SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA

Cali Axmed Jaamac Jangali oo Baarlamaanka DFKMG ku Taageeray Diidmadii Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda Soomaaliya!?

  • SomaliTalk.com | December 25, 2009

Wasiirka Arrimaha dibadda DFKMG, Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in aan madaxweynaha DFKMG looga baahnayn in uu saxiixo xeerkii ay baarlamaanka DFKMG ku diideen heshiiskii Is-faham (ee dhexmaray DFKMG iyo Kenya), isagoo intaas ku daray in mar haddii baarlamaanku diidey ay arrintaasi xirantay.

Jangali waxa uu hadalkaas yiri mar uu magaalada Jabuuti waraysi kula yeeshay Maxamed Macallin Cismaan (SomaliTalk Jabuuti) oo weydiiyey su'aal ahayd: Dawladdu waxay hore u gashay Heshiis Afgarada, baarlamaanku waa ka soo hor jeestey, ra'iisul wasaarahana waxa uu u gudbiyey Qarammada Midoobay, maxay tahay sababta hor taagan in madaxweynaha saxiixo?

Waxana uu Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG ku jawaabay: "Madaxweynaha dee saxiix loogama baahnayn baan ku leeyahay BECAUSE (sababtoo ah) madaxweynuhu waxa uu saxiixaa hindise.... ee... sharciyo. Waxay ahayd heshiiska RATIFICATION (ansixin) ayaa looga baahnaa baarlamaanka, baarlamaanka ayaana xaqaas lahaa, baarlamaanku markii uu diidey waa arrin xirantay dee, marka waa .... marka heshiis dal dibadda ah lala soo galo waa la ansixiyaaye uma baahna saxiix madaxweyne."

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen 347 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DFKMG ayaa 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad. Isla markiiba, sida uu dhigayo Dastuurka DFKMG, waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka

Agoosto 1, 2009 kulan ay xildhibaanadda DFKMG ku yeesheen Muqdisho ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Dawladda FKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Sh. Aden Madoobe) waxa uu ka sheegay hadalkan: Tirada xildhibaanada soo xaadirtay, oo doodda u fadhiday waxay ahaayeen 347 xildhibaan. 9 Xildhibaan waxay soo jeediyeen in guddi ha loo saaro. 4 xildhibaan waxay yiraahdeen dib haloo dhigo. 334 xildhibaana waa diideen heshiiska is-afgaradka. Sidaas daraadeed Is-afgaradkii xukuumadda Kenya iyo

Kaddib, sida uu dhigayo Dastuurka DFKMG, waxa uu Sheikh Aadan Madoobe xeerkaas ay baarlamaanku ku diideen heshiiska Is-afgarad u gudbiyey madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed si uu saxiixo oo uu dhaqan galo, islamarkaasna loogu soo saaro FAAFINTA RASMIGA AH EE DAWLADDA.


Sheikh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG

Ilaa hadda Sheikh Shariif arrintaas waa ka gaws adaygay in uu saxiixo xeerkaas.

Sheekh Shariif oo mar sii horeysey ka hadlayey heshiiskaas waxa uu yiri: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray waaba laga gudbay, hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo een yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay. soo rogo.

Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo October 28, 2009 kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan London, UK, ayaa qiray in Kenya ay ku xad gudubtey Qaanuunka Caalamiga ah ee xuduudaha badaha, kaddib markii ay cabirka baddeeda u dhigtay qaab ka hor imanaya qaanuunka, waxana uu Cumar C/rashiid halkaas Soomaalidii isugu timid u sheegay "Kenya waxay runtii VIOLATION ku samaysay International Law", laakiin ilaa hadda ma muuqato ficil qaanuuni ah oo uu qaaday intii ka dambeysey hadalkaas - waxaa xusid mudan in Cumar C/rashiid warqad magaciisa lagu qoray, laakiin uusan saxiixin in loo diray Qarammada Midoobey kaddib diidmadii baarlamaanka, warqaddaas oo garab siineysa heshiiskaas uu Cumar C/rashiid ku tilmaamay Xad-gudubka - ilaa hadda ma jiraan wax muujinaya in uu ka daba tegey warqaddaas magaciisa lagu qoray.

Labadii bilood ee la soo dhaafay (October iyo November 2009) waxaa jirey xildhibaano dadaal weyn u galay sidii looga daba tegi lahaa heshiiskaas. Waxay waraaq u qoreen Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ay ku muujinayaan in heshiiska Is-faham ee badda (Soomaaliya iyo Kenya) ay diideen baarlamaanka Soomaaliya. Ilaa hadda Ban-ki Moon uma uusan jawaabin xildhibaanada, warqaddii ay u direena laguma faafin bagga Qarammada Midoobey, sidii ay u faafiyeen heshiiska Is-faham iyo warqaddii ka dambeysey ee Cumar C/rashiid.


Ban Ki Moon iyo Sheikh Shariif | Isha: innercitypress.com

Haddaba, arrimahaas marka la xeeriyo, maxaa loo qaadan karaa hadalka cusub ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG ee ah: Waxay ahayd heshiiska RATIFICATION (ansixin) ayaa looga baahnaa baarlamaanka, baarlamaanka ayaana xaqaas lahaa, baarlamaanku markii uu diidey waa arrin xirantay dee, marka waa .... marka heshiis dal dibadda ah lala soo galo waa la ansixiyaaye uma baahna saxiix madaxweyne." Jawaabta akhrirtayaasha iyo taariikhda ayaan u dhaafnay.

Cali Axmed Jaamac Jangali waxa kale oo la weydiiyey sida uu u arko in Kenya lagu daray Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka, waxa uu taas kaga jawaabay "ma garanayo waxa aad ka hadleysid."

Xilliga waraysigaas la qaaday Jangali waxa uu (December 7, 2009) Jabuuti kaga qaybgalayay shirkii Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD oo ahaa Shirkii 33-aad.


Jangali iyo Shariif Xasan, Shirkii 33aad ee IGAD, Jabuuti
Halkan ka daawo sawiradii shirka IGAD ee Jabuuti

  • Xildhibaanada Barlamaanka oo xukuumada Cumar Cabdirashid Ku eedeeyey in ay dib u soo nooleysay Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya Akhri
  • Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro Akhri
QODOBKA 36 ee Dastuurka DFKMG oo ku saabsan SHARCI DEJIN

1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.

2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.

3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :

a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama

b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.

5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.

Tixraac: Dastuurka DFKMG: 2002: www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf – 38 bog.

Soomaaliya: Dastuurkii 1979 : (somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf) – 36 bog

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2009

BAARID | SEARCH


TVCodadka iyo Video Ku Saabsan Heshiiska Is-Afgarad ee Ku Saabsan Badda ee Dhex maray DFKMG iyo Kenya....


boqoreKulankii Golaha Baarlamaanka KMG ee Looga Hadli Lahaa Arrimaha Heshiiskii Badda oo "Koronto La'aan u Baaqday"
Sidaas waxaa SomaliTalk.com u sheegay Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG ah, Cismaan Cilmi Boqore....
Akhri... June 15, 2009


aadan

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu Ku Saabsan yahay Xadayn Badaha...
iyo in Isniinta June 15, 2009 uu Baarlamaanku ka doodi doono heshiiskaas..
Akhris/Dhegeysi


Walad Cabdalla oo sheegay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay... waa akhbaartii hore loo sheegay in uu isagu bilowgeeda lahaa... iyo in shirkadda batroolka Norway ay..
Video/Akhris


Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...: Admiral Faarax Qare oo Sheegay in Bedka Badda Soomaaliya yahay 2,000,000 km2, Xuduudda Baddeenuna ay Caddahay....
Akhri/Daawo


aadan

Sh. Aaden Madoobe oo Sheegay in Baarlamaanka DFKMG yeelan doono kulan ku saabsan Heshiiska is-afgarad
"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in xildhibaanno ay mooshin ka keeneen in laga hadlo is af garadkii dhawaan dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya" waraysi uu siiyey Yuusuf Garaad....
Dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay
"Waa run (Kenya) badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan." "Waa RUN iyada hadda xarriijinta ay samaysay ee hadda map-yada addunyada la soo geliyey kii (Kenya) wuu ka soo durkoo toos ayuu u socdaa," Prof. Ibbi Akhri/Daawo...


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version



Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri