Madaxweynaha Dawladda Federaalka oo Ku Andacoodey in Dhul-badeedka
Soomaaliya yahay 12 mayl, isagoo iska indha-saabaya Xeerkii Badda Soomaaliya
- SomaliTalk.com | May 1, 2013
Madaxweynaha Dawladda Federaalka (DFS) oo Kooxda Contact Group u
sheegay in Dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl
Madaxda DFS oo u muuqda in ay si diktatooriyad amar-ku-taaglayn ah
isugu deyayaan in dib loo qoro taariikhda Dhul-badeedka Soomaaliya, oo la suuliyo
xeerkii badda Soomaaliya Law No. 37 ee dhigayey Somalia Terrtorial Waters in
uu yahay 200 mayl-badeed, laguna soo koobo 12 mayl ayadoo aan la marsiin
Baarlamaanka, golaha wasiiraduna ay khabaar-moog maqaar-saar ah ka yihiin
arrinta. Waxana Madaxweynaha DFS qorshaynayaa in uu si degdeg ah ayadoo aan
baarlamaan la tusin uu Qarammada Midoobey ka diiwaan geliyo markii ugu horeysey
taariikhda in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 12 mayl.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan ayaa Arbacadii (May
1, 2013) qoraal iyo hadal Video ahaan u jeedeyey Kooxda Contact Group ee
qaabilsan Burcad-badeeda ee ku sugan New York, waxana uu markii ugu horesey
taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial
Waters) yahay 12 mayl, isagoo jajuubaya ama meesha ka saaraya xeerkii badda Soomaaliyeed ee dhigaya in
dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed.
Arrintan waxaa degdeg ka sii dhigaya in khudbadiisa Shiikh Xasan uu u jeedey
Contact Group uu ku xusay
in arrintaas uu dhawaan u gudbinayo Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobey, isagoo
sheegay in uu sii marsiinayo Safiirka u fadhiya New York. Mana uu xusin in uu
marsiinayo
barlamaanka (Qaybta sharciga u qaabilsan Dawladda) amaba ay arrinta ku baraarugsan
yihiin baarlamaanka (sharci dejinta) iyo golaha fulinta (wasiirada).
Waxa kale oo Madaxweynaha DFS uu ku celceliyey in arrinta badda lagu
xaqiijiyey waxa uu ugu yeeray Kampala Process, laakiin waxa uusan xusin in
Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii KMG ahayd ay arrinta Badda gaar ahaan Economic
Zone (EEZ) ay gebi ahaanba ka saareen Roadmapkii Kampala.
Arrintaas in dhul-badeedka Soomaaliya la soo koobo waxaa hore uga dhiidhiyey
baarlamaankii hore ee Kumeel-gaarka ahaa oo garabsanayey shacabka Soomaaliya.
Waxaana arrintan soo cusboonaatay ama lasoo rogaal celiyey looga fadhiyaa baarlamaanka cusub ee
Soomaaliya in ay si wadaniyad iyo geesinimo uga hortagaan, xukuumaddana arrintan
kula xisaabtamaan maadaama ayaga sharcigu ka fulo.
Waa Maxay Degdegu:
Burburkii Soomaaliya kaddib, xilligii dagaalada sokeeye ka socdeen Koonfurta
Soomaaliya ayaa Kenya waxay la xiriirtay mid kamid ah Qabqablayaashii dagaalka ee
xilligaas ku sugnaa magaalada Kismaayo, waxayna u soo bandhigtay qorshe ay ku
dooneysey in ay heshiis kula gasho badda ku aadan Raas Kambooni. Qabqalahii
dagaalku arrintaas waa diidey.
Kenya ma samrin. Xilligii uu socdey shirkii Eldoret iyo Mpagathi ee lagu soo dhisay Dawladda
Federaalka ah ayaa markii la doortay Cabdullaahi Yuusuf, intii uusan ka soo
tegin Nairobi waxaa Kenya usoo bandhigtay in uu heshiis kula galo aagga
badda ee ku aadan Raas-kambooni. Maamulkii Cabdullaahi Yuusuf waxay ugu
jawaabeen "arrintaas ma geli karno." (Waxaase hore u jirey arrintii
Hafza* iyo isku daygii kirayntii Xaafuun ee 100-ka sano).
Kenya ma quusan. Markii Jabuuti lagu soo dhisay Dawladdii uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif
ayaa durbadiiba waxa Kenya oo garab ka heleysa Norway iyo Walad Cabdalla,
Ergeyga Qaramada Midoobey, waxay dawladdaas u soo bandhigeen heshiis loogu magac
daray is-faham. Kaas oo markii ugu horeysey taariikhda muran lagu geliyey badda
Soomaaliya.
Baarlamaankii Soomaaliya ayaa arrintaas ka hortegey, una wajahay si geesinimo
leh o taariikhdu xusi donto - waxayna heshiiskaas ka dhigeen
waxba kama jiraan. Taas oo sababtay in baarlamaankaas si bareer ah looga dhigay
hawl-gab. Waxaana ku xigey in Kenya gashay gudaha Soomaaliya taas oo ilaa hadda
ay ciidaamdeedu ku sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo aan dawladda
Federaalka Soomaaliya si rasmi uga talin ama xukunkeedu gaarsiisnayn ilaa hadda.
Baarlamaankii cusbaa ee la soo dhisay waxay madaxweyne u doorteen Shiikh Xasan, oo
asaguna ra'iisul wasaare u magacaabay Shirdoon.
Durbadiiba, markii la dhisay dawladda cusub oo rasmi ah 21 sano kaddib, waxaa soo shaac baxay in dawladda loo
dhoodhoobay sharci macmal ah oo
laga dhaadhiciyey madaxda ugu saraysa Dawladda Federaalka Soomaaliya oo u muuqdey
in aysan hore xilligii ay shacabka
ahaayeen aysan waxba kala socon doodda badda iyo muranka la geliyey - Ayadoo
laga faa'iideysanayo intaa ay curdinka-layliga yihiin ee xukunka u hamuuman - Waxaana soo shaac baxayay
in madaxda DFS ay u muuqdeen in aysan kala fahamsanayn farqiga u
dhaxeeya Dhul-badeed (Territorial Waters) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ).
Waxaa kale oo madaxda DFS lagu jaah wareeriyey muran gelinta dhul-badeedka
ayagoo laga weeciyey in ay ku doodaan in laga soo bilaabo 2009 in dalalka
xeebaha leh loo ogolyahay in cabbirka badda loo kordhiyo oo la gaarsiiyo 350
mayl-badeed meel xeebta ka durugsan.
Waxa la isku deyey in la bedelo Sharcigii badda Soomaaliya ee Law No. 37
ayadoo Norway ay sharci cusub usoo dhiibtey Guddoomiyaha Baarlamaanka. Laakiin
waxaa soo shaac baxay in aan sharcigaas lagula dhiiran karin in la horgeeyo
golaha baarlamaanka.
Markaas ayaa si degdeg ah qorshahii waxaa loogu bedeley in madaxweynuhu si bareer
ah ugu dhawaaqo in dhul-badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay 12 mayl -
taas oo Arbacadii May 1, 2013 mar uu la hadlayey Kooxda Contact
Group uu sheegay in dhul-badeedka Soomaaliya territorial waters yahay 12 mayl,
halkii uu ka ahaa 200 mayl, isla markaasna sheegay in uu arrintaas u gudbinayo Qarammada Midoobey.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa arrintan jawaabta ay ka bixin
doonaan iyo waxa ay sharci ahaan ka samaynayaan haddii guddoonka baarlamaanku
arrinta kula xisaabtami waayo xukuumadda.
Halkan ka akhri warqaddii Shiikh Xasan u akhriyey Contact Group
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2013 | Updated: May 2, 2013
|