SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Yaxye Shiikh Caamir "Haddii Badda Soomaaliya lagu soo Xad Gudbo waxaa Dhab ah in Badda Buluuga ah isku Bedeli Doonto Bad Gaduudan oo wada Dhiig ah"

  • "Haddii baddeena muran ay gasho, xitaa shanta dawladood ee waaweyn hadday isku raacaan, baddaas yar ee buluugga ah waxay noqonaysaa gaduud .. Wax kasta annagu aan isku hayno, marna ma ogolaan doono in la qaato baddeena, haddii cid isku daydo in ay qaadato taako ka mid ah, baddu dhiig dartiis ayey la gaduudanaysaa..."

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2013

Prof Yaxye Shiikh Caamir oo ka mid ah Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dowladda Norway uu kala Hadley arrimaha Badda Soomaaliya oo ku aadan Muran Dowladii tan ka Horeysey gelisey ka dib markii heshiis Isfaham la gashay Kenya, kaas oo markii dambe uu ka hor yimid Baarlamaankii ku meel Gaarka.

Yaxye Sheekh Caamir
Yaxye Sheekh Caamir:

"Haddii baddeena muran ay gasho, xitaa shanta dawladood ee waaweyn hadday isku raacaan, baddaas yar ee buluugga ah waxay noqonaysaa gaduud .. Wax kasta annagu aan isku hayno, marna ma ogolaan doono in la qaato baddeena, haddii cid isku daydo in ay qaadato taako ka mid ah, baddu dhiig dartiis ayey la gaduudanaysaa..."

Prof Yaxye Shiikh Caamir ayaa sheegay in Dalka Norway uu kula kulmey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Norway, waxuuna sheegey in Dowladda Norway ay aad isaga fogeysey Arimaha la xiriira Badda Soomaaliya.

“Waxaan la kulmey Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo nin la taliye ka ah Wasaaradaas waxaan weydiiyey Guuxa ku aadan in Norway ay ku lug leedahay arrimaha Badda Soomaaliya, waxayan ii sheegeen in aysan wax Lug ah ku lahayn arrimahaas” ayuu yiri Prof Yaxye Shiikh caamir oo intaa raaciyey:

“intii uu kulanka socdey waxay i tusiyeen Dukumenti aad uga hadlaya, waxayna i yiraahdeen waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka faa'iideystaan," Waxana uu yiri isagoo hadalkii sii wata "waxaa la yaab leh in Norway ay noo sheegtey in Badda Soomaaliya ay ku Muransan yihiin Dowladaha Kenya , Yaman iyo Tansaaniya , waxaan weydiiyey? Waaba garan in Kenya iyo Yaman ay Xuduud la leedahay Soomaaliya hase yeeshe Tansaaniya halkee naga soo gashey, waxay yiraahdeen: Tansaaniya waxay sheegeysaa baddiina dhankkeda kore in ay dadka ka dhaxayso oo laga kalluumaysan karo.”

Ugu Dambeyntii Prof Yaxye Shiikh Caamir waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya haddii lagu soo Xad gudbo ay Dhici doonto in Badda Buluuga ah ay isku Badeli Doonto Bad Gaduudan Xitaa haddi ay isku raacaan Shanta dalka ee waaweyn , Khilaaf kasta ha noo Dhaxeeyo, marnaba ma ogaalaaneyno in Badeenna Taako ka mid ah Baddeena in lagu soo xadgudbo.

"Badda Soomaaliya ee Buluugga ah waxay noqon doontaa Gaduud dhiig dartiis haddii la isku dayo in la qaato Taako ka mid ah.."

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  May 28, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: