- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Axad, Nov 19, 2006
Qadaafi: "Haysashada ciidamada Suudaan ayaa ka roon
in ay haysan lahaayeen ciidamada Qaramada
Midoobey" Sawirka: Wipedia |
Muammar Qaddaafi ayaa reer Galbeedka ku eedeeyey in ay
isku deyayaan in ay la wareegaan khayraadka saliida ceyriin
(oil) ee dalka Sudaan iyagoo adeegsanaya qorshooda ah in ay
ciidamada Qaramada Midoobey u diraan Darfur, sidaas waxaa
warka ku bilaabay wakaalada wararka.
Waxaa warku intaas ku daray:
Madaxweynaha Liibiya, oo ah dhexdhexaadiye dhawr dagaal
oo afrika ka dhacay, waxa uu ku celinayey cambaarayntii ay
Suudaaniyiintu u soo jeediyeen ciidamada loo dirayo halkaas
oo ay ku tilmaameen in reer Galbeedku isku deyayaan in ay
gumeystaan.
Qaddaafi waxa kale oo uu ugu baaqay Dowlada Khartuum in
ay diido soo-jeedintaas (ciidamada loo soo dirayo Darfur).
"Wadamada reer Galbeedka iyo Maraykanku waxa ay isku
mashquulinayaan ma ahan dareen naxariiseed ee ay u hayaan
dadka reer Suudaan ama Afrika, laakiin waa saliida ceyriin
(batroolka) iyo in ay qaarada Afrika kusoo celiyaan
nidaamkii gumeysiga" ayuu yiri.
Fikradaha Qaddaafi waa kuwo laga dhegeysto Afrika
sababtoo ah waxa uu u ololeeyaa midnimada Afrika iyo
horumarkeeda.
Qaddaafi waxa uu ka hadlaayey xaflad Axadii lagu qabtay
magaalada Tripoli oo ay ka qayb galeen saraakiil ka tirsan
dowlada Suudaan iyo garabka jabhada ka dagaalanta Suudaan ee
loo yaqaan 'Sudan Liberation Army', waxaana xafladaas loo
qabtay si loogu dabaal dego saxiixoodii Sabtidii (Nov 19,
2006) ee ku saabsanaa heshiiska si nabad loogu soo celiyo
Darfur.
"In ay haystaan ciidamada Suudaan ayaa ka roon intii ay
ka haysan lahaayeen ciidamada Qaramada Midoobey, khasaarada
ugu weynina waa haddii ay yimaadaan ciidamada Atlantic si ay
isugu meeleeyaan Suudaan," ayuu yiri, isagoo arrintaas ula
jeeday ciidamada reer Galbeedka.
Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxa ay in muddo ah
Suudaan ku cadaadinayeen in ay aqbasho ciidamada
Nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobey oo yimaada Darfur si
loo joojiyo rabshadaha socdey saddexda sano kuwaas oo ay ku
dhinteen kumanaan qof.
Jabhaddu waxa ay hubka qaadatay horraantii sannadkii 2003
ayagoo dolwada Suudaan ku eedeeyey in faquuqday dhulkooda
dhanka galbeedka ku yaal ee durugsan. Markaas ayaa Khartuum
waxa ay isku dubaridey xoogag ah maleeshiyo kuwaas ka
hortaga kacdoonkaas. Maleeshiyadaas aagaas haysata waxa ay
shacabka u geysteen xasuuq kaas oo ay baaritaan ku wado
Maxkamadda Caalamiga ah ee Faldembiyeedyada ee loo yaqaan "International
Criminal Court".
Qaddaafi waxa uu muddo dheer ka soo horjeedey Maxkamadda
Caalamiga ah ee Faldembiyeedyada ee Hague, taas oo uu ku
tilmamay mid loogu gabanayo gumeysiga.
Waxa uu reer Galbeedka ku eedeeyey in ay rabaan in ay ka
guulaystaan qorshihiisa ku saabsan in uu sameeyo hal dowlad
federaal ah oo afrikaan ah oo loogu yeero Midowga Wadamada
Afrikada ama "United States of Africa".
"Reer Galbeedku waxa ay ka faa'iideystaan
qabaliyadda, kala-qoqobnaanta iyo midabka jirka si
ay u huriyaan dagaal"
Qaddaafi, Madaxweynaha Liibiya |
"Reer Galbeedku waxa ay ka faa'iideystaan qabaliyadda,
kala-qoqobnaanta iyo midabka jirka si ay u huriyaan dagaal,
kaas oo horseeda dib-udhac iyo in markaas ay reer Galbeedku
soo kala-dhex-galaan tiro wadano ah: ayuu yiri.
"Dhammaan iska hor imaadyada Afrika waxaa sababay
nidaamka gumeysiga, kaas oo aan rabin in ay soo baxdo
Midowga Wadamada Afrikada, waxana ay ka shaqeeyaan kala
qaybinta iyo dhex galka iyo inqilaabyada militari." ayuu
yiri Qaddaafi.
Qaramada Midoobey waxa sheegeen in ay rabaan in ay Darfur
u diraan ciidamo dhan 17,000 iyo 3,000 oo boolis ah. Waxaana
hadda gobolkaas jooga 7,000 oo ah ciidamada Midowga Afrika.
Laakiin Dowlada Suudaan waxa ay diidey in ay Darfur
yimaadaan ciidamo aan ka socon Qaarada Afrika, waxana ay ku
tilmaameen 'nidaamka Gumeysiga Cusub" ama "neocolonialists".
Cilmi baarisyo la sameeyey ayaa tibaaxay in dalka Suudaan
uu ay kaysan tahay qiyaastii 563 million oo foosto oo ah
saliida ceyriin (oil), inkasta oo aan dalka oo dhan weli si
rasmi ah loo baarin si loo ogaado rasmi ahaan inta shidaal
ku kaydsan hadana xukuumada Khartoum waxa ay sheegatay in
dalka uu ku kaydsan yihiin 5 billion foosto oo saliida
ceyriin ah. Inkasta oo taasi ay aad uga yartahay
billion foosto ee la caddeeyey in ay ku kaydsan yihiin lix
dal oo ku yaal Gacanka Beershiya ee kala ah: Saudi Arabia,
Iraq, United Arab Emirates, Kuwait, Iran, iyo Qatar. Haddana
sannadkii 2005 waxaa la sheegay in dalka Suudaan dhaqaalah
aka soo gala saliida ceyriin uu ahaa $1 million oo doolar
maalintiiba.
Suudaan waxay Afrika kaga jirta wadanka toddobaad ee ugu
soo saarka badan batroolka, waxaana ka horeeya dalka
Nigeria, Libya, Algeria, Angola, Egypt, iyo Equatorial
Guinea.
Sida
ay qortay jariidada worldpress, shirkadaha Maraykanku waxa
ay ka caaganaayeen ka fa'iideysiga khayraadka farah abadan
ee baaritaanka shidaalka dalka Suudaan, waxaana halkaas
aqlabiyadda ku lahaa shirkadaha dalalka China, Malaysia,
India, Canada iyo qadar shirkado reer Yurub ah.
Warbixin ay qortay shabakada CBC (Canada TV) oo soo
xiganeysey hay'adda Energy Information Agency (USA)
ayaa sheegtay in 25-ka sano ee soo socda ay baahida loo qabo
saliida ceyriin (oil) ay kor u kici doonto boqolkiiba 54%.
Haddaba si loo daboolo baahidaas waa in dalalka uu ku
kaydsan yahay shidaalku ay dhulka kasoo saaraan 44 million
oo foosto oo dheeraad ah maalin kasta marka la gaaro
sannadka 2025.
Saliida
Ceyriin marka la iibinayo waxaa looga qiyaas qaataa foosto
(ama fuusto) taas oo qaada 159 litres. Qiimaha foostada
shidaalka ah waxa uu isla bedelaa xaddiga shidaalka ah ee la
soo saaro iyo nabad gelyada adduunka, gaar ahaan ammaanka
dalalka soo saara shidaalka.
Qiyaaso la sameeyey ayaa muujinaya in herdanka qarnigan
21-aad uu siyaadi doono herdanka khayraadka ku jira dhulka
hoostiisa maadaama baahida loo qabo uu aad u kordhayo,
waxaana herdanka ugu xoogga weyn ku wajahnaan doonaa qaarada
Afrika maadaama aan weli si rasmi ah gebi ahaanteeda
baaritaan loogu samayn khayraadka dhex ceegaaga weli laga
faa'iideysan.