SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Admiral Faarax Qare oo ka hor Hadley Kulankii Baarlamaanka Soomaaliyeed sheegeyna in Badda Soomaaliya Duulaan lagu yahay

Waxaa kale oo Baarlamaanka hadal ka jeediyey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe... iyo Baarlamaanka oo Dooda Badda u ballamay in ay sii wadayaan maalintii saddexaad...

  • SomaliTalk.com | Oct 3, 2011

Halkan ka Dhegeyso Kulankii Baarlamaanka, ee Isniintii Oct 2 (mp3)

Iyadoo weli ay socoto Doodii ku saabsaneyd Badda Soomaaliya isla markaana ay yeelanayeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa Baarlamaanka Hor yimid Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyee Admiral Faarax Qare oo isagu wax badan ka og Badda Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa Xubnhii ka qayb galey Shirkii Dalka Seyishelis  ee looga hadlayey Arrimaha Burcad Badeedka  oo Faarax uu hore u sheegey in shirkaas uu ahaa mid  Duulaan loogu ahaa Badda Soomaaliyeed  wuxuuna sheegey haddii Ummada Soomaaliyeed aysan si wadajir ugua hortagin arrimaha lala Maagan yahay Badda Soomaaliyeed ama lala dmacsan yahay ay wax badan ku weyn doonto

”Shirka wuxuu ahaa  mid looga hadlyey Arrimaha Burcad Badeedka hase yeehshee waxaa na la soo hoos geliyey Qodob sheegaya in Badda Soomaliya ay tahay 12 Mayl arrinkaas aad baan uga Caroodey waxaana u sheegey in Badda Soomaaliya ay tahay 200 oo Nautical mile wuxuuna ahaa shirkaas Shirqool la doonayey in Duulaan lagu soo qaado Badda Soomaaliya “ Admiral Faarax Qare  oo Intaa raaciyey

“Waxaan ku talin lahaa in la dhiso Ciidamo Xoog leh oo ilaaliya Badda Soomaaliyed haddii aan taasi la helin waxaa dhici karta in Badda Soomaaliyeed la soo Huguriyeeyo islamarkaana Duulaan ku soo qaadaan dalal fara badan kuwaas oo doonaya in ay la baxaan khayraadka Badda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso Shidaalka  iyo Gaaska sidoo kale waxaan ku talin lahaa in la helo Dowlad awood badan oo ilaalisa Badda Soomaaliyeed waayo waxaas oo dhan oo Qowleysato ah waxaa looga badbaadi karaa in la helo Dowlad awood badan oo dalka oo dhan wada gaarta” ayuu yiri Faarax Qare

Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxammed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo ka Hadley Kulanka Baarlamaanka ayaa ugu digey dadka ku Howlan arimaha Badda  isagoo sheegey in Baarlamaanka Soomaaliyeed uu Mowqif Mideysan uu iska taago Arrimaha Badda ee Soo noq noq noqdey isla markaana waxaa uu sheegey in uu la yaaban yahay in mar kale Baarlamaanka uu ka doodo Badda Soomaaliya waayo hore ayuu Baarlamaanka Go’aan uga qaatey

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka Hadley kulankaas ayaa Xukuumada Federaalka ee uu Raiisul Wasaaraha ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka dalbadey in faraha kala baxdo arrimaha ku saabsan Badda Soomaaliya  isla markaan aysan ka qayb galin shirarka looga hadlayo Badda Soomaaliya oo ay ugu soo horeyso 19 Desember oo waqti la sheegey in la Xadeynayo Badda Soomaaliya

Xildhibaanada  oo doodooda aad u kululeyd ayaa waxa lagu warmey in waqtiga uu ku yaraadey awadeed  waxaa Shir Gudoomiyaha  kulankaas Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey  uu Iclaamiyey in Kulanka mar kale Berri la isku soo laabto si ay halkaa uga sii socoto Dooda ku aadan Badda Somaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale ka doodaya qorshaha xadeynta badda Soomaaliya.

Isniin: Oct 3, 2011: Waxaa maanta mar kale dood kulal yeelanaya Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Xildhibaannada baarlamaanka Soomaailya ka doodayaan qorshaha xadeynta badda Soomaaliya, waxaana kulankii shalay su'aalo lagu weydiiyay C/raxmaan Sheekh Ibraahim wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya.

Fadhiga Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka soo qeyb gelayaan Mudanayaal horay Wasiiro uga soo noqday xukuumadii ansixisay sharciga badaha Soomaaliya iyo Mudanayaal kale oo agaasimeyaal ka soo noqday Dowladdii Ra'iisal Wasaare Cumar C/Rashiid ayaa la sheegay inay soo diyaariyeen go'aanada Baarlamaanka maanta la filayo inuu soo saaro.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Golaha Baarlamaanka KMG ah uu ka doodayo qodobo ku saabsan arrimaha badda Soomaaliya oo lagu caddeeyay shirkii wada tashiga Soomaalida ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo tilmaamaya in Soomaaliya aanay lahayd xuduud badeed, sidaasi darteedna waxaa la filayaa in fadhiga Baarlamaanka ee maanta lagu laado gebi ahaanba qodobka lagu caddeeyay Road Mapkii laga soo saaray shirkii wada tashiga Soomaalida.

Mudanayaasha ka soo qeyb gelaya fadhiya Golaha Baarlamaanka ee saakay ka furmay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah C/raxmaan Cabdi Shakuur oo isagu ahaa mas'uulkii saxiixay heshiiska Badda Soomaaliya lagula galay Dowladda Kenya isla markaana ay ansixisay Qaramada Midoobay.

Maxamuud Axmed Xasan,
Xuurshe114@gmail.com

Kulankii Baarlamaanka oo cod ah:

Halkan ka Dhegeyso Kulankii Baarlamaanka, ee Isniintii Oct 2 (mp3)

Waxaa codka soo tebiyey Muuse Jiisow


 

Go'aannada laga filayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Mar haddii xildhibaanadda baarlamaanka DFKMG looga bartay difaaca badda, waxaa laga fili karaa in kulankan ay ka soo baxaan qodobo lagu difaacayo badda Soomaaliya, laguna qeexayo in Soomaaliya ay hore u lahayd xad badeed oo aysan xilligan u baahnayn bad loo xadeeyo, dhulbadeedka Soomaaliya leedahayna uu soo hoos gelayo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Xorta ah, taas oo ah:

1. In Qeexid cad uu Baarlamaanku ka bixiyo in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya (Territorial Waters) uu yahay 200 mayl-badeed, sida ku cad xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37 ee 1972, xeerkaas Soomaaliya ayadoo aan ka tanaasulin ayay saxiixnay xeerka badaha Adduunka 1982, isla markaasna ayadoo aan ka tanaasulin xeerkaas ayey ansixinay xeerka badaha adduunka 1989, sidaasna uu xeerka badaha adduunku ku dhaqan galay 1994.

2. In Gebi ahaanba Roadmap-ka laga saaro qodobka ku saabsan badda ee dhigaya in EEZ lagu dhawaaqayo 19-ka December 2011. Waayo looma baahna hadda in bad naloo xadeeyo, sida kor ku xusan xadka Soomaaliya ee dhinaca baddu waa qeexnaa.

3. In Haba yaraatee aan Baarlamaanka loo hoos gelin in ay aqbalaan EEZ halkii ay ka ahayd Territorial Waters. Waayo haddii ay aqbalaan EEZ waxay ka tanaasulayaan xeerka Law No. 37, si aysan islamarkaasna si toos ah ugu aqbalin in Soomaaliya dhul-badeedkeedu yahay 12 nm.

4. In Gebi ahaanba DFKMG ay joojiso saxiixyada arrimaha ku saabsan xadaynta badda oo lagu waayayo dhul-badeed.

5. iyo In xildhibaanadu arrimahaas ka soo saaraan xeer sugaya sharcigii Badda Soomaaliyeed ee Law No. 37. Taas si ay u xaqiijiyaana ay xeerkaas ku daraan Dastuurka Dalka si aanba xukuumadi u farageli, ayagoo ku qeexaya in Dhul-badeedka Qaranka Soomaaliya "Territorial Waters" uu yahay 200 mayl badeed oo u dhiganta 370km. Lana kordhin karo Qalfoofka Qaaradda oo la gaarsiin karo 350 mayl badeed oo u dhigma 648km. Waa muhiim in la xuso in la kordhin karo oo la gaarsiin karo 350 maylbadeed.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhur sugayaan go'aamada ka soo baxa kulanka baarlamaanka ee ka socda Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: