Fawsiya Yuuuf oo Markale Nairobi ku Saxiixday Heshiiskii Xadaynta Badda ee
MoU, ma mari doontaa Wadadii uu maray C/raxmaan C/shakuur
- SomaliTalk.com | June 3, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo
soo cusboonaysiisay hesiiskii isfahamka (memorandum of understanding - MOU) ee Baarlamaanka Soomaaliya hore
u diidey. haddaba Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka
qaadi doonaa mar haddii xukuumaddu ku xad gudubtey xeer baarlamaan....
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf
X. Aadam, ayaa heshiiskii Is-fahamka ee Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxba kama jiraan ka
dhigeen waxay markale la saxiixatay Dawladda Kenya. Warqadda ay May 31, 2013 Nairobi ku kala saxiixdeen wasiiradaha Arrimaha dibadda
ee Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo nuqul ka mid ah ay
SomaliTalk.com heshay (hoos ka eeg), waxaa ku cad "Labada Wasiir waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta
badda", ayadoo arrintaas asaas looga dhigayo heshiiskii MoU. "Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax
maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa." Waxaa isla
markaas durbadiiba Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aqbashay in Kenya iyo
Soomaaliya wada samaystaan guddi farsamo oo arrintaas kawada shaqaynaya oo loo
bixiyey JCC (Joint Commission for Cooperation). Waxaana ku caq qoraalkaas in
guddigaas markiiba la dhaqan geliyey oo "Labada Wasiir ay si rasmi ah u sheegeen
in JCC uu dhaqan galay (Axad) 2-da June 2013, saacada 4:00 galabnimo".
Sida ku cad qoraalka cusub ee la kala saxiixday, waxaa kulanka labada wasiir
ee arrimaha
dibadda in uu Nairobi ku qabsoomo amar ku bixiyey Madaxweynayaasha Kenya
Uhuru Kenyada iyo Shiikh Xasan, amarkaas oo ahaa in ay sid degdeg ah ku kulmaan
labada wasiir, isla markaasna la diyaariyo sidii Nairobi uu "kulan shaqo" ugu
iman lahaa madaxweynaha Soomaaliya, uuna marti gelin doono madaxweynaha Kenya.
Qadiyadan heshiiska MoU waa mid la xiriirta xornimada dhul ee Qaranka
Soomaaliya, maadaama xukuumaddu saxiixday in gorgortan laga geli karo
dhul-badeedka Soomaaliya (xusuuso MoU-ga boorka laga jaafayo) iyo ayadoo ay
Kenya hore u cadaysatay xad gudubka ay ku soo samaysay dhul-badeedka Soomaaliya
o ay qayb cabiratay.
Qoraalkii la kala saxiixday May 31, 2013 (Halkan ka akhri)
Saxiixii MOU ee Kenya iyo Soomaaliya April 7, 2009 Warar ka
qaar ayaa tibaaxay in Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf,
ay keli ku ahayd goobta ay heshiiskan kula saxiixanaysay wasiiradda Arrimaha
dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo ay weheliyeen khubaro Keenyaati ah.
Heshiiskan is-fahamka ee boodhka laga jafay waxaa uu ahaa Heshiiskii MoU-ga ee
muranka lagu gelinayey badda Soomaaliya, islamarkaasna ay Kenya cabiratay
dhul-badeed baaxad-weyn oo ah saddex-xagal (sida
ku cad kharidahaay Keny au gudbisay UN-ka 6dii May 2009). Heshiiskii loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama
MOU) waxa uu ahaa kii April 7, 2009 uu magaalada Nairobi ku saxiixay C/raxmaan
C/shakuur Warsame, oo xilligaas ahaa wasiirkii xiriirka caalamiga ah ee DFKMG. Laakiin
waxaa heshiiskaas ka dhiidhiyey Baarlamaankii Soomaaliyeed oo August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada
Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas
is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay
Waxba kama jiraan (NULL & VOID). Muddo dheer ayey qaadatay in go'aankaas
ka soo baxay Baarlamaanka in la gaarsiiyo Qaramada
Midoobey maadaama ay xubno ka mid ahaa golahii wasiirada ee xilligaas ay xagal
daacinayeen. Waxaana ugu dambayntii Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda
rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii
Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya in uu yahay mid aan la cuskan
karin "in Baarlamaanka Federaalka
kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo
mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin". Qormada kooban ee UN-ka ayaa
u qornayd sidan:
- "The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal
Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable." UN.
Muddo kaddib C/raxmaan C/shakuur oo ahaa wasiirkii heshiiska Is-fahamka u
saxiixay DFKMG waxa uu isku deyey in uu iska leexiyo masuuliyadda heshiiskaas,
asagoo farta ku fiiqay in Ra'iisul wasaarahii xilligaas Cumar C/rashiid uu
amray in uu saxiixo. Maanta waxaa taagan mid taas la mid ah, in Madaxweynaha Dawladda Federaalka
Shiikh Xasan uu amray in heshiiskaas is-fahamka ay markale saxiixdo wasiiradda Arrimaha
dibadda, ahna wasiirka iskaashiga Caalamiga ah. Haddaba mar haddii markale la hareer maray go'aankii baarlamaanka, la jebiyey
xeer ay dawladdu ku dhisan tahay ee ahaa in go'aanka baarlamaanku ka sareeyoo
kan xukuumadda, iyo inaan heshiisyo caalami ah la meel
marin karin haddii aan baarlamaanku ansixin, waxaa su'aashu tahay Baarlamaanka
cusub ee Soomaaliya tallaabo intee leeg ayuu ka qaadi doonaa arrintaas.
Tan kale, haddii arrintaas ay baarlamaanku go'aamo adag ka soosaaraan, ama
shacabka Soomaaliyeed sidii kii hore u diidaan heshiiskan cusub, markaas ma la
arki doonaa Fawsiya Yuusuf Aadam oo ku andacoonaysa 'waxaa i amray madaxweynaah
in aan heshiiska saxiixo ee isaga arrinta kala hadla' sidii uu C/raxmaan
C/shakuur Warsame u lahaa ra'iisul wasaraha ayaa i amray markii arrintii uu
saxiixay la qaadacay. Soomaaliya baddeedu waa xadaysan tahay, laakiin
dhul ayaa ka maqan Arrinta saxiixa cusub ee May 31, 2013 waxaa si qayaxan ugu cad in la
doonayo xadayn cusub ee badda ayadoo la cuskanayo heshiiskii hore ee Is-fahamka MoU,
kaas oo dhigayey sidan: "Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u
dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Sheegashada
labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni
isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah "Aagga
lagu mursan yahay." Sidaas waxaa dhigayey heshiiskii is-fahnka ee MoU.
Ufiirso halkaas: ma jiro meel ay Dawladdii KMG ahayd ama dawladdan cusubi ku
cabiratay aagga Lamu, balse waxaa jira cabbir qeexaya in Kenya cabiratay aagga
la olloga ah Raas-kambooni ee u dhaw Kismaayo (sida ku cad khariidaha weli ku jira
website UN ee Kenya gudbisatey) Laakiin, sida taariikhda ku cad, xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,
gaar ahaan dhanka xiga Soomaaliya, weligeed
muran ma gelin ka hor saxiixii C/raxmaan C/shakuur. Waxaa taariikhda ku cad in
Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga uu dhex maray heshiis dhacay
15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas
Xadaynta dhanka badda waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA
ay leedahay Soomaaliya - waa jasiirado Koonfur kaga aadan Raas Kambooni.
Sidoo kale, 16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii
Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka
Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la
marinayo xadka dhanka badda, markaas oo la caddeeyey in "Raas kambooni iyo jasiiradaha u
dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya". Ufiirso halkaan: Fawsiya Yuusuf Aadam arrinta ay hadda Kenya la saxiixatay kuma
saabsana Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) ee
Soomaalida weli kaga maqan yahay dhulka NFD. Balse waxay saxiixday in boodhka
laga jafo heshiiskii Is-fahamka MOU Badda ee 2009 kaas oo Kenya ay muranka ku
gelinaysay badda Soomaaliya.
Tan kale xadaynat cusub ee la doonayo marka lagu saleeyo heshiiskii
Is-fahamka waxaa Kenya markaas sheegan doontaa in xarriiqda kala qaybin doonta
badda ay u socoto dhanka bari, halka sida caadiga ah xarriiq badeedka kala
qaybisa Kenya iyo Soomaaliya ay tahay mid xagal 90 derejo ah la samaysa xeebta,
una socota Koonfur-bari.
Waxa kale oo xaqiiqa ah in saxiixa cusub ee Wasiirada Arrimaha Dibadda
iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS uu yahay mid lagu tirtirayo xeerka Badda Soomaaliya ee Law No.37
oo soo baxay 1972. Waayo, waxaa Soomaaliya leedahay sharci badeed oo qeexaya
cabbirka baddeeda, si qayaxan u sheeegaya in badda Soomaaliya ku cabiran tahay
meel xeebta u jirta
200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. tan kale Soomaaliya waxay
saxiixdeay Xeerka badahah Adduunka 1989 ayadoo
aan ka tanaasulin
xeerka Law No. 37. Fawziya Yuusuf arrintaas kuma caddayn qoraalka ay dacalka ka
saxiixday.
Saxiixa cusub - oo boodhka laga jafayo heshiiskii MoU ee muranka geliyey
badda Soomaaliya - waxaa fuliyey wasiir ka tirsan xukuumadda FS, laakiin
sharciga iyo qaanuunka dalka ilaalintiisa waxaa qaabilsan Baarlamaanka. La
xisaabtanka xukuumadda waxaa qaabilsan baarlamaanka. Haddii la jebiyo ama la
hareer maro xeer baarlamaan, cidda sixidda iyo xisaabtankeeda leh waa
baarlamaanka. Haddaba waxaa shacabku ka dhur sugayaan arrintan xukuumaddu soo
xusboonaysiisay ficilka ay ka qaataan.
Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon sidii ay markale ugu istaagi
lahaayeen difaaca badda Soomaaliyeed.
Qoraalkii ay
saxiixday Fasiya Yuusuf (Halkan ka akhri)
Sidoo kale akhri warbxinta Daily Nation Kenya (Qaybteeda dambe)
Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2013
|