SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka ridaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliya

  •  Abukar Y. Warsame 

Qoraalkan waxaa igu dhaliyey markaan beryahan arkay doodo , cabasho iyo qaylo dhaan ku wajahan heshiis uu wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee dawladdii dhawaan lagu soo dhisay Jabuuti uu la sixiixday madax ka tirsan dawladda Kenya. Sababta aan u doortay cinwaanakan waa iyadoo ay ii muuqatay in waxyaabo badan aan laga fahmin heshiiska iyo anoo laf ahaanteyda aan ka sii cudurdaaranayo in aan aqoonteyda gaaban ee mawduucan ay keeni karto inaan faham la’aanta sii kordhiyo.

Si aan faham fiican u helnno waxaa habboon inaan ku tiri-teen iyo war aan sugneyn aan ka gudubnno oo aan wax ka ogaanno waxa uu yahay heshiiskan iyo waxa khasbay ka hadalkiisa xilligan. Waxaa jiray heshiis la magac baxay United Nations  Conevention on Law of the Sea (UNCLOS)  ama Law of the Sea Convention or Treaty. Heshiiskani waxa uu qeexayaa arrimaha khuseeya badda iyo waxa ku hoos jira xeerkii lagu maamuli lahaa iyo xuquuqda iyo xadka biyaha ee uu waddan kasta maamulkeeda si gooni ah u leeyahay. Heshiiskaas waxaa wada hadalkiisu socday  muddo 10 sano ku dhow oo ah 1973  ilaa 1982. Waxaa la soo gabagabeeyey is af-garadkiisa  1982  markaas oo ay bilaabeen dawladihii ka qeybgalay iney saxiixaan. Soomaaliya waxay saxiixday 10kii December 1982. Si uu u dhaqan galo waxaa loo baahnaa in dawladihii oggolaaday iney “ratification” ama “meel marin” waxa loo yaqaanno ku sameeyaan taasoo Soomaaliya ay qalinka ku duugtay 24 tii Luulyo 1989,  Keenya waxay qalinka iyana ku duugta 2 dii Maarso 1989. Heshiiskani wuxuu dhaqan gal noqday 1994 markii dawladdii 60 naad oo aheyd Guyana ay qallinka ku duugtay. Ilaa manta waxaa heshiskaas ku biiray 157 dawladood. Qodabada heshiiskaas waa fara badan yihiin balse qodobka hadda dooddan iyo muranka keenay waa qodobka 76 aad ee heshiiska UNCLOS. Qodobkaas oo ka hadlaya waxa la yiraahdo “Continental Shelf” oo ah xadka ka baxsan 200 ee niyuutikal mile (200nmi) ee biyaha waddankaasi isla markaasna aan ka badnaan karin 350nmi marka laga soo cabbir qaato jiinka badda (baseline) waxaa hogaanka u haya guddi hoosaad UNCLOS u samaysey oo la yiraahdo Commision on Limits of the Continental Shelf (CLCS). Halkan  ka akhri qodobka 76 aad oo ku qoran af ingriis siiba aad ugu kuur-gal saddexda qodob ee ugu dambeysa 8, 9, iyo 10.

Sida wasiirku sheegayba waa jirtaa in looga baahan yahay waddamadii heshiiska saxiixay iney soo gudbiyaan waxa loo yaqaanno “Extended Continental Shelf” ama ECS haddii ay 1999 ka hor saxiixeen heshiiska taasoo Soomailya iyo Keenyaba ku khasbeysa iney saxiixaan (sida ku cad qoraalka hoose boggiisa 114 aad oo sheegaya in waddamadii saxiixay heshiiska 1999 ka hor ay hadda 10kii sano ee loo qabtay ka dhammaaneyso sannadkan)[1]. Qaylo dhaanta ah waddankii qeyb in loo hibeeyenayo Kenya waxaan filayaa inay salka ku hayso codsigaas ay labadii waddan ee bad wadaag ahi ay soo gudbiyaan. Waxaa wasiirka amd ciddii  kaloo sharci yaqaan ah ama u dhuun daloosha arrinkan looga baahan yahay iney faah-faahin ka bixiyaan in codsigani ku saleysan yahay in dib loo eego xaduud badeedka labada waddan waayo ilaa hadda 7 waddan oo kaliya ayaa codsiga dib u eeggidda ee ECS u gudbiyey guddiga CLCS. Haddiise codisgaan yahay wax aan salka ku heyn dib u eegid xadka badda ee labada waddan maxaa hoos geeyey qeybta ECS?  Waxaa kaloo aan caddeyn in 10 kii sanaba mar la cusbooneysiiyo oo u baahan in la is weydiiyo yaa noo cusbooneysiiyey hadda ka hor illeen labaatan sano ayaa ka soo wareegtey muddaddii aan saxiixnay oo aheyd 1989? Waxaa kaloo su’aal ka jirtaa labaatanka sano ee wasiirku sheegay jiritaankeeda maadaama qoladii xataa 1999 ka dib saxiixdey ay heysato fursad 10 sano ah oo keliya iney codsi ECS ah ku soo gudbiso.

Laba arrimood oo wasiirku afka ku dhuftay oo aad dareenkeyga wax ugu dhimay isagana aqoontiisa iyo karaamadiisa wax u dhima kara waa:

1.      Soomaaliya iyo Keenya wax xuduud badeed ah horey uma laheyn

2.      Codsiga cusub ee fidinta xadka badda (ECS) waxba dhib ah ka imaan mayso.

Waa tan kowaade ma wuxuu wasiirku filayey in sidii goofkii oo kale dhagax ama tiirar badda dhexdeeda laga dhex taago? Ma fahamsan yahay waxa laga wado 200 oo cabbirka meylka badda ah iyo sida adduunka badihiisa u kala xadaystaan. Fadlan ka fiirso hoos sida loo cabbiray biyaha badda. Waxaan u soo jeedinayaa wasiirka inuu raalli gelin u diro ciidankii badda ee Soomaaliyeed iyo masuuliyiintii waddanka ee baddaaas dhereka badan cadawga ka hortaagnaan jirey isna maanta uu ku hadaaqay ma xad badeed baan lahayn.

Waa tan labaade khubarada uu saddexda saac shirka la qaatey miyaa ka cilmi badan kuwa adduunyada oo sidaan wax uga qoray markii la cusbooneysiiyo heshiiska noocan oo kale ah. “New ECS boundaries will have far-reaching implications for scientific research and governance. The increase in potential juridical continental shelf is large, posing management and security challenges as well as potential economic benefits to coastal nations”[2]

Haddii af-soomaali loo fasiro macnaheedu wuxuu noqonayaa “heshiis cusub oo ah fidinta xadka kore ee badda (Extended Continental Shelf or ECS) wuxuu keenayaa mushkilad qoto dheer oo xagga cilmi baarista iyo maamulka ah. Wuxuu kaloo saameyn xoog leh oo xagga dhaqaalaha iyo nabad gelyada iyo maamulkaba ku yeelanayaa waddamada xeebta ku yaal”.

Waxaa iyana mad-madow ku jiraa hadal wasiirku ku sheegey in ay dawladda Yemen ay la furayaan heshiiskan mid la mid ah maadaama uu iyana waqtigeedii dhammaaday. Dawladda Yemen waxey saxiixdey heshiiskan 21 kii Luulyo 1987  taasoo ku tusineysa iney muhiim aheyd in la hor mariyo haddiiba cid wax lagala xaajoonayo.


Sawirka oo weyn: http://en.wikipedia.org/wiki/File:Zonmar-en.svg

Waxaan rajaeynayaa in qoraalkeygan  uu iftiimeyey sida dawladda iyo masuuliyeenteeda u xilsaaran arrimahan ay uga gaabiyeen sidii war bixin buuxda oo heshiiskan ku saabsan ay u bixin laheyd taasoo ka hor tegi laheyd shakiga ah in  waddankii xuduudihiisa lagu xad gudbay.  Waxaad kaloo mooddaa in qolyaha dhaliisan sida heshiiskan loo wajahay ay iyana jaahwareer iyo qaylo dhaan aan ku saleysneyn baaris cilmeyeysan  iyo caddeymo ay bulshada u soo bandhigaan marka laga reebo qoraallo faro ku tiris ah.    

 Abukar Y. Warsame 
(abukar60@netscape.net)

Tixraac:

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS