan
sida kale loo isticmaalayo...
Laakiin haddii aad tiri ajnebi ayaan u naqaanaa terrorist (Argaggaxiso),
markaas qolada kale miyeysan dhehayn Soomaaliya Itoobiyaanba waa joogaan ee
Ajnebigan iyo ajnebi kale mexey ku kala duwan yihiin, ayaa weriyihii weydiiyey.
Safiirkii hore DFKMG ugu fadhiyi jirey Addis Ababa xilligii ay Itoobiya ku
duushey Soomaaliya waxa uu ku jawaabey: "Xaq ayey u leeyihiin.. HAA... iyaga
naftarkoodu, laakiin wixii ajnebi ayaan kawadnaa, iyaguna ha yiraahdeen ajnebi
ayaa jooga, anaguna waxaan leenahay ajnebi ayaa jooga, laakiin waxaa loo baahan
yahay shakhsiga Soomaaliga ah in aan marnaba loo nisbayn karin Argaggaxiso
ayaan ka wadey."
Dadweynahii soo wacay TV-ga mid ka mid ah ayaa weydiiyey su'aal ahayd "nin
Soomaaliyeed oo bombaano intuu soo qaatay nin Soomaaliyeed laynaya oo bombaano
isku qarxinaaya, ninkaas terrorist lama dhehi karo miyaa."
Cabdikariim Faarax "Laqanyo" waxa uu ku jwaabey "Runtii waxaa loo baahan
yahay ninka Soomaaliyeed ee aad sheegeysid ee bombaanada isku soo qarxinaya, ama
baabuur intii isku soo qarxiyey madaxdayadii laynaya, waa nin 'brain wash' lagu
sameeyey oo Soomaali ah [maskaxda laga qabsaday], markaas haddee ninkaas ama dawladda ayaa dawlad u ah
ama aniga iyo adiga ayaa walaal u ah oo loo baahan yahay in loo caqli celiyo, ma
aha in aan la lammaanayno ama aan ku nisbayno kan terroristaha (argaggaxisada)
ah ee wax baraya ee dalka gudihiisa u yimid ee Soomaaliya u yimid ee wax ku
baraya, dabcan qofka hadduu wax laynayo si caddaalad darro ah ama terrorist waa
la dhehi karaa, laakiin waxaan rabnaa mar hadii aan dawlad-nimo sheeganeyno in
aan dadka kala reebno oo aannu dhallinyarada Soomaaliyeed ee u baahan in loo
caqli celiyo aan u caqli celino, oo aan iyaga naftarkooda la oran kulligood
terrorist waaye, laakiin dad terrorist ah oo ajnebi ah oo dadkaa dhibaataynaya
ama wax xun baraya oo dalka ka buuxa ayaa jira, oo dhaqankeenii rogaya, marka
dadka aan rabno in aan iska kaashanno kuwaas weeye."
Su'aal kale oo la soo weydiiyey ayaa ahayd "Markii aad ahayd Safiirka
Dawladda [FKMG] Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa waxaad ku guulaysatey in aad
Soomaaliya keento Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u farabadan, marka hadda markaad
Safiirka ka noqotay South Afrika oo aan u malaynayo waddan dhex dhexaad ah
malaga yaabaa in inta aad ka dhaadhicis ay Soomaaliya ciidamo u soo diraan."
Sawirkani waa Cabdikariin Faarax oo la hadlayey Saxaafada
Addis Ababa, mid ka mid ah shir saxaafadeedkiisii uu kula hadli jirey
warbaahinta Itoobiyaanka markii ciidamada Itoobiyaanku soo galayeen
Soomaaliya.... |
Waxa uu Laqanyo ku jawaabey: "Horta kuguma raacsani fikirka ah aniga
shakhsiyan anigu Itoobiyaan ciidan ah aan geeyey, ama qof shakhsi ah oo Soomaali
haba yaraatee oo Soomaaliya ciidamada geeyey ma jirto, Dawladda Soomaaliyeedna
waa dawlad laga aqoonsan yahay adduunyada oo dhan, laba nidaam ayaa ciidan dal
ku geli karaa, hab-labada dhinac isku raaceen ama hab dhinacyo badani isku raaceen,
labada ciidan ee jooga ee kan afrikaanka iyo kan itoobiya labadaas sharci hab
waafaqsan ayey ku galeen...." Waxa kale oo uu xusay in Soomaalidu aysan ka hadlin
wixii ka horeeyey intii aan Itoobiyaanku iman wixii dhacay, waxa kale oo uu
sheegay in Itoobiya waxa keenay ay yihiin Soomaalida oo heshiin weydey. Tan
South Afrika wuxuu xusay in uu jecelyahay in ay Soomaaliya dhexdhexaad ka ahaato
oo ciidamo u soo dirto.
Safiirkii hore DFKMG ugu fadhiyi jirey Addis Ababa xilligii ay Itoobiya
weerarka xoogga weyn ku qaaday Soomaaliya waxa uu yiri "Itoobiya shan boqol oo
sano (500) oo taariikh (history) ah oo dhibaato ah oo aan laga heshiin oo colaad
ah ayaa naga dhexaysa, Itoobiya in ay Soomaaliya timaado marnaba ma aha, mana la
ogolaan karo, mana la yeelayo..."
Gabar ka mid ah dadkii su'aalaha weydiiyey ayaa tiri mar haddii uu Laqanyo
sheegay in uu isagu ogyahay in dad ajnebi ah ay joogaan Soomaaliya, si aysan
sumcadda Soomaalida u xumayn dadkaas maxaa loo soo qaban waayey. Waxa uu ku
jawaabey hadal macnihiisu ahaa in xogta ay helaan ay ka helaan (intelegency) ama
(sirdoon) badan oo ay la shaqeeyaan oo ah dalal shisheeye. Waana lagu daba jiraa
ayuu yiri in la soo qabto, laakiin ma aha dad hal meel jooga oo waa dad hadba
meel u guuraya oo dhuumaalaysanaya ayuu xusay.
Su'aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd in uu sheegay in aan Soomaaliya
argaggaxiso Soomaaliyeed joogin ama aysan jirin argaggaxiso Soomaali ah, laakiin
madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf iyo Maxamed Dheere, guddoomiyaha gobolka
Banaadin, marka dagaal ka dhaco Suuqa Bakaaraha wuxuu yiraahdaa "Argaggaxiso
ayaa ku jirta", marka sheyga Argaggaxiso marka ay Dawladda (FKMG) ay ku
dhawaaqeyso ma waxay garab kaga dooneysaa Dawladaha reer galbeedka iyo
Maraykanka, mase waa wax aan jirin oo dadkii Soomaaliyeed aan argaggaxsio ku
dhex jirin, marka madaxweynuhu
dorraad waxa uu lahaa waxaan dalka ka safaynayaa
dad taageersan argaggaxisada dalka ku jirta, marka safiirku waxa uu leeyahay dad
Soomaali ah oo Argaggaxiso ah maba jiraanba, xaqiiqdiina waa ognahay dad ajnebi
ah oo argaggaxiso ah in aanay waddankeena joogin...
Cabdikariim Faarax "Laqanyo" waxa uu ku jawaabey: "Horta ma rabno in arrintu
ay u ekaato mid madaxda Dawladda Federaalka dhexdooda (waxa uu yiri iyo waxa ay
tiri), qof walba saddexdii sano waxa uu yiri in aan ka hadlo ma rabno.." Waxana
uu hadalka kusii daray in ay tahay in dadku ogaadaan in dawladdu ay khaldami
karto in ay dadku ogaadaan. Ujeedadu waxay tahay, ayuu yiri "Dad terrorist ah ma
joogaan soomaaliya, YES, laakiin "Who is terrorist" "YAA AH ARGAGGAXISO", ma
dhehi karno waa dad Soomaaliyeed, xataa kuwa ka soo horjeeda Itoobiyaanka ee
mabda'oodu ku salaysan yahay in ay Itoobiya la dagaalamayaan ma dhehi karo
Argaggaxiso, kuwa ka soo hor jeeda Dawladda Federaalka ee mabda'oodu keliya ka
soo horjeedo in ay annaga nala dagaalamaan lama dhehi karo argaggaxiso..."
Waxana uu intaas ku daray laakiin waa jiraan dadkale oo terrorist ah oo ajnebi
ah oo annaaga nagumaadaya, laakiin waa in lakala saaraa, iyagoo wada socda oo
haddana isku xiran haddana waa in lakala saaraa...
"Laqanyo" waxa uu qiray in Itoobiya aysan wax dan ah u hayn Soomaaliya,
waxana uu sheegay in Itoobiya iyo Ereteriya aysan midna dan u hayn Soomaaliya,
isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Itoobiya iyo Ereteriya wax ay
Soomaaliya isu dhaamaan ma jirto, laba dawladood oo danahooda fiirsanaya weeya,
waxaa markaas loo baahan yahay in Soomaaliya danteeda eegato.."
Waxaa hadalkaasi aad uga duwan yahay hadalkii uu Cabdikariim Faarax "Laqanyo"
sheegay September 17, 2006 mar uu la hadlay jariidada gaarka ah ee
Itoobiya MoFA Newsletter [Dhambaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya] ayuu
waxa uu yiri: Eritrea waa in ay faragelinta kala baxdaa Soomaaliya, waxana uu
intaas ku daray: xasillooni darrida ay dhalineyso ayaa iyada saamayn ku yeelan
doona, waxana uu yiri: xiriirka Maxaakiimta iyo Eritrea waa garabaysi goboleed,
marka uu sidaas lahaa waxa uu ku daray Dadka Soomaaliyeed waxay abaal ugu hayaan
Itoobiya in ay ka shaqayneyso dhamaystirka khilaafka u dhexeeya xubnaha DFKMG
dhexdooda. Sida halkaas ka muuqata xilligaas waxa uu xigsanayey Itoobiya,
laakiin waraysiga cusub ee Maarso 14, 2008 waxa uu si qeexan isku miisaan u
saaray Itoobiy aiyo Ereteriya, oo uu sheegay in ay danahooda fiirsanayaan.
Hadda, Laqanyo, waxa uu si cad u sheegay joogitaanka Itoobiyaanka ee
Soomaaliya in ay dhibaato tahay.
Gabar soo wacday ayaa si cad u weydiisey sababta uu Laqanyo u yiri Itoobiya
iyo Eretriya waa isugu mid Soomaalida, iyadoo tiri Itoobiya waxaa naga dhaxaysay
colaad sannado badan ah, laakiin erertiriya nagama dhexayn, marka muxuu u
simayaa labadaas, Itoobiyana ay u socoto badaha Soomaalida.
Waxa uu ka jawaabey qaybta dambe oo badaha ah, oo uu yiri maadaama ay
Soomaaliya leedahay xeeb dheer (oo ka dheer 3300 km) waa in laga faa'iideysto,
taasna waxay ku iman kartaa dawlad Soomaaliyeed oo dhab ah oo danaha
Soomaaliyeed kala hadasha dawladaha deriska ah.
Buug laga filan karo in uu qoro Cabdikariim Faarax
'Laqanyo' |
Dadweyne dhegeystey hadallada Cabdikariim Faarax "Laqanyo" ayaa sheegay in ay
u arkaan hadallada cusub ee 'Laqanyo' kuwo qiyaastii 360 digrii ka duwan qaabkii
uu u hadli jirey xilligii ay Itoobiyaanku soo gelayeen Soomaaliya, markaas oo uu
Telefishanadda Itoobiya iyo warbaahinta Itoobiya si joogto ah ugaga war bixin
jirey halka ciidamada Itoobiya marayaan. Dadweynuhu waxay muujiyeen in aan la
garanayn waxa bedelay hab fikirkiisa kaddib markii laga bedeley Addis Ababa.
Shirkii
jaraaid ee uu ka hadlay Prof. Kinfe Abraham.. sida sawirka ka muuqata
waxaa dhinac fadhiya 'Laqanyo' |
Dadweynaha qaar ayaa u qaatay haddalada 'Laqanyo' in loo tarjuman karo in
madaxda Soomaaliyeed inta ay joogaan gudaha Soomaaliya ama gudaha Itoobya in
aysan xor u ahayn in ay fikir kooda si xor ah u cabbiri karaan. Tusaale waxay ku
muujiyeen in shir jaraa'id ay 29/12/2006 wada qabteen safiirka xilligaas DFKMG u
fadhiyey Itoobiya oo ahaa Cabdikariim Faarax "Laqanyo" iyo Prof. Kinfe Abraham -
(Xusuusnow xilligaasi waa markii Itoobiya soo gashay Soomaaliya). Markaas ayaa
Prof. Kinfe waxa uu ku xeel dheeraaday guulihii Itoobiya ka gaartey dagaalkii
1964 iyo 1977-78 ee ay la gashay Soomaalida, isagoo yiri labadaas dagaalba
Itoobiya ayaa guulaysatey, wuxuuna adeegsadey weedha "Victories" [Guul], oo uu
ku celceliyey: Itoobiya dagaaladaas waxay u ahayd "Victories" [GUUL], isagoo
weliba yiri dagaalladaas waxaa dhaliyey Soomaalida sheegashadooda dhulka yar ee
Ogaadeenya. Waxaana waji gabax ahayd in safiirkii dalka Soomaaliya oo goobta
fadhiya sidaas loo hadlay. Laakiin arrintaas markaas kama uu hadlin waayo waxa
uu ku sugnaa Itoobiya.. Malaha hadda ayaa ah fursaddiisii uu 'Laqanyo' ku
tilmaamayo in Itoobiya aysan dan u ahayn Soomaaliya, maadaama uusan hadda
kusugnayn Addis Ababa...
Laqanyo: Joogtaanka Ciidamada Itoobiya ay Joogaan Soomaaliya wax weyn
sooma kordhinayaan...
Maarso 18, 2008: Waraysi kale oo uu Laqanyo siiyey idaacadda codka
Maraykaanka isagoo markaas joogey magaalada London ee UK ayaa yiri: "Ciidamada
Itoobiya in ay Soomaaliya sii joogaan abid ma ahayn wixii aan ogeyn annagu
markii aan Addis Ababa joogey. Qorshaha waxay ahayd maalmo kooban in ay sii
joogayaan ayuu ahaa qorshaha aan ogaa, ee ma ogey ciidan abid Soomaaliya
haysanaya."
Laqanyo waxa uu intaas ku daray: "Ciidamada (Itoobiya) way ku daaheen
Soomaaliya, in ay intaas kusii jiraan ma ahayn."
Waxaana wax laga weydiiyey waxa mowqifkiisa bedeley, jawaabta
dhegeyso:
Hadallo hore oo laga soo xigtey Laqanyo intii
uu joogey Addis Ababa
Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2008 | updated: March 18, 2008
|