SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Kenya oo dardar gelisey Shidaalka ay ka baaranayso qayb kamid ah Badda Soomaaliyeed (Block L5), Halka ay DFKMG iska indha tirayso arrintaas...

  • SomaliTalk.com | March 10, 2012

Warbixin ay Jimacdii (Maarso 9, 2012) qorstay shabakadda Petroleum Africa, waxay muujisay in shirkadda Anadarko Petroleum Corp. ay sahamin ku samaysay qaybo ay saami shidaal baaris heshiis kula tahay Kenya.

Qaybahaas ay shirkadahu Kenya heshiiska kula galeen waxaa ka mid ah aagga loo yaqaan BLOCK L5, kaas oo qiyaas ahaan 3900 Sq Km Gudaha ugu jira Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka hadlay raadka ay arrintani yeelan karto, ayaa SomaliTalk u sheegay "in sida muuqata ay Kenya rabto meel ay ka billowda muranka ay rabto in aay galiso Dhul badeedka Soomaaliya oo ay muddo dheer daba taagneed." Waxa uu intaas raaciyey "Waxaan kaloo dareemayaa in ay arrinta dabada ka riixayaan U.K.iyo Fransiiska oo hadda Shirkadohoodu ku mashquulsanyihiin dhul badeedkaas."Waxaana habboon in arrimahaas lagu baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ayada oo ay si waadax ah u muuqata in Kenya ay ku xad gudbeyso qarannimada ummadda Soomaaliyeed, ayaa haddana  DFKMG waxay iska indha tireysaa arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammniga Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdisamad Maxamuud Xasan oo Somalitalk wareysi gaar ah kula yeelatey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti oo aan weydiiney "dowladda Kiiniya waxay shidaal ka baareysaa qayb ka mid ah dalka Soomaaliya oo la yiraahdo Block L5, maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha gudaha soomaaliya, arrinkaas maxaad ka leedahay?". Wasiirku waxaa uu ku jawaabey “run ahaantii arrinta aad sheegayso wali wax xog ah kama hayo, qaabkeedu wuxuu yahay aad ugama war qabo, waan maqlayey xoogaa warar is af-dhaafsan, laakiin wax xaqiiqo ah oo aan arrintaas ka hayo ma jiraan”.

Markii SomaliTalk weydiisey: Haddii uu jiro arrinkaas maadaama aad tahay wasiirkii arrimaha gudaha maxaad ka leedahay ayaan ku celiyey wasiirka? Wuxuuna yiri “taasi waxay noqon doontaa, siyaasad guud oo dowladda soomaalida u yaala, wixii dowladda soomaaliya ka qaadato ayaan ku camal faleynaa, haddii alle yiraahdo” ayuu jawaabta su’aalihii ku soo koobay Cabdisamad Maxamuud Xasan.

Dhanka kale, Ciidamada gumeysiga Kenya waxay ka gudbeen xad beenaadka NFD bishii October 16, 2011, ayagoo intii ka dambeysey deggaanada goboladda Jubooyinka iyo kuwa laolloga ahba ka geystey duqayn isugu jirta madaafiicda noocyadeeda kala duwan iyo duqayn hawada oo ay ku waxyeeleeyeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Dagaalka Kenya ayaa salka ku haya khayraadka xeebta la ollogga ah Raaskambooni oo ay muddo dheer Kenya ku taameysey sidii ay Soomaalida uga durkin lahayd aaggaas, ayadoo hore isugu dayday in ay arrintaas ka sharciyaysato xukuumadda Sheikh Shariif, laakiin ay shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada Baarlamaanku ay gaashaanka u daruureen. Kaddibna ay markaas Kenya adeegsatey cudud militari oo ay kaga gudubtey xad-beenaadka NFD.

Magaalooyinka Soomaaliyeed ee ay ciidamada Kenya ku jiraan waxaa kamid ah Raas Kambooni, oo la ollog ah aagga Block L5.


Kenya Prospects Excites Anadarko

Date: Friday, March 9, 2012

Anadarko Petroleum Corp., previously known for its activities as Algeria’s number one independent producer, a few years ago branched out into other regions of Africa. The company is now fully a continental explorer within every region of the continent.

In Kenya the company holds stakes in five blocks off the country’s coast L5, L7, L11a, L11b and L12. The company is looking forward to getting down to exploration on the blocks.

In a recent conversation with Petroleum Africa Anadarko’s VP International Exploration, Frank Patterson said that two 3D surveys have been acquired and have already been processed “two months quicker than expected.”

Patterson added that the company is currently mapping up a prospect inventory and is “very excited” about what it sees.

In September 2011 Anadarko was joined by French firm Total on the blocks. “We brought in Total as a partner and recovered back costs as well as some forward costs. Drilling is likely to begin in late 2012/early 2013, dependent on rig availability. The program is moving quite well,” he said.

Source: http://www.petroleumafrica.com/

Kenya's search for oil and gas | NAIROBI, (Reuters) | Thu, 02 Feb 2012

Kenya has marked out eight new offshore exploration blocks that it expects to list in the government gazette by end-February, and France's Total is negotiating for the rights to one of the blocks, a senior energy ministry official has said.

LEASED BLOCKS:  Anadarko Petroleum and its partners have five blocks in the Lamu offshore basin - L5, L7, L11A, L11B and L12. The government has a participating interest of 10 percent in all five blocks. The blocks cover an area of more than 30,500 square kilometres, in waters 100 to 3,000 metres deep.


New Kenyan Deepwater Blocks on Offer

Date: Wednesday, January 11, 2012


In mid-December Petroleum Africa reported that Kenya planned to demarcate new blocks offshore its coast. A little more information on those blocks has been released including the names of some companies that have expressed an interest in those blocks.

The deepwater blocks, L21 through L28, with water depths between 3,000 meters to 4,000 meters will be demarcated in February and are expected to be appear in a government gazette shortly thereafter.

One of the blocks however is said to have been snagged already by French firm Total. According to a Bloomberg report, the French firm has signed an interim production sharing agreement to operate at least one of the areas. Total already holds stakes in Kenya’s deepwater acreage picking up five blocks operated by Anadarko Petroleum Corp., blocks L5, L7, L11a, L11b, and L12. Brazilian firm Petrobras is also said to be in discussions with the government aimed at investing in some of the new deepwater acreage.

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: