SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HANOOLAATO

Waxaanu soo dhoweynaynaa go’aankii Qaramada Midoobay ku laashay Is-afgarad ku sheeggii ay wada gaareen Kenya iyo TFG da Somalia

Ref: DQ/HNL/15/03/2010
15/03/2010

Haddii aannu nahay Xisbiga HANOOLAATO waxa aannu soo dhoweynaynaa war murtiyeedkii ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee lagu laalay heshiis ku sheeggii is af-garad ee dhex maray xukuumadda Kenya iyo TFG-da Somalia.

Is af-garad ku sheeggaasi wuxu ahaa nasiib darro la soo deristay ummadda Soomaaliyeed oo dhul-badeedkoodii si ku talo gal ah faraha looga saaray Kenya.

MoU

Sidaa darted xisbigu wuxu soo dhoweynayaa go’aankaas UN-ku ku laalay is-af garad ku sheeggaas 12kii bishan. Waxa kale oo xisbigu ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa intii ka qayb qaadatay halgankii lagu soo celinayey dhul-badeedkaas la bixiyey.

Xisbi ahaa waxa aannu halkan hambalyo ugu diraynaa waddaniyiintii is xilqaamay ee u guntaday soo dhicinta dhul badadeedkeenna oo ay ugu horrayso shabakadda Somali-Talk oo maamulkeedu xil gaar ah iska saaray  is-hor taagista is-af garad ku sheeggaas aan sharciga iyo caqliga toona waafaq-sanayn. Sidoo kale waxa aannu halkan ku xusaynaa 334kii xildhibaan ee 1dii August 2009 codkooda dheer ku sheegay in heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan (Null and Void).

Xisbi ahaan anagu marnaba kama aanaan seexan soo dhicinta dhul-badeedkeenaas la dhaxal wareejinayey anaga oo si gaar ah ugu xilsaarnay Amaal  Cali oo ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga HANOOLAATO tallaabooyinkii ay qaaddayna waxa ka mid ahaa qaylo-dhaan (petition) ay ka saxeexaysay hal milayn oo Soomaali ah oo ay rabtay in ay u dirto UN ka si la isu hortaago wareejinta dhul-badeedkeennaas. Iyo sidoo kale iyada oo Madaxweynaha TFG-da Shiikh Shariif gole loo dhan yahay ku weydiisay su’aashii dhul-badeedka.

Halkan ka daawo su’aashaas iyo sidii ay u dhacday.
http://www.youtube.com/watch?v=VwPM08iAOyc&feature=player_embedded

Ugu dambayn Xisbi ahaan waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa guushaas taariikhiga ah, oo inagu baraarujinaysa halista uu ku jiro dalkeennu. Sidoo kale waxa aan taariikhda Soomaaliya marnaba lagu cafiyi doonin masuuliyiintii ka dambaysay oggolaanshaha is-af garad ku sheeggaas halista geliyey madax-bannaanidii qaybo ka mid ah dalkeenna.

Guul iyo Gobanimo   
Dayib Qaalib
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga HANOOLAATO 

www.hanoolaato.org
hannoolaato@gmail.com
Dayib Qalib

Source: www.hanoolaato.org

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2010

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: