SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACADA BADDA SOOMAALIYA

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah, badda Soomaaliyana muran weyn geliyay

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah

Sheikh Shariif : Waxa laga hadlayey waa Dhulka naga wada maqan aan wada doonano..

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa makhribnimadii Axada (Oct 4, 2009) waxa u Soomaalida Minnesota kula hadlay xarunta Jaamacadda Minnesota, halkaas oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u tiro badan.

Khudbaddii Sheikh Shariif uu halkaas ka jeediyey waxa uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa: “Dadka yaryar oo caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la doonateen waa fiicantahay, laakiin  masaajidkii waa la soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan, maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”

“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota, marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo.”


Dadweynihii isugu yimid kulankii Shariifka, Oct 4, 2009, MPLS

Shariif Xasan, Sh. Shariif iyo Jangali

Sheikh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya.

Waxana uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Minneapolis (Oct 4, 2009)

Sheikh Shariif waxa uu xusay in warqadda ay u direen Qarammada Midoobay ay ku raadinayaan dhul maqan. Soomaaliya dhulka ka maqan waa NFD oo ay haysato Kenya iyo Soomaali Galbeed oo ay haysato Ethiopia. Laakiin warqadda ay direen kuma qorra NFD iyo Somali Galbeed. Balse waxaa ku cad in Badda Soomaaliya muran la geliyey.

Dhanka kale Sheikh Shariif kama uusan hadlin in heshiiska ay la galeen Kenya uu baarlamaanka DFKMG ka dhigay waxba kama jiraan. Balse hadalkiisu wuxuu u muuqdaa mid ka hor imanaya go’aankaas baarlamaanka FKMG.

Qofkii aan weli akhrin qoraalka uu Sheikh Shariif ka hadlay markale halkan ka akhri. Xukuumadda Shariif ayaa caddaynta arrintaas laga sugayaa.

Markii shirkii dhammaaday ayaa Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC) waxay qaar ka mid ah reer Minnesota ay ra’yigooda ka weydiineyso khudbadii Sheikh Shariif. Nin magaciisa yahay Cali oo sheegay in uu deggan yahay magaalada St. Paul ayaa si kulul u dhaliilay hadalka Sheikh Shariif ee ku aadanaa masaajidda. Cali waxa uu yiri “waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya waa wax yaabo kala qaybinaya ummadda Soomaaliyeed, wuxuu farta ku fiiqay masaajidda oo ah meesha keliya oo ummadda Soomaaliyeed carruurteena aan geyno ee wax noogu bartaan, oo salaadda aan ku tukano oo diinta lagu barto.” Dhegeyso Hadalkii Cali (bbc).


Dhegeyso 72:18 Baset - Hussari - Minshawi


Dhegeyso aayadda 2: 114 Baset - Hussari - Minshawi


Warbaahinta duubanaysay khudbadda

Fariintii C/risaaq Xaaji Xuseen halkan ka dhegeyso

Hadalkii Shariif Xasan Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG oo reer Minneapolis su’aalo ka weydiiyeen Heshiiskii Badda

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG C/risaaq Cismaan Xasan Juurile oo booqasho ku yimid magaaladda Minneapolis ayaa kulamo uu la yeeshay qaybo ka mid ah jaaliyadda waxaa su’aashii ugu badnayd eee la weydiiyey ee ku saabsanayd badda Soomaaliyeed ee ay Dawladda Federaalka KMG ay u loogeyso Kenya.

Markii uu ka jawaabayey su’aalaha ku saabsan badda waxa uu sheegay in warbahintu ay isku lifaaqday laba khariidadood oo uu ku sheegay mid in ay samaysay shirkad batrool ka sahamisay aagga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taas oo uu sheegay in shirkaddaasi muujisay in batroolku ku jiro dhanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in warbaahintu ay khariidaddaas  madaxa u geliyeen khariidad kale. Laakiin Juurile dadkii uu la hadlayey ma tusin khariidadda uu ka hadlayey.

Juurile waxa uu kulamadaas lagu weydiiyay in dawladdiisu ay bixineyso qaar ka mid ah badda Soomaaliyeed, ku weeraray warbaahinta wax ka qortay arrimaha badda, isagoo gaar ahaan ku eedeeyey in ay labada khariidadood ee uusan soo bandhigin ku sheegay in la is dhex geliyey.

Haddaba, SomaliTalk si ay arrimahaas wax uga weydiiso ayey October 4, 2009 waxay Juurile kula kulantay Minneapolis.

 
C/risaaq Juurile iyo C/weli Dalboon

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Xasan Juurile, markii SomaliTalk arrimaha badda iyo heshiiskii Is-faham ee Kenya/Soomaaliya wax ka weydiisay, waxa uu ka gaabsaday in uu arrintaas si toos ah uga hadlo, ON RECORD. Waxuuna uu yiri wasiirku: waraysi ku saabsna badda ma bixin karo hadda, sababtoo ah waxaa magaalada jooga Madaxweynihii iyo Ra’iisal wasaare-xigeenkii.

Markii aan wax ka weydiinay Labada MAP (Khariidadood) ee uu sheegay in isku lifaaqay waxa uu yiri: arrintaas hadalka ayaa ila galay laakiin go’aanka aan maantay qaadanayo waxaa weeye in aanan badda wax ku saabsna ka hadlin inta ay maadaama ay joogaan Madaxda Dowladda ugu saraysa, sababtoo ah, ayuu yiri, arrimaha badda ayey ahayd su’aashii iigu badnayn ee la i weydiiyay, waana su’aal na wareerisay oo buuq badan wadata, laakiin waxaan balan qaadayaa maadaama aan ahay Masuul dowladda ka tirsan in aan Su,aalaha aad qabtaan aan dowladda u gudbiyo gaar ahaan wasiirada Heshiiskaan saxiixay.

SomaliTalk si ay u hesho xaqiiqada hadalkii Juurile, waxay raadisey dad goob joog ah kulamadaas.


C/laahi Cali  Farah

Hadaba Waxaan Waraysi la yeelanay C/laahi Cali  Farah oo loo yaqaan C/laahi Dheere oo aan kula Kulanay Hotelka ay Minneapolis ka deganaayeen waftiga DFKMG. C/laahi Dheere waxa uu u shaqeeya State-ka Minnesota , gaar ahaan  Maxkamada.Waxuuna ka mid yahay Xubnaha u doooda Xuquuqda Aadamaha ee Magaalada St Paul. Dhinaca kale C/laahi waxuu markhaati ka yahay Hadalkii uu Wasiirku ku weeraray Shabakadaha wax ka qoray badda iyo heshiiskii is-faham, taas oo wasiirku xusay in madaxa la isu geliyey laba Map. C/laahi Dheere waxa sawir Cellphone kaga qaaday Wasiirka Boostada DFKMG oo sharaxaya khariidadaha uu sheegay in la is dhexgeliyey.

Waraysigii SomaliTalk ee C/laahi Dheere Halkan ka dhagayso.


Juurile oo sharaxay wax uu ku sheegay khariidado la is dhexgeliyey (cellphone photo/ Oct 3)

Su’aasha la xiriirta badda waxay noqotay wixii ugu badnay ee reer Minneapolis weydiiyaan qofkii ay ka arkaan waftigii DFKMG. Dadkii hoteelka uu deggan yahay kula kulmay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa sidoo kale isaga toos u weydiiyey su’aashaas. Dadka su’aasha weydiiyey waxaa ka mid ah mar uu la kulmay xubno ka socda masaajidda Minnesota ayaa su’aashaas toos loo weydiiyey.

Haddaba Sheikh Cabdi Nuur oo ka mid ah maamulka masjidka Rowda ee Minneapolis oo goobta su’aasha lagu weydiiyey joogey ayaa SomaliTalk wax ka weydiisay sidii uu su’aashaas uga jawaabay Sheikh Shariif. Waxaana la sheegay in su’aasha badda markii uu ka jawaabayey madaxweynaha DFKMG in Shariif Xasan uu tacliiqiyey.

Waraysiga Cabdi Nuur halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Shariif Xasan oo warbaahinta laga ilaalinayo, Minnesota, Oct 4, 09

Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa isku deyey in ay arrimaha badda si toos ah wax uga weydiiso Ra’iisul wasaare xigeenka DFKMG, maadaama uu ahaa kii tacliiqinayey ama ku kabayey jawaabaha ku saabsan badda Soomaaliya marka uu madaxweynaha DFKMG u jawaabayey dadkii ku booqday hoteelka ay deggan yihiin.


Ibraahim Abuukar oo horjooga St Paul Hotel , Oct 4, 2009

Isku soo duub oo, su’aasha ku saabsan heshiiska ay DFKMG la gashay Kenya ee ku saabsan xadka badda Soomaaliya ayaa ahaa su’aasha ugu badan ee ay reer Minnesota weydiiyeen. Laakiin ma helin jawaab lagu qanci karta. Khudbada Sheikh Shariif meesha uu arrinta badda kaga hadlay ayaana daliil u ah sida xukuumaddiisu ay isugu deyeyso in ay arrimaha badda ku jaah wareeriso shacabka Soomaaliyeed.

Baaxad bad oo dhan 116,000km2 ahaa Soomaaliya ku waayi kartaa heshiiska is afgarad ee DFKMG la saxiixatay Kenya. Taas oo aan la garanayn sababta ay xukuumadda Federaalka kumeelgaarka ugu adkaysaneyso heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Faafin: SomaliTalk.com | Monday, October 5, 2009


Sheikh Shariif oo wax laga weydiiyey Carruurta ka laabtay Maraykanka xilliguu uu Xakumay Maxaakiimtii Islaamiga ahaa

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay Carruurta ka laabatay Maraykanka xilligii uu Isagu Xukumay Maxkamadihii Islaamiga

Waraysi ay idaacadda BBC la yeelatay Sheikh Shariif ayaa wax laga weydiiyey in carruurta Soomaaliyeed ka laabtay Maraykanka xilligii uu madaxda ka ahaa Maxakamadihii ayaa sheegay in arrintaasi dhici karto.

Maxamed Xaaji Xuseen (Shiino) oo Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC-da) uga soo warama Maraykanka ayaa marka hore waxa uu madaxweynaha DFKMG weydiiyey ciddii madaxda adduunka ay iska arkeen arrimaha Soomaaliya?

Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabey “dadkii aan la kulan dhammaantood waxay ahaayeen dad wadaaga dareen ay qabaan oo ku aadan in Soomaaliya xaaladdeedu ay adagtahay loona baahan yahay in gacan la siiyo, anagana waxay noo ahayd fursad runtii aan ugu sharxi karno qaddiyada Soomaaliya iyo baahida loo qabo adduunka in uu garab istaago Soomaaliya, xaaladda adag ay ku jirto darteed.”

Markii la weydiiyey in uu arkay dad fursaddaas qaaliga ah wax uga faa’iidaynaya oo wax la qabanaya, waxa uu ku jawaabey “dadka oo dhan runtii waxay isku waafaqsanaayeen in lagama maarmaan ay tahay in wax lala qabto Soomaaliya.”

Markii la xasuusiyey ay shirkii ka soo daaheen oo aysan iman markii ay joogeen madaxdii badnayd, waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabey “Shirka waqtigii la furaayey ma joogin laakiin haddana madax badan ayaan la kulanay.”

Markii la weydiiyey “waxaa la sheegay in aad tegeysid magaalooyinka Minneapolis iyo Columbus, maxaad ka dooneysaa? Waxa uu ku jawaabey “dadka Soomaalida in aan aragno, oo warbixin aan siino iyagana aan dhegeysano intaas ayaa ugu muhiimsan.”

shariifka

Weriyaha idaacadda British Broadcasting Corporation waxa uu weydiiyey “waxaa jirta carruur farabadan oo ka baxday Maraykanka, carruurtaas miyaad ka war haysaa.”

Sheikh Shariif waxa uu ku jawaabay “waxaan u malaynayaa arrin hadda lawada ogyahay in ay tahay in carruur farabadan ay ka tagtay dalkaan Maraykanka, arrintaasuna waxay u dhacaysaa xaaladda dalka ka jirta oo dadku aysan ka warqabin iyo waalidiinta oo laga yaabo in ay aad u mashquulaan marka halkaan ay joogaan iyo carruurtoo laga yaabo in marwalba ay u fududaato yacni in si khalad ah wax looga dhaadhiciyo.”

Markii la weydiiyey in la sheegay in carruurtaasi ay meesha ka bexeen markii uu isagu maxkamadaha xakumayey, waxa uu ku jawaabay “WAA DHICI KARTAA, laakiin haddee qadiyadda maanta annaga cadow na hortaagan oo aan la dirirnaa ma jiro, waxaa nalooga baahan yahay in aan dawladnimadeena iyo nabaddeena iyo midnimadeena ka shaqayno, marka nasiib darro waaye in qof waalidkiis ama asagu nabad darro ka soo cararay in uu Soomaaliya ku laabto asagoo nabaddii ka soo horjeeda.”

Shiino ayaa weydiiyey “Laakiin waxay leeyhiin carruurta jihaad ayaa loogu yeeray xilligii maxkamadahu ay yiraahdeen dadka muslimiintu meel ay joogaanba hana soo gaaraan, sidaa daraadeed ayey uga jawaabeen call-ka.” Waxa uu Sheikh Shariif ku jawaabay “maxkamadaha waxaad ogtahay haddee hoggaan ayey lahaayeen, Islaamkuna fowdo ma aha marka jihaadkuna wuxuu leeyahay shuruud, iyo wuxuu leeyahay dawaaqid xadidan marka cid lagu jihaado hadda Soomaaliya ma joogto.”

Su’aalaha oo intaas ka badnaa:

Mar haddii Sheikh Shariif uu sheegay in ujeedada uu ula kulmayo jaaliyadaaha Soomaaliyeed ee Maraykanka ay tahay in uu “warbixin siiyo oo iyagana dhegeysto” ayaa la is weydiin karaa in warbixintaas uu kaga hadli doono sababta xukuumaddiisa ku kallifaysa in ay difaacaan heshiiska ay ugu yeeraan Is-fahamka ee ay Soomaaliya ku waayi karto 116,000 km2

Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee xukuumadda Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska is-faham: Febraayo 22, 2009 ayaa la dhaariyey xukuumadda FKMG. March 10 waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda loogu soo bandhigay qorshaha heshiiska. March 12 ayaa la sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda DFKMG ay ansixiyeen heshiiskaas. March 18 waxaa Nairobi heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga qaado DFKMG. April 5-6 ayaa wafti reer Norway ay yimaadeen Muqdisho safarkooduna uu la xiriirey arrinta badda. April 7 ayaa Nairobi lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8 ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah ku daray heshiiska una diray UN-ta. April 14 ayaa si rasmi ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada Qarammada Midoobay.

Baarlamaanka DFKMG ayaa diidey heshiiskaas August 1, 2009.  Markaas ka bacdi ayaa guddoomiyaha baarlamaanku waxa uu diidmadii baarlamaanka u gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif si uu ugu gudbiyo Qarammada Midoobay. Halkii laga filayey xeerkaas oo madaxweynaha DFKMG ku saxiixan yahay oo loo gudbiyo QM ayaa August 19, 2009 waxaa taas bedelkeedii QM loo gudbiyey warqad loo saxiixay Cumar C/rashiid, ra’iisulwasaaraha DFKMG.

Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo Washington DC ka sugayaan Sheikh Shariif.

 baddaa13

Faafin: SomaliTalk.com | Wednesday, September 30, 2009

…………………………………………..

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG?
Akhri Halkan…

 

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii BaarlamaankaSh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka” Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri