SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

"BADBAADI BADDA SOOMAALIYEED" - "SAVE THE SOMALI SEAS"

Xubin ka noqo Xaruntan Cusub..

  • Bashir Shekh Moxamed

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in codsigii aan usoo jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliyeed in qaarkood aaysan la soconnin, sidaas awgeed waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in intii la xiriirikarta Xildhibaannada Baarlamaanka KMG in aay la xiriiraan oo ka dhaadhiciyaan in laga horyimaado Qorshahan loogu magac daray ROADMAP oo khatar ku ah XUDUUD BADEEDKA SOOMAALIYA.

Ummadda Soomaaliyeed waa in aay wada ogaadaan in ulajeedada ku qarsoon ROADMAP-KA arrimaha ugu waayeyn waa arrintaan ansixinta xuduud badeedka Soomalia, taas oo ah arrin aan hadda loo joogin, oo aysan Dawladdaan ku meel gaarka ah xaq u lahayn in ay goaamiso, inta Dawlad sax ah laga helayo oo matasha Somalia oo idil, wax looga deg dego meesha ma yaal , waayo haddii la leeyahay kalluunkii Soomaaliya oo sida sharci darrada ah lagu boobayo ayaa la idinka difaacayaa, waxaa iska cad in arrintaasi aay been tahay sababtoo ah 20kii sano oo lasoo dhaafay ayaa la boobayey, una malayn mayo in qorshahan loogu magac daray ROADMAP in uu wax noo xallinayo .

Waxaa hubaal ah in uu boobku sidiisii u sii soconayo. Muraadka kaliya oo qorshahaan ROADMAP-ka laga rabo waa in sharciga badaha Soomaaliya loo baa-basho ama loo tirtiro si loo waayo sharci kula xisaabtama 20kii sano oo kheyraadka badda Soomaaliya la boobay qashinka khatarta ahna lagu shubayay, intaas waxaa dheer in Keenya oo ayaduna qorshahaan dabada ka riixeysa aay u danleedahay sidii aay ku hantiyi lahaad Batroolka Badda Soomaaliya oo in muddo ah daba carareysay in aay soo gudbisato qorshaheeda bad ballaarsiga bacdamaa Soomaaliya loo sameynayo CABIR CUSUB oo ah 12nm.

Dhibaatada ugu weyn ee Somali haysata waxaa weeye, aqoon darro iyo iyada oo aysan jirin cid loogu soo hagaago arrintan xuduudaha iyo khayraadka badda Soomaaliyeed, maadaama muddadii Ku Meel Gaarku soo jirey ay Wasiirro badan isaga dambeeyeen xilkaas, wax raad ah oo muuqdana oo ay ku qancin karaan Ummadda Soomaaliyeedna aysan horayna uga taghin, haddana gacanta ku hayn heshiisyadii ay horaay u gali jireen iyo kuwa hadda miiska u saran in ay galaan. Marka la saxiixayo heshiisyada noocaan oo kale ah, waa in uu jiraa raad raac Somali leedahay iskuna raacsantahy, iyada oo aan cid kale oo dano khaas ah leh aan lagala l tashan, sida hadda socota oo kale oo ay indho iyo dhago inoo yihiin kuwa raba in naloo sameeyo cabbir cusb oo ah 12nm, kii hore oo uu addunku noo aqoonsanaana la nalaka tirtiro, iyada oo aan haba yaratee wax sabab lagu qanci karo aysan jirin.

Sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa in la isku dayo in la sameeyo Hayad Madax Banaan oo loogu magac daro:

Xarunta Daraasaadka Qeyraadka iyo Xuduudaha Badda Soomaaliyeed

Somali Marine Resources and Boundaries Studies Center

Hayaddas waxaa membership ka noqon kara muwadin kasta oo Somali ah oo ku tabarucaya aqoontiisa iyo dhaqaalishiisa si loo ilaaliyo hantida ma guurtada ah ee ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed, waxayna aruurinaysaa wixii cilmi baaris ah ee horay loo sameeyey ee ku saabsan khayraadka badda Soomaliyeed, dhinaca environmentiga, ama haraagaa khashinka lagu daadiyo, waxay talo bixin siinaysaa si joogto ah dawlad kasta oo Somalia yeelato arrimaha ku saabsan khayraadka badda iyo xuduudaheedaba, iyada oo ka qaybgalaysa shir kasta oo looga hadlayo arrimaha badda Soomaaliyeed, maadaama ay member ka noqonayaan xeeldheerayaal Soomaliyeed oo kala jooga addunka dacalladiisa.

Hayaddas waxaa loo samayn doonaa Charter ay ku shaqayso oo ay ku qoranyihiin: Objectives, Mission, Principles, purpose and aims, Membership, Organs (Chairman and the Executive Board) etc.

Waxaan soo jeedinayaa in Somalitalk aay ugu tala gasho HAL PAGE oo websitekooda ah si loogu daabaco arrimaha khuseeya Center-kaas oo mideynaya aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku xeel dheer culumta badaha iyo sharciyadoodaba, (Think Tankers), si ay si joogto ah heegan ugu ahaadaan difaaca danaha Badda Somaliyeed, meel kasta iyo waqti kastaba. Dhaqaalaha ay ku shaqaynaso, wuxuu uga imaan kara Tabarrucaad (donations) maadaama ay tahay NON PROFIT ORGANIZATION.

Arrintaan haddii ay hirgasho, dawlad kasta oo Soomaliyeed waxay helaysa meel ay ka tixraacdo arrimahan murugsan ee Baddan Soomaliyeed ee boobka lagu hayo.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadey Somalitalk ka codsanayaa in aay gacan ka geestaan hirgalinta AAS AASIDDA HAYADDAN KA MADAXA BANNAN DAWLADAHAN KMG ah oo sida joogtada ah isku badbadalya.

Bashir Shekh Moxamed

bashirmohamud@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | September 14, 2011

Qoraaga (Bashiir Shiikh Maxamed), waa diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: