Xeradu Waa Eber
- Cabdiraxmaan Salaad
Email: dhaguuf@hotmail.com
Marka hore waxaan mahad balaaran u celinayaa bahda Somalitalk oo kaalin lama
ilaawaan ah ka qaatey difaaca badda Soomaaliyeed, waxaana Ilaahay ka baryayaa
inay ugu guuleystaan siday ugu guuleysteen wareegii hore ee difaaca badda. Marka
labaad waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu run ka dhigo odoraska iyo filaasada
Sheekh Maxamed Idiris ee ah in ummada Soomaaliyeed xaqeeda daafacan doonto
Inshaa Allaah. Inkasta oo sawirka dhabta ah ee muuqdaa kaa ka duwan yahay.
Waxaa la weriyaa in macalin ajnabi ah oo arday yar yar oo
Soomaali ah wax u
dhigayey uu weydiiyey so’aal ku saabsan xisaab ka jar ah, waxa uuna ku yiri
sadex iyo toban hadii laga jaro labo imisaa soo harta? Caruurtii jawaabtii si
deg deg ah waa u bixin waayeen, markaasaa macallinki waxa uu is yiri u fududee oo
waliba dadkani xoola dhaqato ayey ka soo jeedaane, tusaale ugu bixi arrin la
xiriira xoolaha. Markaasuu waxa uu ku yiri sadex iyo toban neef oo ari ah oo
xero ku jira hadii waraabe u soo dhaco oo labo kala baxo imisaa soo hartey?
Ardadii oo aan wali jawaabin ayaa macalinki waxa uu yiri soo kow iyo toban neef
ma soo harin? Caruurtii waxay yiraahdeen maya, arrinku haduu yahay wax miyi la
xiriira macalin anaga kaa badina, xoolo xera ku jira hadii waraabe u soo dhaco
qaarna kala baxo inta kalana waa cararaysaa marka xeradu waa eber, xerada xoolo
kuma jiraan.
Dawladaha aduunku intaa waxay u xusulduubayaan oo raadinayaan wax aysan xaq u
lahayn iyo sedbursi, mararka qaarkoodna waxa ayba u galaan dagaalo lagu hoobtay,
si lo ilaaliyo danaha dawladaas xataa mustaqbalka fog. Sidoo kale dawladahu
waxay ku dadaalan xataa inay ilaaliyaan danaha dawladaha danahooda fulinaya,
waxa ayna xukunka ka tuuraan kuwa ka dhega adeyga, tusaale fudud dib u eeg sida
loo galay Qadaafigii Liibiya iyo sida loo ilaaliyey boqortootayada Baxreyn, ilaa
nimanka siyaasada lafaguraa ay ka yiraahdeen waa halxiraale siyaasadeed in
Qadaafina la yiraahdo xukunka ka deg boqorka Baxreyn boqor Hamad na la yiraahdo
ha la ilaasho. Anagu waxaad moodaa inaan bilcaksi u shaqaynayno, wali ma la
hayaa dawlad xuquuqdeedi baddeed ama dhuleed rabta inay ka tanaasusho, waliba
ayada oo shacabkeedi ku hayaan war ka daaya, wax ku khasbayana aysan jirin.
Fadlan qofkii hayaa ha ii soo sheego.
Dad badani waxay aaminsan yihiin in arrinkan ay dabada ka riixayaan dalal
dano guracan wata, waana dareen saxa marka aad fiiriso sida loogu maman yahay
iyo sida aan haba yaraatee wax gorowshiya ah looga bixinayn cabashada shacabka
Soomaaliyeed. Maxay tahay dhibta aan shacabku arag oo ay arkaan madaxda dawlada
oo kaliya ee ku jirta hadii aan cadeysano xuquuqdeena badeed oo ah 200nm? Xagee
iska galaan taako dhukeena ah la bixin maayo iyo waxaan ka tanaasulayaa 96%
baddeena? Maxaa dhacaya hadey dawladu si fudud u sheegto in badda Soomaaliya ay
horey u cabirneyd, xeerna ka yaalo, Qaramada Midoobayna ay cintiraafsan tahay
doodna aysan ka taagneyn? Islaan baa waxaa laga sheegay sacabka hadaan wax ku
jirin maxaa habeenkii loo tumaa. Arrinka saas u cad oo u fudud maxaa ku
cusleeyey madaxda dawlada? Maxaa loo la’ yahay mas’uul Soomaaliyeed oo afka soo
mariya xuduuda badda qowmiga ah ( territorial waters) oo loogu warwareegayaa
aaga ganacsiga gaarka ah (EEZ)?
Mas’uuliyiinta dawlada Soomaaliyeed waxaan jeclaan lahaa inaan ugu naseexeeyo
in hadii uu arrinku aqoondaro yahayna waxaa idinku filan macluumaadka somalitalk
soo bandhigtay iyo xogta uu hayo Mas’uulka dawlada ka tirsan ee Admiral Faarax
Qare.
Hadii ay ku talagal tahayna, walaalayaal arrinku xil doon iyo xoolo doon
labada ka weyn, saxiixa yar ee fudud waxa uu ummada Soomaaliyeed galin karaa
halgan dheer oo naf iyo maalba lagu waayo. Marka hadii iinan dhibaatada dadka
iyo dalka Soomaaliyeed haysata waxba ka qaban Karin howga sii darina. Soomaalidu
waxay tiraahdaa canaan ka yaab cood ma doojo, hadii aydan idinku ku dhicin inaad
tiraahdaan baddeenu waa 200nm xeer baana ka yaal, ugu yaraan waxaa tiraahdaan
shacabkayagi saasuu rabaa, waana naga gar leeyahay.
Shacabka waxaan u soo jeedin lahaa waxay marasaa meel halis ah, waxaana
duulaan lagu yahay dalkeena iyo madaxbanaanideena, ee bal dhowr bilood qabiilka
intaan khaanada ku soo xirano booskiisi aan galino difaaca badda Soomaaliya, oo
mudaharaadyadii waaweynaa oo aan dhigi jirey markii jifadeena la taabto aan ku
badalo midaan u dhigayno difaaca baddeena, waxaa la sheegaa in qolooyinka badda
duulaanka ku ah ay tixgalinayaan rabitaanka shacabka e.
Cabdiraxmaan Salaad
Email: dhaguuf@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | September 30, 2011
|