SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay la bilaabaan wada hadal ku saabsan sheegasho qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.... Taasi xilligaas uma hirgalin...

"...si "hints" ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah." Dr. C/casiis

  • "...waxaan aad uga xumaaday marka wasiir ah wasiirka iskaashiga caalamiga ah (ee Somalia) uu wasiirka arrimaha dibadda (Kenya) wax la saxiixday, lagana yaabo in aan wasiirka arrimaha dibada (Somalia) hawsha ka war hayn..." Waxaana khalad ah in dhinaceeda (Soomaaliya) ay ka timaado warqad diidmo la'aan ah...

SomaliTalk.com oo Waraysi la yeelatay Dr. Cabdicasiis Sheikh Yuusuf oo Ka mid ahaa Golahii Wasiirada ee Xukuumadii C/Laahi Yuusuf

Dr Cabdicasiis Sheikh YuusufTan iyo markii DFKMG ee Soomaaliya ay heshiiska is-afgaradka ee muranka galinaya badda Soomaaliya ay la saxiixatay Kenya, 7dii April 2009, waxaa soo baxayey warar sheegaya in Kenya ay aad isugu dayday in ay heshiis kaas la mid ah la saxiixato Dawladihii Kumeelgaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya muddadii ay ku jirtey burburka. Waxaana gaar ahaan la sheegaa in Kenya ay isku taxalujisay in ay heshiis kaas la mid ah la saxiixato Dawladdii FKMG ahayd ee sannadkii 2004 lagu soo dhisay Nairobi ee uu madaxweynaha ka ahaa C/laahi Yuusuf Axmed.

Haddaba, SomaliTalk.com si ay arrintaas wax uga ogaato waxaan waraysi May 17, 2009 magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka kula yeelanay Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo ka mid ahaa Golahii Wasiiradda ee lagu soo magacaabay Nairobi (December 1, 2004). C/casiis waxa uu xukuumaddaas ka ahaa Wasiirkii Caafimaadka ilaa bishii Febraayo 2007, xilligaas oo sida uu SomaliTalk u sheegay uu jagadaas iskaga tegey, isagoo sheegay in sababta uu uga tegey TFG ay ahayd khilaaf la xiriiray joogitaankii ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya joogeen.

Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo si qoto dheer uga hadlay heshiiska is-faham ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan badda waxa uu sheegay in ay khalad tahay dhinaceeda (DFKMG) ay ka timaado warqad diidmo la'aan ah. Waxana uu shaaca ka qaaday in dawladdii Federaalka ee uu wasiirka ka ahaa ay Kenya arrintaas hore ugala soo xiriirtay.

SomaliTalk marka hore waxay wax ka weydiisay taariikhadiisa oo kooban ee la xiriirta jagooyinkii uu ka soo qabatay Dawladahii hore ee Soomaaliya, waxana uu sheegay in uu Soomaaliya ku laabtay sannadkii 1993 ilaa xilligaasna uu wixii ka dambeeyey uu u soo khidmaynayey Soomaaliya ilaa uu wasiirkii Caafimaadka ka noqday dawladdii kumeelgaarka ahayd ee lagu soo dhisay Kenya. Waxana uu sheegay in uu aad uga xunyahay xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay.

Waraysiga oo dhamaystiran:

Ama waraysiga oo kooban ka akhri:

SomaliTalk: Mudane, sida aad la socotid, waxaa jira heshiis is-afgarad oo Nairobi ku dhex maray DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo dhigaya in labada dal ay DIIDMO LA'AAN Qarammada Midoobay u gudbisan karaan akhbaarta la xiriirta cabbirka badda, sidee u aragtaa arrintaas?

Dr. C/casiis:  Marka koowaad arrintaas waxaan u arkaa in ay khalad tahay in Dawladda Soomaaliya dhinaceeda ay ka timaado "NO OBJECTION LETTER", ha ahaatee waxaan hubaa in aanu jirin dawlad ayadu haysata sharciyad in ay maanta hawshaas ku dhex gasho, marka Alxamadu lillahi fili maayo waxweyn in ay tahay, dhicitaan-kiise arrintaasi ay dhacday Khalad bay ahayd.

"(2005) waxay dawladdaasi (Kenya) isku dayday in ay wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si "hints" ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah." Dr. C/casiis Sh. Yuusuf


SomaliTalk: Ma jirtaa in Kenya ay heshiis noocaas ah usoo bandhigtay xukuumaddii ay wasiirka ka ahayd, haddii ay jirtona faahfaahin managa siin kartaa sidii ay idiin soo qaabileen iyo wixii aad ugu jawaabteen?

Dr. C/casiis:  Waxaad ogsoon tahay in Kenya muddo dheer ay dawladdii aan ka tirsanaa shirkii lagu samaynayey aan u joognay laga bilaabo 2002 ilaa 2004 halkaas ayaan joognay, taas macnaheedu waxaa weeye in aan dawladda muddo dheer marti u ahayn, waxaa kale oo jira dawladihii qaybta weyn ka qaatay in dawladdaas la sameeyo oo IGAD la oran jiray ayaguna halkaas ayey joogeen, markaa waxay ahayd dawlad aan xushmad isku lahayn dabcan marka aan sidaa hadalka u dhigo. Waxaa jirtey 2005 markii wasiirka Arrimaha dibadda weli uu ka ahaa ninka hadda madaxweyne ku xegeenka ah, Kalonzo Musyoka ayaa la yiraahdaa, wasiir ku xigeena waxaa ka ahaa haatan wasiirka arrimaha dibadda, Moses Wetangula ayaa la yiraahdaa, wasiir ku xigeen ayuu ahaa. Markaa iyada ah waxay dawladdaasi isku dayday in ay wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si "hints" ah (guud-mar) ayey markii hore ama wax xoogaa weydiin ah ayaa hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah. Waxaa dawladii jirtay markaa ay u sheegtay in aanay ahayn hawshiisi mid ku quman in markaan haatan ah Kenya soo hadal qaado ayadoo Soomaaliya ay ka jirto fowdo aad u weyn iyo wax aan macquul ahayn, aanaana danaynayn, maxaa yeelay markaan hataan 'border dispute' ma dhici kadho in Afrikaanka dhexdiisa ay ka dillaacdo oo waxay keenaysaa dhib weyn oo sababa dagaal iyo wixii la mid ah, sidaa daraadeed ayey ku laabteen oo arrintii halkaa uga baxeen. Waxaanse ognahay in ay "proclaim' sameeyeen ama sheegasho oo sheegashadaas u gudbiyeen United Nation-ka qaybta qaabilsan badaha, saas ayaan ogsoonahay.

SomaliTalk: Heshiiska (Kenya) ay doonayeen in ay Dawladda Federaalka la saxiixdaan wax nuqul ah ma idinka siiyeen?

Dr. C/casiis:  Ayagu aad uma tifaftirin maxaa yeelay waan lala bilaabin, markii lala bilaabo ayey tifaftirayaan, lalama bilaabin, laakiin dabcan Wasaaraddii Arrimaha dibadda oo waqtigaa jirtay waa ay hayasataa Documentation.

SomaliTalk: Madaxweynahii hore ee DFKMG, C/laahi Yuusuf, muxuu ka yiri arrintaas ay Kenya soo bandhigtay dawladdii uu markaa madaxweynaha ka ahaa?

Dr. C/casiis:  Waxaa laga yaabaa xaqiiqadii madaxweynaha in ayay u babacnayn maxaa yeelay waxaa jirey gole wasiiro, Golaha wasiiradana sida annaga sharcigeena ku dhigan "power-ka' golaha wasiirada ayaa leh fulinta, ra'iisul wasaaruhu golaha wasiirada waxa uu ka yahay shakhsi ah guddoomiye, hal cod ah ayuuna ku leeyahay, laakiin awoodda fulintu dhammaanteed waxaa iska leh golaha wasiirada, arrintaasina waa mid soo geleysa awooda fulinta, dabcan madaxweynuhu la tashi waa leeyahay iyo madaxtooyadu, doorweyna waa ay ciyaaraan, laakiin hawsha waxay ku qummanayd golaha wasiirada jawaabtooduna sidaas ayey ahayd.

SomaliTalk: Marka ma qaab wasiiro ahaan ayey idiin qaabileen oo ma shir ayey idi qaateen, mise qoraal ayey idiinku soo direen (heshiiska ay Kenya doonaysay in loo saxiixo)?

Dr. C/casiis:  Sidaan kuu sheegay markii hore qaab "hints" ayay ahayd, markii dambena si rasmi ah ayey u yimaadeen, hase ahaatee markiiba waa laabteen oo fadhi ma uusan dhicin arrintaa laga wada hadlay.

Dr. C/casiis Sh. Yuusuf Wasiirka Caafimaadka DFKMG ee Soomaaliya 2004 ilaa 2007
Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf, Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee DFKMG

SomaliTalk: Adiga marka, waraysigan aad bixinaysid oo hadda aad siinaysid SomaliTalk, ma loo qaadan karaa in aad hadda mucaarad ku tahay dawladdaan cusub ee Shariifku madaxweynaha ka yahay?

Dr. C/casiis:  Ilama ahan in loo qaadan karo maxaa yeelay anigu mucaarad kuma ahi dawladdan, bilcagsi aad ayaan u taageersanahay, waxaana aad iyo aad u jir nacayaa kuwa ka soo horjeeda oo doonaya in ay burburiyaan, maxaa yeelay waxaan ogahay waxaasi insan dano Soomaaliyeed ahayn, waxaanse arrintaa u qeexayaa waxa aniga iiga aadan shakhsiyan muwaadin Soomaali ah ayaan ahay iyo wax jira oo dukumiinti ah oo markaa credential-keedii (cadaymaheeda rasmiga ah) ay yaalaan, ayaan u qeexayaa aniga, laakiin dawladda anigu kamana soo horjeedo waana jeclahay in ay cagaheeda ku isku taagto oo muddada yar oo ay haysato oo laba sano iyo wax la mid ah in ay dalka dhammaantiis ku soo celiso "law iyo order' (Sharci iyo kala dambayn) waa jeclahay.

"...u malayn maayo in ay Kenya u hirgeleyso... Soomaalidu ma ay ogola waddankooda in bilaash lagu qaato ..."


SomaliTalk: Adigoo adeegsanaya khibradaada, maxaad u malaynaysaa in xal u noqonaayo si Kenya arrinta ay hadda raadinayso (ee la xiriirta dhul-badeedka Soomaaliyeed) aysan ugu hir gelin?

Dr. C/casiis: Anugu u malayn maayo in ay Kenya u hirgeleyso maxaa yeelay sharciyan marka la eego horta waxakan la isla saxiixay waa warqad is-faham ah "memorandum of understanding", waxayse Kenya ka saacidaysaa maadaama meesha ay ka yaalaan laba goor sheegasho ah in warqatanu ku saa'ido oo la yiraahdo waatan warqaddii ahayd waxba kama qabo, waxba kama qabo yey noqon'e waa is-afgaranay waxa la iska afgartayna waa arrintii ayada ahayd, ayadoo laga yaabo in warqadda waxyaabo farabadan oo kale ku xusnaayeen, laakiin hadana dispute-ku (muranku) waa ku xusan yahay warqadda, markaa wax ay ka faa'iidaysan kadho Kenya waa ay tahay, FILISE AAN MAAYO in ay u ahaanayso oo dhawr waxyaalood ayaa meesha ku jira, mid waxaa weeye sharciyadda dawladda hadda jirta waa dawlad ku meelgaar ah, dawlad sharci ah waatahay hadana waa dawlad ku meelgaar ah, legitimacy ma gaari karto ilaa heerkaas ah oo ay xuduud iyo 'border dispute' ay ku xalliso. Tan kaleetona waxay tahay Soomaalidu ma ay ogola waddankooda in bilaash lagu qaato iyo wax la mid ah, markaan haatan ahna anagu waxaanu leenahay Territory (dhul) caalamka laga ogyahay oo aan cidna ku soo xad gudbi karin.

SomaliTalk: Ma jirtaa wax talo ah oo aad u jeedinaysid Dawladda Federaalka ee hadda jirta (oo arrintaan ku saabsan)?

C/casiis:  Waxaan usoo jeedinayaa in aad iyo aad dawladdu uga fiirsato waxaas iyo wixii la mid ah, oo aanay ku degdeginin hawlaha noocaas ah, waxaan aad uga xumaaday marka wasiir ah wasiirka iskaashiga caalamiga ah uu wasiirka arrimaha dibadda wax la saxiixday, lagana yaabo in aan wasiirka arrimaha dibada oo kale hawshaa ka war hayn, waxa uu la saxiixanayona in ay ku jirto xusitaan 'border dispute', markaa in ay aad iyo aad uga digtoonaadaan islamarkaana wada shaqayn yeeshaan iyaga laftigoodu, waxaa ka muuqata dawladdu wada shaqayn in aanay lahayn, wax alla iyo wixii wasiir hore ahaa oo wasaaradda arrimaha dibadda ahaa ama baarlamaanka ayay joogaan ama waddanka ayey joogaan, marka wada shaqayntu waa liidataa, wada shaqayntuna in ay wax macna leh noqoto, islamarkaana laga fiirsado waxyaalaha ku saabsan arrimaha cayn kaas ah, ayaan aad iyo aad ugu soo jeedinayaa dawladda.


Safka gadaal taagan, ka bilow midig, kan labaad waa Dr. C/casiis Sh. Yusuf
Wasiiradii DFKMG, Dec 1, 2004

Warasiga oo intaa ka dheeraa oo Dr. C/casiis uu kula hadlayo Soomaalida:

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2009

BAARID | SEARCH


IdirisSh. Maxamed Idiris oo Baaq Xabbad Joojin ah u diray Kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya
Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida ayaa baaq xabad joojin ah u jeediyey kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya isagoo ku sugan magaalada Cape Town oo uu u joogo howlo dacwo, dhagayso baaqa Sheekha oo uu su'aalo weeydiinayo saxafi Maxamed Muuse Nuur (Deeq Darajo) oo ah gudoomiyaha saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfurta Afrika (SOJASA). Baaqa Sh. Max'd Idris: Dhegeyso halkan ama soo rogo

UNShirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:  & UN iyo Norway Lugta ay ku leeyihiin Gudbinta Akhbaarta Sharciga Badda Soomaaliya oo su'aalo ka taagan yihiin iyo cidda ka faa'iidaysa..... Akhri..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: