- UN: Go’aankii Baarlamaanku waa go’aan
Soomaaliyeed
- UN: Go’aanada ka soo baxa guddiga
xadaynta badaha waa go’aana aan rafcaan laga qaadan
Karin
- Warbaahinta: Norway waxay Kenya siisay
$200 million si uu u hirgalo heshiiska isfaham ee
Somalia-Kenya
Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka, Xilli
laga yaabo in Qarammada Midoobay go’aan ka gaaraan
Dukumiintihii ay Kenya u gudbsatey UN ee la xiriirta
heshiiskii Is-fahamka…
- Sheikh Shariif Soomaalida deggan
Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa
ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin
shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya…
COLUMBUS, Ohio: Cilmi Ducaale, oo ah safiirka
Soomaalida u fadhiya Qarammada Midoobay, ayaa hay’adda
wararka ee AP waxa uu Arbacadii (Sept 9, 2009) u sheegay
in Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu
doonayo in uu booqasho ugu tago Jaaliyadaha Soomaaliyeed
ee ku dhaqan Minneapolis, Columbus iyo cirifka
Washington DC. Warku waxa uu intaas ku daray in
madaxweynaha DFKMG uu ka qayb geli doono shirka
Qarammada Midoobay dhammaadka bisha September 2009.
Sidaas waxaa werisey jariidadda StarTribune ee ka soo
baxda Minneapolis.
Waxaa in dhoweyd xarunta UN-ta ee New York ka socdey
kulan kale oo lagu falanqaynayo dukumiintiyadii iyo
akhbaartii ay dalalka xeebaha leh u gudbiyeen guddiga
xadaynta badaha ee Qarammada Midoobay. Kulankaas oo soo
bilowday August 10 ilaa September 11, 2009. Shirkaas oo
albaabadu u xiran yihiin.
Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay oo wax laga
weydiiyey kulanka guddiga xadaynta badaha ayaa sheegay
in go’aanada ka soo baxa ay noqon doonaan “go’aan aan
rafcaan laga qaadan Karin.” Arrintaas oo walaac ku
abuureysa shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka
kale Afhayeen u hadashay xafiiska Xoghayaha Guud ee
Qarammada Midoobay ayaa tibaaxday in go’aankii
baarlamaanka DFKMG ay ku diideen heshiiskii is-fahamku
uu yahay “go’aanka Soomaaliya” oo arrimaha gudaha ee
Soomaaliya aysan faragashanayn.
Dhanka kale shabakad xarunteedu tahay Maraykanka ayaa
sheegtay in Dalka Norway ay lacag dhan laba boqol oo
million ($200 million oo doolar) siisay Kenya si uu u
hirgalo heshiiska isfahamka ee ay la gashay Soomaaliya
(hoos ka akhri warkaas).
Agoosto 1, 2009 ayey ahayd markii
334 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG ay u
codeeyeen diidmaha heshiiska is-faham ee
Soomaaliya-Kenya.
Warar SomaliTalk heshay waxay tibaaxayaan in
Afhayeenka golaha Barlamanka DFKMG Sheekh Aadan
Maxmed Nuur (Aaden Madoobe) uu xeerkii ay
baarlamaanku ku diidey heshiiskaas si rasmi ah ugu
gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Sidaasna uu ku noqonayo Qaanuur ama Xeer rasmi ah.
Laakiin ilaa hadda (September 10, 2009) ma jiraan wax
muujinaya in xukuumaddu ay xeerkaas u gudbisay Qarammada
Midoobay, ugu yaraan arrintaas weli laguma daabacin
shabakada UN-ta.
Akhristuhu si uu u fahmo sidii degdegga ahayd ee
xukuumadda Sheikh Shariif ay ku fulisay heshiiska
is-faham: Febraayo 22, 2009 ayaa la
dhaariyey xukuumadda FKMG. March 10
waxaa Nairobi ka dhacay kulan dhex maray xubno
xukuumadda ah, UN iyo Norway, kulankaas ayaa xukuumadda
loogu soo bandhigay qorshaha heshiiska. March 12
ayaa la sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiiradda
DFKMG ay ansixiyeen heshiiskaas. March 18
waxaa Nairobi heshiis ku kala saxiixday Wasiirka
Maaliyadda DFKMG Shariif Xasan iyo wasiirka arrimaha
dibadda ee Kenya, heshiiskaas oo kusaabsan in cashuurta
alaabta aadeysa Soomaaliya in ay Kenya cashuurta uga
qaado DFKMG. April 5-6 ayaa wafti reer
Norway ay yimaadeen Muqdisho safarkooduna uu la xiriirey
arrinta badda. April 7 ayaa Nairobi
lagu saxiixay heshiiska Is-fahamka. April 8
ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu warqad lifaaq ah
ku daray heshiiska una diray UN-ta. April 14
ayaa si rasmi ah heshiiskaas lagu daabacay shabakada
Qarammada Midoobay.
Taas barbardhig in Baarlamaanka DFKMG ay diideen
heshiiskaas August 1, 2009 ilaa haddana
aysan xukuumaddu ficil ka qaadan, ama muujin ficilka ay
qaadatay. Lama sheegin sababta ay taasi ku dhacday.
Waa jawaabaha ay Jaaliyadda Minneapolis, Columbus iyo
Washington DC ka sugayaan Sheikh Shariif marka uu
booqashada ku tago Maraykanka.
***
Qarammada Midoobay Lugta ay ku leedahay
Heshiiska isfahaka ee Soomaaliya-Kenya.
UNITED NATIONS (FinalCall.com) Sept 7, 2009– Ergeyga
gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u
qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla, kama
jawaabin su’aalo ay weriyaal ka weydiiyeen lugta uu ku
leeyahay diyaarintii/qorista 15-ka bog ee heshiiskii
is-afgaradka “Memorandum of Understanding (MOA)” kaas oo
Kenya siinayey xuquuqda batrool kaqodista Qalfoofka
Qaaradda ee Soomaaliya, oo la kordhinayo 200 miles.
Sidaas waxaa qoraalka ku bilawday shabakada FinalCall oo
xarunteedu tahay magaalada Chicago ee Dalka Maraykanka.
Qaar kamid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in
Nairobi ay Qarammada Midoobay ka dalbatay in loo
kordhiyo xuduudkeeda badda, ayadoo ku andacoonaysa qayb
weyn oo ah qalfoodka qaaradda (oo ah dhulka badda hore u
sii gashan) arrintaas oo raad ku yelanaysa xuquuqda
qoditaanka macdanta laga filayo gobolkaas.
Warbaahintu
waxay Walad Cabdalla weydiisay haddii ay taasi ahayd
dano iska hor imanaya (conflict of interest) in
Qarammada Midoobay qudheedu ku lug yeelato in ay
Soomaalida ku caawiso la macaamilka Dawladda Norway si
ay u bixiso kharashka lagu xareeyay diiwaan gelinta
heshiiska MOA; iyo haddii ka qayb qaadashadiisa (Walad
Cabdalla) ay tahay dano iska hor imaanaya.
Walad Cabdalla waxa uu yiri waxaa su’aalaha oo dhan
la weydiin karaa xafiiska Qarammada Midoobay u qaabislan
horumarinta ee UNDP (UN Development Program). Ilaa
maanta ma jirto cid ka socota UNDP oo ka soo jawabtay
su’aalahii weriyaasha; sidoo kale ma jirto saraakiil ka
saraysa oo ka soo jawaabtay su’aalahaas. Afhayeen u
hadlan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon
ayaa shabakada Final Call u sharxay in ergeyga gaarka ah
uu xaqiiqo ahaan bixiyey jawaab ku filan.
Cidda keliya ee jawaabtay waa Dawladda Norway, oo
adeegsanaysa wakiilkeeda Qarammada Midoobay, ayadoo
sheegtay in caawinaadii ay Soomaaliya ka caawiyeen
xeraynta/diyaarinta dukumiintiga, in ay ahayd arin ay
sameeyeen si ay u caawiyaan dhawr dal oo Afrikaan ah,
laakiin waxay (Norway) diidey in ay sheegaan kuwa ay
yihiin dalalka kale ee ay caawiyeen. Norway waa dalka
toddobaad ee adduunku ugu badan sahaminta batroolka.
Gerald
Lemelle oo ah madaxa Africa Action, oo ah urur
xaruntiisu tahay Washington DC waxa uu shabakadda
FinalCall u sheegay: in waxa aan ku arkayno Qarammada
Midoona ay yihiin hab-fikir “taariikhi ah” oo reer
Galbeed oo ah sidii xiriir loola samaysan lahaa Afrika
kaddib Gumaysigii.
“Dalalka
sida Norway waxay rabeen in ay helaan sidii ay usii wadi
lahaayeen in ay xukumaan khayraadka Afrikaanka, sidaas
daraadeed waxay adeegsadeen Xeerarka ama Qaraarka Golaha
Ammaanka, iyo Afrikaan maqaar saar ah sida Kenya (waxaa
lagu soo waramay in Norway ay $200 million oo doolar
siisay Kenya oo ay ka siisay heshiiskii is-fahamka
MOA,)” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “arrinta ubucda
u ah ku lug yeelashada reer galbeedka ee Soomaaliya,
taas oo ah garoonka siyaasadda-iyo-dhulka, waa ku
dagaalanka batroolkeeda,” ayuu yiri Mr. Lemelle.
Waxa uu yiri waqtigaan oo ay jirto arrin waadax ah,
waxay awoodaha reer galbeedku adeegsanayaan Dawladda
Federaalka Kumeelgaarka ah ee taageerada ka haysata
Qarammada Midoobay, “dawladdaas oo aan wax sharci ah u
haysan” Soomaaliya si ay u samayso tartan shirkadaha
waaweyn ee batroolka.
Dawladdii kumeelgaarka ahayd waxay sannadkii 2005 ku
dhawaaqday in ay bixinayso qandaraasyo ku saabsan
xuquuqda batrool, gaaska iyo macdanta; oo aan ahayd
sahamin oo keliya balse ay sii dheertahay suuq geyn. Si
kastaba ha ahaatee, hoggaankii xukuumadaas waxaa
sannadkii 2007 bedelay Maraykanka iyo Qarammada
Midoobay.
Maamulka cusub ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed waqti
badan oo aan soo wareegin ayey heshiis jaalnimo la
galeen Kuwait iyo Indonesia; sida laga soo xigtay
International Oil & Gas News.
Dadka
wax falanqeeya sida Sacdiya Aaden (Sadia Aden)
oo ka tirsan hay’ad xuquuqda u dooda oo xarunteedu tahay
Virginia iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar,
oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota (ee dalka
Maraykaanka), waxay sheegeen in Qarammada Midoobay ay ka
qayb qaadatay in ay dalalka reer galbeedka u horkacdo
sidii ay u xakumi lahaayeen khayraadka Soomaalida.
Maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya ka
waardiyaynaya burcad badeeda xaqiiqo ahaan waxay halkaas
u joogaan in ay sahansadaan khayraadka Soomaaliya, gaar
ahaan kaydka batroolka iyo gaaska dabiiciga ah; waxayna
ogolaanshada ka haystaan Golaha Ammaanka ee Qarammada
Midoobay, sidaas waxaa Final Call u sheegtay Sacdiya
Aaden.
“Soomaalidu waa ogyihiin in maraakiibtaasi aysan u
iman in ay ugaarsadaan oo dacwad ku ogaan burcad
badeeda, laakiin ay u yimaadeen in ay qaybsadaan badda
Soomaaliya, iyo in ay difaacaan danahooda ayagoo
rajaynaya in ay kala qaybsadaan khayraadka – ma aha oo
keliya dhanka badda , balse sidoo kale xagga dhulka,”
ayey Sacdiya Aaden hadalkeeda ku dartay.
Prof. Samatar waxa uu Final Call u sheegay in
Heshiiska Isfahamka ee MOA uu Muqdisho ka abuuray caro
lagaga soo horjeedo; waxaana baarlamaanka Soomaaliya ay
si aqlabiyad buuxda ah ugu codeeyeen diidmada
heshiiskaas. “Tani ma aha dawlad sax ah, sidaas
daraadeed ma laha awood hab-maamul oo ay ku dhaqan
geliyaan ama ku galaan heshiisyo,” ayaa profosoorku ku
adkaystay.
Prof. Samatar waxa uu yiri DFKMG waxay Kenya iyo reer
galbeedka taageersan ugu qoordhiibanaysaa waa ayada oo
aan haysan kharash lacageed; sidaas daraadeed dawlada
kumeelgaarka ahi maleh awood ay ku difaacdo danaha dadka
Soomaaliyeed.
Dadka ka faallooda shirkadaha batroolka waxay
sanadihii 1980-naadkii sheegi jireen in ay jiraan
cadaymo muujinayey in batroolka Yemen oo la sii marayo
Badda Cas in uu gaarsiisan yahay Soomaaliya. Ka hor
intii aan xukunka laga tuurin Siyaad Barre sannadkii
1991, waxaa tobanaan million oo doolar lagu maal-geliyay
ceelasha laga baarayey batroolka ee Soomaaliya,
shirkadda ugu badnayd waxay ahayd CONOCO oo xarunteedu
taahy Texas.
Hay’adda
dalka Maraykanka u qaabilsan Akhbaarta Tamarta waxay ku
warbixisay in khubaro badan oo xagga batroolka ay
Soomaaliya u tixgaliyaan dalka ugu dambeeya ee “Dahabka
Madow” (batroolka) ee Bariga Afrika; ma jiraan cadayn la
rumaysan karo oo muujinaysa in batrool badaani ku jiro;
laakiin waxaa jira baaxad weyn oo ah gaaska dabiiciga
ah.
Warbixin ay sannadkii 2004 diyaarisay “HAN DATA &
Information Background” oo ku saabsanaa “Macdanta iyo
Batroolka Soomaaliya ee istaatiijiga ah” ayaa lagu xusay
in Soomaaliya oo ah dal ku yaal Geeska Afrika ay ku
jiraan macdanaha ay ka mid yihiin copper, gold, zinc and
silver, oo ay ku jirto iron-ore, bauxite iyo gypsum.
Sida laga soo xigtay Mr. Lemelle Qarammada Midoobay
waxay maqlaysay ururro u ololeeya danaha Afrika
(pro-African) sida Africa Action oo sheegayey in UN-tu
ay dhul baaxad weyn oo Afrika ah ay siinayso shirkado
caalami ah oo ka socda dalal kala duwan; taas oo
Qarammada Midoobay ay garab siinaysay qandaraasyo mugdi
ku jiro oo lagu bixinayo khayraadka Afrikaanka. “Waxaan
doonaynaa in aan ogaano yaa ansixiyay qandaraasyadaas,”
ayuu yiri Mr. Lemelle.
***
Cabirkii Qalfoofka Qaaradda ee Soomaaliya ee
Baarlamaanku diiday waxa uu waji gabax ku noqday Norway,
sida ay qirtay Qarammada Midoobay.
Sidaas waxaa qoraal ku bilowday Inner City Press oo
ka hawl gasha xarunta Qarammada Midoobay ee New York..
Waana kan qoraalkii shabakada oo ay SomaliTalk.com
tarjumtey:
UNITED NATIONS, (InnerCityPress.com), August 31, 2009
— Baarlamaanka Soomaaliya waxay dhowaan u codeeyeen in
ka badan boqolkiiba 90% in ay ka soo horjeedaan
heshiiska uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa ergeyga gaarka ah
ee Qarammada Midoobay Axmed Walad Cabdalla, asagoo
adeegsanaya kaalmada Norway, si Kenya iyo Soomaaliya ay
wadajir u gudbiyaan arrin ku saabsan xuquuqda dadka
Soomaaliyeed ay u leeyihiin qalfoofka qaaradda (ama
dhulka badda hore u sii gashan) iyo baddaas khayraadka
dabiiciga ah ee ku jira. Xitaa ka hor codbixintaas
baarlamaanka waxaa shabakada Inner City Press ay si
isbada joog ah Qarammada Midoobay u weydiisay waa maxay
arrinta xuquuqda u siinaysa Walad Cabdalla in uu isku
dubarido gudbinta akhbaarta (Soomaaliya u gudbisay
UN-ta), wax jawaab toos ah weli ma helin.
Hadda oo xarunta Qarammada Midoobay ee New York uu ka
socdo kulan ku saabsan Qalfoofka Qaaradda iyo sharciga
badaha, waxa ay shabakada Inner City Press ugu
dambayntii heshay qadar jawaabo ah.
Kulan ku saabsan “nidaamka badaha” oo lagu qabtay
xafiiska UN-ta u qaabisan sharciga, ayaa shabada Inner
City Press waxay koox khubaro oo ka tirsan Qarammada
Midoobay ay weydiisay sida ay hadda ula tacaalayaan ama
wax uga qabanayaan akhbaarta la diidey sida tan
Soomaaliya. Markii hore khabiir ka mid ah ayaa isku
deyey in uu jawaabta ka warwareego isagoo yiri waxaa la
weydiin karaa oo jawaabta laga heli karaa oo keliya
kulamo kale oo lagu qabanayey qol kale oo halkaas u
dhawaa oo uu ka dhacayey kulan ku saabsanaa xadaynta
qalfoofka qaaradda ee badaha. Laakiin kulamadaasi waxay
ahaayeen kuwo albaabadu u xirnaayeen.
Peter
Gilruth, oo ah madaxa hay’adda Qarammada Midoobay u
qaabilsan deegaanka UNEP (UN Environment Program),
qaybteeda qaabilsan digniinaha la xiriira kulaylka
cimilada/degaanka, ayaa yiri: waxaan isku deyayaa in aan
ka jawaabo, inkasta oo uu dareemay in arrintaas ay ku
sababi karto “xaalad adag”. Waxa uu yiri: Norway waxay
bixisay kharashka 10 dal oo Afrika ah si ay u gudbistaan
(cabirka badahooda), laakiin Soomaaliya ayaa “qaybo kale
waxa ay warka u weeciyeen jiho kale, taas oo sababtay
arrinta adag ee aad tilmaantay.” Isagoo intaas ku daray
“in ay jiraan su’aalo ka sahlan taas.”
Markale ayaa Inner City Press waxa ay qaabishay Mr.
Gilruth waxana uu markaas ku jawaabay in akhbaarta
Soomaaliya ee la gudbiyey ee jaahwareerka dhalisay “in
ay waji-gabax ku noqotay dawladda Norway.”
Waxaa
isaga garabkiisa joogey Patricio Bernal, oo ah agaasime
xigeenta hay’adda Qarammada Midoobay ee UNESCO, isla
markaasna ah xoghaynta guud ee guddiga cabirka badaha
(Intergovernmental Oceanographic Commission) waxana uu
yiri: waxan arrintan ka shaqaynayey toban sano, waxaan
kala shaqeeyey dawlada Soomaaliya ee “dibad jooga ku
ahayd” Nairobi, waxana uu sheegay in uusan fahmi karin
sababta arrinta Soomaaliya ka dhigtay qodaxda/musbaarka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in go’aannada ka soo baxa
kulanka Qalfoofka Qaaradda – ee albaabadu u xiran yihiin
– in ay yihiin go’aanno “aan rafcaan lahayn” (ama
rafcaan laga qaadan karin “unappealable.”).
Inner City Press oo halkaas faallo ka bixinaysay
waxay qortay “Waxaa laga yaabaa in jaahwareerku uu yahay
in la macaamilka dawladda Soomaaliya ee dibad jooga ah,
ama DFKMG, ama Walad Cabdalla, in aysan ahayn in lala
macaamalayo dadka Soomaaliyeed, mana jiraan wax
dammaanad ah oo muujinaya taageero ama sharciyad.” Waxaa
lagu soo waramay in Walad Cabdalla uu isku deyayo in
Qabqable dagaal uu kusoo casumo in uu ku soo biiro
DFKMG. Inner City Press waxay (August 24, 2009)
arrintaas wax ka weydiisay afhayeen, taas oo sheegtay in
jawaabta la weydiin karo Walad Cabdalla. Welina wax
jawaab ah lagama hayo.
Warbixintii ay DFKMG u gudbisay Qarammada Midoobay ee
ka koobnay
15-ka bog waxaa ku cad in Axmed Walad Cabdalla “uu
ahaa kii bilaabay diyaarinta akhbaarta hordhaca ah ee
muujinaya cabirka qalfoofka qaaradda ee Soomaaliya in ka
baxsan 200 oo mayl badeed…. Diyaarinta akhbaartaas waxa
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay
uu aqbalay taageerada dawladda Norway… Wasaaradda
Arrimaah dibada ee boqortooyada Norway iyo Qaybta
batroolka u qaabilsan Norway ayaa ka qayb qaatay
diyaarinta akhbaarta (ay Soomaaliya u gudbisay UN-ta).”
Inner City Press oo horay arrintaas wax uga qortay,
waxay wax ka weydiisay Qarammada Midoobay iyo afhayeenka
Walad Cabdalla, Suzie Price, laakiin ilaa hadda wax
jawaab ah kama helin.
Bishii May 2009 ayaa waxaa su’aasha toos loo
weydiiyay Walad Cabdalla, waxana uu ku jawaabay in uusan
“khabiir gaar ahayn” iyo in uusan ka war hayn akhbaarta
la gudbiyey ee ay ku cadayd in uu isagu diyaariyay.
“Weydii Norway,” ayuu yiri. (Daawo
Halkan )
August
24, 2009 Xafiiska Afhayeenka Xoghaya Guud ee Qarammada
Midoobay ayaa wax laga weydiiyey heshiiskii is fahamka
ee Soomaaliya iyo Kenya iyo lugta uu ku leeyahay Axmed
Walad Cabdalla. Waxaana weriyuhu xusay in baarlamaanka
Soomaaliya in uu u codeeyay diidmada heshiiskaas.
Hadaladdii ay afhayeenku ku jawaabtay waxaa ka mid
ahaa: “Xaqiiqo ahaan in loo codeeyey oo la diiday
dukumiintigaas waa arrin khusaysa gudaha Soomaaliya, waa
arrin Soomaaliyeed, farana la geli mayno. Ka qayb
qaadashada Arrintaas ee Qaramada Midoobay waxaay filayaa
Axmed Walad Cabdalla isagaa hore si cad idiinku sheegay
waxa ay arrintaas UN-tu ku lahayd iyo waxa uu isagu
lahaa, oo arrintaas wax dheeraad ah kama dhehi karo,
sababtoo ah go’aanka, go’aanka kama dambayta ah iyo
arrinta baarlamaanka waa go’aan Soomaaliyeed.” (Daawo
Halkan )
Markii baarlamaanku diidey heshiiskii is fahamka
DFKMG iyo Kenya, kaddib ayaa British Broadcasting
Corporation (BBC) waxay madaxweynha DFKMG wax ka
weydiisay arrintaas, waxana jawaabtiisii ka mid ahayd
“Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray.”
Arrintaas oo shacabka Soomaaliyeed ay fahmi waayeen waxa
uu erayadaas ka wadey maadaama khubaro ajaaniib iyo
Soomaali ahba ay muujiyeen in heshiiskaas aysan wax dan
ahi ugu jirin ummaadda Soomaaliyeed.
Haddii heshiiskaas is fahamka lagu socodsiiyo
Soomaalida, markaas dhulka Soomaalidu ay waayi karaan
waa dhul badeed baaxaddiisu dhan tahay 116,000
km2. Si loo fahmo baaxadda cabirkaas, waxaan
tusaale u soo qaadanaynaa qiyaas cabirka bedka dhulka
Soomaalida guud ahaan, sida ku qoran buugga uu qoray
Khaalid Cali-Guul Warsame (2003
Denmark) oo cinwaankiisu yahay Taxanihii Taariikhda
Soomaaliya, waxaa ku qoran sidan:
Bedka Dhulka Soomaalida:
Jamhuuriyadda Soomaaliya: 640,000 km2
Jamhuuriyadda Jabuuti: 23,000 km2
NFD (dhulka ku maqan Kenya): 384,000 km2
Soomaali galbeed (ku maqan Itoobiya): 416,000 km2
Jasiirada Suqadara (oo ay sheegato Yemen): 2,655 km2
Halkaas waxaad ka arki kartaa baaxadda lagu waayi
karo Isfahamka Kenya iyo Soomaaliya in ay dhan tahay
dhulbadeed cabirkiisu shan-jeer (5) ka weyn yahay bedka
dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sawirada:
http://www.innercitypress.com ,
http://www.finalcall.com/ , http://ioc-unesco.org/
, http://www.unep.org/
,
http://www.africaaction.org/ ,
http://www.startribune.com/
…………………………………………..
- Xigmad: “Taariikhdu waa cibro
iyo cashara waaweyn, waa kaydka waanada iyo waaya
aragnimada. Dhacdooyinka maanta dhacayaa berri wexey
noqdaan taariikh. Taariikhdu cidna ma duudsido, qof
walbana wexey diiwaanka u gelisaa wuxuu galo iyo
wuxuu gudo, booska uu istaago iyo kaalinta uu qaato
Ummaddiisa ama diintiisa ama dalkiisa.” Sh. Maxamed
Idris. Sept 3, 2009
…………………………………………..
Sh.
Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka”
Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay
waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis
ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD”…”heshiis rasmi ah in
hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”. Akhr…