Generaal Maxamed Nuur Galaal oo Khiyaano Qaran ku Tilmaamey Heshiiska
Dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Shirkadda Hallidayfinch
- SomaliTalk.com | April 7, 2012
Iyadoo dhawaan Shirkad laga leeyahay Wadanka Ingiriiska ay heshiis la gashey
Dowladda Federaalka Soomaaliya , heshiiskaas oo dhigaya in Shirkadaas ay
Ilaaliso Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Maraakibta ka kaluumeysanaya Xeebaha
Soomaaliya, Kuwa Sunta ku shubaya iyo weliba Tababarida iyo Qalabeynta Ciidamada Badda
Soomaaliyeed iyo bixiinta shatiyada lalaga kalluumaysanayo xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa Heshiiskaan ka
soo horjeestey Siyaasiyiin Aqoonyahano ,
Xildhibaano iyo Xubno kale.
Generaal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed una
waramayey Idaacada Kulmiye ayaa heshiiska ay Dowladda KMG La gashey Shirkadda
Hallidayfinch ku Tilmaamey Khiyaano Qaran islamarkaana Shirkadaas loo
Madaxbaaneeyey in ay la baxdo Khayraadka Badda maadaama aysan jirin Cid la
Xisaabtameysa Shirkadaas isagoo sheegey in Heshiiskaan ku soo beegmey Xilli
Badda Soomaaliya ay ku sugan yihiin Marakliib fara badan oo laga leeyahay
Midowga Yurub iyo Dunida inteeda kale. Gen Maxamed Nuur Galaal waxaa uu intaa raaciyey “Waxaa la yaab leh iyadoo
Maraakiib Ciidaa ka badan ay ku ugan yihiin Xeebaha Soomaaliya ay wax ka qaban
waayeen Burcad Badeedka , Maraakiibta Sunta ku shubaya, iyo kuwa sida
sharcidarada uga Kaluumeysanaya ayaa waxa Dowladda Federaalka ay heshiis la
gashey Shirkadaas oo aan ogahay inaysan waxba Soo kordhineyn “.
Wuxuuna intaa ku
darey “ Waxaa ka sii yaab badan in Howlgalka Ciidamada Midowga Yururb ee Xeebaha
Soomaaliya uu Hogaaminayo Jenenaal u dhashey wadanka Ingiriiska marka
Jeneraalkaas wuxuu qaban waayey miyaa wax ka qaban karta Shirkadaas ka soo jeeda
wadanka Ingiriiska, waan soo dhaweynayaa haddi shirkadaas ay wax ka qabaneyso
Burcad Badeedka , Maraakiibta sida Sharcidarada uga Kaluumeysanaya , iyo kuwa
Sunta ku shubay laakiin waxaan ogahay in shirkadaas ay dano gaar ah ka leedahay
Xeebaha Soomaaliya weliba ay haboon tahay in la isweydiiyo Heshiiskaas”. Dowladda Federaalka
KMG gaar ahaan Masuuliyiintooda ayaa weli ka hadlin heshiiskaan
dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Shirkadaas iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay
weli Xasuusan yihiin Heshiiskii lagu tilmaamey isafgarad ee dhexmey Dowladaha
Soomaaliya iyo Kenya Sanadkii 2009 kaasoo markii dambe ay laaleen Baarlamaanka
Soomaaliya islamerkaana Shacabaka Soomaaliyeed ay si weyn ugu soo horjeesteen.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2012
|