Gen. Cadde
Muuse oo Ku Guulaystey Madaxweynaha DGPL
Madaxweyne kuxigeenkana waxaa ku guulaystey
Xasan Daahir Afqurac

Jeneral Cadde Muuse Xirsi |
WAREEG |
Gen. Cadde Muuse |
Maxamed Cabdi
Xaashi |
1aad |
18 |
27 |
2aad |
21 |
29 |
3aad |
35 |
30 |
|
Garoowe | Sabti,
Janaayo 8, 2005
Doorshadii
Madaxweynaha DGPL ee maanta ka dhacday magaalaad Garoowe ayaa waxaa
ku guulaystey Gen. Cadde Muuse.
Doorashada oo
martay Saddex wareeg waxaa wareegii ugu dambeeyey isugu soo haray
Gen. Cadde Muuse iyo
Maxamed Cabdi Xaashi. Qaabkii codadka loo kala helay saddexda wareeg
waa kuwa hoos ku qoran:
WAREEGII KOOWAAD:
Waxaa
cododka loo kala helay:
Musharaxa |
Cod |
Maxamed Cabdi Xaashi
|
27 |
Gen. Cadde Muuse Xirsi
|
18 |
Cabdiraxmaan Maxamed
Faroole |
15 |
Abshir Muuse Saciid
|
5 |
WAREEGII LABAAD:
Waxaa cododka loo kala helay:
Musharaxa |
Cod |
Maxamed Cabdi Xaashi
|
29 |
Gen. Cadde Muuse Xirsi
|
21 |
Cabdiraxmaan Maxamed
Faroole |
15 |
WAREEGII SADDEXAAD:
Waxaa cododka loo kala helay:
Musharaxa |
Cod |
Gen. Cadde Muuse Xirsi
|
35 |
Maxamed Cabdi Xaashi
|
30 |
Sidaas ayey guushii kuraacday Gen.
Cadde Muuse Xirsi, uuna maanta (Jan 8, 2005) ku noqday Madaxweynaha
DGPL. Waxana uu bedelayaa Maxamed Cabdi Xaashi oo bedeley
Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaddib markii uu noqday madaxweynaha DFKMG.
Madaxweyne kuxigeena waxaa ku
guulaystey Xasan Daahir Afqurac. Warbixin faahfaahsan hoos ka akhri:
MADAXWAYNAHA DGPL Gen CADDE
MUUSE XIRSI BOQOR.
XASSAN DAAHIR AFQURAC
MADAXWAYNE XIGAHA PUNTLAND.
Sabti, January, 8 2005 |
Garoowe (Somalitalk)

Hoolka Baarlamaanka Dibadiisa | Garowe

Sanduuqa codaynta |
Waxaa maanta si rasmi ah loo
soo gabagabeeyey tartanka doorashada madaxwaynaha Punland
iyadoo jagadaas uu ku guulaystay mudane Gen. Cadde Muuse
iyadoo tartankaas ay ka qaybgaleen dhawr murashax
madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka PL Maxamed Cabdi
Xaashi oo isagu soo gaaray wareegi u danbeeyey ayaa isla
markiiba u hanbalyeyey guusha uu gaaray cade muuse xaga
codadka hadii aan fiirino waxay kala ahaayeen sidatan 30,
cod oo uu helay Maxamed Cabdi Xaashi halka uu Gen, Caddena
helay 35, cod halkaas oo uu noqday madaxwaynaha PL oo
lafilayo in uu horkaco shacabka iyo maamulka PL Sadexda sano
ee soo socota.
Sidoo kale waxaa lagalay
qaybtii labaad ee tartanka oo lagu doortay madaxwayne
kuxigeenka PL ayna isu soo hareen labada musharax ee kala
ah Xassan Dahir Afqurac iyo Xaabsade ayadoo uu ku
nasiibsaday in uu noqdo madaxwayne kuxigeenka PL Mudane
Xassan Dahir Afqurac oo helay 46 cod, waxaana goob joog ka
ahaa halkaasi dhamaan xubnaha maamulka Pl hay,adaha dowliga,
kuwa ajinabiga ahba.
Iyadoo aan wali lagu kala
dareerin hoolkii ay doorashadu kadhacday ayaa isla maanta la
dhaariyey madaxwaynihii cusbaa iyo kuxigeenkiisa iyadoo ay
halkaas ku dhaariyeen masuuliyiin ka socda maxkamada sare
ee dawlad goboleedka Puntland, sidoo kale waxaa meelo kala
duwan oo Puntland ah ka dhacay damaashaadyo loo sameynayey
madaxwaynaha cusub mudane Ge. Cadde Muuse waxayna
damashaadyadaas ka dhaceen Guud ahaan magaalooyinka Puntland
sida Garoowe, Galkacyo, Boosaso Qardho, Laascaano, Baran,
Burtinle iyo waliba kuwa kale oo aad u fara badan.
Sidoo kale dawladaan cusub
ayaa waxaa horyaal hawlo aad u fara badan sida bixinta
mushaarooyinka oo ilaa 9 bilood ay ciidamada iyo waliba
qayba kamida shaqaalaha dawladu aysan wax mushaarooyina
qaadan waxaa kale oo dawlada laga eegayaa sida ay u maarayn
doonto muranka Sool iyo Sanaag ee kala dhaxeeya mamulka
Somaliland, intaas ayaa waxaa u siidheer mamulka cade muuse
bal sida uu usoo xuli doono golihiisa wasiirada kuwaas oo
laftooda uu muran ka imaandoono iyadoo beel walbaa ay rabto
in ay hesho wax ka waafisan wixii ay horay u qaadan jirtay..
sahrasiglan
sahrosiglan@hotmail.com
| SomaliTalk | Dec 8, 2005
WAXAA
MAANTA BILAABATAY DOORASHADII MADAXWAYNAHA IYO MAAXWAYNE KU
XIGEENKA MAAMUL GOBALEEDKA PUNTLAND.
Sabti, January, 8 2005 | Garoowe
(Somalitalk)
Caasimada Puntland ee Garoowe
ayaa manta waxaa si toosa uga bilowday codbixintii doorashada
Puntland ayadoo ay bilaabatay saaka saacaddu markay ahayd 8:30,
Subaxnimo masharaxiinta ayaa isugutagay hoolka shirarka , golaha
baarlamaanka , iyo saxaafadda ee dhismaha baarlamaanka dawlad
goboleedka Puntland.
Murashixiinta isku sharaxday
jagada madaxtinimada Puntland ayaa bilaabay khudbadihii ay ka
jeedinayeen golaha baarlamaanka oo ay uga waramayaan taariikh
nololeedkooda iyo waxa ay qaban doonaan marka ay ku guulaystaan
jagada madaxtinimada Puntland.
xoghaynta doorashada Puntland
ayaa u ogaaladay murashixiinta jagada madaxtinimada Puntland
inay hadalladooda bilaabaaan ayadoo uu ugu horeeyay madaxwaynaha
Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo halkaasi hadal kasoo jeediyay ,
wuxuuna kasoo qaybgalyaaasha doorashada uu u sheegay waxqbadka
uu muujin doono marka uu ku soo baxo kursiga ugu sareeya
Putland.
Guud ahaan murashixiinta u
tartamaysa jagada madaxtinimada maamul gobaleedka Puntaland oo
tiradoodu gaarayso 7 ayaa soo gabo gabeeyay khudabadohoodii ,
waxaana sidoo kale hadalladoodii bilaabay murashixiinta u taagan
jagada madaxwayne kuxigeenka Puntland oo ay u taaganyihiin 5
murashax oo uu ku jiro ninka ugu da'ada wayn murashixiinta u
taagan labada jago ee madaxtinimada iyo madaxwayne kuxigenka oo
lagu magacaabo Nuur Magan oo da'adiisa kusheegay 91 sano , wuxuu
ballan qaaday inuu isbaddel samayn doono haddii laddoorto ,
haddii laddooran waayana uu lashaqayn doono qofkasta oo ku guulaysta
jagada uu haatan u sharaxan yahay.
Waxaa gabi ahaanba lasoo gabo
gabeeyay khudbadihii ay jeedinayeen murashixiinta u tartamaya
labada jago ayadoo lafilayo in laguda galo codayntii.
Marwo Caasho Geelle Diiriye oo
u tartamaysay jagada madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqday inti
ay khudbaddii bartanka uga jirtay inay ka tanaasushay
sharaxaada madaxtinimda Puntland.
sahrasiglan
sahrosiglan@hotmail.com
| SomaliTalk | Dec 8, 2005
Barnaamijka siyaasadeed ee Gen.
Cadde Muuse
1.
Dib u habaynta iyo dib u sixida
maamulka puntland si loo helo
maamul wax ku ool ah oo nidaam
iyo kala danbayn ku dhisan oo
wasaarad iyo hay'ad kasta
leedahay barnaamij shaqo,fulinta
barnaamijkaasna lagula
xisaabtamo oo lagu daba galo.
2. Dib u habaynta iyo dib u
sixida ciidanka amniga puntland
(police,Daraawiish iyo
asluub),si loo helo ciidan tiro
ahaan iyo tayo ahaan ku filan
sugida amniga dalka iyo
ilaalinta shuruucda dalka
ciidankaas oo xuquuqdiisa loo
heli karo
3. Xalinta iyo wax ka qabadka
colaada ka oogan deegaanada
puntland ee sool iyo sanaag,
anigoo mudnaanta koowaad siinaya
in si nabadeed arinta lagu
xaliyo lana kala badbaadiyo
dhiiga dadka walaalaha ah,isla
markaasna Somaliland dib ugala
baxaan deegaanka puntland
ciidamadooda.
4.
In la hagaajiyo qorshaha
dhaqaalaha puntland iyaado xil
wayn la iska saarayo hormarinta
wax soo saarka lagana
faaidaysanayo khayraadka
dhulka,xoolaha, badda iyo
macdanta lana raadiyo maalgalin
dibadeed iyo suuq.
5.
in xil wayn la iska saaro
horumarinta adeega bulshada,
sida Caaafimaadka, waxbarashada,
biyaha, tamarta , dawooyinka,
garoomada diyaaradaha, dakadaha
deegaanka iyo nolasha reer
guuraaga,hawlahaas oo lixdii
sano ee puntland dhisnayd aan
wax badan laga qaban.
6.
In si wayn wax loola qabsado
dawlada federaalka ee soomaaliya
ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga
faa'idaysanayo barnaamijyadeeda
dib u heshiisiinta,hub ka
dhigida,dhaqan celinta
maleeshooyinka,dib u dhiska
dalka iyo hormarinta arimaha
bulshada, isla markaasna saldhig
loo noqdo dawlada federalka ah
maadaama ay ka dhalatay
dadaalkii dheeraa oo ay dadka
reer puntland u galeen.
Barnaamijka oo Dhamaystiran.....
|
|
Faafin: SomaliTalk.com | Jan
8, 2005
Liiska
Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka DGPL
Guddiga Ansxinta & Xallinta Khilaafaadka ayaa soo dhajiyay
Xubnihii Baarlamaanka DGPL ee
2005-2007
Guji...