SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Kenya oo Xogteeda QM ka hor Akhrisay, Cuskatayna Heshiiskii Is-afgarad iyo Warqadii Loo Saxiixay Cumar C/rashiid

  • Tarjumadii, warbixintii iyo faalladii: SomaliTalk.com | Nov 3, 2009

Warbixin ay soo saareen Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka

Shabakadda Qarammada Midoobey qaybteeda xeerarka Badaha adduunka ayaa October 30, 2009 waxaa lagu faafiyey qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Qoraalkaas oo tibaaxay halka uu marayo go'aan ka gaaristii akhbaartii la xiriirtey xuduudaha baddaha ee ay dalalku u gudbiyeen guddigaas.

Gaar ahaan waxaa qoraalku faahfaahin ka bixiyey kulankii ay Guddigaasi ku yeesheen xarunta Qarammada Midoobay (QM) ee New York intii u dhaxaysay 10 August ilaa 11 September 2009.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Guddiga (QM) ay ka baaraan degeen akhbaarta la xiriirta Qalfoofka Qaaradda ee ay dalalku u soo gudbiyeen, ayagoo adeegsanaya shay-barka aaladda GIS (Geographic Information Systems) ayey si farsamo ahaan u eegeen akhbaarta loo gudbiyey, ayadoo la raacayey Qodobka Article 76, farqaddiisa sideedaad (paragraph 8) ee xeerka QM ee Sharciga Badda. (Qodobkaasi waxa uu ku saabsan yahay in dalalka xeebaha leh ay QM u gudbistaan cabbirka Qalfoofka Qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.)

Dalalka lagu xusay warbixinta ee xad-badeedka la leh Soomaaliya ee xogtooda gudbiyey waxaa ka mid ah Kenya, Yemen (oo khuseeya aagga Koonfur-Bari kaga beegan jasiiradda Suqadara); iyo  Seychelles (oo khuseeya dhanka Waqooyiga ka xiga).

Kenya oo Xogteedii ka hor akhriday Guddiga Xadaynta Badaha

Warbixinta Qarammada Midoobay waxay shaaca ka qaaday in Kenya ay September 3, 2009 Guddiga Xadaynta Badaha u bandhigtay, kana hor akhriday, akhbaarta la xiriirta cabirka badaha ee ay Kenya gudbisatey. Akhbaartaas Kenya waxaa QM u bandhigay wafti ballaaran oo ay ka mid ahaayeen: Wanjuki Muchemi, lataliyaha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General), Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda, iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS. Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.

Wanjuki Muchemi oo ah madaxa waftiga Kenya waxa uu Guddiga Xadaynta ka hor sheegay in Mr. Brekke, oo xubin ka ah Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay, uu Kenya ka caawinay talo bixin xagga farsamada ee la xiriirta xogtii ay Kenya gudbisatey QM.

Ayadoo tixraaceysey Qodobka Annex I, farqaddiisa Paragraph 2 (a)  ee xeerka farsamada QM, Juster Nkoroi waxay Guddiga QM ku wargelisey in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya. (Qodobkaasi waxa uu ku saabsan yahay: haddii uu jiro muran badeed in  QM loo sheego marka hore ee xogta la gudbinayey, waana tan ay Kenya u doonaysey heshiiskii Is-fahamka ee ay la saxiixatay DFKMG si ay markaas u cuskato heshiiskaas.)

Waxa kale oo Ms. Nkoroi ay Guddiga QM u sheegtay in wada-xaajoodyada aan weli go'aanka laga gaarin ee Kenya kala dhexeeya Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa laga gaaray qorshayaal la maareeyey oo ku-meel-gaar ah, ee xag farsamo, ayadoo la xeerinayo Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3, ee xeerka Qarammada Midoobay ee Baddaha. Qorshayaasha la maareeyey waxay ku qoran yihiin Is-fahamkii MoU (Memorandum of Understanding) ee la saxiixay 7 April 2009, taas oo (Labada dal) ay isla garteen in aan midna kan kale diidmo ka hor geyn xogta ay Gudbisanayeen, ayey tiri. Arrintaas mid la xiriirta ayadoo muujineysey, Ms. Nkoroi waxay farta ku fiiqday qoraal kayimid Soomaaliya oo ku taariikhaysan 19 August 2009 kaas oo ay sheegtay in uu waafaqayo Heshiiska Is-fahamka (MoU), waxayna intaas ku dartay in qoraalkaasi (19/8/2009 waa warqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid) uu xaqiijiyey in marka la gaaro waqtiga ku haboon, la isku duba ridi doono nidaam lagu gaba gabaynayo wada-xaajoodka xuduudda Badda ee Soomaaliya.

Kenya markii ay akhbaartooda ka hor akhriyeen, kaddib waxaa Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaraddu uu yeeshay shir gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin (private). Waxayna falanqeeyeen qaabka farsamo ee ay u wajahayaan xogtaas loo soo gudbiyey. Guddugu waxa ay go'aansadeen, ayagoo xeerinaya Qodobka Article 5 ee Annex II ee Xeerka QM ee Badaha Adduunka iyo qodobka Rule 42 ee xeerarka Nidaamka Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda, in akhbaartaas la soo gudbiyey  ka baaraan-deggeeda loo saaro Guddi-Hoosaadyo lagu asaasayo ayadoo la xeerinayo Qodobka Rule 51, farqaddiisa paragraph 4 ter, ee xeerarka Nidaamka Guddiga Xadaynya Qalfoofka Qaaradda. (Macnaha qodobada iyo xeerarka la xusay oo faahfaahsan hoos ayaan ku arki doonaa.)

Guddi hoosaadku waxay go'aanka u gudbin doonaan Guddiga QM oo markaas heer wada jir ah go'aan rasmi ah uga gaari doona akhbaarta la soo gudbiyey sida ay u soo kala horeeyaana u eegaya.

Sharraxaad Macnaha Sharciyeed ee Hadallada Kenya

Marka la dhuuxo kelmedaha ay adeegsadey Kenya markii ay akhbaateeda ka hor akhrineysey Guddiga QM, waa erayo sharciyeed xeel dheer. Dhawr qodob oo erayada Kenya ah ayaan is dul taageynaa.

Qodobka Koowaad: ee laga fahmi karo hadalka Kenya (Qoraalkayagu muran kuma jiro ee badda Soomaaliya ayaa muran ku jirta)

Kenya oo wargelineysay Guddiga QM waxay sheegtay: in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya. [Aan halkaas markale eegno sida qoraalka ay Kenya u tiri: Ms. Nkoroi informed the Commission that there are no unresolved disputes relating to the submission of Kenya.)

Kenya marka ay sidaas leedahay waxay ogtahay in ilaa hadda aysan DFKMG wax diidmo ah ka geyn xogtii ay Kenya u gudbisatey Qarammada Midoobey. Xogtaas oo Kenya ku cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo gaaraya 116,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Dawladda FKMG waxaa u furnaa in marka ay aragtay xogtii ay Kenya gudbisey in ay diidmo ka hor geyso, markaas Kenya kelmedahaas ma adeegsan kari lahayn.

Dhanka kale, waxaa dhici karta in maskaxda akhristaha ay ku soo degdegi karto su'aasha ah: Aaway hadalkii ku qornaa Heshiiskii Is- Afgarad (MoU) ee Kenya ku dooneysey in muran badeed geliso dhulka Soomaaliyeed? - Taas waxaa jawaab u ah: Kenya waxay ugu muuqataa hadda in ay tabcadaas la heshay DFKMG iyo Soomaalida, waayo warqaddii MoU waxaa QM u gudbiyey Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, waxaana ka mid ahaa hadalladii ku qoraa (No objection), oo ah DFKMG wax diidma ah kama qabto xogta Kenya gudbisatay. Waxaa kaloo loo qaadan karaa gudbinta Cumar C/rashiid in wixii ku qoraa MoU uusan waxba ka qabin maadaama uu gacantiisa ku gudbiyey, isla markaasna uu saxiixay wasiir ka mid golahiisa wasiirada. Halkaas waxay Kenya ka fahmi kartaa in Soomaaliya aysan 'muran' ka qabin in baddeeda la geliyey 'muran badeed'. Sidaasna ay markaas QM ugu sheegtay "in aysan jirin wax muran ah oo aan la xallin oo la xariira akhbaartii ay gudbisatey Kenya." Taas oo Kenya ula jeedi karto: DFKMG waxay aqbashay in baddoodu uu muran ku jiro, cabbirkii  Kenya samaysatayna aysan waxba ka qabin Soomaaliya.

Qodobka Labaad: ee laga fahmi karo hadalka Kenya (Waxaa lagu kala baxayaa Sharciga Caalamiga ah)

Kenya waxay Guddiga QM u sheegtay, waxa ay ugu yeertay wada-xaajoodyada aan weli go'aanka laga gaarin ee Kenya iyo Soomaaliya in  laga gaaray qorshayaal la maareeyey oo ku-meel-gaar ah, ee xag farsamo. Markaas waxay Kenya xustay in ay tixraacayso Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3, ee xeerka Qarammada Midoobay ee Baddaha.

Marka la dhuuxo hadalkaas, waa erayo loo adeegsado xagga sharciga oo salka ku haya in lagu kala bixi doono Sharciga Caalamiga ah (International Law) marka la isla tago Maxkamadda Caalamiga ah. Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3 waxa ku cad in ay wanaagsan tahay in dalalku ay heshiiyaan. Dabcan markaas hadday heshiin waayaan waxaa la raacayaa qodobka 1-aad ee xeerkaas. Kaas oo dhigaya in Qalfoofka Qaaradda badda ee dalalka deriska ah uu saamayn ku yeelanayo heshiiska ku salaysan sharicga caalamiga ah, sida ku cad qodobka Article 38 ee Qaanuunka Maxkamadda Caalamiga ah. (Qodobkaasi waxa uu khuseeyaa in Maxkamadda Caalamiga ah ay go'aan ka gaarto muranka u dhexeeya dalalka).

Halkaas waxaa laga fahmi karaa in Kenya ay dooneyso in badda Soomaaliya ay geyso maxkamadda Caalamiga ah si loogu sharciyeeyo. Waxaa taas laga sii fahmi karaa in hadalka Kenya uu ku jiro erayada ah in qorshayaasha la maareeyey ee la isla gaarey ay ku xusan yihiin Heshiiska Is-afgarad ee ay kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya April 7, 2009. Waxay hadalkaas Kenya ku sii xoojisey ayadoo farta ku fiiqday qoraal kayimid Soomaaliya oo ku taariikhaysan 19 August 2009 kaas oo ay sheegtay in uu waafaqayo Heshiiska Is-fahamka (MoU). (FG: Qoraalka 19/8/2009 ee ay Kenya ka hadleyso oo taageerada ka dhiganeyso waa warqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid, ee qaar xildhibaanadda DFKMG kamid ah ay shir jaraa'id ku sheegeen in uu saxiixay Prof. Ibbi. Arrintaas weli ra'iisul wasaaraha DFKMG kama hadlin).

Arrimahaas marka la eego, Kenya waxay u muuqataa in ay isu diyaarineyso erayo sharciyeedkii ay adeegsan lahayd haddii la isla tago Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague. Halka madaxda DFKMG ay ku mashquulsan yihiin difaaca heshiiskii Is-afgarad ee lagu khiyaameeyey.

Dawladda Federaalka KMG oo Loogeysa Badda Soomaaliyeed

Waxaa shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan sababta ay DFKMG heshiis Is-faham ula geli weydey Yemen iyo Seychelles oo labadaba ay bad kala dhexeyso Soomaaliya. Labaduba waxay xogtooda gusbisteen iyagoo aan Soomaaliya heshiis iyo is-faham is-afgarad iyo MoU midna la gelin, waayo loomaba baahna, khasabna ma ahayn in dalalku galaan heshiis is-faham si xogtooda ay ugu dudbistaan UN-ka. Haddaba arrimahaas oo jira ayaan la fahmi karin sababta ay DFKMG u difaacdey heshiis aan wax faa'iido ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Arrinta khasaarada weyn ku fadhida waxay tahay in Baarlamaanka DFKMG diidmadoodii ay heshiiska Is-faham ku diideen aan laga hoos qaadin. Waayo haddii go'aankaasi gaari lahaa Qarammada Midoobey, markaas xukuumadda Kenya tixraac ahaan uma adeegsan lahayn heshiiska is faham.

Waxaa xusid mudan in baarlamaanka DFKMG ay go'aanka diidmada ah gaareen Agoosto 1, 2009. Kaddib, sida uu dhigayo dastuurka DFKMG, waxaa go'aankaas  loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed si uu u saxiixo oo markaas loogu gudbiyo hay'adaha ay khuseeyaan sida QM. Waxaa cad in warqaddii go'aankii baarlamaanka ku qoraa in aan laga qaadin miiska madaxweynaha DFKMG, waayo Kenya markii ay akhbaarteeda ka hor akhrineysey QM September 3, 2009, meelna laguma xusin diidmadii baarlamaanku WAXBA-KAMA-JIRAAN (NULL & VOID) kaga dhigeen Heshiiskii Is-afgarad ay Kenya tixraaca iyo taageerada ka dhiganayso. Tirada xubnaha baarlamaanka DFKMG waa 550 xildhibaan. Waxayna u dhaarteen in ay dhawrayaan danta Dadka iyo Dalka. Maxaa hadda arrimahaas kala gudboon baarlamaanka DFKMG? Jawaabta waxaa laga sugayaa 550 xildhibaan.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London la hadlayey October 28, 2009 ayaa markii ugu horeysey qiray in Heshiiskii Is-fahamka lagu khiyaameeyey xukuumaddiisa - Waxa uu yiri: "Kenya waa run waxay damacsan tahay in ay khalado xuduudka badda sida uu yahay... Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law..." . Laakiin ilaa hadda xukuumadiisu diidmo ku saabsan heshiiskaas Is-faham uma gudbin Guddiga Qarammada Midoobey. Maxaa hadda la gudboon Ra'iisul wasaaraha DFKMG? Jawaabta isagaa laga sugayaa.

Madaxweynaha DFKMG oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota la haadlayey October 4, 2009 ayaa sheegay in arrinta heshiiska Is-afgarad ee had iyo jeer laga hadlo ay tahay DACAAYAD - Waxa uu yiri: "Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato....". Hadda haddii uu arkay in arrintu aysan dacaayad ahayn, oo xitaa ra'iisul wasaarahiisii uu qiray in Kenya ay Violation ama Ku xadgudub ku samaysay Sharciga Caalamiga ah, oo Kenya doonayso in ay Khalado xuduudda, haddaba maxaa la gudboon Sheikh Shariif? Jawaabta isagaa laga sugayaa.

Maxaytahay Talaabooyinka hadda loo baahanyahay in si dag dag ah loo qaado

B- In Raysal wasaaraha DFK Cumar C/rashiid uu waraaq dag dag ah u diro QM uuna ku cadaynayo inaan la cuskan karin MoU heshiiskii Is-afgarad ee 7 April 2009, iyo inaan la cuskan karin waraaqii 19 August 2009 loo gudbiyey QM hadana Kenya xustay, waraaqdaas oo Prof. C/raxmaan Ibbi u saxiixay Cumar C/rashiid.

T- In si dag dag ah DFK ay shir jaraa'id u qabato ay ku cambaaraynayso damaca Kenya, ayna ku xusayso inay kusoo xadgudubtay Badda Soomaaliyeed. Ugu yaraana xusayso in Kenya ay hadda ka baxday Is-afgaradkii Caruusha.

J- In Baarlamaanka Soomaaliyeed si dag dag ah ugu yeero Xukuumadda FKMG kana dhagaysto sababaha ku kallifaya inay galaan ama difaacaan Heshiis lagu waynayo 116,000 km oo labajibaaran ama murran galinaya Badda Soomaaliyeed, hadii Xukuumaddu jawaab cad keeni waydo ama ka meermeerto inay kanoqoto in Baarlamaanku Motion ka keeno Dowlada Lagu Casilayo sida uu dhigayo Axdi Qarameedka Kumeelgaar ah.  

Waxaan dhayalsi lahayn in haddii arrimaha ku saabsan damaca Kenya aysan jawaab adag oo rasmi ah ka bixin Baarlamaanka, Ra'iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha DFKMG in markaas ay halis ugu jirto badda Soomaaliyeed in Kenya looga sharciyeeyo Maxkamadda Caalimiga ee Adduunka.

X- Arinta aadka muhiimka u ah ee loo bahan yahay waa in Soomaaliya si deg deg ah u magacowdo khuburo Soomaaliyeed oo kakooban Qareenno Sharciyada badda ku takhasusay, khuburo dhinaca Juquraafiga ah, khuburo cilmiga Badda aqoon u leh gaar ahaan Qalfoofka Qaarada, Taariikh-yahanno xagga badaha, iyo Saraakiil garanaya ama horay ula soo shaqeeyey QM fahmina kara Eraybixinta Qaanuunuga ah, sidoo kale fahamsan haddii lagu fursan waayo Maxkamada Caalamiga ah sida ay u shaqayso. Sidaas waxaan ugu talinaynaa kaddib markaan derisnay dhinaca Kenya khubarada ka soo jeeda iyo baaxadooda xirfadeed ee howshaan u baahan tahay. Fadlan markale akhri khuburada Kenya usoo xushay inay Soomaaliya ka goostaan 116,000km oo laba Jibaaran. Akhbaartaas Kenya waxaa QM u bandhigay Wanjuki Muchemi, gacanyaraha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General) iyo Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda , iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS. Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.

Wareegto Rasmi ah (GAZETTE NOTICE NO. 3929) oo soo baxday 24kii May, 2006 ayaa Kenya ku magacawday Guddi khubaro ku xeel dheer Qaanuunka Caalamiga ah iyo cilmiga badaha oo loo xilsaaray in ay farsamo ahaan diyaariyaan cabbirka xuduudda badda. Guddigaas oo ka kooban 17 xubnood (oo isugu jira Guddoomiye oo ah Juster Nkoroi iyo 13 xubnood iyo 3 xoghayn), waxaa loogu magac daray Guddiga Hawlgalka (Task Force) ee xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Jariidadda EastAfrican waxay May 11, 2009 sheegtay: xogta ay u gudbisatey QM waxaa Kenya kaga baxday lacag dhan $9 million oo doolar.

SomaliTalk oo horay uga digtay inaan Heshiis lagalin iyo in Kenya Badda Soomaaliyeed Cabiratay

4- Inay isha ku hayaan wadammada badda lawadaaga Soomaaliya inay soo durkeen iyo in kale sida; Kenya, Yemen, Sychelles, Maldives iyo Hindiya, sidoo kalena ay lasocdaan xogta ay u soo gudbiyaan Qarammada midoobay oo cadaynaysa Joqoraafi ahaan baddooda. Waxaa soo ifbaxday xiligan aan Baarintaankan wadno in , Dowlada Kenya ay cabiratay qayb kamida Badda Soomaaliya ee xuduuda laleh, sida ku cad qoraal ay Kenya u gudbisay UN-ta Maarso 10, 2009 oo ay ku sheegatay Jasiirado iyo qayb wayn oo badda Soomaaliya leedahay ah, kuwaasoo u dhow Raaskanbooni.... (Cilmi baarista kadib, waxay May 6, 2009 Kenya u gudbisatey QM khariidad muujinaysa in ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxad weyn).

5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee (Xadaynta) Badaha Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga rabo, gaar ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa inaysan qaadin wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo ahaa inay saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto cawaaqibxumo iyo hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku baraarujinaynaa inay aad u dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo qorayey inay Qarammada midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan. Qoraalkaas wuxuu kamid ahaa cilmi baaristii Somalitalk toos Dowlada FKMG ugu dirtay intaysan heshiiska Is-afgarad MoU lagalin.

Tixraac:

Qodobada la tixraacay ee lagu  xusay warbixinta Guddiga Qarammada Midoobay oo kooban hoos ka akhri:


Xeerka Annex I, farqaddiisa Paragraph 2 (a)

2. Haddii ay jiraan muran ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhexeeya laba dal oo ku yaal labada gebi ee badda ama badda deris ka ah, ama ay jiraan dhul ama muran badeed, oo la xiriira xogta la soo gudbinayo waa in Guddiga QM.... (a) Loo sheego murankaas marka ay dalalka xeebaha lehi soo gudbisanayaan xogta.

FG: Khalad ugu weyn ee DFKMG ay ka gashay shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in ay "Muran Badeed" gelisay bad Soomaaliyeed oo aan hore wax muran ah ugu jirin. Badda Soomaaliya inta Waqooyi iyo Waqooyi-Bari ka xigta jasiiradaha lama Shaaqa weligeed muran kuma jirin ka hor xukuumadda Jabuuti loogu soo dhisay Soomaalida Janaayo 2009.

Qodobka Article 83, farqaddiisa Paragraph 3

Farqaddiisa Paragraph 3aad ee Qodobka Article 83 ee xeerka Badaha Adduunka waxa uu dhigayaa: Heshiiska aan weli go'aanka laga gaarin, ee faahfaahintiisu ku qoran tahay farqadda 1aad ee isla xeerkan 83, dalalka ay khusayso, ayagoo ka duulaya wada shaqayn, waa in ay sameeyaan isku day kasta oo ay ku gelayaan heshiis nooc farasmo oo ku meel gaar ah. Heshiiskaas oo aan caqabad ku ahayn xadaynta kama dambaysta ah.

Farqadda 1aad ee xeerkan (Article 83) waxa uu dhigayaa: Xadaynta qalfoofka qaaradda ee dalalka deriska ka ah xagga badda waxaa saamayn ku yeelanaya heshiiska ku salaysan sharicga caalamiga ah, sida ku cad qodobka  Article 38 ee Qaanuunka Maxkamadda Caalamiga ah (Statute of the International Court of Justice), si loo gaaro xall ay ku qanci karaan dhammaan inta ay khusayso.

Waxaa la is weydiin karaa waa maxay faa'iidada ugu jirta DFKMG in ay ku noqoto xukuumaddii ugu horeysey ee soo marta Soomaaliya oo muran toos ah gelisa badda dhanka Raas Kambooni ka soo xigta Jasiiradaha Lama Shaaqa.

Xeerka Annex II, qodobkiisa Article 5 ee xeerka Badaha:

Article 5, Annex II waxa uu qeexayaa Guddi-Hoosaaska QM ee ka baaraan degaya akhbaarta la soo gudbiyey in uusan ka mid noqon xubin ka noqon karin qof dalkaas ka caawinay xagga farsamada ama xogtaas markii la gudbinayey. Waxa kale oo qodobkaas ku xusan in dalaaka xeebaha leh ee akhbaarta u gudbistey Guddiga Xadaynta waxay goobta guddigu hawsha ka wadaan u joogi kara wakiil, laakiin wakiilkaasi codka (vote) ma bixin karo

Qodobka Rule 42 ee Guddi- Hoosaadka

Qodobka Rule 42 ee xeerarka iyo nidaamka guddiga xadaynta Qalfoofka Qaaradda, waxa uu adkaynayaa qodobka muujinaya guddi hoosaadyada loo samaynayo guddiyada xadaynta qalfoofka qaaradda, iyo sidii guddigaas loo xulan lahaa ayadoo la tixgelinayo qodobka kor ku xusan ee Article 5 ee Annex II. Waxaana guddi hoosaadkaasi ka koobnaan karaa toddoba xubnood oo ka mid ah Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda. Waxa kale oo qodobkaasi dhigayaa sidii guddi hoosaaska looga dhawri in uu ka mi dnoqdo xubin yeelan karto dano iska hor imanaya (conflict of interest).

Qodobka Rule 51

Qodobka Rule 51, farqaddiisa paragraph 4 ter, ee xeerarka iyo nidaamka guddiga xadaynta waxa uu qeexayaa in akhbaarta la soo gudbiyey loo kala hor akhriyo sida ay u soo kala horeeyeen. Waxaana akhbaarta ay guddi hoosaadku tixgelin siinayaan haddii oo keliya uu mid ka mid ah saddexda guddi hoosaad ee ka shaqaynaya ay soojeedintooda u bandhigaan guddiga xadaynta qalfoofka qaaradda.

- Tixraac: CLCS/64 , bogga 21; eeg http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/commission_documents.htm
- Akhbaartii ay gudbisatey Kenya 6 May 2009; eeg www.un.org/depts/los/clcs_new/ submissions_files/ submission_ken_35_2009.htm
- Memorandum of Understanding (MoU), see http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/ submissions_files/preliminary/som_2009_mou.pdf
- Waqrqaddii loo saxiixay Cumar C/rashiid 19 August 2009, eeg http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/ submissions_files/ken35_09/som_re_ken_clcs35.pdf
-
Article 76, paragraph 8,: http://www.un.org/Depts/los/ convention_agreements/texts/unclos/part6.htm
- Article 38  International Court of Justice: http://www.icj-cij.org/documents/index.php?p1=4&p2=2&p3=0
- Rule 42 and Rule :eeg  http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/commission_rules.htm

- Annext I, Paragraph 2 (a): eeg http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/commission_rules.htm
- Article 5, Annex II: eeg http://www.un.org/Depts/los/ clcs_new/documents/annex2.htm

Faafin: SomaliTalk.com | November 3, 2009


Akhriste ayaa Oct 31, 2009 su’aalaha hoose soo weydiiyey SomaliTalk.com:

MA HALKAAS BEY KU DHAMAATEY DAMACII KEENYA?

Jawaab: Kenya waxay haysataa Heshiis Is-afgarad oo ay la gashay DFKMG, heshiiskaas waxaa u saxiixay C/raxmaan C/shakuur, waxaana UN-ta u gudbiyey Cumar C/rashiid. Inkasta oo heshiiskaas ay Baarlamaanka Soomaaliya ka dhigeen waxbakama jiraan haddana ilaa hadda xukuumadda Federaalku diidmadaas uma gudbin QM. Damaca Kenya waxa uu dhammaan karaa marka ay DFKMG si rasmi ah arrinta u maarayso, heshiiska si rasmi ah uga noqoto, in ay ka noqotayna ay si rasmi ah ugu gudbiso Qarammada Midoobay, arrintana markaas lagu daabaco website UN-ta sida loogu daabacay heshiiskii Is-afgarad oo weli ku jira website-kaas.

KUWA DOWLADA SHEEGANAYA MAXAA HADA KU KALIFEY IN EY RUNTA SHEEGAAN?

Jawaab: Shacabka Soomaaliyeed ayaa si qayaxan uga horyimid heshiiskaas lagu khiyaamaynayey, oo la doonayey in lagu xalaalaysto dhul badeed baaxadiisu dhan tahay 116,000 kiilomitir oo laba jibbaaran. Meelkasta oo ay tagaan madaxda DFKMG su’aasha ugu horeysa ee la weydiiyo ayaa noqotay maxaad u bixiseen badda Soomaaliya, maxaa DFKMG ku kallifay in ay heshiiskaas galaan maadaama aan wax faa’iido ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ayagoo kitaabka quraanka ugu dhaartay in ay ilaalinayaan danka dadka dalka iyo diinta. Jawaabaha rasmiga ah waxaa laga sugayaa xumuumadda Federaalka kumeel gaar ah.

Weli ma muuqato meel ay DFKMG si rasmi  ah Kenya ugu wargelisey in ay VIOLATION ku samaysay xuduudda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha DFKMG hadalkiisa waxaa loo qaadan karaa hor dhac uu arrintaas ku doonayo, balse waxaa laga sugayaa in uu arrinta ka jibo keeno oo si rasmi ah heshiiskaas ay xukuumaddiisu uga laabato, adduunkana si qoraal ah oo rasmi ah ku gaarsiiso, gaar ahaan UN-ta.

Waxaa muhiim ah in shacabku fahmo in madaxweynaha DFKMG uu arrinta heshiiskaas ku tilmaamay DACAAYAD la sameeyay, halka ra’iisul wasaaruhu uu ku tilmaamay VIOLATION ay Kenya ku samaynaso Qaanuunka Caalamiga ah. Sidaas daraadeedna ay muhiimad weyn leedahay in xukuumadda laga helo mowqifkeeda oo qoraal rasmi ah.

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri