SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Aaden Madoobe ka Dalbaday in uu Toddoba Casho Gudahood Shir isugu yeero Golaha Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabteen isniintii November 2, 2009 waxay shaaca ka qaadeen in ay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur "Aaden Madoobe" ka dalbadeen in muddo toddoba casho gudahood ah uu isu yeero shir ay isugu yimaadaan Golaha Baarlamaanaka si loo dhamaystiro Ajende-yaasha horyaal golaha.

Shirka jaraa'id waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed, lagu caddeeyey in Xildhibaanadu ay qoraal u direen Guddoomiyaha Baarlamaanka, qoraalkaas oo u qornaa sidan:


Jamhuuriyadda Somaliya 

War saxaafadeed ku saabsan hakadka ku yimid fadhiyada Baarlamaanka 

Muq 02 Nov 2009

Sida lawada ogyahay Golaha Barlamanku wuxuu yeeshaa labo kal-fadhi sannadkii, (KALFADHIYADA BAARLAMAANKU WAA DUSTUURI CID WAX KA BEDELI KARTAANA MA JIRTO), sidaasna waxay ku caddahay Axdiga Qaranka iyo Xeer Hoosaadka.  Sida ku cad xeer-hoosaadka Barlamanka, Kalfadhiga koowaad wuxuu bilowdaa 13 Aug, waxaana loo qabtaa xaflad uu kasoo qaybgalo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, wuxuuna xirmaa 12 Dec ayadoo sidoo kale loo qabto xaflad xiritaan oo ka dhacda fadhiga ugu dambeeya kalfadhiga golaha.  Waxaa dhacda ayadoo la qiimaynayo xaaladda dalku ku suganyahay inaanu Barlamanka qaadan fasaxii kal-fadhiga, taasna waxaa go’aankeeda leh xubnaha barlamanka oo cod ku oggolaada.  Guddoomiyaha Barlamanku ma gaari karo keligii, sharciyadna uma laha inuu warbaahinta ka sheego ama uu kaligiis gaaro go’aan noocaan oo kale ah. 

Sida la ogyahay Guddoomiyaha wuxuu warbaahinta ka sheegay in Barlamanku qaatay fasax ku aaddan Bisha barakaysan ee Ramadaan si ay u  cibaadeystaan, taasoo ku ah xad-gudub shuruucda golaha iyo Axdiga Qaranka.  Waxaa isweydiin mudan Qodobka guddoomiyaha awoodda u siinaya inuu keligii afduubto go’aannada Baarlamaanka. 

Sidoo kale annagoo tixraacayna ergo ka kooban xildhibaanno oo aan horay ugu dirnay Baarlamaanka si ay u weydiiyaan inuu dib u billaabo fadhiyadii golaha ee ka harsanaa kal-fadhigii socday, waxaan mar kale u dirnay guddoomiyaha Qoraal ay ku saxiixan yihiin xildhibaanno badan oo aan ugu soo jeedinayno inuu muddo usbuuc gudeheed ah ku sheego taariikhda la qabanayo fadhiga ugu horreeyo ee kalfadhiga Baarlamaanka, si loo sii wado howlihii Barlamanka loona dhammeeyo AJENDE-YAASHA golaha horyaal inta aan la gaarin xilliga xiritaanka kal-fadhiga labaad oo xirmi doona 12 Dec 09 si aan loogu baahanin in X/dhibaanada mar kale laga qaado fasaxa bisha ee ay ku lahaayeen sannadkaan.  

Sidoo kale waxaan Xeer Hoosaadka Baarlamaanka meelna kaga xusnayn in Guddoomiyayaasha Guddiyada aanay wax goáan ah ku gaari Karin iyagoo wakiil ka ah Baarlamaanka.   Xildhibaannadu waa wakiillo shacabka sidaas darteedna cidna uma sii wakiilan karaan xilkooda.   Waxaa loo sheegayaa cidkasta oo arrinkaani khuseeyo inay u qaadato ama kasoo qaaddo go’aannada Guddoomiyeyaasha Guddi-hoosaadyada Barlanamku inay yihiin mid ay ku matalaan shakhsiyaddooda oo kaliya uusanna aheyn GO’AAN BARLAMANKA oo sharci darro iyo wax aan waxba ka jirin ah. 

Waxaan warbaahinta u sheegaynaa in kal-fadhigii koowaab ee Barlamanku uu furan yahay, dhowr fadhina horay loo qabtay sida fadhigii lagu oggolaaday sharcigii “xaaladda deg-degga” ahaa ee Madaxweynuhu soo weydiistay, fadhigaasoo dhacay 19-kii Aug 2009.   

Annagoo ku rajo weyn in guddoomiyuhu uu si xilkasnimo leh uga jawaabi doono soo jeedintan oo uu qaban doono fadhiyadii ka harsanaa kal-fadhiga, muddo usbuuc (toddob casho) gudohood waxaan idiin soo jeedinaynaa mahad ballaaran.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri