SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo laga codsaday in ay si deg deg ah ugu qoraan warqad....

Xildhibaanada Baarlamaanka oo lala socodsiinayo in ay ka hor tagaan khatarta ka iman karta Qorshaha Norway iyo Commonwealth ee ku aadan damaca Badda Soomaaliyeed oo ah arrin weli taagan...

  • Bashir Shekh Moxamed bashirmohamud@yahoo.com |  1/11/11

    Qoraaga Magaciisu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waana diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii Soomaaliya uga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway.


"Haddii laba warqadood loo kalo qoro Norwey iyo Commonwealth, oo qoraalkaasi noqdo mid si rasmi ah uga soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaan markaas hubaa in ay dareemayaan in meesha wali ay joogaan dad nool oo aan raacin dadkii la kala diray...."

Inkastoo aan ka codsaday R/Wasaaraha Moxamed Cabdullahi Moxamed in uusan ka tagin HESHIISKII BADDA iyo inta dokumenti ah ee Dowladdu ka heyso, gaar ahaan codsigii ay u qortay Norwey ee ahaa in aay badda Soomaaliya dib u cabbirto, ayaa haddana waxaan XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA la socodsiinayaa in ay jirto khatar weyn oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

MUDANAYAAL iyo MARWOOYIN,

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa shan lifaaq (ATTACH) oo kala ah:-

Markii aad qoraalladaas akhrisaan, waxaad dareemeysaan in meesha ay u wada jaheysanyihiin ay tahay in si aan gabasho lahayn loo rabo in dhul badeedka Soomaliya la boobo oo Kenya la siiyo, sababtuna waxaay tahay annagoo noqonay dad la kala eryay Dalkiina cidlo ka dhigay.

Bacdamaa ay u baahanyihiin kafaa'iideysiga kheyraadka badda dhex qotoma, waxaay door bideen in ay iskaashi la sameeyaan Kenya, ayagoo og in ay horay soo afjarmatay rajadii ay Norwey ka qabtay batroolka Soomaaliya sida aad ku arki kartaan warbixintii ahayd (Dhulbadeedka Soomaaliya wuu leeyahay soohdin cabbiran).

Walaalyaal, waxaan iddinla socodsiinayaa in aan qoray saddex warbixin oo kawada hadlaya khtarta iyo khayaanada ay wadaan Norwey iyo Kenya, warbixinnadaas ma rabo mar kale in aan halkan idiinku soo qoro ee waxaad ka heli kartaan bogga Somalitalk.

Waxaan rabaa oo kaliya si aad u dareentaan khatarta hadda taagan, in aan soo minguuriyo sadarro ku qoran warbixintii ugu dambeysay oo ahayd :-(Yaa u maqan ama diyaar u ah difaaca badda Soomaaliya). ----- Waxaannu la wada soconnaa in Keenya aan laga sugeynin in ay katanasusho boobka aay rabto in aay ku hantido badda Soomaaliya meel kasta ha u martee, arrintaas ayaana keentay in arrimaha badda Soomaaliya ay soo noqnoqdaan. Waxaannu kaloo la soconnaa in Commonwealth ay rabto in ay Keenya u hiiliyaan oo ku garabgalaan boobka ay rabto in ay badda Soomaaliya kula wareegto ayagoo dalbanaya khubaro kale oo ay la kaashanayaan.

Waxaannu kaloo la soconnaa aamusnaanta daba dheeraatay ee Norway kana jawaabi la'dahay qoraalladii loodiray (Safaaradaha Den Haag iyo Roma), arrintaas oo wal wal hor leh abuurtay, loona fasiran karo in ay damacsanyihiin in ay qorshohoodii ku hirgaliyaan:- ee ahaa hadalkii (Dowladda KMG ayaa naga codsatay in badda loo cabbiro) ayagoo iska indha tiraya sharciyadii iyo qoraalladii faraha badnaa oo ka mid yahay qoraalkii Saraakiisha Soomaaliyeed ee Modena oo loo gudbiyay.

Haddaba waxaa cad in labada qorshe ay isku xiranyihiin oo tan Norwey haddii aay hirgasho in Commonwealth- ay si toos ah usoo dhex galayaan ayagoo ku andacoonaya in ay waan waan sameynayaan.

Waxaa iska cad in Norwey haddii aaysan qorshe iyo damac kale wadanin, durbadiiba in aay kasoo jawaabi lahaayeen qoraalladii loo qoray iyo eedeentii ahayd in aay xad gudbeen.

Waxaan kaloo idiinla socodsiinayaa in shirkii lagu qabtay Qaramada Midoobay oo aay ka qeeb galeen 40 Dowladood markii uu Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norwey uu ku dhawaaqay in Soomaaliya baddeeda aaysan cabbirneyn, waxaa u wada sacbiyay Dowladihii ka qeyb galay shirkaas oo dhan, sababtuna waxaay ahayd waxuu isku lifaaqay ARRINTA CABIRIDDA BADDA iyo BURCAD BADEEDKA, waxaana ka arki kartaan qoraalka AFTENPOSTEN ee Norwey kasoo baxay.

Walaalayaal, si looga hortago khatartaas waxaan Xildhibaannada ka codsanayaa in la qoro labo warqadood oo ku aaddan:-

1) In Norway loo sheego in ay baddayadu noo cabirantahay, raalina aanaan ka ahayn mashruuca uu wado Carl Peter Salicath oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norwey.

2) In loo sheego Commonwealth in baddayadu noo cabirantahay sida ku cad Sharciga badaha Aduunka iyo Sharciga Qaranka Soomaaliyeed, sidaas darteed in aay joojiyaan faragalinta aay wadaan, arrintaas oo haddii kale noqonkarta dhibaato hor leh oo ka billaabata Geeska Afrika.

Haddii labadaas warqadood loo kalo qoro Norwey iyo Commonwealth, oo qoraalkaasi noqdo mid si rasmi ah uga soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaan markaas hubaa in ay dareemayaan in meesha wali ay joogaan dad nool oo aan raacin dadkii la kala diray.

Walaalayaal waxaan wada rajeyneynaa in aan wada GUULEYSANNO.

Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com

Tixraac:

Faafin: SomaliTalk.com | 1/11/11


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


warbixin Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: