SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Dhulka Soomaaliya loo yaqaan waxa uu 20-kii sano ee ugu dambeysay ahaa meel cid maamusha aan la aqoon oo kooxo & maamulo dano gaar ah, qaab qabiil-na ku dhisan ay hor boodayaan.

Systemka Dowladnimo wax u eg waxaa la oran karaa waxaa Soomaaliya ugu dambeysay bilowgii 80-meeyadii,system-kaas oo weliba madax ka nool ahaa, wixii waqtigaa ka dambeeyay dowladdo aan wax nidaam dowladeed shuqul ku laheyn ayaa hawada naga qabsaday. Madax ku sheegga waddankan aan heyadihii aasaasiga laheyn sida bangiyo, isbitaallo iskuullo IWM, mid walbaa halkaa uu wasiirka u yahay ama uu ku magacaaban yahay isagaa xukuma,dadka uu xukumona meel dheer kamuu keenin ee kuwii xag siyaasad, xag qabiil ugu dhowaa ayuu meesha la yimid, amaba waxaa laga yaabaa meel uu maamulo iska daaye in uu maqalsoon uu in uu yahay wasiir ama taliye, wax intaa uga hooseeyana ma jiraan, talo kama qaato mid ka sareeya lamana tashado mid ka hooseeya.

Dadkaa iyaga ah oo Soomaaliya horboodaya mar mar waxaad is leedahay meel dowlad ka dhisan tahay weli lama soo tusin miyaa, waxaad arkeysaa guddoomiyihii Baarlamaanka oo booqashoyin ku kala bixinaya Dowlado kale , dan dowladeed ma wadee wuxuu mushahar u doonayaa kooxdiisa baarlamaanka. Waxaad sidoo kale arkeysaa Taliyihii Booliska oo isagana dhiniciisa mushahar ugu raadinaya kooxda uu booliska ku magacowday, dhaqaalaha meesha laga doono ma aha meel fog ee waa waddanka Kenya oo dalaaliin dhaqaalaha Soomaaliya ka baayac mushtara ay xafiisyo ka furteen. Wixii Soomaaliya la soo siiyo ayay halkaa lagu kala qeybsadaa.

Marka xoogaaga dhaqaalaha ah la siinayo waxaa la socda warqad & qalin looga dalbado in ay heshiis la soo qortay saxiixaan. Sida qashin badda lagu shubo, dhulal diyaaradaha Mareykanku duqeeyaan, badda Soomaaliya in qeyb lala wareego, ama maraakiib waaweyn ay jillaaaftaan, xuduudka Soomaaliya in sidii la doono laga yeeli karo, qofkii ay iyagu u baahdaan loo soo gacan geliyo IWM. Shuruudda ku xiran haddii uu saxiixo waayona waa jagada wasiirnimo oo uu weyn doono dhaqaalna uusan meeshaas kala tageyn.

Dowladaha dariska Soomaaliya la ah sida Kenya & Ethiopia. ka sokow dhulalka ay naga heystaan waxay ku darsadeen 5-ta wasaaradood ee ugu muhiimsan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa laga xukumaa Kenya, Tan gaashaandhigga waxaa hagta Ethiopia, tan Arrimaha Gudaha Eriteria ayaa wax u yeerisa, tan dib uheshiisiinta-na Jabuuti ayaa sidii ay doonto ka yeesha, Tan Maaliyadda waxaa loo daayay dowladaha isku magacaabay in ay deeqo bixiyaan. Iminkana waxaa u soo carfeysa xeebta dhererka badan ee Soomaaliya oo la sheego tan 2aad ee Africa ugu dheer hadayanba tan 1-aad aheyn, uguna kheyraadka badan.

Waxyaabaha aadka cajiibka u ah waxaa ka mid ah dowladahan aan soo sheegnay oo qaarkood dhulal Soomaali ah heystaan aan maantana ugu darno Badda. Ethiopia & Kenya waxay intii aan fowdada ku jirnay aad ugu soo xad gudbeen xuduudka waddankeena waxayna aakhirkii gaareen in ciddii ay doonaan gudaha Soomaaliya uga daba tagaan iyagoo aan cidna weydiisan,kalana tashan. Dowladda Kenya waxay xuduuda Soomaaliya gudaha u soo gashay dhul baaxaddiisu le-gtahay illaa 300-500 Km halka Ethiopiana ayba dagtay degmooyin Soomaaliyeed oo xuduuda ku yaalla.

Dadka Soomaalida oo aad isula qab weyn, waxay caalamka kaga jiraan darajada ugu hooseysa, xagga aqoonta, siyaasadda & caqliga. Ducfiga Soomaalida ku jira-na wuxuu na gaarsiiyay in aan xitaa hantidii maguuraanka aan wareejinno markaa tii kale aan horey uga takhalusnay shilimo yarna siisannay. Marka aan Soomaaliya leeyahay kama wado qeyb gooni ah oo Soomaaliya ah, waxaana Soomaaliya loo yaqaan min Raas-kaambooni Illaa Raas Caseyr Soommaali-na waa Soomaali mahmaa kaan wa yakuun.

Dowladda Soomaaliya oo laga sugayo in ay ammaan & kala dambeyn waddanka ka dhaliso, waxayba ku mashquulsan tahay saxiix heshiisyo dowlado kale ku daneysanayaan. Waxaa maalmo dhaweyd dhagaheena ka guuxayay heshiis canshuurta Soomaaliya Dowladda Kenya u qaadeyso, amakaag & yaab ayay nagu noqotay waxaase inoo xigtay Baddiina ku darsada, keliya xafiis aynu heshiiska ku saxiixano kursi & miis qurxoonna yaaliin aan arko si aan u caddeeyo in aan ahay wasiir wax saxiixi kara.

Arrintan fajicisada ah oo dhagaha Soomaalida maalmahan ka guuxeysa, waxay kuu caddeeneysaa in dad la isku halleyn karo aysan halkaa kaaga horreyn, qaddiyadda Soomaaliyana waxay sugeysaa qof walba oo Soomaali ah damiir Soomaalinimo-na uu ku jiro, oo maanta waxaan mareynaa Reer Ba'oow Yaa Ku Leh.

Farah Warsame
Melbourne, Australia.
bile1971@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS