Wasiirkii hore ee Badda: "Xadaynta Cusub ee EEZ waxaa gacan ku leh Hay'ado
Shisheeye, sida Heshiiskii Is-afgarad (MoU)"
Heshiiskii MoU oo la isku raacay in uu khalad ahaa, oo aana loo baahanayn
Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2011
Wasiirkii Kalluumaysiga
iyo Khayraadka Badda ee DFKMG ee xukuumaddii Farmaajo, Maxamed Macallin
Xasan, oo ay Sabtidii October 1, 2011 waraysi ku saabsan badda Soomaaliya la
yeeelatay Codka Maraykanku,, isagoo ku sugan magaalada London, UK, ayaa
caddeeyey in heshiiskii Is-faham (MoU) ee DFKMG la gashay Kenya haddii uu
hirgeli lahaa in ay "noqon lahayd furdad ay yeelaneyso Kenya," isla markaasna ay
"Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn."
Waxa kale oo uu dhaliilay qodobka Roadmap-ka ee ka hadlaaya xadaynta EEZ ee
badda Soomaaliya.
Waraysiga ay idaacadda VOA la yeelatay Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga, ugu
horayn waxa uu qiray markii xilka loo magacaabay in shacabka Soomaaliyeed ay
su'aalo badan ay kaga soo laabteen heshiiskii MoU (is-fahamka) ee dhexmaray
DFKMG iyo Kenya ee ku saabsanaa xuduudda badda "Markii aan imid anigu su'aalo
badan oo igu soo bexeen way jireen, oo Soomaalidu isweydiinaysey, welwel badana
ay ka qabteen, oo ahaa sidee laga yeelayaa xaalka badda ee murugaysan, sidee il
loogu bixinayaa."
Waxana uu markaas sheegay inuu bilaabay barnamaij arrintaas wax looga
qabanayo, taas oo uu sheegay "in aysan jirin waddan kale oo talo iyo dhaqaale ku
laa, taas oo ku saabsanaa in aan wixii Soomaalidu leedahay aan xad gudub lagu
samayn."
Muxuu barnaamjkaasi markii la weydiiyey, waxa uu ku jawaabey:
"Barnaamijka aan bilaabay waxa uu ahaa in Soomaaliya ay leedahay dhul-badeed
sida wadama kale, wadankii ay suurtagal noqon karto, dhul-badeedkaas oo
baaxaddiisa laba nooc loo kala fiiriyo. Marna loo cuskado, horena loogu
cuskanayey sharciga Soomaaliya hore ugu degsanaa, ee la dejiyey 1972-dii, iyo
ayadoo lagu kabaayo ama la barbar dhigaayo heshiiska caalamiga ah ee Qarammada
Midoobey ee badaha ee la yiraahdo UNCLOS, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayna
ansixisay 1989-kii."
Marka laga hadlayo xadaynta badda, xukuumadda hadda joogta waxay
raacaysaa dariiqii xukuumaddii Cumar Sharmaarke, dariiqaas oo aan ahayn
dariiq toosan. Marka waa in laga hawl galo badbaadinta badweynta Qaranka
Soomaaliyeed..
Halkan ka dhegeyso Cawed Axmed Casharo (waraysi)
"Waxaa caadi ahayd inta aan heshiiskaas UNCLOS la saxiixin in waddan walba
intii sharcigiisa Qaran intii uu lahaa uu ku dhaqmaayey, duniduna ay kula
macaamilaysey"
"Waxaa markii uu soo baxay heshiiska caalamiga ah ee badaha adduunka ee la
yiraahdo UNCLOS uu soo baxay, waxaa la bilaabay in la ansixiyo, waddamada
duniduna waa ku kala qaybsameen. Waddamo waa saxiixeen waana ansixiyeen. Waddamo
waa saxiixeen, laakiin ma ansixin. Waddamona maba aysan saxiixinba.
Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamadii saxiixay, ansixiyeyna. Waxay Soomaaliya
heshiiskaas ansixisay 24kii July 1989-kii."
"Su'aasha marka meesha timaaday waxay ahayd, maadaama hore loo saxiixay wax
la yiraahdo Memorandum of Understanding (MOU), oo dood dheer ay ka
timaaday, waxaana memorandum of understanding ku saabsanaa qayb ka mid ah
qaybaha badaha oo la yiraahdo Continental Shelf. Heshiiskii Isfahamkii
Continental Shelf-ka ay ka wada galeen Soomaaliya iyo Kenya waa tii ay ka
timaaday dood badan, kaddibna baarlamaanku uu diidey in la meel mariyo."
Muxuu ahaa Isfahamka MoU markii la weydiiyey waxa uu ku jawaabey:
"Memorandum of Understanding waxa uu ahaa heshiis la rabey in ay ka wada
galaan Soomaaliya iyo Kenya xagga Continental Shelf-ka oo ah wixii ka xaggeeya
200 nautical mile."
Yaa qaadanaayey dhulkaas markii la weydiiyey wuxuu ku jawaabey:
"Haddii heshiiskaas uu dhici lahaa oo heshiiskaasi ansixi lahaa dhibaatada
imaanaysa waxay tahay - yaa qaadanaya xilligaas lama dhehi karo - (1) maba
dhicinba, (2) markii wixii la heshiiyana waxay noqon lahayd in Soomaaliya iyo
Kenya ay ku heshiiyaan xuduudka badda ay ka leeyihiin dhinaca Continental
Shelf-ka halka uu dhacaayo inay ka heshiiyaan ayaa markaasna ogolaanaya in xogaa
dood ay ka jiri karto ayey ahaan lahayd."
Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo sii faahfaahinayey
dhibaatada ka iman lahayd MoU hadduu hirgeli lahaa waxa uu yiri:
"Laakiin dhibaatada weyn ee ka iman lahayd waxay ahayd waxay noqon lahayd
furdad ay yeelaneyso wadanka deriskeena ah (Kenya) ee uu ku doodo haddii la rabo
in la sameeyo xad-badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya (oo weligiis la isku
wada ogaa xadka Soomaaliya meesha uu ku dhammaado), in meeshaas laga qabanaayo
sharciga caalamiga ah, waxay noqon lahayd in ay ku doodaan soohdimayn la
sheegayo in la sameeyo oo u dhex mari doonta Soomaaliya iyo Kenya halaga soo
bilaabo dhinaca Continental Shelf-ka, ee yaan laga bilaabin dhinaca xeebta,
waayo dhinaca xeebta haddii laga bilaabo waxaa muuqanaysa sida saxda ah ee
Soomaaliya inta ay leedahay , waxaa suurtagal markaas noqon kari lahayd in ay ku
dooddo halaga soo bilaabo maadaama meeshaas ay kawada heshiiyeen labada waddan
soohdimaynta u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya halaga soo bilaabo oo halagu soo
dhammeeyo xeebta, taas oo markaas suurtagal ka dhigi lahayd in dhul badan oo
dhul-badeedka Soomaaliya ay weyso/dhumiso."
Falastiin Axmed Iimaan, oo ka tirsan idaacadda Codka Maraykanka (VOA) oo
waraysiga qaaday ayaa weydiisey: intii aad wasiirka ahayd ma jiraan wax wada
hadal caalami ah oo ka gashay arrinta muranka xuduudda badda Soomaaliya, waxa uu
ku jawaabey:
"Aniga barnaamijka aan waday waxa uu ahaa barnaamij ay Soomaaliya leedahay oo
Soomaaliya bilaabatay, haba yaraatee waddan aan kala hadlay ma jiro, waddan
igala hadlayna ma jiro, waddan heshiis aan kala galayna ma jirto, hay'ad caalami
ah oo qarammada midoobey oo aan heshiis kala galayna ma jiraan, IGAD-na kuma lug
lahayn, AMISOM-na kuma lug lahayn, wuxuu ahaa Purely Somali Project
ayuu ahaa, laakiin hadda sida muuqata waxaa soo ifbaxaysa midka hadda Roadmap-ka
la sheegaayo ku jira in ay gacan ku leeyihiin hay'ado farabadan, sida kii hore
ee MoU (Memorandum of Understanding) ay gacanta ugu lahaayeen dalal shisheeye,
ama deris ha ahaadaan, ama ha ahaadaan kuwo kale oo inaga fog, marka labada
barnaamij sidaas ayey u kala duwanaayeen."
Markii la weydiiyey adigoo fiirinaya aqoonta aad u leedahay badaha iyo
shaqadii aad ka soo qabatay: maxaa hadda looga baahan yahay Soomaaliya in ay
samayso marka la eego heshiiskan Raodmap-ka (Qorshe Hawleedka), waxa uu ku
jawaabey:
"Heshiiska Raodmap-ka qaybta ka khusaysa badaha waa ballaaran yihiin, kama
wada hadli karo, laakiin waxa keliya oo aan ka hadlayaa waxay tahay: Ma ogtahay
waxaa ku qoran in loo baahan yahay Soomaaliya in ay ku dhawaaqdo
(declare-garayso) EEZ-keeda ugu dambayn 19-ka December 2011."
Waxa uu markaas weriyaha u sharaxay waxa ay kala yihiin sharciyada badda
marka laga hadlayo EEZ oo uu yiri "haddii aan xuduudda aan isku si u fahmayno
anigu xuduudda waxaan u aqaan meel u dhaxaysa laba qofood, laakiin maadaama
EEZ-ka laga hadlaayo waxa laga hadlaayo waxay u muuqataa in ay yihiin cabbirada
badda ay kala leedahay iyo qaybaheeda kala duwan, sharciga caalamiga ah ee
badaha adduunka ee UNCLOS ayaa kala saaraya dhawr qaybood oo badda kamid ah,
qaybta koowaad oo lagu magacaabo Territorial Sea, waa qaybta la yiraahdo
Dhul-badeedka Waddan kasta u gaar ah, waddamada dunida oo dhan intii sharcigaas
ansixisay waddanka ugu badan wuxuu leeyahay 12 nautical mile, wadama kalena way
ka yar yihiin ayadoo hadba ay la xiriirto duruufaha iyo wadamada kale sida ay
isugu soo dhawaanayaan oo isu soo gelaayaan, qaybtaasi waxay ka kooban tahay 12
nautical mile (mayl-badeed)."
"Waxaa ku xiga qaybta la yiraahdo qaybta ku dheggan oo ayadana ka kooban 12
mayl-badeed, markaas waxay isku yihiin 24 km, sida waafaqsan sharciga caalamiga
ah inta wadan kasta uu xaqa leeyahay waxaa ka hir gala afar sharci oo
sharciyada waddankaasi leeyahay ah: Caadi ahaan waxaa ka hir gala sharciyada la
xiriira xagga qashinka ee pollution-ka (dhikhowga), sharciyada xagga taxation-ka
(cashuurta), sharciyada xagga customs-ka iyo immigration-ka (socotada)," ayuu
yiri.
Markaas waxaa ku xigta qaybta la yiraahdo Exclusive Economic Zone (EEZ =
200nm), qaybtaas oo ah dhul badeedka u gaarka ah wadan kasta leeyahay oo uu ka
kalluumaysan karo, batroolka iyo macaadiinta ku jirta uu dalkaasi kala soo
baxayo, cid aan ogolaansho ka haysana aysan soo geli karin. Ciddii soo
geleysa oo dooneysa waa in ay laysan ka haysato waddanka baddaas iska leh.
"Qaybta xigta waa Continental Shelf, taas oo ah in ugu badnaan 150
mayl-badeed ay ku darsamaan labadii boqol ee mayl-badeed ee la haystey
(200+150=350 maylbadeed). Ayada waxaa loogu talo galay inuu ku jiro khayraad
ceegaaga badda hoosteeda, ha ahaado batrool ama dhagxaan qiime badan, ama noole
carrada hoose ku soconaya, kuwaas waxaa iska leh in ay yeeshaan waddamada ay
baddooda gaarsiineyso oo u saamaxayso baaxadda hortooda ah," ayuu yiri.
"Arrinta meesha taal waxay tahay waxa hadda la weydiinayo Soomaaliya inay ku
dhawaaqdo waa EEZ-ka, kaas oo ka kooban 200 nautical mile. Arrinka aan laba qayb
u kala saarno: Caadi ahaan marka la samaynayo waxaa la samayn karaa in laga soo
bilaabo xeebta ilaa Continental Shelf oo isku noqonaysa 350 nautical miles in
laga hawl galo shaqadeeda hal mar waa noqon kartaa, waa waddo, waqti dheer
ayey qaadanaysaa, imkaaniyaad (resources) badan ayey u baahan tahay, waxay u
baahan tahay meel xasilan, waddan xasilan oo aan buuq ku furnayn oo horor lagu
ahayn, oo sugi kara 3-sano ama 4-sano in hawshaas ay qabsoonto ayay u wanaagsan
tahay."
"Haddii waddanka sida Soomaaliya oo kale horor loogu yahay badaheeda, wuxuu
kala qaybin karaa labada qaybood, wuxuu dhehi karaa marka hore waxaan
samaynaynaa EEZ-ka, mar labaadkana waxaan samaynaynaa Continental Shelf-ka,
ayadoo bilowgaba ay qeexnaanayso EEZ-ka, oo aysan ahaanayn EEZ-ka ayaan
samaynaynaa oo meesha ayaa lagu kala tegayaa, ee marka EEZ-ka la sameeyo hore
laga bilaabayo hawshii Continental Shelf-ka. Haddiise ay tahay EEZ-ka halagu
ekaado ama ha laga aamuso inta kale oo soo hartay waxaan u malaynayaa su'aalo
badan ayaa ka taagan, waxaan jeclaan lahaa in Dawladda ay meeshaas ka bixiso
cadaymo badan," ayuu ku soo gabagabeeyey hadalka.
Hadalka Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xukuumadii
Farmaajo waxa uu cadeeyey in heshiiskii Is-faham (MoU) ee DFKMG la gashay Kenya
haddii uu hirgeli lahaa in ay "noqon lahayd furdad ay yeelaneyso Kenya," isla
markaasna ay "Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn."
Heshiiskii MoU in uu khalad ahaa waxaa aad uga hadlay shacabka Soomaaliyeed
oo aan u kala harin, ugu dambayntiina waxaa waxba kama jiraan kasoo qaaday
Baarlamanka Soomaaliya, waxaana diidmadaas aqbalay Qarammada Midoobey.
Arrimahaas oo jira ayaa waxaa weli qaar kamid ah wasiiradii xukuumaddii Cumar
C/rashiid uu ku dhegan yihiin in heshiiskaas Is-fgarad ay ku saxsanaayeen.
Dhanka kale Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga ee xukuumadii Farmaajo markii uu
ka hadlaayey arrinta EEZ-ka waxa uu xukuumadda hadda weydiisetey in uu "jeclaan
lahaa in Dawladda ay meeshaas ka bixiso cadaymo badan." Islamarkaasna waxa uu
farta ku fiiqay Raodmap-ka oo ka yiri "hadda sida muuqata waxaa soo ifbaxaysa
midka hadda Roadmap-ka la sheegaayo ku jira in ay gacan ku leeyihiin hay'ado
farabadan, sida kii hore ee MoU (Memorandum of Understanding) ay gacanta ugu
lahaayeen dalal shisheeye, ama deris ha ahaadaan, ama ha ahaadaan kuwo kale oo
inaga fog."
Arrinta muhiimka ah ee ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay fahmaan waa in
Soomaaliya ay saxiixday xeerka Qarammada Midoobey ayadoo aan ka tanaasulin
xeerkeedii badaha adduunka ee Law No. 37, sidaas daraadeedna ay badda Soomaaliya
xadaysnayd laga soo bilaabo 1972, ayna lahayd 200 mayl badeed oo ah Territorial
Waters. Waxa mudan in laga hadlona ay tahay sidii loo kordhin lahaa oo loo
gaarsiin lahaa 350 maly badeed.
Arrimahaas marka la isku soo duubo, waa kuwo aan ka fursanayn inay ka hadlaan
Baarlamaanka Soomaaliyeed. Waxaana arrintaasi in baarlamaanku ka hadlayo
badbaadinta Badda Soomaaliyeed waxaa shaaca ka qaaday Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka
FKMG ah ee Soomaaliya
xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Toronto,
Canada, Sabtidii October 1, 2011.
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa
mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac:
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm..
-----------------------------------------------
Soomaaliya Ururrada ay
Xubinta ka tahay:
Soomaaliya waxay ka mid ahayd 33 dal oo asaasay Ururkii Midowga Africa 25kii
May 1963, markaas ayayna xubin ka noqotay ururkaas OAU. Ururkaas waxaa 9kii July
2002 loo bedeley Midowga Africa (AU) waxana uu ka kooban yahay 53 dal. Ururka
Jamciyadda Carabta oo ay xunbo ka yihiin 22 dal waxaa la asaasay 22kii March
1945, waxayna Soomaaliya Ururka Carabta xubin ka noqotay 14kii February 1974.
Sidoo kale Soomaaliya waxay xubin ka tahay 192 dal oo ka tirsan Ururka Qarammada
Midoobe (QM) oo la asaasay 1945 dagaalkii labaad ee Adduunka kaddib. Waxay
Soomaaliya ururka QM xubin ka noqotay 20kii September 1960.
Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya