SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Wasiirka Kalluumaysiga DFKMG oo Sheegay in Badda Soomaaliya La Xadaynayo 19-ka December 2011

Arrintaas oo ah tii ay shacabka Soomaaliyeed ka soo horjeesteen....

  • SomaliTalk.com | September 24, 2011

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo Jimacadii Sept 23, 2011 ku soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu Seychelles iyo London ayaa shaaca ka qaaday in la doonayo in xadayn cusub loo sameeyo badda Soomaaliya, taas oo ah arrintii ay ka dhiidhiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka Muqdisho ayaa isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu sheegay in uu tegey dalka England (UK), waxana uu yiri "Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go'an) loo qabtay in la xadeeyo xusuudaha badda, waxaana la soo kulmay khubaro ku shaqo leh xadaynta badda oo hore wasaaradda hawlo ula wadey oo hore loo bilaabay sidii aan ka yeeli lahayn, waxyaabo badan ayaan ka soo wada hadalay sidii wax looga qaban lahaa iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawshaas oo waqtigeedu xadidan yahay, waxyaabo badana meel ayaan isla soo dhignay."

Waxana uu intaas raaciyey "Badda anigaa masuul ka ah, wax la iibsadeyna ma jiraan, heshiis la saxiixayna ma leh, badda in la xadeeyo uun ayuu ku qornaa sharcigaas. Badda hala xadeeyo waqtigeeda oo ah 19-ka December (2011), haddii waqtigaas ay suurtagal noo noqoto waa xadaynaynaa, haddii ay noo suurtageli weydona dib ayaan u dhiganaynaa. Su'aasha badda yaan la soo celin. Waxaad ku seexanaysaan qof kasta oo Soomaali ah in taako Soomaali leedahay aanan la bixinayn."

Arrinta aadka khatarta u ah ee wasiirku qiray waxay tahay kelmedda "xadaynta badda Soomaaliya oo waqti go'an loo qabtay 19-ka December 2011", taas ah arrin lagu suulinayo xeerkii badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972 ee qeexayey in badda Soomaaliya xadkeedu yahay 200 nautical miles (Teritorial Waters).

Waxa kale oo wasiirku qirayaa in uu Kenya kula soo kulmay (hay'ado) u sheegay in ay ka caawinayaan xadaynta badda Soomaaliya.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan maxaa ku kallifaya DFKMG inay ka tanaasusho sharcigii badda Soomaaliya u degganaa 40-ka sano, maxayse ugu doodi la'yihiin in adduunku hadda u ogol yahay 350 nautical miles, halka ay ku doodayaan in cabirka badda Soomaaliya laga dhigo 12 nautical miles . Waa haddii ay run ka tahay in "taako kamid ah badda Soomaaliya aysan bixinayn".

May 8, 2011 ayey ahayd markii Maxamed Macallin Xasan oo ahaa Wasiirkii Kalluumaysiga ee xukuumaddii Farmaajo oo safar kaga soo laabtay London waxa uu yiri "Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee (19)72dii waxa uu qorayaa Territorial Sea (Waters) oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya 'Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya". (Akhri)

Shacabka Soomaaliyeed waxay fahamsan yihiin haddii hadda la aqbalo in badda la xadeeyo, in macnaheedu yahay hore baddeenu inooma xadaysnayn, halkaasna waxaan ku waayeynaa xuquuqda badeena, kuma doodi karno xad gudubyadii lagula kacay baddeena mudaddii 20-ka sano ahayd ee dawlad la'aanta, maxkamadaha adduunka ma geyn karno dacwado ka dhan ah dalalkii sida sharci darada ahaa uga kalluumaysanayey waqtigaas iyo kuwii sunta ku duugey. Waxaana xusid mudan in Wasiirka Kalluumaysiga, C/raxmaan Sh. Ibraahim uu qudhiiso qirsan yahay in sun lagu duugey badda Soomaaliya, si sharci darro ahna looga kalluumaysto, sida uu saxaafada u sheegay in uu arrintaas ka caddeeyey shirkii Seychelles.

Wasiirka Kalluumaysiga ee DFKMG, C/raxmaan Sheikh, oo xad gudubka lagu hayo badda qirayey ayaa sheegay in uu ka qayb galay shir lagu qabtay Seychelles oo looga hadlayey burcad-badeeda Soomaalida ayaa yiri "Burcad badeedka ay ka hadlayaan maahee waxaa kale oo jira burcad badeed badan oo kale sida kuwa sharcidarrada ku kalluumaysta, kuwa qashinka ku shuba badda, kuw daroogada u sida dhuumaalaysi ah ku soo mariya oo hubka sharci darrada kusoo geliya, waxyaabahaas oo dhan meesha waa ka sheegnay in burcad badeeda keliya aysan ahayn ."

Tan kale wasiirku waxa uu qirayaa in Soomaali kor u dhaafaysa 1000 qof ay ku xiran yihiin ilaa 20 dal, dadkaas oo loo xiray Burcad Badeednimo, taas oo sida uu sheegay qaar waalidiinta dhallinyarada xiran ay wasiirka la soo xiriirineen ayago ou sheegaya in aysan wax dembi ah lahayn. Marka haddii laga tanaasulo xaqa aan u leenahay baddii inoo cabirnayd ee ah 200 nautical mile, sow taas macnaheedu ma noqoneyso in  la oran doono dadkaas waxaa laga qabtay badda caalamig aah oo ka baxsan Soomaaliya, sidaasna ay xuquuqdoodii ku waayi maayaan?

Shacabka Soomaaliyeed waa ku baraarugsan yihiin  in shirkii shirkii Seychelles lagu doonayey in badda Soomaaliya lagu soo koobo xadka cusub oo ah 12 nautical miles, taas oo uu ganafka ku dhuftay Taliyaha geesiga ah ee ciidanka badda, Admiral Faarax Qare. Qadiyadda baddu waa mid qaran oo shacabka Soomaaliyeed ka midaysan yihiin, warbaahintuna ay gudbinayaan dareenka shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed waa la socdaan sida loo doonayo in la duudsiiyo xeer badda Soomaaliya u degganaa muddo 40-ka sano. Taas oo aysan aqbali doonin. Waxaana arrintan duudsiinta badda Soomaaliyeed ay u socon weydey labadii xukuumadood ee ka horeeyey xukuumadda C/weli Gaas.

Shirkii bartaamihii bisha September 2011 lagu qabtay Seycelles waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Faarax Qare, markii uu arkay in lagu xad gudbayo badda Soomaaliya ayuu qoraal kulul dhexdhegay saraakiishii ciidamada dalalka bariga Afrika ee kulanka fadhidey, taas oo uu kaga dalbaday in ay raali gelin ka bixiyaan arrinta meel ka dhaca ah ee ay ku xuseen in badda Soomaaliya ku kooban tahay 12 nm, waana bixiyeen raali gelintaas. Su'aasha ku haboon in xukuumadda la weydiiyo waxay tahay maxay khabiirka badda Soomaaliya hadalkiisa u qaadan la'yihiin. (Warqaddaas ka akhri halkan).

Waxaa aad u cajaa'ib badan in Wasiirka Kalluumaysiga ee DFKMG C/raxmaan Sheikh uu shirkiisii jaraa'id ku sheegay hadalkan "Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegi lahaa, awood kasta waxay ku jirtaa shacabka, anagu waxaan ka midnahay wasiirka shacabka, waxa wax doorta waa shacab, waxa wax bedela ama wax qaban kara waa shacab, marka shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa meelkasta oo ay joogaan in ay ummadda dantooda u kacaan waxay rabaan haday gartaan. Haddii aad xasuusataan kacdoon ka dhacay Masar waxaa ridey shacabka oo bannaanka soo istaagey oo yiri marabno waxaas, marka awoodda aad raadinaysaan iyo su'aalaha aad i weydiinaysaan awoodiina ayey ku jirtaa, Soomaali oo haddii ay xaqa u hiiliso waxaan awoodnaa in aan soo ceshano wixii naga maqnaa."

Shacabka Soomaaliyeed soomaaliyeed waxa aysan doonayn waa in la yiraahdo ka tanaasula xeerkii badda ee soo dhignaa 40-sano. Waxayna shacabka Soomaaliyeed doonayaan in badda Soomaaliya la gaarsiiyo 350 mayl-badeed sida dalalka bahada leh loo ogol yahay.

Daawo Video-ka

Faafin: SomaliTalk.com | September 24, 2011


Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM: http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile: http://en.wikipedia.org/wiki/Mile

Xeerka Badaha Adduunka

Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982, waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60 dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.

Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia, Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland, United Arab Emirates, United States.

Dalalka aan xitaa saxiixin,  oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel, Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste, Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: