- Ku: Madaxwaynaha Dawladda ku meelgaarka soomaaliya = Fadhigiisa
- Ku: Ra'iisulwasaaraha Dawladda Ku meelgaarka somaliya = Fadhigiisa
- Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meelgaarka somaliya = Fadhigiisa
- Ku: Saxaafadda Qaybaheeda kala duwan = Fadhiyadooda
- Ku: Madaxwanaha dawlad Goboleedka Puntland = fadhigiisa.
Ujeeddo: Boobka Dhulbadeedka Soomaaliya
Acw, Sidii ku caddayd qoraalkii uu baahiyay SomaliTalk sanadkii 2009 oo ay
ku soo bandhigtay in Dhulbadeedka Soomaaliya la rabo in la boobo loona
adeegsanayo Magaca dawladda Ku meelgaarka, sida ay ku caddeeyeen warqaddii
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga warqaddii uu saxiixay , inkastoo waqtigaas ay
Dawladda ku meelgaarku isku dayday inay inkirto una samaysay micno kale
, laakiin aakhirkii waxaa la hor geeyay Baarlamaanka ku meelgaarka oo ay
saas ku diideen, ka dibna UN-TA ayaa ka dhigtay wax kama jiraan.
Waxaa jirta in Damacii Dawladdaha adduunka qaarkood uu soo labo kacleeyay oo
haddana ay adeegsanayaan isla Dawladda ku meelgaarka oo la doonayo in laga
ansaxsado Bisha Diisembar 2011,arrintaas oo aan aad u yaalabanahay in
Dawladda ku meelgaarka ah oo ay ahayd inay difaacdo Badda, Cirka iyo Dhulka
soomaaliya in iyadii laga yuraynayo ilaa 2009 ilaa maanta .
Sidaa darteed ,waxaan soo jeedinayaa:-
1)-In Dawladda ku meelgaarka qaybaheeda kala duwan aysan noqon Minididii
soomaaliya lagu gawracayay ee ay noqdaan dad qaada mas'uuliyad , ayna ka
bixiyaan raaligelin wixii horay ugu kaceen welina sii wadaan .Waayo waxaa
Dawlad kastaa rabtaa in xadbadeedkeedii hore ay ku darsato 150nm oo kale ee
ma ahan kii 1972 noogu jiray xeerka badaha aad 96% saxiixdaan.
2)-Haddii aad samayn waydaan ceeb baad kororsan doontaan waxaana idiin geli
doona adduunka baal madow, aakhirana xisaab baa idin sugaysa waayo dhul
muslim leeyahay ayaad gaalo ku wareejiseen ,inkastoo aan ku kalsoonahay
inaan cidna boobi doonin Dhul badeedka soomaaliya oo ummad walba leeyihiin
dad wanaagsan oo u istaaga.
3)-Baarlamaanka ku meelgaarka waxaan leeyahay haddii dawladda ku meelgaarka
ay ka noqon waydo arintaas ayna raaligelin ka bixin waayaan waa inaad
hawshiina qabsataan oo tallaabo degdeg ah qaadaan inta aan la gaarin Bisha
Disembar 2011.
4)-Bulshada qaybaheeda kala duwan kuwa ka dhiidhiyay iyo kuwa kalaba ,waxaan
ka codsanayaa inaanay joojin dadaalka ay ku difaacayaan Dhulbadeedka
soomaaliya, waa in aynaan noqon kuwa damiir laawayaal ah oo iska fiirsada
waxa ka dhacaya dhulkooda.
Gabo-gabadii waxaan u mahadcelinayaa Doorkii aan gabashada lahayn ee ay
qaateen Difaacadda Boobka dhul badeedka soomaaliya SomaliTalk, Sh Maxamed
Idiris, Genaral Qare iyo Bashiir sh Maxamed oo ah isna nin juhdi badan ku
bixiyay arrintaan.
Waxaan idiin rajaynayaa intii u istaagtay arrintaan inuu ilaahay adduun iyo
aakhiraba liibaano intii dhibka wadana uu ilaahay soo hanuuniyo.
Ugaas C/xakiim Nuur Faarax.
weehaan50 AT hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2011
Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)
Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl
(mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan
"Nautical Mile" oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85
km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km
(ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay
Mayl-ka berriga (1852 mitir - 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo
soo gaabiyaa NM. Tixraac: NM:
http://en.wikipedia.org/wiki/Nautical_mile iyo Mile:
http://en.wikipedia.org/wiki/Mile
Xeerka Badaha Adduunka
Xeerka badaha adduunka waxaa in la saxiixo loo furay December 10, 1982,
waxana uu dhaqan galay November 16, 1994 kaddib markii ay dhaqan geliyeen 60
dal. Dalalka ilaa hadda saxiixay tiradoodu waa 161 dal.
Dalalka saxiixay, laakiin aan ilaa hadda dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 dal oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Bhutan, Burundi, Cambodia,
Central African Republic, Colombia, El Salvador, Ethiopia, Iran, Democratic
People's Republic of Korea, Libya, Liechtenstein, Niger, Rwanda, Swaziland,
United Arab Emirates, United States.
Dalalka aan xitaa saxiixin, oo aan dhaqan gelin waxay gaarayaan
ugu yaraan 17 oo ay ka mid yihiin Andorra, Azerbaijan, Ecuador, Eritrea, Israel,
Kazakhstan, Kyrgyzstan, San Marino, South Sudan, Syria, Tajikistan, Timor-Leste,
Turkey, Turkmenistan, Uzbekistan, Venezuela iwm.. |