SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Badda Soomaaliya Beec ma aha (Somalia is NOT for Sale): Xildhibaan Dalxa

  • Inj. Idiris  "baaxadda badda Soomaaliya cabbir ahaan (inta ay xeebta ka durugsan tahay) waxay u dhigantaa masaafo u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaaray (oo isu jira 377 km), waxaana la rabaa masaafada intaas leeg in lagu soo koobo masaafo ka sokaysa Muqdisho iyo Afgooye.
  • Qamar Haashim "Waxaa dhac lagu hayaa badda Soomaaliya iyo Khayraadkeeda, waana arrin muddo la soo diyaarinayey oo xitaa lagu diyaariyey xafiisyada Turkiga - Tan kale Ingriiska iyo Turkiga xiriir dheer ayaa ka dhaxaysa kaas ku salaysan dagaalkii adduunka, waxaana jira shirkado shidaal oo ay wada leeyihiin Ingriiska iyo Turkiga...

Waraysi iyo falanqayn ay baahisay Idaacada Alfurqaan ee aadka looga dhagaysto Muqdisho ayaa looga hadlay boobka lagu hayo Badda Soomaaliya, waxaana waraysiga ka qayb qaatay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo jooga Muqdisho, Qamar Haashim oo Joogta France iyo Injineer Idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka Finland.

Prof. Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya - kana mid ahaa guddoonkii baarlamaankii hore ee diidey in badda Soomaaliya la dhaxal wareejiyo -  ayaa si kulul u sheegay in dhulka Soomaaliya uusan iib ahayn ama beec ahayn.

Waraysigii Radio Alfurqaan ka dhagayso HALKAN ama Halkan.

Injineer Idiris Xasan Faarax ayaa asaguna sheegay Badda Soomaaliya inaysan ahayn 12 Mayl oo xitaa ay ka badantahay 200 oo Mayl, balse ay tahay 200 Mayl-badeed (Nautical Miles*) oo u dhiganta 370.4 kiilo mitir. Waxana uu yiri waa in la fahmo baaxadda badda cabbir ahaan (inta ay xeebta ka durugsan tahay) in ay u dhiganto masaafo u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaaray, waxaana larabaa masaafada intaas leeg in lagu soo koobo masaafo ka sokaysa inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

  • Fogaanta u dhaxaysa Muqdisho iyo Garbahaarey waa 377 km
  • Fogaanta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye waa 30 km.

Injineer Idiris ayaa tibaaxay in Ummadda Soomaaliyeed laga doonayo inay difaacaan una istaagaan ka hortagga qorshaha guracan ee ka dhanka ah Badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa dhankeeda sheegtay Dowladdaha Norway, Ingariiska, Fransiiska iyo Turkiga inay kaalin weyn ku leeyihiin boobka lala damacsanyahay badda Soomaaliya.

Qamar Haashim ayaa Tusaale usoo qaadatay Shirkado shisheeye ah oo qaar kamid ah ay leeyihiin dalalka ay xustay inay haddaba faraha kula jiraan khayraadka Dalka Soomaaliya.


Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilimi Boqore oo si kulul uga soo horjeestey iskuday kasta oo la doonayo in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka oo isna qeyb ka ahaa Falanqeynta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha socda laakin baarlmanku aysan ogolaan doonin Badda Soomaaliya in lagu soo kobo 12 Mayl.

* Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa waa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan "Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM (Nautical Mile).

Badda Soomaaliya Beec ma aha (Somalia is NOT for Sale)

Faafin: SomaliTalk.com |  May 5, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: