SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaano Soomaaliyeed oo Daaha ka Rogey in Soomaaliya ay ku jirto Maxmiyad

"Xildhibaan Mushaar ka qaato islamarkaana ay ilaaliyaan Shisheeye  Ma Badbaadin karaa Xuduuda Badda iyo Dhulka Soomaaliya"

Shirkii Wadatashiga Soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ayna horboodeysey Qaramada Midoobey ayaa  dadka soomaaliyeed ku soo baraarugeen Go’aamadii ka soo baxay  ka dib markii siyaasiyiin Soomaliyeed ay daaha ka rogeen in shirkaas uu ahaa mid laga lahaa Danao gaar ahaneed oo ay ugu horeeyso in la xalaaleysto  Xuduudaha Badda Soomaaliya iyo weliba kuwa Dhulka

Iyadoo taasi ay jirto ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxay maalmahaan lahaayen shirir ay ugu arinsanayaan waqtiga kala guurka ee Sannadka Soo socda waxaan si aad ah looga doodey arrimhaas waxayn Xildhibaanada Baarlamaanka istusiyeen in Xiligaan aan la qaban Karin wax shir dib u heshiisiineed iyadoo weli ay maqan Maamulka Soomaaliland iyo Xarakada Shabaab

Sidoo kale waxay istusiyeen in aan la sameyn Karin wax datuur ah iyadoo Dowladda Fedeeraalka aysan gacanta ku soo dhigin Gobolada ka maqan Dowladda Federaalka , sidoo kale waxay sheegeen  in dalka uu ku jiro Gumeysi ama Maxmiyad maadaama dadka Soomaaliyeed aysan Gacantooda ku jirin arrimaha u gaarka ah oo ay sheegeen in ay maamumulayaan Hayado shisheeye

Xildhibaan  Shiikh Cabdiraxmaan Faarax Janaqow ayaa waxaa uu doodaas ka sheegey in Madaxda sare ee Dowladda iyada Masuul k ka tahay dhibaatada ka jirta Dalka Soomaaliya islamarkan ay ku sifoobeen in ay la wareegaan Howlihii Baarlamaanka Soomaaliy

Sidoo kale Maxamuud Saciid oo Dowladii Cumar Cabdirashiid ka soo noqdey Wasiir ayaa isna Daboolka ka qaadey in dalka soomaaliya lala damacsan yahay in la geliyo Gumeysi marka la gaaro ama Soomaaliya ka baxdo ku meel gaar wuxuuna Xildhibaanada baarlamaanka u soo jeediyey in ay ka hortagaan waxa Soomaaliya lala maagan Yahay sidoo kale shacabka soomaaliyeed ayuu ugu baaqey in u istaagaan samatabnixinta gayiga Soomaaliyeed

“Waxaan haynaa dood ay meesha ku dhamaaneyso aan wada ognahay yaan Nafteed been u sheegin iyo Nafta ummada Soopmaaliyeed haddii aan damir leenahay waxaan ku shiri lahayn Xarunteenii oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo shisheeye , marka Xildhibaan Mushaar ka qaata Dowlado Shisheeye islamarkaana ay ilaalinayaan Ciidamo shisheeye Go’aan ma gaari karaa arrinku wuxuu u eg yahay Shimbiriyahow Heesa”ayuu Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka oo intaa raaciyey

"Markii aanXorowno ayaa qaadan karnaa Ga’aann marka Xildhibaan isagaba ka haysto muxuu sameeyn karaa aan dadka soomaaliyeed u sheegno in dalkan uu ku jiro Gumeysi waad ogeydaan mar aan damacney in aan ku shirno Golaha Shacabka Askar Amisom ayaa Feer Jilib iyo Haraati nooga soo saarey Xarunteennii, marka waxaana nagu jira Xildhibaanadii ogolaadey in dalkaan IOtoobiya soo gasho oo Xasuuq ka geysato marka kuwii sidaa sameeyey miyaan maanta na dhahaya waxaan badbaadineynaa Dalkaan iyo Ummdaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | September 14, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: