"Soco Shacabka Ayaad Ka Mid Tahaye!!"
Dhacdo la yaab leh oo ka dhacdey
Diinsoor....
Maxamed Macallin Cismaan
(All-man)
SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com,
fatxumaaliky@yahoo.com
Maarso 15, 2008
Qormadaan aan ugu magacdarney
"Soco Shacabka Ayaad Ka Mid Tahaye!!" ayaa waxaan Akhristeyaasha qiimaha leh ugu
soo bandhigeynaa, Taariikhda Degmada Diinsoor xiligii la degey, waqtigii Degmo
ahaan loo aqoonsadey, mas’uuliyiintii soo marey waqtiyadii hore iyo ilaa
xiligaan la joogo, intii maamulka DFKMG laga dhisey oo dhacdooyin kooban ah,
islamarkaana raad Taariikheed dhibaato ku reebey dadweynaha degan Degmada
Diinsoor iyo safar aan ku tegey Degmada Diinsoor kaasoo ujeedadiisu ahayd in
aan wax ka ogaado dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood Saxaafadda Gudaha iyo
dibada ay ka hadleen, islamarkaana u muuqdey mid u baahan in wax badan laga
ogaado halka ay gaarsiisan tahay iyo wareysiyo ku saabsan arimhaas oo aan la
yeelashey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dhaqanka [Qabiilka] iyo dadka
dhibaatooyinka ay la soo gudboonaatey, Guddiga Ammaanka Gobolka Baay oo booqdey
Diinsoor 12kii Febraayo (12/02/2008-da) si ay ugu kuur galaan tacadiyadaas ka
jirey degmada iyo dhibaato la ii geystey intii aan joogey.
Haddii aan ku hormaro Degmada
Diinsoor waxay ka mid tahay, Degmooyinka ugu caansan Gobolka Baay, xiligii
Dowladii Militeriga Degmada waxaa lagu sheegi jirey in ay tahay Degmada labaad
ama sedaxaad ee Gobolka Baay, Juquraafi ahaan waxay ku taalaa dhinaca Koofur
Galbeed ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna u jirtaa ugu badnaan marka la maro
dhinaca Qansax dheere 150 Km, halka jidkii hore ee tooska ahaana ay u jirto
120-Km.
Degmada Diinsoor Dhinaca Woqooyi
waxay xuduud la leedahay Degmada Qansax dheere, Bari Buur Hakaba, Galbeed
Saakoow, Koofur Baraawe, waxay kaloo xuduud la leedahay dhinaca Woqooyi Bari
Degmada Baydhaba, dhinaca Woqooyi Galbeed Baar dheere iyo Qansax dheere, dhinaca
Koofur Galbeed waxay xuduud la leedahay Bu’aale oo ah xarunta Gobolka J/dhexe
iyo dhinaca Koofur Bari oo ay xuduud la leedahay Degmada Qoryooley oo ka tirsan
Gobolka Sh/hoose.
Degmada Diinsoor waxaa ku
wareegsan Buuro, marka laga reebo dhinaca Woqooyi oo ay ku leedahay Dhul beereed
aad u weyn, waxayna caan ku tahay dhaqashada Xoolaha iyo Beeraha, dhulkeeduna
wuxuu isugu jiraa Buuraley, Dhul Beereed, daaqsan leh in ka badan 200 nooc oo
dhir ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Geedka Galoolka, Xararr, Dambal, Yaaq,
Quracyo waaweyn, Cadaada, Xanannka iyo Geed miroodyo fara badan oo leh Xamur
Gobka, Xamur, Mareer, Xanshile, Hohobta iyo kuwo kale oo fara badan, waxay kaloo
degmada Diinsoor leedahay Dhul banaan ah iyo Dooxooyin waaweyn oo xiliga Roobku
uu da’ayo ay maraan Biyaha Xareeda oo ay soo rogaan Buuraha iyo dhulka Taaga ah,
islamarkaana ku shuba Wabi Shabeele iyo Juba.
Degmada Diinsoor waxaa ku badan
dadka Dariiqada Suufiyada ee Saalixiyada ku xiran iyo reer Guuraa. Xilliyadii
hore waxaa dadka ku dhaqan degmada lagu qiyaasi jirey in ka badan 40,000 oo Ruux
in ay ku nool yihiin, markii ay jirtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, halka
maanta markaad eegto ay u muuqdaan in ay ku Shan jibaar mayaan, Degmada Diinsoor
waxaa hoos yimaada 9 Tuulo oo waaweyn, sida Tuulada Yaaq Baraawe, Kanaanax,
Safar Noolaay, Misire, Tugaar Hoosle, Kurmaan, Gurbaan, Raaxoole iyo
Xabiibayaal, dhamaan Tuulooyinkaas intooda badan waxay u muuqdaan kuwo noqon
kara Degmooyin kale, marka iyada laga reebo.
Degmada Diinsoor dhinac kasta oo
ka mid ah waxaa ku darsamey dhismooyin cusub. mudadii dowlad la’aanta dalka ka
jirtey, waxay ka mid ahayd Degmooyinka ugu nabadgelyada badan Koofurta
Soomaaliya oo ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka Soomaaliya
1991-dii, inkastoo hada ay qasayaan Ciidamo ay geysay DFKMG, taasoo aan la
garneyn sababta loo geeyey, dadka deegaankuna waxay leeyihiin, markii Dowlad
la’aanta jirtey ayaa nooga nabadgelyo badneyd, marka loo eega waxa maanta
degmada ka socda.
Degmada Diinsoor marka aad ku
degto bartankeeda ugu horeyn waxay indhahaagu ku dhacayaan, Xaruntii hore ee
D/hoose oo ay lahayd Degmada, marka dhinacyada kale aad eegto, waxay indhahaagu
ku dhacayaan Xaruntii Maxkmada Degmada, Boostadii, Darjiin yar, laba Iskuul oo
Hoose iyo Dhexe ah, Xaruntii Xanaanada Xoolaha, Xafiisyadii Degmada, Tiyaatarkii
iyo Xafiisyo kale oo uu lahaa XHKS ee Dowladii Militeriga, dhamaan xarumahaas
waa kuwo ay degan yihiin dad ka soo qaxay Gobolada dalka mudadii dagaalada
sokeeye ay ka qarxeen Soomaaliya 1991-dii, marka laga reebo Boostada iyo
Isgaarsiinta oo hada xafiisyo u ah maamulka hada ka jira degmada Diinsoor.
Waxaa la dhistey Garoonkii weynaa
ee Kubada Cagta oo ay lahayd Degmada, Saldhigii Booliiska qaybo ka mid ah,
waxayna noqdeen meelahaas la dhistey Xaafad weyn, Hoteelo iyo Guryo laga
kireystey Hay’adaha Ajnabiga ah ee jooga degmada.
Marka aad hore usii dhexgasho
degmada Diinsoor waxaad arkeysaa dhismooyin ay lahayd Dowlada oo gebi ahaanba
lala wareegey, islamarkaana la dhistey sida Xaruntii Korontada ee Degmada,
Kawaankii weynaa oo ay lahayd Degmada iyo Xerooyin waaweyn oo lagu xareyn jirey
Lo’ada iyo Ariga la canshuuray, dhammaan xarumahaas waxay noqdeen Bakhaaro iyo
Tukaaman ay leeyihiin dadka deegaanka.
Waxaan kaloon booqdey Isbitaal
weyn oo laga sameeyey intii ay dowlad la’aantu jirtey, islamarkaana hore u ahayd
Xaruntii Daaqa Qaranka oo ay maamusho Hay’ada MSF, wuxuuna leeyahay Isbitaalku
qaybo kala duwan, inkastoo Isbitaalkii hore ee ay lahayd Degmada uu u muuqdo mid
ay dad gaar ah leeyihiin, islamarkaana laga kireystey Hay’ada GTZ.
Isbitaalka gudihiisa waxaa iiga
muuqdey meel hawl ka socoto, balse inta badan dadka hawsha wada ay yihiin kuwo
aan xirfad buuxda u lahayn hawsha ay qabanayaan, sidaasna shaqaalo ay ku yihiin,
ma jirin Dhakhtar lagu kalsoon yahay oo joogey halkaas mid Soomaali ah iyo mid
Ajnabi ahba, waxaana la iisheegey in Shaqaalihii Hay’ada MSF ee Ajnabiga ahaa ay
ka bexeen Degmada, kadib markii lagu diley qaar ka tirsan shaqaalaha Hay’ada
MSF Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka J/hoose ah.
Bukaanka jiifey xiligaas aan
booqanayo Isbitaalka ma badneyn, balse waxaa jirey Bukaan socod fara badan oo ay
qaabilayaan, kuwo aan lahayn xifaddii Caafimaadka, taasina waxay igu dhalisay
cabsi weyn, ma jiro cid wax ka qaban karta arimahaas, balse waxaa jira kuwa
ilaaliya jiritaanka Isbitaalkaas nabadgelyadiisa iyo soo xaadirka shaqaalaha
mushaarka keli ah fiirsanaya oo dadka aan waxba u qaban Karin xirfad yari
awgeed in dhibaato ay garsiyaana ay dhici karto.
![](aargo.jpg)
Aargada Degmada Diinsoor
Degmada Diinsoor waxay kaloo
lahayd Iskuul Dugsiga sare oo ku yiiley dhinaca Woqooyi ee Degmada oo hada gebi
ahaanba bur bursan, Kaalin Shidaal oo u baahan xiligaan dayactir yar, Xarun weyn
oo lagu keydin jirey Dalaga Beeraha ka soo go’a oo hada gebi ahaanba u muuqata
mid noqon raba Isbitaalka Degmada Diinsoor qaybta xanaaneynta caruurta,
Haweenka iyo kuwa Shuban Biyoodka uu ku soo dhaco, Iyadoo ay ka muuqdaan raadkii
Bakhaarada keydka (ADC), halkii laga rabey Hay’ada MSF in ay ka hirgeliso
dhisme Isbitaal cusub oo ay iyadu maamusho.
![](mirifle2.jpg)
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Digil iyo Mirifle...
Guddoomiye ku xigeenka Golaha
Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle Ugaas Barre Cali Maadeey oo aan wax ka
weydiiyey taariikh-da Degmada Diinsoor xiligii la degey, goorta degmo ahaan loo
aqoonsadey iyo maamuladii soo marey intii aan Kacaanku dhalan iyo wixii ka
dambeeyey ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri “ Degmada Diinsoor waxaa
la degay 1920-kii, intii aan la degin waxaa lagu magacaabi jirey {KAXAREEY}, nin
la yiraahdo Dhuroow Roobow oo ku duugan Degmada Baardheere ayaa heley ceelkii
ugu horeeyey ee laga qodo, waxayna ahayd meel oomane ah oo dadka safarka ah ay
ku mari jireen dhakhso, ninkaan isagoo safar ah ayaa ku furtey Rati uu watey,
ceelkaasina waxaa la oran jirey (Dheenleey), Degmada Diinsoor xiligaas waxaa
laga xukumi jirey Baardheere” ayuu yiri Ugaas Barre Cali Maadeey oo hadalka sii
wata ayaa intaa ku darey
“Waxayna ahayd xiligii Gumeysiga,
Talyaaniga ayaa 1951-dii u aqoonsadey Degmo, Todobo Gudoomiye ayaa isku bedeley
laga soo bilaabo 1951-dii ilaa 1961-dii, wixii xiligaas ka dambeeyey iyo ilaa ay
ka burburto Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa soo marey 14 Gudoomiye iyo 5 Duq
Magaalo, magaca Gudoomiyihii ugu horeeyey oo xilka qabta waxaa la oran jirey
MUNYE DHEERE, qabiilkiisuna wuxuu ahaa Reer Baraawe, waxaa ku xigey Xuseen Axmed
oo Qabiilkiisu ahaa Gasaar gude, waxaa ku xigey nin Majeerteen ah oo lgu
naaneysi jirey AXMED YEKOOW, waxaa lagu bedeley isna CALI KOONTE oo u dhashay
Qabiilka Moobleen, waxaa ku xigey XASAN Qararac oo u dhashay Qabiilka Murusade,
waxaa xilkii isna kala wareegey Jibriil Maxamed Qaasim, waxaa isna xilkii kala
wareegey Maxamed Cismaan Baarbe oo hayey xilka 1959-1961-dii, oo u dhashey
qabiilka Geledi, waxaa isna xilkii kala wareegey Cabdi Gabeyre oo u dhashey
Qabiilka Murusade, Isaaq Bataar oo u dhashey Qabiilka Waanjeel, Maxamed Xaaji oo
u dhashey Qabiilka Reer Baraawe, Diiriye Hindhig oo u dhashey Isaaq, waxaa ku
xigey Jaamac Darbaal oo u dhashey DhulBahante, Ibraahim Cilmi Bulaale oo u
dhashey Habar Gidir, Xareed Daahir oo u dhashey Majeerteen, Abuu Shanam oo u
dhashey Qabiilka Tumaal, waxaa isna ku xigey Cabdullaahi Shoobaro oo u dhashey
Mareexaan, waxaa ku xigey, Maxamed Xaaji Cumar oo u dhashey Majeerteen, waxaa ku
xigey Cadaay oo isna u dhashey Qabiilka Gaaljecel, Gudoomiyihii ugu dambeeyey
xiligii Dowladii Militeriga wuxuu ahaa Sh. Axmed oo isna u dhashey Mareexaan.
![](diinsoor.jpg)
Qayb ka mid ah Xaafadaha Degmada Diinsoor
19-kan Gudoomiye dhamaantood
waxaa soo magacaabi jirey Dowladihii Gumeysiga iyo kuwii kale ee Soomaaliya
markii ay xornimada qaadatey, waxayna ku imaan jireen hadaba ruuxa ay Dowlada
xiligaas jirta ay u aragto in danaheeda ka fulinkara.
Sidoo kale degmada Diinsoor waxaa
soo marey 5 Duq Magaalo, Duq magaalihii ugu horeeyey oo muddo badan isaga soo
daba noqdey wuxuu ahaa Macallin Cali Xasan oo u dhashey Beesha Dabare, waxaa ku
xigey Cismaan Yuusuf oo u dhashey Shiikhaal, waxaa ku xigey Daahir Xaaji madad
oo isna u dhashey Shiikhaal, waxaa ku xigey Xaaji Maxamed Nuur Sh.Xuseen, waxaa
ku xigey Madoobe Nuunow Maxamed oo xilka soo qabtey wixii ka horeeyey 1986-dii
oo hada ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka DFKMG, wixii Xildhibaanka ka dambeeyey
hawshu waa is bedeshey waxayna noqotey in labada jego uu isla qabto Gudoomiyaha
Degmada.
![](diinsoor2.jpg)
Qayb ka mid ah Xaafadaha Degmada Diinsoor
Markii ay bur burtey Dowladii
dhexe ee Soomaaliya waxaa maamulkeeda qabtey oo Guddoomiye ka noqdey Xaaji
Siidow Maxamed Cumar oo hadda ah xubin ka tirsan Guddiga dibu-heshiisiinta
Qaranka ee DFKMG, waxaa ku xigey Maxamed Cali Aadan (Mad xalwo) oo isna hada ah
xoghayaha Warfaafinta Gobolka Baay, islamarkaana ah mudane Golaha Deegaanka
Degmada Diinsoor, waxaa ku xiga Dr. Cabdixafiid Sh. Xuseen oo hada ah
Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ee ay ku ogtahay DFKMG.
Degmada Diinsoor waxaa ka jira
maamul hoos taga DFKMG oo uu guddoomiye u yahay Dr. C/xafiid Sh. Xuseen, oo sida
ay dadweynuhu sheegaan aan waxba u qaban dadka iyo deegaanka, in muddo ahna
wuxuu hayaa xilkaan ku dhowaad 8-Sano, DFKMG waxay ku soo siyaadisay ma jiraan
marka laga reebo 23-ka xubnood ee Golaha Deegaanka oo uu isagu ka mid yahay oo
ay sharciyeysay, in ay yihiin mas’uuliyiinta degmada.
Degmada Diinsoor waxaa degan ugu
yaraan 5-Hay’adood kuwaasoo sheegta inay deegaanka ka qabtaan Hawlo isugu jira
Daweynta, ka hortaga iyo barista cudurada Xoolaha, caafimaadka dadka,
wacyigelinta dadka iyo abuurista xirfado shaqo, balse marka si hoose loo eego ay
jiraan dhaliilo waaweyn, kuwaasoo aan si dhab ah loo shaacin Karin.
Dhammaan dadka ka shaqeeya
Hay’adahaan waxay u badan yihiin kuwo lagu soo xuley qaab beel ahaan, mana ahan
kuwo aqoon lagu kalsoon yahay lagu soo xuley, inkastoo dadweynaha Degmada ay ii
sheegeen xiliyada ay Hay’adaha jooga deegaanka ay dad u baahdaan la soo dhejiyo
Imtixaano Bug ah, hadana waxaa laga qaataa xubintii cusub ee aan ku baasin
Imtixaanada lacag, markii aan weydiiyey sababtaas waxa keeney ayaa waxay iigu
sheegeen in maamulka Degmada iyo Gudi gaar ah oo Beelaha deegaanka ka mid ah ay
ka qaataan lacago laaluush, mar aan ku sameeyey baaris arimahaasna waxaa ii
muuqdey sawiro muujinaaya arimahaas, waayo waxaan indhahayga ku arkey in inta
badan shaqaalaha ka shaqeeya Hay’adaha ay yihiin dadkii Tujaarta ahaa
carruurtooda islamarkaana lagu naas nuujinaayo, halka kuwii aqoonta lahaa ee
dadka taagta darana loo diidey in ay helaan fursado shaqo, taasoo ay ku ogyihiin
dhamaan mas’uuliyiinta Hay’adaha Ajnabiga ah ee ka hawlgala degmada, taasina
waxay ku qasabtaa Mas’uuliyiintii Hay’adaha in dib ay ugu furaan tababar muddo
soconaya isagoo shaqaale ah.
Arintan ayaa waxay ka mid tahay
dhibaatooyinka Bani’aadaninimo ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee uu
daashadey dirirta dadka hamuunta weyn u qaba qabashada xilalka ugu sareeya dalka
iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo aan eegeynin inta u dhimata maalinta kasta
ujeedooyinkooda guracan, una barakacda in badan oo aan awoodin nolol
maalmeedkoodii iyagoo qayb kasta leh.
Sidoo kale mar aan si hoose u
eegey shaqaalaha Ajnabiga ah ee ka hawlgala degmada Diinsoor, iyaguna waxaa iiga
muuqdey kuwo ay ka muuqato calaamooyinkii Xirfadlayaasha, balse aysan wada ahayn
kuwo aqoontooda ay dhameystiran tahay, inta badana ay la shiraan mas’uuliyiinta
maamulka degmada iyo Ugaasyada Beelaha, halkii laga rabey in codka bulshada la
qiimeeyo.
Dadweynaha Diinsoor waxay kaloo
ii sheegeen in Maamulka Degmada Diinsoor uu Hay’adahaan ka qaato lacago gaar ah
kuwaaso aan la ogeyn tiradooda, ilaa iyo intii ay soo degeen degmada, mar aan
weydiiyey sababta looga qaadayo lacagtaas ayaa waxay iigu sheegeen in arimaha
Amaanka oo kale looga qaado, balse isku dayo fara badan oo aan sameeyeyna iima
suura gelin inaan helo xogtaas dhab ahaanteed.
Degmada Diinsoor ma laha Iskuulo
madax banaan marka laga reebo mid ay maamuli jirtey Hay’ada Al-Islaax oo hada
dhaqaalo yari darteed Macallimiintii wax ka dhigayey qaarkood ay isaga tageen,
islamarkaana dhaqaalihii ay siin jirteyna ka joojisay, halka kuwa hada joogana
ay yihiin kuwo ay ka muuqato daruuf dhaqaale, maamulka degmada ma jiro wax uu ku
taakuleeyo, mana jiraan Iskuulo kale oo Sare iyo H/dhexe ah oo degmada ka jira.
Sidoo kale marar badan oo aan
booqdey Suuqa degmada Diinsoor ayaa waxaa iiga muuqdey in uu jiro sicir barar
dhinaca Xoolaha iyo kan daruuriga ah, waxaana sare u sii kacaayey qiimaha kala
duwan ee Xoolaha sida Geela, Lo’ada, Ariga, Dameeraha iyo Digaaga iyo maciishada
daruuriga ah.
Birimada Geela ee Hilbaha ah
waxaa lagu kala gadanayey 13,000,000-14,000,000-Sh.So [14 Milyan], halka Lo’ada
Dibida waaweyn lagu kala gadanaayey 6,500,000- 7,000,000-Sh.So [7-Milyan], halka
birimada Ariga jarka ah ee Hilbaha ah lagu kala gadanaayey 900,000-1000,000
Sh.So, halka Dameerahana mida dhediga ah lagu kala gadanaayey 3000,000 Sh.S0,
halka kuwa la rarto ee Labka ay marayeen 2,500,000 Sh.S0, Birimada Digaaga ayaa
waxay mareysay 100,000 Sh.So.
![](lacag.jpg)
1000 Sh.So ee ugu dambeeyey oo la kala soocayo,
inta laaban wuxuu doonayaa in laga bedelo qofkan, wuxuuna ku gatey Neef
Xoolo ah
Qiimaha quutul daruuriga ee
Miraha dalka ka soo go’a waxay marayeen sida, Digirta 1-Kgrm waxaa lagu kala
gadanaayey 5000, Sh. So, Galeyda 3500, Sh. So, Masagada 2500, Sh.So, halka
Caanaha Liiterkii lagu kala iibsaneyey 7000 Sh.So, Subaga 1-Liiter 54000, Sh.So,
Malabka 1-Liiter uu marayey 90,000 Sh.So, halka Alaabta kale ee laga keeno
dibada sida Bagaashka kala duwan iyo dharkuna ma lahayn qiimo degan, waxayna la
socdeen isbedelka lacagta qalaad, inkastoo Degmada Diinsoor ku dhowaad
15-maalmood sare uu u kacay qiimaha Doolarka, kadib markii uu yaraadey soo
gelitaanka magaalada, islamarkaana uu batey isticmaalkiisa Ganacsatada kala
duwan ee Degmada iyo kuwo kale ee dadka Xoolaha keena ah.
Dadka reer guuraaga ah waxay ku
jireen guur guur iyo Bal daaq si meelaha Xoolahooda Biyaha iyo baadka ay uga
helayaan u tagaan, deegaankuna waxaa ka jirey Jiilaal aad u kulul, dadka
Beeraleyda ayaa waxay ku jireen diyaarinta qalabka Beeraha iyo diyaargarowga
xili roobaadka sanadka cusub.
Dhaqaalaha laga soo aruuriyo
dadweynaha Degmada Diinsoor waxay leeyihiin lama oga halka ay ku baxaan, maalin
kasta waxaa nalaga qaadaa Canshuur, lagumana dayactiro Xarumihii hore ee
Dowlada, waxaana Burbursan Xaruntii D/Hoose, Jidadka soo gala Degmada iyo qaar
ka mid ah Iskuulada Degmada, maamulka degmada ma siiyo wax ahmiyad ah dhinaca
wax-barashada, dadka Tujaarta ah ee degmada Caruurtooda inta badan waxay u
dirsadaan dalalka Dibadda sida Kenya IWM iyo Gobolada Soomaaliya ee ay ka jirto
wax-barashada tayeysan, dadka taagta daran ma helaan caruurtooda wax-barasho,
waxaana halkaasi ku baaba’aya labo jiil wax-barashadooda sida kii hore iyo
jiilka cusub, haddii aan lahelin cid wax ka qabta rimahaasi waxaa imaanaya in
deegaankaas ay ka soo ifbaxaan laba jiil oo aan helin waxbarasho, islamarkaana
waxay halis ugu jiraan in degenaasho la’aan ay ka soo barqato.
Degmada Diinsoor waxaa jira
ciidamo Militeri oo joogey ku dhawaad 9-bilood, waxayna ka geysteen dhibaatooyin
isugu jira dil, dhaawac, dhac, faraxumeyn, jir dil, Xarig, oo ay u geysteen in
badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta Degmada oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada
Diinsoor oo ay soo xireen dabayaaqadii sanadkii tegey bishii Agousto 2007-da, ku
xigeenadiisa, kuwo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Taliyihii Saldhiga
Ciidamada Booliiska Degmada Diinsoor, xubno fara badan oo isugu jira Macallimiin
Dugsi, Wadaado Tabliiq ah, Ganacsato kala duwan oo isugu jira kuwo deegaanka iyo
kuwo safar ku maraayey halkaas, islamarkaana u diideen dadweynihii Degmada War
weyn oo dadka iyo Xoolaha ay ka helayeen Biyaha, taasoo hore loo isticmaali
jirey, iyagoo aan sheegin sababta dhabta ah ee ay ugu diidayaan dadweynaha,
balse waxay ahayd halka iyagu xarunta ka dhigteen, Wartan ayaa waxay ku taalaa
Woqooyi bari ee degmada, waxayna u jirtaa magaalada ilaa iyo 5-Km.
![](diinsoor1.jpg)
Wartii ay Ciidamada Militarigu u diideen dadka iyo Xoolaha
Dadweynaha Degmada Diinsoor waxay
si hoose u sheegayeen Ciidamda Militeriga ah ee jooga waxay ilaaliyaan danaha
Kooxo gaar ah oo aan u tureynin danta shacabka iyo tan deegaanka, maamulka
degmada Diinsoorna ma taageersana jiritaanka DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ee
waxaa laga Xukumaa Dalka dibadiisa sida Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka
Carabta, tan iyo intii ay bur burtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, Maamulka
Degmada Diinsoor ma ogola in shacabka deegaanka uu horumar gaaro, sababtaas ayaa
keentey in shacabka loo soo kireysto Ciidamo aan u dhalan Deegaanka ayey
leeyihiin.
![](geel.jpg)
meel ku dhow Suuqa Xoolaha Diinsoor ayna ku yaalaan Ceelal
badan oo Xoolaha laga Shubo
Shacabka Degmadu waxay kaloo si
hoose u leeyihiin Ciidamadan Militeriga ah ee jooga Degmada inta badan ma ahan
kuwo ku eg sharcigii iyo sharaftii loo igmadey, waxayna faraha la galaan hawlaha
Ciidamada Booliiska iyo hawlaha u gaarka ah shacabka, ciidamada Militerigu
waxay rabaan ayey iska sameystaan, ninka ay rabaana ay iska xirtaan, iyaga ayaa
Booliis ka ah, iyaga ayaa Militerina ka ah, iyaga ayaa Minishiibina ka ah, Nabad
sugid ka ah, Hay’ad gargaar ah oo qaybisa ah, islamrkaana dhacana raashiinkii
loo qaybinayey dadka shacabka ah, iyagaana Maamul Degmo ka ah, halkii laga rabey
in ay ku ekaadaan amaanka guud ee dalka iyo kan Degmada.
Halka Maamulka Degmaduna ay ku
sheegayaan in uu ka gaabiyey ka hadalka falalka kala duwan ee ay geysanayaan
Ciidamada Militeriga, islamarkaana uu u sheego khaladaadkooda Saraakiisha iyo
ciidamada kale ee ay xukumaan, halka Golaha Deegaanka Degmaduna ay ku sheegayaan
in ay ku kala qaybsan yihiin dhibaatooyinka kala duwan ee loo geysto shacabka,
qaar waxayna leeyihiin waxa wata dhibaatooyinka Maamulka Demada iyo kuwo yar oo
fara ku tiris ah oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada, halka kuwo kale ay
leeyihiin arrintaan waxaa wata xubno aan ka mid ahayn maamulka degmada iyo
odayaasha, islamarkaana doonaya in shacabka la caburiyo, waxay kaloo doonayaan
in baahi kasta oo loo baahdo si deg deg looga helo shacabka qaybihiisa kala
duwan, islamarkaana aysan u noqon kuwo madaxa kor u soo qaada.
Shacabka ku nool Degmada Diinsoor
waxay kaloo ii sheegeen ma nihin kuwo xor u ah fikirkooda, waxaana lagu
cabsigeliyaa in lana xiraayo, qofku haddii uu si toos ah u soo bandhigo
aragtidiisa ku aadan dhinaca maamulka degmada, kan DFKMG, marka aad wax weydiiso
waxay ku leeyihiin hay baxargelin hadda banaanka ayaan joogaaye
Dhinaca kale Ciidanka jooga
Degmada Diinsoor ma ahayn kuwo haysta waxyaabihii nolosha ciidamada daruuriga u
ahaa sida ma haystaan Teendho ay kuleylka iyo Qabowga ka galaan oo Ciidamad lagu
yiqiiney, ma haystaan mushaar nolol maalmeedkooda ay ku dabaraan, waxa keliya ay
haystaan ayaa wuxuu yahay Bariis qalalan oo ay ka qaataan degmada oo aan lahayn
iidaan dhameytiran, maadama ay yihiin muwaadiniintii dalka, halkaas waxaa ku
maqan xuquuqdooda, taasina waxay dhilinkartaa haddii ay sii socoto in falalka
hada ay wadaan kusii laba lixaadsadaan, islamarkaana waxay keenidoontaa falal
ammaan darro, kuwa hadda jira mid ka daran.
Mar aan u kuur galey awoodda
Ciidamada Booliiska ee jooga Degmada Diinsoor, islamarkaana aan wax ka weydiiyey
dadweynaha hawlaha ciidamada Booliiska ayaa waxay iigu sheegeen in tiradoodu ay
tahay 28 oo laba Haween ay yihiin, aysan kaafin karayn baahida nabadgelyo ee
Degmada xilligaan la joogo, sababtoo ah waxaa jira wada shaqeyn la’aan Booliiska
iyo Ciidamada Militeriga, inkastoo shacabka degmada ay yihiin, kuwo nabadda wax
kasta ka hormariya, balse qas iyo qalaanqul ay ka wadaan Kooxaha daneystayaasha
ah, shacabkuna uu fahansan yahay hawlaha ay faraha kula jiraan, si aysan u
imaan nabadgelyo xumo ay uga aamusan yihiin.
![](nuurow.jpg)
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Baay Shiine Macallin Nuuroow...
Dhammaan arrimahaan iyo kuwo kale
oo fara badan oo ka dhacay degmada Diinsoor ayaa waxay keentey in qaar ka mid ah
mas’uuliyiinta degmada ay qoraallo dacwad ah ka soo gudbiyaan maamulka degmada,
ciidamada Militeriga oo inta badan sabab u ahaa waxa ka dhacaaya Degmada iyo
halka qaar ka mid ah guddi in muddo ah soo shaqeynayey oo hada isu rogey mid
awoodii Xildhibaanada Golaha Deegaanka, kan maamulka degmada, kii Gobolka Baay,
tii Xukuumada, tan Golaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta sare ee DFKMG isku
fuuqsadey, islamarkaana ku adeeganayey Ciidamadan Militeriga ahaa, bareyna arrimahaas in Militeriga dadka sidaas ula dhaqmaan, waxayna keentey in la diro
Guddi Xaqiiqo raadin ah oo arrimahaan soo baara, si go’aan mideysan looga gaaro,
kaddib markii ay ka war heleen Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee uga jira
Deegaankani waxa dhacaaya, waxaana la soo direy, Wafdi xaqiiqo raadin ah oo uu
hogaaminaayo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, ahaana kusimaha Gudoomiyaha Gobolka
Baay Md. Shiine Macallin Nuurow oo ka kooban shan xubnood, 11-kii Febraayo
[11/02/2008-da].
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka,
ahaana kusimahii Gudoomiyaha Gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow “annagu in
dadka la caddibo oo la juujuubo raalli kama nihin, wax amar ahna kama bixin”.
Wafdigaan ayaa wuxuu la kulmey
xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor, Ugaasyada Beelaha, Culumaa’udiinka,
Ganacsatada iyo waxgaradka Deegaanka, kuwaasoo dhamaantood wax laga weydiiyey
falalka is daba joog ahaa oo maalmihii aynu ka soo gudubney ka dhacaayey
Degmada Diinsoor taasoo ay wadeen Ciidamada Militeriga ee jooga degmada,
falalkaasoo isugu jiray dil, dhac, Kufsi, Jirdil iyo handadaad is dabajoog ah.
Shiine Macallin Nuurow oo aan wax
ka weydiiyey Ujeedada socdaalkooda, cid ku wehlisa safarkiisa, sababaha keeney in
degmada Diinsoor xiligaan la soo booqdo, dhibaatooyinkii loo geystey dadweynaha
Degmada Diinsoor waxa lagu xaliyey ayaa wuxuu yiri socodkayaga wuxuu ahaa hawlo
Ukuurgelida xaalada nabadgelyo, tan siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Degmada
Diinsoor, waxaana ila socda Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Baay, G/S/
Ibraahim Macallin Kutub, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Baay, G/S/ Maxamed
Macallin C/raxmaan, Madax C.I.D-da Gobolada Baay, Bakool iyo Geddo iyo xubno ka
socdey Dowlada Dhexe, waxaana muddooyinkan hakad ku jirey hawlaha Gobolka Baay,
Wasaaradda Arrimaha Gudahuna waxay ka soo saartey wareegto in maamulka aan sii
wado inta kan kale laga dhisaayo, diyaarinta socodsiinta hawlaha Gobolka waxayna
nagu qaadatey in muddo ah, hawlaheena shaqo waxaa ka mid ah cabashooyin naga soo
gaarey degmada Diinsoor oo ay ka mid ahaayeen, in ciidamada nabadgelyada ay
geysteen fal fool xun oo isugu jira dil, dhac iyo is afgaranwaa saraakiil ka
tirsan Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militeriga, islamarkaana ay sababtey in ay
hakad galaan hawlihii shaqo ee Degmada Diinsoor”.
![](baay.jpg)
bidix Madaxa C.I.D-da Gobolada Baay, Bakool iyo Geddo, midig
Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Baay
Mar uu ka hadlaayey
dhibaatooyinka loo geystey dadweynaha degmada Diinsoor waxa lagu xaliyey ayaa
wuxuu yiri “arrimahaasi dib ayaan ka soo sheegidoonaa qoraalana waan ka soo
saaridoonaa, anagu in dadka la cadibo oo la juujuubo raali kama nihin, wax amar
ahna kama bixin”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobey Md. Shiine Macallin Nuurow.
Qaybo ka mid ah Daadka
Xad-gudubyada Xuquuqda Aadanaha ee ay geysanayeen ciidamada Militeriga DFKMG
ee joogey Degmada Diinsoor.
Intaa kadib waxaan bilaabey
baaritaano falalkii kala duwanaa ee ka dhacey degmada Diinsoor intii aan imaan,
xiliga aan joogay waxa dhacaayey iyo sababaha keeney, arimahaas waxaan la
kulmey islamaalintaas 11/02/2008-da
Marwo Iisho Cismaan Kuule oo ka
mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen Ciidamada Militeriga ah ee joogey Degmada
Diinsoor, islamarkaana kuweysey Gacanteeda Midig, ahaydna Haweeney aan lahayn
wax caruur aan waligeed dhalin wax ka weydiiyey qaabka ay wax u gaareen ayaa
waxay tiri:
“waxaan tegey meel laga
bixinaayey mucaawino, ma wadan wax Hub ah, waxaan watey oo keli ah Alaab aan
kusoo qaadanayo mucaawinada la bixinaayey qaybta isoo gaarta, abbaarihii
saacaddu marka ay ku beegneyd 12:00 Duhurnimo, Taariikhduna ay tahay 12-kii
Janaayo [ 12/01/2008-da], ayaa anigoo saf ku jira oo hore iyo gadaalna ay naga
jiraan Ciidamada Miteriga oo dadku ay ku kala ceyrinayaan Gaari Baroon ah
Guuxiisa, islamarkaana u sameynaya arrintaas si ay iyaga u boobaan dadka oo
xabbadana ay dadka ku ridayaan, dadkuna aysanba waxba u arkeyn Xabadaha
dhacaaya, waxa keliya ee u muuqdeyna ay ahayd Raashiinka ayaa nin lebisan nagu
soo ordey aniga iyo Haweenkii kale ee safka kuwada jirney, intuu Qori nagu
foorariyey nagu yiri “Fariista fariista, markii dambana waa nagu furey, aniga
goobtii ayaan ku dhacay” ayey tiri.
![](iisho.jpg)
Iisho Cismaan Kuule oo Gacanteeda ku weysay Xabbado ay ku
dhufteen Ciidamadii Militeriga ee Diinsoor joogey..
Iisho Cismaan Kuule oo hadalkeeda
sii wadata ayaa intaa ku dartey “in xabbaddii iyada ku dhacdey ay isu gudubtey 4
Haween kale, islamarkaana mid Qoorta ayey uga dhacdey, mid Adinka, mid Gacanta
iyo mid ay dhexfariisatey waatan anigana gacanteyda midg ayaan ku waayey”.
Mar aan weydiiyey Ninkii falkaan
geystey halka uu ku dambeeyeyo ayaa waxay tiri “Ninka falkaan geystey wuxuu ka
mid yahay Ciidamada sida tooska ah u jooga Degmada Diinsoor, cid wax ka qabatey
ma jiraan ee waxaan si naxariis leh uga codsanayaa dadka Soomaaliyeed ee jooga
Dunida Dacaladeeda haddii ay jiraan cid wax ka qaban karta dhibaatada igaartey
in wax la iiga qabto” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay Iisho Cismaan Kuule
iyadoo ka xun sida loo dhibaateeyey, islamarkaana aan cid ay ugu dacwooto aysan
jirin.
Awkuusha “Gabadheydii waxaa lagu
diley Gurigeyga hortiisa, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey
foolaneysay…”
![](awkuusha.jpg)
Awkuusha Aadan Mayoow
Sidoo kale Aabaha dhalay
gabadhii Uurka lahayd ee lagu diley dhowaan Degmada Diinsoor oo lagu magacaabo
Awkuusha Aadan Mayoow oo ah Odey dadka Ugaarsatada ah oo aan haysan wax
dhaqaalo ah, islamarkaana ku shaqeyta Ugaarsiga iyo jarida dhista lagu dhiso
Guryaha ayna ka muuqato wajigiisa daruuf daran ayaa waxaan wax ka weydiiyey
qaabka uu u dhacay dilka gabadhiisa, sababaha keeney in la dilo, halka lagu
diley, cida ka dambeysay dilka gabadhiisa iyo waxa loo qabtey ayaa wuxuu yiri:
“Gabadheydii waxaa lagu diley
Gurigeyga iridkiisa 12 maalmood ka hor, haddii aan kaaga waramo qaabka uu u
dhacay dilka wuxuu ahaa, anigoo ka imid daqiiqado ka hor banaanka guriga, neef
Ari ah oo iga lumey ayaa gaduudane iga cuney, waxaana ka imid raadintiisa,
markii aan arkey neefkii la cunay ayaan dib ugu soo noqdey Gurigeyga waxaana soo
doontey Qaanso iyo Leeb si aan u dilo gaduudanaha, balse markii aan ka soo baxay
Guriga iyadoo Gabadheyda ila jirta ayaan waxaan ka war helay istaag, markii aan
istaageyna waxaan iri maxaa dhacay, waxaa laygu yiri dhig markii aan dhigaayey
iyo markii ay ku dhacaysey Gabadheyda Xabada isku mar bay ahayd, Gabadheyda
ayaan qabsadey, anigana wax hub ah ma wadan, markii ay ku dhacdey Xabada
Gabadheyda, mid ka mid ah ciidamada ayaa wuxuu yiri “yaa soo ridey xabada, mana
jirin wax jawaab oo aan markaa maqley oo aan dareemikarey sidaas buuna u dhacay
dilka gabadheyda, Gabadheydu waxay ahayd 25 Sano jirin leh laba caruur ah oo yar
yar, islamarkaana Uur laheyd, intii aan la dilin habeenkii oo dhan ayey
foolaneyday” ayuu yiri Mr Awkuusha.
Mar aan weydiiyey in wax hore ka
dhexeeyeen isaga iyo ciidanka ayaa wuxuu yiri “ anigu wax ciidan la yiraahdo ma
garanaayo, wax aan kuwada kulaneyna ma jiraan”.
Sidoo kale mar aan weydiiyey waxa
ay u qabteen maamulka Degmada iyo kuwa kale ee ciidamada, waxaa uu ku jawaabey
“ma jiro wax ay ii qabteen, waxayna igu yiraahdeen Baydhabo ayaan kuudireynaa,
warqad Qoraal ah ayaan ku siineynaa,”.
Sidoo kale mar uu ka hadlaayey
xubnihii yimid in uu la kulmey iyo in kale ayaa wuxuu yiri “markii aan maqley
ayaan u tagey mana jiraan wax ay iweydiiyeen dadka yimid, ee waxaan DFKMG ka
codsanayaa in xaqa gabadheyda ay isiiso, maadaama ay iyadu tahay Dowladii dalka
ka jirey tahay“. Ayuu hadalka ku gunaanudey Mr. Awkuusha.
Diinsoor Markaan Tegey Maxaa
Dhacay, Maxaase igu Dhacay?!!!
![](allman2.jpg)
Maxamed Macalin Cismaan "Allman"
Sideedaba Saxafigu waxa uu ku socdaa Seefaha lagu silciyo Shucuubta Caalamka
kuwooda ugu khatarsan, isagoo doonaya in uu soo bandhigo halka ay gaarsiisan
yihiin Seefahaas lagu silcinaayo Shucuubta kala duwan ee caalamka, taasoo hadba
mid kasta Aqoontiisa iyo garashada waxa uu la kulmey uu u soo gudbiyo dadyowga
Dunida, inkastoo qaar ka mid ah Bulsho weynta caalamka ay ula muuqato inuu la
safan yahay koox gaar ah marka laga reebo tan dowliga ah iyo mid ay leeyihiin
kooxaha ku kacasan Dowladahooda.
In badan oo ka mid ah shucuubta caalamka iskama warhayaan waxa dhexooda lagu
kala wado, halka kuwa og qaarkood aysan awoodin in wax ay ka qabtaan, halka
kuwa awooda ee ogna ay u bareerayaan silica Seefahaas kala duwan oo ay dadka u
geysanayaan, waana tan keenta in ay ku dhibtoodaan ama ay ku waayaan in badan oo
ka mid Suxufiyiinta Caalamka Noloshooda, taasoo jiritaankeeda ay dadyowga dunida
hadba si u adeegsadaan.
Uma tegin aniga in Xero Ari laygu xiro Diinsoor, waxaana u tegay laba
arimood, kadib markaan arkey wajiyada add adag ee iska soo horjeeda Ciidamada
Ethobia, kuwa DFKMG oo is-garabsanaya iyo Kuwa ka soo horjeeda joogitaanka
Ciidamada Ethobia iyo fikirka DFKMG oo iila muuqdey in midba midka kale uu
ii tiirinaayo, islamarkaana aan dareemey sawiro muujinaaya arimhaas, ayna qayb
ka yihiin dadka wada xubno wax aan hubsaneyn ayaa waxaan go’aansadey inaan
joogitaanka Magaalada Baydhabo wax ka bedelo, waxaana iisoo baxdey inaan aado
Degmada Diinsoor oo markaa iila muuqatey meel hal dhinac oo keli ah ay joogaan,
islamarkaana ay ka dhacayeen dhacdooyin badan kalana socon kara waxa ka dhacaya
Gobolka Baay iyo inaan wax badan ka ogaato dhibaatooyinkaas ay geysanayeen
Ciidamada Milieriga DFKMG ee joogay Diinsoor oo Saxaafada gudaha iyo dibada ay
ka hadlayeen markaa.
![](xero.jpg)
SAWIRKAN WAA XERADII LAYGU XIREY DEMBI LA'AAN
OO MARKII AAN KA SOO BAXAY SI FARSAMEYSAN AAN U QAADEY...
“Abbaaro 12:30 daqiiqo ee Duhurnimo 19/02/2008 –da ayaa mid ka tirsan
ciidamada Militeriga ah oo ku lebisan dharka Tuutaha ii yeerey mar aan ka soo
baxay Hoolka shirarka Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor oo Siminaar uga socdey
qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada, anigoo la socda
Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Baay Md. Maxamed Cali Aadan (Mad Xalwo)
oo aan doonayey inaan wareysi ka qaato, markii uu ii yeerey ninkaan Militeriga
ah ayaan waxaan ugu jawaabey Walaallow ruux mas’uul ayaan la socdaaye marka aan
ka soo dhameysto ayaan kuu imaanayaaye isug.”
Wuxuuna iigu jawaabey maya waa Amar ee soobax waad soo noqoneysaaye, markii
aan weydiiyey amarku muxuu yahay si kulul buu iila Hadley wuxuuna yiri “waad
soconeysaa wax dib aad u soo noqoneyso ma jiraan ee soco oo i hor kac.”
“Anigana waxaan u sheegey ku raacimaayo ee iska bax, markale ayaa wuxuu igu
yiri war taliyaha ayaa ku wacaaya ee soo bax waad soo noqoneysaaye, mas’uulkii
ila jirey ayaa igu yiri raac maadaama uu isagu ka Saxaafad ahaan wakiil iga
yahay, markii aan raacey waxaa si khasab ah oo juujuub ah laygu saarey Gaari
Tikniko ah oo uu saaran yahay Qoriga Dhashiikaha, intii uusan dhaqaaqin Gaariga
ayaa waxaa goobtii yimid mas’uulkii la sheegey ee Militeriga ahaa wuxuuna yiri
kexeeya Gaariga oo hala xiro, waxaan weydiiyey war ciidankii Booliiska aawey
marka aad adinka ikaxeynaysaan, anigu idiin raacimaayo ilaa aan Booliis arko,
waxaas laygu sameynayo waxaa si toos ah u daawanaya dhamaan Godoomiyaha Degmada
iyo mas’uuliyiintii ka hooseysay iyo xubno kale oo gaaraya ilaa iyo Toban Golaha
Deegaanka” cid ka hadashey ma jirin arinkan.
Ninka Taliyaha ah oo lagu magacaabo Yuusuf Dheere ayaa mar labaad igu yiri
soo deg intii uusan gaariga dhaqaaqin wuxuuna iigeeyey Gudoomiyaha Degmada
Diinsoor iyo xubnihii kale ee la joogey, waxaan soo diyaarsadey
Aqoonsigeyga iyo Rikoor aan watey, lacala haddii laygu yiraahdo war khalad ah
ayuu naga gudbiyey si aan u tuso, islamarkaana markaan arkey qaabka ay wax u
dhacayaana waan ka shekiyey, marka si aan la iigu xadgudbin ama uusan u
dhumin waxa laygu haysto aan u duubto, intii aan la gaarin waxaa laygu yiri keen
qalabka,, kadibna waxaan ugu jawaabey anigu qalabkeyga waxaan u dhiibikaraa oo
keli ah Booliis adinka waxaa tihiin Militeri ee farihiina haysaarina, waayo
adinka amaanka guud ayaad mas’uul ka tihiine, aniguna waan diidey oo waan ka
madax adeygey waayo hore ayaa la iigu sheegey in sidaas oo kale dad deegaanka ka
tirsan hantidooda looga lunsadey, laakiin markaa wixii ka dambeeyey wax nidaam
ah ama mas’uuliyad ah oo ay ilaaliyeen ma jirin si khasab ah ayaa Gaarigii dib
la iigu soo celiyey, islamarkaana feer, dharbaaxooyin iyo Teesto kala duwan oo
ay igu sameeyeen Ninka Taliyaha sheeganayey iyo qaar ka mid ah Ciidamadii la
socdey, waxaana si khasab ah la iiga qaadey qalabkeygii waxaana lay geeyey meel
5-Km u jirta magaalada oo ay degan yihiin Ciidamadan Militeriga ah, waxaana
laygu amrey inaan galo meel Xero ah oo u eg Xero Ariga lagu xareeyo oo Qorax ah,
qaar ka mid kuwii waardiyaha ka ahaa Xerada ayaa lagu armey haddii aan isku dayo
inaan baxsado in 5-Xabadood laygu dhufto, islamarkaana ruuxii isii daayana loogu
hanjabey in isna la dilidoono oo 5-Xabadood lagu dhufandoono, waxaana halkaas ku
jirey muddo dhan 3 saac iyo bar oo Qorax aad u daran igu haysay.
![](saldhig.jpg)
dhinaca bidix ee Saldhiga Booliiska Diinsoor
Ma ogi waxa laygu soo xirey,
islamarkaana jirdilka la iigu geystey oo haddana la iisoo daayey, arrintuna
waxaad moodaa in Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Militeriga ay isla
ogaayeen, mana jiro ilaa iyo hadda wax mas’uul ah oo ka Hadley arinkan, balse
waxaa ii gurmadey qaar ka mid ah eheladeyda oo deegaanka ay ku badnaayeen.
Maanlintii xigtey ayaa waxaan u
tagey Taliyaha Saldhiga Ciidamada Booliiska Dh/ C/llaahi Maxamed Cumar, waxaan
weydiiyey wax kiiskeyga ah oo lasoo gaarsiiyey in ay jiraan?, wuxuuna ku
jawabey “ma jiraan wax kiiskaada ah oo la iikeeney, anigaaba inta lay
dhibaateeyey Baydhabo la ii kexeystey, arintaada anagu ma geli karno ee Baydhabo
iska aad oo halkaas hawshaada ka wado.”
Sidoo kale mid ka mid ah
Ciidamada Militeriga ah oo la yiraah C/qaadir Shabeel oo isna aan weydiiyey waxa
la ii xirey, oo dhibaatada la iigu geystey iyo waxa laygu soo daayey?, ayaa
wuxuu ku jawaabey:
“Walaallow dembigu meel buu
leeyahay iyo sii deysmadaada, laakiin dhibaatada laguu-geystey waan iska
arkeynaa ee waqti nasii”, iyadoo wax jawaab ah aysan ka bixin dhibaatadii i
gaartey iyo waxa la ii xirey ayaa dagaal dhex marey Ciidamo uu hoggaaminayo Abuu
Mansuur iyo kuwii Militeriga ahaa ee degmada joogey, oo aakhirkii laga saarey
xeryahoodii ciidamada Militeriga.
Iyadoo hawshu halkaas
mareyso 27/02/2008-da Abaaro 12:00 Duhurnimo oo ay soo galeen Ciidamada
Militeriga DFKMG Degmada Diinsoor hore u joogey wixii ka harey iyo kuwo kale oo
lagu soo kordhiyey” ayaa markii ay soo galeen Magaalada ciidamdan, dadweynihii
Degmada si weyn ayey uga argagaxeen, waxaan arkey dadweynihii oo kala yaacaya
markii aan is iri bal dhinaca wax ka dhacay si feejigan u eeg, oo ahayd
Bartamaha Magaalada waxay indhaheygu qabteen Baabuur Tuuteysan oo ay ka
daadanayaan Ciidamo Tuuteysan, waxaana I gashey cabsi daran, markii aniga
keligey meesha aan ku soo harey, islamarkaana sedax nin oo Tuuteysan xageyga u
soo baxeen, ninka watey ciidamada Gaariga saarnaa ayaa ii yimid, igu yiri
“waryaa kaaley”, markii aan u imidna soco ayuu igu yiri fuul baabuurka, aad
baana uga murugoodey arinkaas, waayo hore ayaa la ii jirdiley anigoo waxba aan
sameyn, haddana maanta toos miyaa lagu dilayaa ayaan is iri, daqiiqdo kadib
waxaa la iilala dhaqaaqey dhinaca Guri uu deganaa Gudoomiyaha Degmada Diinsoor,
isagii baan meel dhex ku aragney, waxay isasalaameen labadooda wax su’aal iyo
hadal ahna la ima weydiin, anigana waxaan u qaatey markhaati ahaan in la isoo
qabtay in la tusaayo isaga, waayo kama uusan hadlin xarigeygii hore iyo
dhibaatadii isaga hortiisa la igu gaarsiiyey iyo tii dambe.
Kaddib waxaa lay geeyey meel kale
oo aan is iri halkaan ayaa laguugu toogan doonaa, balse laga soo qaadeyey
noocyada balwadeed oo uu lahaa Sarkaalkan, isoo xirey anigana waxaan saarnaa
gaariga dushiisa oo aan lahayn wax iga difaaca Kulaylka dhacaayey, isaga iyo
ciidamadiisuna waxay galeen geedaha hoostooda iyo fadhiga hore ee gaariga, muddo
kaddib waxaan dib ugu soo noqoney magaaladii oo dadweynaha qaarkood dib ugu soo
noqdeen, markii ay i arkeen anigoo gaariga dushiisa saaran ayey dadweynihii
argagaxeen oo naxeen, taasina waxay i galisay naxdin kale oo weyn.
Daqiiqado kaddib waxaa la ikeenay duleedka saldhiga booliiska Degmada oo ku
yaal Xabsiga Degmada oo ay joogaan ciidamo cusub oo qaarkood aan bargaranayo
iyo Saraakiil kale oo aan aqaano, waxaa loo sheegey in uusan wax faldembiyeed ah
uusan ii geysan inta laysaga imaanayo, waxaana la i geeyey halkii 19/02/2008 la
igu xirey, sidoo kale markii halkaas laygu dejiyey waxaan halkaas ku arkey in
halkaas uu ka jirey isbedel aad u weyn oo sameynayey micno fara badan iyo sidii
markii hore ay ahayd iyo waxa aan markaas ku suganahay waxa ka imaankara iyo
wajiyada ciidamada halkaas isugu yimid, laakiin wax kasta oo aan maleynayey
waxay noqdeen kuwo murugo iigeystey, waxaa isu yimid saraakiishii ciidamada
watey oo dhan, waxaana halkaas loogu sheegey inaan ka mid ahay bahda wararka
fidisa, gunaanadkiina ninkii i soo xirtey wuxuu yiri:
“Ninkaas niman baa soo dacweystey, haddii uu dembiga ku cadaado oo ay ila
gasho Xabad uga naxariisan maayo, haddii kale khaladkii aan ka galey waan ka
xaalmarinayaa ee ii dhaafa aniga wax dhibaato ah uma geysanayee” sidaas baana
laysku raacay.
Markii ay kala tageen saraakiishii, aniga iyo isaga ayaa isku soo harney
wadahadal kadib wuxuu ii sheegey “inaan sawiro ka qaadey ciidamadii dhintey,
kuwii dhaawacmey, lana shaqeynayey Abuu mansuur, islamarkaana aan anigu ku
faraxsanaa qaabka ay wax u dhaceen, ayna jiraan dad ciidamada ka mid ah oo isoo
dacweeyey oo igu cadeynaya ariamahaas”.
Waxaan ugu jawaabey “aniga arrimahaas aad sheegeyso waxba kama ogi mana
jiraan hawl gaar ah oo aan qabtey oo aan ka ahayn shaqadeyda Suxufinimo, waxaana
ka qaatey halkaas sawirada Baabuurtii ay qabsadeen, dadkii daawanayey khudbadii
Sh. Muqtaar iyo sawirkiisa wax kalena oo aan qaatey ma jirin, waxaana muhiimada
saarey hawsheyda shaqo ee Warfidinta.
Wuxuuna igu yiri “keen qalabka aad hayso” waxaana u dhiibey Kaamiradii, laba
Moobayl iyo Buug yar oo qoraalada aan ku diyaarsaneyey, wuxuuna igu yiri “shid
kaamirada” markii aan u shidey waxaan tusey inta sawir aan sheegey, kadib wuxuu
igu yiri “Kaamirada iska keen oo beri sedax saac aan isugu imaano ee adigana
iska bax, muddo ayaan kala doodey, wuxuuna ku adkeystey inaan ka tago, aniga
waxaa i gashey rajo fiican inaan doodi karo beri haddiiba aan noolahay, saacadu
markey ahayd 4:30 Galabnimo waxaana laygu soo qaadey Gaari Tikniko ah, dib
ayaana la iigu soo celiyey halkii layga wadey, dadkii ayaa igusoo xoomey waxaana
u sheegey in qalab keli ah layga qaatey wax kalena aan la ii dhimin xaga
jirkeyga.
Laakiin markii waagu uu baryey oo
aan tegey halkii lagu balansanaa ayaa waxaa laygu yiri “iska bax cid ku haysata
ma jirtee, waxaagana anagaa kuu soo qaadeyna” ayey igu yiraahdeen qaar ka mid ah
saraakiil markaa igu cusubeyd aragtidooda oo Militeriga ah iyo Taliyaha ku
xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Baay Aadan Baariyoow oo la socdey ciidamadii
yimid, markii aan ka soo dhaqaaqey Saldhigii oo aan joogo bartamaha Magaalada oo
saacadu ay ku beegan tahay 11:45 daqiiqo ayaa haddana waxaa ii yimid niman ku
lebisan dharka Tuutaha oo midkood ku Hubeysanaa Qoryaha Siliska dhaadheer iyo
laba kuwa fudud wata, waxayna igu yiraahdeen:
“Soo istaag waryaa soo bax”
markii aan soo raacey waxay iigeeyeen ninkii shaley, waxaan moodey in lay
siinayo qalankeyga, balse wuxuu igu yiri “keen qalabka aad hayso iyo moobeylada”
waan siiyey Askartii ayaa wuxuu ku amrey inay igeeyaan Saldhiga Booliiska oo lay
xiro, waxaa la iisoo kexeeyey saldhiga Booliiska, ciidamadiina waxaa lagu soo
daray laba kale oo mid uu wato Qoryaha Somaalidu u taqaano Dabo misheer iyo mid
wata kuwa fudud.
Markii Saldhiga laykeeney waxay amar ku bixiyeen in gudaha lay dhigo,
ciidamadii Booliiska ahaa waxay damceen in gudaha la ii dhaadhiciyo, in badan oo
markaa la socotey arrimaheyga oo meeshana joogtey ayaa diidey in gudaha lay
dhigo, ogna qaabka la iisoo xirey iyo midkii hore la iigu geystey, inkastoo
markii hadaladaas ay isdhaafsanayeen Booliisku aan hor taagnaa Qolka dadka lagu
xiro, gudahiisuna waxaa iiga muuqdey nadaafad dari aad u weyn, mana lahayn meel
furan oo markaa hawo ka soo geli karta Irida iyo Dariishad yar oo aan kaafin
maahee, waxaana is iri ugu yaraan 10-Sano lama nadiifin gudihiisa, Ruuxii lagu
xirana halkaas Rubuc saac wuxuu u dhowyahay inuu cudur ka soo qaadayo.
Ciidamadii Booliiska waxay isku raaceen in banaanka aan iska joogo, inkastoo
mar kasta aniga igu ahayd mid aan u madax banaaneyn xoriyadeyda, dadka degmadu
way la yaabeen qaabka la ii xirayo mar walba, waayo hore ayaa la iiga soo daayey
Saldhigii Militeriga, qof kastana wuxuu i weydiinayey waxa laygu soo xirey,
jawaabta keli ah ee aan heli karay ayaa waxay ahayd ma garanayo, waxaana
banaankaas joogay muddo 24-saac ah, kadib hawshii ayaa is bedeshey arrimahayguna
waxay noqdeen kuwo aad u waaweyn oo gaarey meelo kala duwan oo ka mid ah dalka
gudihiisa, waxaana layga soo fasaxay saldhigii 29/02/2008-da 12:15 Duhur nimo.
Balse markii aan heley xuriyadeyda muddo dhan 4-Saac kadib haddana waxaa dib
iigu soo noqdey ninkii hore iisoo xirtey, isagoo waliba qalabkeyga haysta oo aan
wali laga qaadin, wuxuuna igu yiri “yaa ku soo daayey oo ku fasaxay?!” anigu
arrintii waxay igu noqotey inaan jawaab deg deg ah bixin waayo waxaana
maskaxdeyda ku soo dhacay hadallo culus, waan is dejiyey waxaan eegey ninka
waxaan ku qiyaasay in ninku uusan caadi ahayn, waxaana ugu jawaabey adigaa lagu
waayey oo waxaa i sii daayey Taliyaha saldhiga iyo mas’uuliyiintii kale, laakiin
wali waan xiranahay”, wuxuuna yiri oo sidaan ma xirnaashaa, waa tahay,
dadweynihii meesha joogey iyo kuwo kale oo Ciidamadii militeriga ahaa ee
cusubaa ayaa yaabey, waxaana qaylo dhaan loo direy Saraakiil kale oo isaga ka
sareysay, balse intii aysan imaan ayuu ka tegey halkaas, markii ay yimaadeena
waxay igu yiraahdeen wax uu kuu dhimikaro ma jirto kumana xirankaro ee meesha
aad doonayso iska mar, sidaasna isagii lagu bedelay dhibaatadii uu ku hayey
degmada iyo kuwii uu igu hayeyna sidaas ku dhammaatey, balse ma jiro wax xuquuq
ah oo la ii qiimeeyey intii aan xirnaa iyo dhibaatadii hore la ii gaarsiiyeyba,
waxaase la isiiyey qalabkeygii markii dambe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen
mas’uuliyiin kala duwan.
Cabdi Yuusuf “waa mid ay heshiis
ku ahaayeen labada qolo in degmada Diinsoor waxa soo gala iyo waxa ku jira la
dhaco”
Cabdi Yuusuf Faarax oo ka mid ah
Odayaashii Degmada Diinsoor islamarkaana ka mid ah dadka laga dhacay hantida oo
wiil uu dhaleyna la xirey, inkastoo Todobaadyo kadib la siidaayey.
“Wiilka waxaa loo xirey niman
Askar ah ayaa Qoryo ula yimid, waxaa uuna u gorgorinaayey Qoryahaas niman buuna
ka gadey, wiilkii, nimankii uu qoryaha ka gadey iyo kuwa qoryaha watey ee
Askarta ahaa waa la xirey, laba Habeen markii ay ku jireen ayaa Askartii
Dukaamadii jabsatey, wiilkeygu sababtaas ayuu ku xiran yahay, hantideydiina
sidaas baa lagu dhacay” ayuu yiri mar aan weydiiyey qaabka looxirey Wiilkiisa
iyo sida loo dhacay Dukaankiisa Cabdi Yuusuf.
Sidoo kale mar aan weydiiyey
arrintaan ma mid maamulka degmada la soo marsiiyaa mise waa mid ay iyagu hawsha
iskood isaga wateenbaa ayaa wuxuu ku jawaabey “waa mid ay heshiis ku ahaayeen
labada qolo in degmada Diinsoor waxa soo gala iyo waxa ku jira la dhaco, labada
qolo aan kuu-sheegaayo waa kuwa maamulka sheeganaaya iyo kuwa Diinsoor bey
waardiyeynaysaa la leeyahay waaye”.
Maamulkii Gobolka ee yimid
Degmada Diinsoor arimahaasi maka wada hadasheen “ maamulkaas mid aan ku
qanacsanahay ma ahan, waxayna u yimaadeen kuwa wax dhacay iyo kuwa degmada
heshiisiintooda ayey u yimaadeen, wax ay naweydiiyeena ma jirto waxay la kulmeen
dad gaar ah, wayna iska baxeen” ayuu yiri Cabdi Yuusuf Faarax.
Isaaq Maxamed Macallin “wuxuuna
iska soocayaa kunka duugga ah, haddii aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya,
inaguna ma nihin dowlad ee…”
Isaaq Maxamed Macallin oo ka mid
ah kireysta yaasha isaga goosha Gobolada Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho oo aan
kula kulmey halka lagu canshuuro Baabuurta Degmada Diinsoor soo gala,
islawaqtigaasna aad u yaabanaa ayaa sheegey in ay dhibaato weyn ku qabaan kuwa
jooga Goobaha Kastamada DFKMG ee qaada lacagaha, marka laga reebo agagaarka
Banaadir, sababtoo ah buu yiri:
![](gooshid.jpg)
Kireysteyaasha isaga goosha Baay, Bakool, Geddo iyo Muqdisho
“Waxaad arkeysaa qof mas’uul oo
kala soocaya lacagta aan bixino, wuxuuna iska soocayaa kunka duuga ah, haddii
aad la murantidna wuu kuu gacan qaadaya, inaguna ma nihin dowlad ee waxaanu
nahay shacab, wax Bangi ah oo la geeyo mahayno, waxaa kaloo dhibaato nagu haya
baraha Koontaroolada ee ay joogaan Ciidamada DFKMG, sababtoo ah waxaa nalagu
dhacaa Goobaha qaarkood Habeenkii inta u dhexeysa Leego iyo Muqdisho, iyadoo
sidaas ay jirto ayaa hadana waxaa soo batey Isbaarooyin kale, arrintaan
Isbaarooyinka soo badanaya waxay soo bilowdeen markii la kala qaadey labada
Ciidan ee isku haysta labada Gobol Sh/Hoose iyo Gobolka Baay, Degmada Diinsoor
Habeenkii Baabuur ma soo galo kamana baxo, sababtuna waxay tahay ma garaneyno
qof aan uga dacwoono intaas oo dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri Isaaq Maxamed
Macallin.
Waxaa uuna ka codsadey Isaaq
Maxamed Macallin in ay wax ka qabtaan cida shaqada ku leh dhibaatooyinkaas aan
soo sheegay ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.
Malaaq C/llaahi Idiris "Ummaduna
inta xilka ay ku murmayaan ayaa xuquuqdii kale ee shacabka lumeysaa”
![](digilm.jpg)
Af-hayeenka Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle, Malaaq
C/llaahi Idiris Deerow
Af-hayeenka Golaha Guurtida
Beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq C/llaahi Idiris Deerow oo aan isna kula kulmey
Hoteel Ramadaan ee Degmada Diinsoor waxna ka weydiiyey xaaladda ammaan ee
degmada iyo dhacdooyinkii kala duwnaa ee degmada ka dhacay intii uu joogey ayaa
wuxuu yri “Ciidamada jooga Degmada Diinsoor Afarta Beelood mas’uuliyiintooda
lama shaqeeyaan oo xurguf baa ka dhexeysa, mana ogola joogitaankooda, sababtoo
ah uma gudbaan ciidamadan Tuulooyinka kale ee hoos yimaada Degmada, mana
dhaafaan Degmada, mar aan u tagey ciidamdan inay i caawiyaan, ayaa waxay igu
yiraahdeen ma aadi karno halkaas, wax isbaaro aan ahayn oo ay wax ka qabteena ma
jiraan, ciidamaduna kuma jiraan Saraakiil ka tirsan dadka Deegaanka u dhashay
iyo ciidamada kaleba, taasina waxay cadeyn u tahay in Degmada oo dhan wax aysan
ka qabankarin,” ayuu yiri Afhayeenku isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku
darey.
“Degmada Diinsoor wax DFKMG ka
soo horjeeda ma joogaan, waayo haddii ay jiraan Saldhig kuma yeelan lahayn DFKMG
ciidamadeeda Milieriga iyo kuwa Booliiska, laakiin waxaa jira dhibaatooyin ay ka
geysanayaan ciidamdan deegaanka, waxaan arkey iyagoo fal dambiyeed raadinaaya,
in iyagii ay galeen fal dambiyeed kale sida Dukaamo la dhacay oo ay lahaayeen
shacabka, islamarkaana hantidaas si xaraash ah Suuqa bartankiisa loogu iibiyey,
iyadoo bareer ah, dadkii lahaa Dukaamadana Xabsiga loo gudbiyey, iyadoo aan la
soo marin shuruucdii dalku uu lahaa, taasina waxaa cadeynaya Maxkamada Degmada
Diinsoor iyo Saraakiisha kale ee Amaanka” ayuu yiri Af-hayeenku.
![](oday.jpg)
Mid ka mid ah Odayaasha lagu dhacay Diinsoor...
Af-hayeenku mar uu ka hadlaayey
mas’uuliyiinta Beelaha ayaa wuxuu yiri “ma mideysna mas’uuliyiinta Afarta
Beelood ee dhaqanka Degmada Diinsoor, waxayna isku hayaan qabashada xilka, mana
qaadankaraan go’aan mideysan, wax Colaad oo u dhexeeya una baahan in loo kala
dabqaado ma jiraan, laakiin waxaa ku dhexjira is xurmeyn la’aan iyo ismaan
dhaafyo fara badan, Ummaduna inta xilka ay ku murmayaan ayaa xuquuqdii kale ee
shacabka lumeysaa”, waxaana uu ugu dambeyntii ku talinayaa haddii ciidamadan
aysan la shaqeynayeyn dadka deegaanka, waxaa haboon inay iska baxaan,” ayuu
hadalkiisa ku sheegey Af-hayeenku.
Waxaase wax lalayaabo ah qaar ka
mid ah Ugaasyada Beelaha Degmada Diinsoor oo arimahaan ka dhacay degmada wax ka
weydiiyey ayaa waxay yiraahdaan, laga dhadhansan karey hadaladooda in ay wax
mal-dahayaan, islamarkaana ay quus ka taagan yihiin sidii wax laga yeeli lahaa
waxaan dhacaya, waayo haddii ay yiraahdaan hadallo culus in iyaga ammaankoodu uu
Khatar galo ayey ka baqayeen, waa kan Ugaaska Beesha Ajuuraan oo arrimhaasi ka
hadalaya iyo Ugaaska Dabare:
Ugaas C/qaadir Macallin Cali
(Qooshoow) “in waxyaabaha qaarkood ay ku dhiiradaan ciidamada Militeriga waxaa
ugu wacan Tabar derida Ciidamada Booliiska haysata”
![ajuuraan](ajuuraan.jpg)
Ugaaska Beesha Ajuuraan, Ugaas C/qaadir Macallin Cali
(Qooshoow)
Ugaaska Beesha Ajuuraan Ugaas
C/qaadir Macallin Cali (Qooshoow) oo aan wax ka weydiiyey waxa ay ka wada
hadleen Xubnihii uu hoggaaminayey Guddoomioye ku xigeenka Gobolka ahaana
kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow iyo waxa ay ugu
jawaabeen ayaa wuxuu yiri “ waxay na weydiiyeen deegaanka xaaladiisa sida
nabadgelyada, waxaana u sheegney in deegaanka nabadgelyadiisa ay wanaagsan
tahay, ciidamada joogana waxaan u sheegney in khaladaad yar yar ay sameeyaan,
marka loo fiiriyo hawsha ay ka hayaan deegaanka waxaan u arganey inaysan waxba
ahayn, waxaana diyaar u nahay intaasna inaan la saxno, joogitaankooduna ay dan
weyn ugu jirto shacabka Degmada Diinsoor, waayo waxay wax ka qabtaan Kooxaha
Burcada iyo kuwa Isbaarada dhigta, laakiin waxaan ka codsanay in la badiyo
baraha koontaroolada ciidamada Booliiska iyo in la dhiso ciidamo madani ah oo ka
hawlgala degmada ” ayuu yiri Ugaas Qooshow.
Mar aan weydiiyey Degmada
Diinsoor wax DFKMG ka soo horjeeda oo jooga ma jiraa ayaa wuxuu ku jawaabey “
Degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda wax DFKMG oo ka soo horjeeda oo jooga,
islamarkaana aan ognahay ma jiraan, laakiin waxaan maqalnaa mararka qaar in
ciidamada Militeriga ee isaga goosha Degmada Diinsoor iyo Magaalada Baydhabo in
jidka loo galo, mana ogin meel aan hada ku tilmaami karno oo aan ku ognahay”.
Mar aan weydiiyey haddii ay
yimaadaan deegaanka wax ka soo horjeeda DFKMG ma jiraa wax idiin qorsheysan ayaa
wuxuu ku jawaabey “wixii nabadgelyo xumo ah waxaa noogu xilsaaran Ciidamada
Booliiska iyo kuwa Militeriga, anaguna inaan gacan ku siino ayaan go’aansaney
haddii aanu nahay Ugaasyada Afarta Beelood ee dega Degmada Diinsoor oo weyna ku
mideysan yihiin arinkaas”.
Sidoo kale mar aan weydiiyey
maxay tahay sababaha keentey in ciidamada Militeriga ay dadka soo xir xiraan,
islamarkaana xabsiga u taxaabaan, iyadoo ay jiraan Booliis ayaa wuxuu ku
jawaabey “in waxyaabaha qaarkood ay ku dhiiradaan ciidamada Militeriga waxaa ugu
wacan Tabar derida Ciidamada Booliiska haysata, waayo dalka muddadii dowlad
la’aanta ahaa dadka waxay barteen inay waxay doonaan ay sameeyaan, Ciidamada
Booliiskuna iyaguna ma haystaan hub ku filan iyo dhaqaalo”.
Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur
“Ciidamada Nabadgelyada ayey sugayaan waxna nagama rabaan cida diidan, waa…”
![dabare](dabare.jpg)
Ugaaska Beesha Dabare, Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur
Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur oo ah
Ugaaska Beesha Dabare oo aan wax ka weydiiyey sababaha keeney dhacdooyinka
nabadgelyo xumida ee ka dhacay Degmada Diinsoor, maxay tahay waxa degmada
Diinsoor laga ilaalinaayo oo ciidamo la keeney, islamarkaana dhinacyada looga
dhigey ayaa wuxuu ku jawaabey “ Dhacdooyin sidaas u muhiim ah ma jiraan oo ka
dhacay degmada Diinsoor, laakiin waxaa jirey xaalado dhex maray Ciidamada
Booliiska iyo kuwa Militeriga, wadankuna maalinba maalinta ka dambeysa wuxuu soo
marayey marxalado kala duwan, Degmaduna in laga helo marxaladaha noocan oo kale
ma ahan wax la baciidsan karo, marka loo fiiriyo waxa ka dhacaya Gobolada dalka
intiisa kale, waxa Diinsoor ka dhacay waxaa lagu xisaabaa waxaan jirin,
arrimahaanina waxaa gurmad ka geysta Odayaasha Deegaanka, waxaana ka qaadanaa
talaabooyinkii dhaqanka uu lahaan jirey” ayuu yiri Ugaas Siidey.
Sidoo kale mar aan weydiiyey
Ugaas sababaha keeney in Degmada Diinsoor ciidamo la keeno, iyadoo lagu
marmarsiyoonayo in ammaanka Degmada la sugaayo maxay tahay ayaa wuxuu ku
jawaabey “ciidamadu waxay u joogaan in dadka Dowlad la’aanta ku barbaarey la
baro dhaqanka, kala sareynta ciidamada iyo maamulka Dowliga, islamarkaana
looga hortago dhaqdhaqaaqyada kale ee soo bixikara, taasoo keeni karta
nabadgelyo xumo, inkastoo Degmada Diinsoor aysan joogin wax DFKMG ka soo
horjeeda”.
Ugaas waa maxay waxa Degmada
Diinsoor laga ilaalinaayo oo ciidamo dhinacyada looga dhigayo?
Wuxuu ku jawaabey “Ciidamada
Degmada dhinacyada laga dhigey waa in waxa soo gala iyo waxa ka baxaaya Degmada
la ogaadaa, si ruuxa faldambiyeedka geysanayo uusan dhakhso uga bixin Degmada.
Mar aan weydiiyey Ugaas Taasi sow
looma qaadankaro in Beesha aad adiga mas’uulka ka tahay ay ku kala qaybsan tahay
arrinkaas, ayna jiraan qayb kaasoo horjeeda?.
Waxaa uu ku jawaabey ugaasku
beesha Dabare “Ciidamada Nabadgelyada ayey sugayaan waxna nagama rabaan cida
diidan, waa kuwo aan ogoleyn Nabadgelyada” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey
Ugaaska Beesha Dabare Ugaas Siidey.
Abuu Mansuur oo meel fagaare ah
kala hadley dadweynaha Degamada Diinsoor
![](abuu_mansuur.jpg)
Diinsoor: Abuu Mansuur oo ka khudbeeyeye Goob Fagaare ah
15 ruux ayaa ku dhimatey tiro
kalena waa ay ku dhaawacantey kaddib markii Dagaal kulul uu ku dhexmarey ciidamo
uu hogaaminayo Sh. Muqtaar Roobow Abuu Maansuur iyo Ciidmada Militeriga ah ee
joogey Degmada Diinsoor 24/02/2008-da Abaarihi 7:45-daqiiqo oo subaxnimo.
![](diinsoor3.jpg)
Xabsiga Degmada Diinsoor markii laga sii daayey maxaamiistii
oo dadweynaha qaarkood ay ku soo xoomeen.
Ciidamadan uu hogaaminayey Abuu
Maansuur ayaa gebi ahaanba 8:30 diqiiqo la wareegey Degmada Diinsoor, waxayna
siidaayeen Maxaabiis kala duwan oo ku kala jirtey Saldhiga iyo Xabsiga Degmada
Diinsoor, waxay qabsadeen inta badan gawaaridii ay lahaayeen Ciidamda
Militeriga, waxay gubeen 4 Gaari oo mid booyad ay tahay, hal Biiteen, hal
Shilke, gaari Cabdi Bile ah, waxay kaxeysteen laba gaari cabdi bile ah oo mid uu
saran yahay Qoriga dhishiikaha ah halka mid kale uu saran yahay Qoriga
Seekaawaha, waxay magaalada soo galeen iyagoo wax Tikniko ah aan wadan, waxayna
ka baxeen iyagoo Tikniko wata.
![](dhisiike.jpg)
Gaarigii dhishiikaha ahaa oo ay saaran yihii ciidamada Abuu
Mansuur...
Sh. Muqtaar Roobow oo meel
fagaare ah kula Hadley dadweyne isusoobaxay ayaa waxaa uu yiri “Reer Diinsoor
Asalaamu caleykum, waxaan ka xumahay Dulmiga, Kufsiga iyo Boobka la idiin
geystey oo Burcad laga soo rarey Puntland idiingeysaneysey iyo wixii kale ee
idiin gaarey, intaa kaddib hadaf aan u socono waad garaneysaan, waxaan doonaynaa
in dhulka dulmiga laga daayo oo shareecada Islaamka lagu Xukumo, saaka uma
imaanin inaan Degmada Diinsoor Xukumo wax kursi ahna kama soo doonan ee waxaan u
Nimid inaan dadka Dulmiga ka dulqaadno, Ilaaheybaa inoo fududeeyey ee anaga
awoodeena ma ahayn, muddo dheer baana ka fikireyney inaan dulmiga idiinka
qaadno, dhallinyaradaan aad arkeysaan muddo ayey duurka kusoo jireen, ma jiro
ruux Risaas u keenayey ama lacag siinayey iyagaa woxooda watey, waxaana ku jira
dad ilaa iyo laba habeen aan seexan, waxayna u wareegayeen in dulmiga la idiinka
dulqaado, dadkaas sow abaal idiinkuma laha?! ayuu su’aaley dadweynihii uu la
hadlaayey, Sh. Muqtaar Roobow.
Waxaayna si wada jir ah ugu
jawaabeen “Abaal bey leeyihiin”.
![](diinsoor4.jpg)
Diinsoor: Qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey Abuu Mansuur
Sh. Muqtaar Roobow oo khudbadiisa
sii watey ayaa intaa ku darey “waxaan shaki iigu jirin kuwo badan oo ah kuwii
naladagaalamey saaka oo dharka soo bedeshey inay idiinku jiraan, waxaan arkey
mid saaka nala dagaalamaayey oo dharkii iska bedeley oo ay u dhiman yihiin
kabihii oo kale ah oo aan soo qabtey islamarkaana hada jiifa meel xagaas ah,
iyagana lama haysto maadaama shaatigii xumaanta ahaa ay iska tureen, laakiin
ruuxii dhuuntey waan soo qabaneynaa insha Allaah, waxaan kaloo la soconaa in
beryahaan Raashiin laga bixinaayey Magaalada, raashiinkaas waa fasaxan yahay,
haddii ay doonayaan waxaan ku dareynaa ciidan weyna qiibinkaraan.
![](booyad.jpg)
Gaariga Booyada ah
Dadweynihii
ayaa u sabciyey kadibna, wuxuu ku yiri “aniga sacabka waxaan ka jeclahay Allaahu
Akbar, sacabka waa midka aan soo nacay oo aan ka dagaalamayo."
![](diinsoor9.jpg)
Afar irdoodka Diinsoor oo ay dadweyne daba socdaan Abuu
Mansuur
Abuu Mansuur oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: dad kale annaga ma
haysano laakiin waxaan la dagaalamayney Amxaaro iyo wixii la jira, ee waa inaad
ka towbo keentaan, Reer Diinsoor waxaan ku amaanayaa in ay yihiin dad ehludiin
ah, waayo aniga Culimada iyo waayeelka wax ma weydiin laakiin waxaan hubaa in
Diina iyo soor ay taalo, sow halkaas barwaaqo ma taalo, Reer Diinsoor Saalixiyo
ayey u badan yihiine maanta waxaa fiicneyd in la xadreeyo, kuwa maanta farta
lagu fiiqayo ee Culimada Soomaaliyeed waxaa madax u ah nin Reer Diinsoor ah ee
marka sow inay ku faanaan ma ahan, Saalixiyadana markii hore waxay ahaayeen
Mujaahidiin, walaallayaalow aniga wax kale uma imaanin dadka dulmiga wata ayaan
u nimid beri bay idiinkusoo noqonayaan ee haqarinina, walaahi maanta wax kale
uma hayno oo aan ahayn Gowrac ayuu yiri isagoo tilmaan bixinaaya Sh. Muqtaar
Roobow, haddii la idiin weydiiyo ninka inta ku khudbeynayey waxaad dhahdaan
wuxuu ahaa Abuu Mansuur ayaa inta ku khudbeynayey ilaahay hadiinka abaalmariyo
ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Abuu Mansuur khudbadiisii.
![](diinsoor5.jpg)
Diinsoor: Qayb ka mid ah dadkii uu la hadlaayey Abuu Mansuur
Mar aan weydiiyey Abuu Mansuur
tirada dadka isaga ka dhimatey iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa wuxuu yiri “anaga
waxba nagama dhiman, waxna nagama dhaawac min oo aan ogahay, balse wey jiri
karaan wax naga dhaawacmey laakiin dhimasho ma jirto, halka kuwa uu la
dagaalamayeyna uu ku sheegey iima tirakoobna oo waan isku soo noqondoonaa ayaa
hadalkiisa iigu soo gebagebeeyey markii uu khudbad dhameeyey oo aan labadaas
erey su’aaley, intaa kadib dadweynaha degmada Diinsoor ayaa si wey isugu
soobaxay banaanka weyn ee fara Magaalada, iyagoo kolba halka ay u dhaqaaqaan
ciidamada dabasoconaayey, qaarkood waa ay soo dhaweynayeen imaashiyaha
ciidamadan cusub, qaarkood waxa ay la yaabanaayeen qaabka ay u socdaan iyo sida
ay u kala dambeeyaan, halka kuwo kale ay dhahayeen maanta adinkaa iska leh
berina inagaa iska leh ee maanta waa maalintiina socda ayey isku xifaaleynayeen.
![](diinsoor6.jpg)
Qaar kamid ah dadkii isu soo baxay markii Abuu Mansuur soo
galay Diinsoor
Ciidamada uu hogaaminayey sh.
Muqtaar Roobow ayaa markii dambe Magaalada gebi ahaanba isaga baxay wixii ka
dambeeyey 11:30 Subaxnimo, waxayna ku kala bexeen sedax jid oo soo gala degmada
Diinsoor.
Ciidamadan uu watey Sh. Muqtaar
Roobow ayaa markii ay qabsadeen Degmada Diinsoor, ciidamadii Militeriga DFKMG ee
joogeyna ay ka xooga roonaadeen waxay ula dhaqmeen hab aysan ka fileynin in
badan oo markaa dagaalka ku jirtey iyo dadweynaha deegaanka.
![](mansuur.jpg)
mid ka mid ah ciidamada Al-shabaab oo hortaagan dadweyihii uu
la hadlaayey Abuu Mansuur
Ruux ay qabtaan oo ciidamada
Militeriga ka mid ah ma aysan dileynin, waxayna ka qaadanayeen Qoriga oo keli
ah, waxayna ugu bedelayeen dhar uu xirto, tuutaha uu gashanaa, waxaana lagu
dhahayey oo keli ah “bixi dharka oo soco shacabka ayaad ka mid tahaye”, balse
ciidamadan kuwii ka harey ee ka baxay magaalada dadkii reer guuraaga ahaa ee ay
dhexda ku arkaan waxay ka furanayeen dharka iyo kabaha, halka kuwa ku harey
magaalada gudaheeda la siiyey wax kasta oo ay u baahnaayeen, kuwaan ku harey
magaalada waxay isugu jireen kuwo dhaawac ah iyo kuwo aan wax dhibaato ah soo
gaarin.
Ciidamadan joogey Degmada ayaa
markii ay arkeen in ay yimaadeen kuwii hore iyo kuwo lagu soo kabay ayaa dadkii
deegaanka kula kaceen falal ka baxsan bani’aadanimada, waxayna sameeyeen in
dadka ay tilmaamaan islamarkaana dadka qaarkood lagu jir dilay, halka aniga uu
isoo tilmaamey mid ka mid ah kuwii dhaawaca ahaa oo ay badbaadiyeen dadka
deegaanka, wuxuuna igu soo eedeeyey inaan sawiro ka qaadey dadkii dhintey iyo
kuwii dhaawaca ahaa, balse ilaahey baa markii horeba iiga digey, aniguna waxaan
kaashanayey aqoonta aan u leeyahay dhinaca Militeriga iyo xaalada dalka uu
marayo.
![](raashin.jpg)
Baabuurtan waxaa saaran raashiin Hay'ada WFP u qaybinaysay
dadkii taagta darnaa
oo lala sugaayey in ay ilaaliyaan Ciidamada Militeriga ee Diinsoor, islamarkaana
ku qabsadey dagaalka..
Ciidamadaan joogey degmada
Diinsoor waxay u muuqdeen kuwo aasaya Nidaamkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu
lahaan jirey, islamarkaana waxay shaacinayeen Nidaam derida iyo fowdada, halkii
laga rabey inay soo celiyaan in ka badan 17-Sano Nidaamkii iyo kala dambeyntii
luntey.
Guntii iyo gebagebadii akhristoow
waxaa wax lala yaabo ah kuwa ku amarku taagleynaya shacabka Soomaaliyeed in ka
badan 17-sano, islamarkaana sheeganaya mas’uuliyada waxa dhacaya, kuna faanaya
in ay bur buriyeen kuwii ka soo horjeedey, haku waana qaataan dhacdadan sida
dhabta ah u dhacdey, islamarkaana uu ilaahay arkaayo wax kasta oo ruux walba
sameeyo, lagana gudaayo wixii dambi ah ee uu galay, hana moodin inaad adiga guul
heshey ama sida lagaaga guuleystey ay hawshu kusoo gebageboobeyso, balse ma
tahay ruux kuwaano qaadanaaya wixii uu soo marey, waxa hadda uu ku jiro sidii uu
uga bixi lahaa, ulana qabsan lahaa waxa soo socda, laakiin haddii ay taasi waano
kuu noqonweyso ogoow in markaaga lagu dhahaayo ugu yaraan “soco shacabka ayaad
ka mid tahaye, haddii kale……!!!.”
Maxamed Macallin Cismaan
(All-man) SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com ,
fatxumaaliky@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2008
|